Heshiis Taariikhi ah oo dhex maray Ururada Xamaas iyo Fatax ee Falastiin

Date:

Muqdisho(SONNA) Ururka ย Xamaas, oo fariisin ku leh marinka Ghaza ee dhulka Falastiin ayaa shaaciyay, in uu kala direyo maamulkiisa si uu u qabto doorasho guud taasi kadib markii heshiis laga gaarey khilaafkii u dhexeeyey Xamaas iyo Fatax.

Talaabadan ayaa loogu talagalay soo af-jarista khilaafka siyaasadeed iyo midka dhuleed ee ka dhex oognaa Xamaas iyo ururka Xoreynta Falastiin ee Fatax loo yaqaanno ee uu hogaamiyo madaxweynaha falastiiniyiinta Maxamuud Cabaas.

Goโ€™aankani ayaa lagu tilmaamayaa in uu yahay mid dhabaha u xaareya dhismaha xukuumad dib u heshiineed oo loo dhan yahay.

Khilaafka labada dhinac ayaa soo billowday sanadkii 2007-dii, kadib markii Xamaas oo markaa cod buuxa lagu doortay ay ka saartay Fatax guud ahaa marinka Ghaza.

Marinka Ghaza ee Falastiin waxaa ka jirta xaalad baniโ€™aadanimo oo aad u adag, waxaana ka jirta baahi weyn oo ka dhalatay korontada oo dhulkaasi intiisa badan ka maqan.

Dowladda Masar ayaa dowr muuqda ku leh heshiiskaasi, kadib markii ay garwadeen ka noqotay wada hadalo in muddoo ah labadaasi dhinac uga socday magaalada Qaahir ee Dalkaasi Masar.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiiru-Dowlaha Qoyska oo Muqdisho ka daahfuray mashruuc lagu taageerayo carruurta agoonta ah

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha ee XFS,...

Guddiga Maaliyadda ee BFS oo kulan ku yeeshay xarunta guddoonka ee Villa Hargeysa

Guddiga Miisaaniyadda, Maaliyadda, Qorsheynta, Iskaashiga Caalamiga ah iyo La-xisaabtanka...

Maxkamadda Sare oo laashay natiijada doorashadii Golaha Wakiillada iyo Goleyaasha Deegaanka Galmudug

Maxkamadda Sare ee Federaalka Soomaaliya ayaa maanta laashay natiijadii...