“Runtii horta halkan waxaa ku xiran maxaabiis tiradoodi ay badan tahay,waxayna u xiran yihiin dembiyo kala duwan, sida in ay sharci daro ku soo galeen, hadda waqti xaadarkan ah waxaa soo dhow in la sii daayo maxaabiista harsan oo uu kujiro Boqorka Bartamaha, mabda’iyan way dhamaatay arrintaasi balse, waxaa dhiman oo kaliya hanaankii loo mari lahaa sida in Dukumiintiyadooda la soo uruuriyo”, Ayuu yiri Danjire Maxmed Cali Nuur.
“Wallaahi run ahaantii Dalkan Itoobiya waxaa ka jirta dareen weyn oo ah in Soomaaliya ay kajirto Dowlad weyn oo shacabkeeda daryeeleyso,wixii dembiyo lagu haystana lagu aamini karo dowladda in ay iyada go’aan ka gaarto, iyo in uu sii kordhayo xiriirka ka dhexeeya Dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya siweyn ayaa loo soo dhaweeyey”,. ayuu markale hadalkiisa ku daray.
Ugu dambeyntii wuxuu ugu baaqey shacabka Soomaaliyeed qofkasto oo ehelkiisa tabaayo in uu ku xiran yahay dalka Itoobiya in ay la soo xiriraan Dowladooda si loogu soo gudbiyo safaaradda, taasi oo uu ku tilmaamay in ay fududaynayso in qofkasto uu fursad u heli karo in uu ogaado qofka ka maqan iyo meesha uu ku xiran yahay.
“Runtii horta halkan waxaa ku xiran maxaabiis tiradoodi ay badan tahay,waxayna u xiran yihiin dembiyo kaladuwan, sida in ay sharci daro ku soo galeen,hadda waqti xaadarkan ah waxaa soo dhow in la sii daayo maxaabiista harsan oo uu kujiro Boqorka Bartamaha, mabda’iyan way dhamaatay arrintaasi balse, waxaa dhiman oo kaliya hanaankii loo mari lahaa sida in Dukumiintiyadooda la soo uruuriyo”, Ayuu yir Safiir Maxmed Cali Nuur.
“Wallaahi run ahaantii Dalkan Itoobiya waxaa ka jirta dareen weyn oo ah in Soomaaliya ay kajirto Dowlad weyn oo shacabkeeda daryeeleyso,wixii dembiyo lagu haystana lagu aamini karo dowladda in ay iyada go’aan ka gaarto, iyo in uu sii kordhayo xiriirka ka dhexeeya Dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya siweyn ayaa loo soo dhaweeyey”, Ayuu intaasi ku daray Safiirka.
Ugu dambeyntii wuxuu ugu baaqey shacabka Soomaaliyeed qofkasto oo ehelkiisa tabaayo in uu ku xiran yahay dalka Itoobiya in ay la soo xiriraan Dowladooda si loogu soo gudbiyo safaaradda, taasi oo uu ku tilmaamay in ay fududaynayso in qofkasto uu fursad u heli karo in uu ogaado qofka ka maqan iyo meesha uu ku xiran yahay.
Muqdisho (SONNA) Maamulka degmada Buurhakaba ee gobalka Bay ayaa ka warbixiyay howlgal ay ku qaadeen jidgooyooyin Maleeyshiyada Al-Shabaab ay dhigteen deegaano katirsan Gobolkaasi.
Guddoomiye ku xigeenka degmada Buurhakaba ee Gobalka Bay Maxamed Xasan Fiidow oo la hadlayay Warbahinta Qaranka ayaa sheegay in tuulooyin hoostaga degmada Buurhakaba ay ka sifeeyeen jidgooyooyin ay dhigteen Maleeshiyaadka Al shabaab, halkaa oo ay ku dhibaateyn jireen dadka ku safra wadooyinkaasi
“Waxaan ka war helnay in Maleeshiyada Al Shabaab Deegaano hoostaga Degmada Buurhakaba ay ku dhibaateyn jireen dadka shacabka, Markaan goobta soo gaarnay way isaga carareen, waxaana goobta hada ku sugan ciidanka Maamulka koonfur Galbeed” sidaa waxaa yiri, Gudoomiye ku xigeenka.
