Caruur ku dhimatay dab ka kacay guri kuyaal Magaalada Kismaayo

Date:

Kismaayo (SONNA)-Shan carruur ah oo isku qoys ah ayaa maanta ku geeriyooday dab ka  kacay gurigooda oo ku yaal magaalada Kismaayo,  iyadoo dhacdadan ay aad uga argagaxeen dadkii deegaanka.

Dhacdadan ayaa ka dhacday halka lagu magacaabo Dalxiiska Xaafada Farjano ee magaalada Kismaayo, waxaa la sheegay in hooyada dhashay carruurtan ay ku xirtay guriga, iyadoo dhar dhaqid u aaday xaafad kale, si ay nolol maalmeed ugu raadiso.

Wararka ayaa sheegaya in shanta carruur ee geeriyooday uu ugu weynaa 6 jir, halka kan ugu yar uu ahaa canug naas la nuujinayay.

Wararka ayaa intaa ku daraya in cilad ka dhalatay koronto ku jirtay guriga ay isu bedeshay dab gebi ahaanba qabsaday gurigii ay ku jireen carruurta.

Hooyada dhashay carruurta ayaa la sheegay in markii lagu wargeliyay in carruurteeda ku dhinteen dab ka kacay guriga ayay suuxday,waxaana loola cararay isbilaalada Magaalada Kismaayo.

Madaxweyne ku xigeenka kobaad ee jubaland Maxamuud Sayid Aadan  iyo Wasiirka Madaxtooyada Jubaland oo goobta gaaray ayaa uga tacsiyeey ehelada caruutii ku geeriyooday dabkii maanta ka dhacay guri ku yalaada magaalada Kismaayo.

 

Madaxweyne ku xigeenka ayaa sheegay  in ay ka Maamul ahaan garab istaagi doonaan  qoyskii ay ka baxeen caruurta waxaana la qeybsan donaa murugada.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Warfaafinta oo Wasaaradda ku soo dhoweeyey Danjiraha Talyaaniga

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,...

Madaxweynaha oo ka qaybgalay Salaadda Janaasadda AUN Marxuun Iimaan Maxamed Yuusuf

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo ka qaybgalay aqoon-is-weydaarsi Amniga, Xasilinta iyo Xalalka Waara

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta...

Meydka Marxuum Imaam Maxamed Yuusuf oo lagu aasayo Ceel- Cirfiid

Maanta ayaa lagu wadaa in lagu aaso Meydka Marxuum...