Ra’iisul Wasaare Khayre oo booqday Xarunta Akaadeemiya Cilmiga, Fanka Iyo Suugaanta “SAWIRRO”

Date:

Muqdisho, 17, September 2017— Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa maanta booqday Xarunta Akaadeemiya Cilmiga,Dhaqanka, fanka iyo Suugaanta  oo xurunteedu ku taal magaalada Muqdisho. Waxuuna balan qaaday in dawladiisu ay gacan ka gaysan doonto sare u qaadidda Dhaqanka suuban ee Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay booqashada uu maanta ku yimid xaruntan, wuxuuna tilmaamay ahmiyadda ay leedahay in la soo nooleeyo dhaqanka iyo suugaanta..

Mudane Khayre wuxuu si wayn ugu dheeraaday ahmiyadda uu leeyhay dhaqankeena, ayaa tilmaamay in xukuumadiisu ay si wayn u adeegsato Af-Soomaaliga xiliyadda shaqada lagu guda jiro.

“Haddii aad rabto in dadkaagu ku noolaadaan Soomaalida aad jeceshahay waa in aad ku faantaa waxa tahay, waa in aad ku faantaa dhaqankaaga iyo dawladdaada”. Ayuu yiri Xasan Cali Khayre.

Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa u mahad-celiyey aqoon yahanada Soomaaliyeed ee ku howllan sare u qaadidda dhaqanka iyo Afka. Isla markaana wuxuu balan qaaday in wax badan uu ka qaban doono baahiya ka jira xaruntan oo ka mid ah goobaha loo baahan yahay in si dhab ah looga shaqeyo hirgelintooda.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Jadwalka imtixaanka fasalka 8aad ee sanad dugsiyeedka 2025/2026 oo la shaaciyay

Agaasinka Waxbarashada Gobolka Banaadir ayaa si rasmi ah u...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo la kulmay Saraakiisha Ciidamada Xooga Dalka

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS Mudane Sheekh Aadan Maxamed...

Taliska CXD oo war-saxaafadeed ka soo saaray weerarkii saakay ee magaalada Baydhabo

Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS) waxa uu bulshada...

Guddiga Doorashooyinka oo Shaaciyay Saddexdii Xubnood ee Ka Dhimanaa Golaha Wakiillada Koonfur Galbeed

Guddiga Doorashooyinka Qaranka ayaa shaaciyey liiska saddexda (3) xubnood...