Shacabka ku nool deegaanada ay gacanta ku dhigeen ciidamada Koonfur Galbeed iyo kuwa dowlada ayaa si weyn u soo dhaweeyay, wuxuuna Gudoomiye ku xigeenka sheegay in dhibaato badan ay ku qabeen Maleeshiyada Argagaxisada Al shabaab, sidoo kale wuxuu sheegay in ujeedka Howlgaladani ay yihiin sidii la isugu furi lahaa deegaanada ay go’doomiyeen Al shabaab.
“Ma dhici doonto in deegaan ay la wareegaan ciidamada Maamulka Koonfur Galbeed iyo kuwa dowlada dhexe oo is garabsanayo ay dib uga soo laabtaan, U jeedka howlgaladani waa sidii la isugu furi lahaa deegaanadda ay go’doomiyeen Maleeshiyaadka Al Shabaab”.
Ciidamada Dowlada iyo kuwa Maamul goboleedyada dalka oo kaashanaya Ciidamada AMISOM ayaa Deegaano dhowr ah ka wada Howlgalo Argagaxisada Al shabaab looga saarayo goobaha ay kaga dhuumaaleysanayaan.
Golaha ayaa ugu horeyn warbixin ka dhageystay hay’adaha amniga ee la xiriira xaaladaha amni ee dalka guud ahaan, gaar ahaan dhacdadii sarkaalka Jabhada hubeysan ee ONLF, waxeyna sheegeen in uu abaabulayey falal lid ku ah amniga dalka oo uu in muddo ah ka dhexwaday dalka gudahiisa, xiriirna uu la lahaa kooxaha argagaxisada ah ee Al-Shabaab.
Warbixinta amniga qaranka ka dib ayaa Ra’iisul Wasaaraha wuxuu ka codsaday xubnaha golaha wasiirrada in ay ka doodaan, falanqeeyaan, eegaana dhanka siyaasada iyo dhanka sharciga guud ahaan.
Wasaaradda Cadaaladda ayaa warbixin dhanka sharciga ah ka siisay golaha wasiirrada ee ku aadan habraacyada muhiimka ah ee Sharciga dalka iyo Heshiisyadii hore oo ay wada galeen Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dowladda Federaalka Ethiopia.
Golaha waxaa la horkeenay nuqulka Heshiisyo ay Dowladda Federaalka Soomaaliya la gashay Dowladda Ethiopia ee 07dii Juun 2015kii kaas oo dhanka Soomaaliya uu u saxiixay Wasiirru Dowlihii Madaxtooyada JFS Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad ee dawladdii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
Heshiiskan ayaa u aqoonsanaya kooxaha hubaysan oo ay ka mid yihiin Al-Shabaab iyo Jabhadda ONLF in ey khatar ku yihiin amniga labada dal, meelna looga soo wada jeesto oo labada dal ay iska kaashadaan si wada jir ah.
Waxaa sidoo kale la horkeenay Golaha Wasiirrada heshiis la saxiixay 2dii May 2016 oo ay Dawladda Federaalka Soomaaliya iyo Dawladda Federaalka Ethiopia ku heshiiyeen in ay si wada jir ah isaga kaashadaan la dagaallanka nabad-diidka iyo argagixisada si loo xaqiijiyo sugidda amniga iyo xasilloonida labada dal. Heshiiskan waxaa Dowladda Federaalka u wada saxiixay Wasiirkii hore ee Boostada & Isgaarsiinta Mudane Maxamed Jaamac Mursal (Geele) iyo Mudane Cabdikarin Xuseen Guuleed.
Qodobbada Heshiiskaas oo kuwa ugu muhimsan ay ahaayeen “In si buuxda aan isaga kaashanno la dagaallanka iyo cirib tirka kooxaha argagixisada ah gaar ahaan Alshabaab iyo ONLF”.
