Wasiir Xoosh “Waxaa naga go’an inaan la shaqeyno Guddiga Baarlamaanka iyo G/Madaxabanaan ee Dastuurka”Sawirro”

Date:

 

Muqdisho(SONNA):-Waasaaradda Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta kulan wadatashi ah la yeelatay Guddiga Kor-joogteynta Dib-u-eegista Dastuurka ee Baarlamaanka iyo Guddiga Madaxabanaan ee Dib-u-eegista Dastuurka.

Kulanka ayaa ku saabsanaa in la dardar-geliyo wadashaqaynta sadex geesoodka ah ee ka dhaxeysa Wasaaradda iyo Gudiyada.

Wasiir Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil oo kulanka ka hadlay ayaa sheegay in wadashaqayn iyo midnimo ay tahay in lagu wajaho hawlaha baaxadda leh ee horyaalla Wasaaradda iyo Gudiyada.

“Ujeedada kulankeenna maanta waa inaan isla garano sida aan u wadashaqayn laheen maadaama hawlo badan noo yaalaan, shacabka Soomaaliyeed waxa ay inooga fadhiyaan hawl ballaaran oo ah in Dastuurka dib-u-eegis lagu sameeyo; Wasaaradda waxaa ka go’an in ay wadashaqayn dhaw idinla yeelato” ayuu yiri Wasiir Xoosh.

Dhanka kale, Gudoomiyaha Guddiga Kor-joogteynta Arrimaha Dib-u-eegista Dastuurka ee Baarlamaanka Senator Cabdiqaybdiid iyo Gudoomiyaha Guddiga Madaxabanaan ee dib-u-eegista Dastuurka Maxamed Dahir Afrax ayaa waxa ay soo dhaweeyeen in wadashaqaynta la dardar-geliyo loona midoobo hawsha Qaran.

Gebagabadii, kulanka ayaa ku soo dhamaaday guul iyada oo lagu ballamay in si dhaw loo wadashaqeeyo.

 

—–DHAMAAD—–

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Xoghayaha cusub ee Wasaaradda Gaashaandhigga oo xilka la wareegay

Wasiirka Gaashaandhigga, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta xilka...

Midowga Afrika oo Cambaareeyay Isku Dayga Israa’iil ee Xadgudubka Madax-bannaanida JFS

Guddiga Midowga Afrika ayaa muujiyey walaac xooggan, waxayna si...

Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka ayaa maanta billaabay aqoon-isweydaarsi soconaya muddo toddobaad ah.

Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka (GMXIQ) ayaa maanta...

Munaasabad lagu dhaarinayay Wasiirka cusub ee Wasaaradda Beeraha Koonfur Galbeed oo ka dhacday Baydhabo

Hoggaamiyaha ku meel gaarka ah ee Dowladda Koonfur Galbeed,...