Dood dheer ka dib, golaha wasiirradu waxey go’aamiyeen arrimahan:
1) In Siyaasada Dowladda Federaalku ay tahay mid ku qotonta iskaashi dalalka geeska Afrika ah, xoojineysana nabad ku-wada-noolaanshaha mandaqadda, xoojinta dhaqaalaha, iskaashiga iyo amniga, isla markaasna aan Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya loo oggoleyn in jabhado hubeysan ama kooxo argagaxiso ah ay gabbaad ka dhigtaan.
2) Golaha Wasiirradu waxey hoosta ka xarriiqeen in shaqsigani uu ahaa sarkaal sare 00 ka tirsan Jabhadda hubeysan ee ONLF, isla markaasna uu falal lid ku ah amniga dalka uu ka dhexwaday geyiga Soomaaliya iyo mandaqadda, iskaashi dhowna la lahaa kooxaha araga-gixisada ee Al-Shabaab.
3) Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay diyaar u tahay in ay kaalin firfircoon ka ciyaarto wax walba oo ka qeybqaadanaya nabadeynta mandaqada si waafaqsan Dastuurka iyo Shuruucda dalka. Dawladda Federaalka Soomaaliya waxey garowsan tahay doorka ciidamada waddamada deriska ah ee Djibouti, Kenya, Ethiopia, Burundi iyo Uganda ay si hagar la’aan ah uga garab-dagaalamayeen ciidamada Qaranka Soomaaliyeed si dalka loogu soo dabaalo xasilooni waarta.
4) Golahu waxuu mar kale hoosta ka xarriiqay heshiiyadii iskaashi ee ay Dawladda Federaalka Soomaaliya iyo Dawladda Federaalka Ethiopia ay kala saxiixdeen sida heshiiskii 07dii Juun 2015kii iyo heshiikii 2dii May ee 2016 oo tilmaamaya in dhan looga soo wada jeesto arrimaha amniga iyo nabad ku wada noolaanshaha mandaqadda. Heshiisyadan waxey si cad u qeexayaan “In cadowga labada dhinac ee Al-Shabaab iyo Jabhada ONLF ay khatar ku yihiin amniga labada dal, meelna looga soo wada jeesto oo labada dal ay iska kaashadaan si wada jir ahna ula dagaalamaan”.
5) Waxaa reebban isla markaasna mamnuuc ah in Jamhuuriyadda Soomaaliya gudaheeda ay kooxaha argagaxisada iyo kooxaha hubeysanba ka dhigtaan gabbaad ay dagaallada iyo collaadaha ka huriyaan oo ay kaga duulaan wadammada jaarka ah.
6) Dawladda Federaalka Soomaaliya waxa ay ka qaadi doontaa tallaabooyin cad-cad oo Sharciga waafaqsan cid kasta oo isku dayda in ay jabhado hubeysan ka dhex abuurto dalka gudihiisa ama ay taageeraan kooxo argagaxiso ah iyagoo maleegaya falal lid ku ah dalka gudihiisa ama/iyo waddamada jaarka ah.
7) Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxa ay dib-u-eegis ku samaynaysaa Heshiisyadii ay dawladdii hore gashay si qabyo-tir loogu sameeyo wixii galdaloolooyin ah ee ku jira (haddii ay jiraan) loona waafajiyo habraac-yada Sharci ee dalka.
Muqdisho(SONNA) Waxaa magaalada Muqdisho ka soconaya kulan looga hadlayo arrimaha horumarinta dhaqaalaha,iyo mashaariicda Soomaaliya kaasi oo u dhexeeya madax ka socota Banggiga Adduunka iyo Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, sida uu ku soo waramaya Wariyeheena C/rashiid Nuur Ibraahim oo goobta ku sugan .
Kulanka waxaa yeelanaya kusimaha Wasiirka Maaliyadda XFS ahna Wasiir ku xigeen mudane C/llaahi Sheekh Cali Qaloocow iyo Wakiilka Banggiga adduunka u qaabilsan Soomaaliya,iyadoo ay goob joog ka yihiin lataliyaal ka kala socoda Xafiisyada Ra’iisul Wasaraah iyo kan Wasaaradda Maaliyadda, agaasimayaasha waaxyaha kala duwan ee Wasaaradaasi.
Mas’uuliyiinta Wasaaradda Maaliyadda ayaa soo bandhigaya qorshayaasha horumarineed iyo guulaha dhanka maamulka Maaliyadda ah oo ay gaartay Dowladda Soomaaliya iyo kaalinta Banggigga aduunka uu ku leeyahya.
Faah faahinta kulankaasi goor dhow kala soco SONNA.SO
Muqdisho (SONNA) Magaalada Beijing ee dalka Shiinaha waxaa saaka ka furmay Kulan aqoon is weydaarsi ah oo ay ka qeyb galayaan Wafuud ka kala socota 10-dal oo Afrikaan ah oo Soomaaliya ay ku jirto, kaasoo ay soo qaban qaabisay Xarunta Tabaradda Caalamiga ah ee Dowlada Shiinaha.
Soomaaliya waxaa uga qeyb galaya Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta, dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Shiikh Yuusuf Cadaala oo ay wehlinayaan Agaasimaha Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee SONNA, Cabdullaahi Shiikh Cabdiraxmaan Heybe, Agaasimaha Waaxda Qorsheynta iyo Xiriirka Caalmiga ah Cabdiraxmaan Axmed Xuseen iyo Madaxa Kormeerka iyo Qiimeynta Wasaaradda Warfaafinta Ifraax Cabdulaahi Cabdi.
Kulankan aqoon isweydaarsiga ah ayaa waxaa diirada lagu saarayaa si kor loogu qaado Xiriirka soo jireenka ah ee Dowlada Shiinaha iyo Dalalka soo koraya oo Soomaaliya ay ka mid tahay.
Inta uu kulanka socdo waxaa lagu baran doonaa sidii Dowladaha soo koraya ay kaga faa’iideysan lahaayeen Kheyraadka Dabiiciga ah iyo ilaha Dhaqaale ay leeyihiin, isla markaana ay hormar badan u sameyn lahaayeen Bulshadooda, si dalalka soo koraya ay u tiigsadaan Hormarka dhaqaale uu sameeyay Dalka Shiinaha.
Sidoo kale waxaa la is dhaafsan doonaa Qibradaha ay leeyihiin Wadamada soo koraya iyo Dowlada Shiinaha, iyadoo la soo bandhigi doono sida ay hormarka balaaran ku sameysay Xukuumadda Beijing, Caqabadaha horyaala Dalalka soo koraya, sida ay kaga gudbi karaan iyo Isbedelada dhaqaale ay rajeyayaan inay sameeyaan.
Aqoon isweydaarsigan oo furmay maanta ayaa wuxuu socon doonaa ilaa iyo 19-ka bishan, iyadoo la filayo Wafdiga Dowlada Soomaaliya u matalaya kulanka inay la wadaagi doonaan Dalalka soo koraya iyo Dowlada Shiinaha sida Soomaaliya ay kaga go’an tahay inay ka faa’iideysato Kheyraadkeeda Dabiiciga ah oo ilaah uu ku maneystay, isla markaana ay u sameyso isbedel balaaran oo dhinaca dhaqaalaha ah iyo hormarka Bulshada.
Waxaa magaalada Muqdisho ka soconaya kulan looga hadlayo arrimaha horumarinta dhaqaalaha,iyo mashaariicda Soomaaliya kaasi oo u dhexeeya madax ka socota Bankiga Adduunka iyo Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, sida uu ku soo waramaya Wariyeheena C/rashiid Nuur Ibraahim oo goobta ku sugan .
Kulanka waxaa yeelanaya kusimaha Wasiirka Maaliyadda XFS ahna Wasiir ku xigeen mudane C/llaahi Sheekh Cali Qaloocow iyo Wakiilka Bankiga adduunka u qaabilsan Soomaaliya,iyadoo ay goob joog ka yihiin lataliyaal ka kala socoda Xafiisyada Ra’iisul Wasaraah iyo kan Wasaaradda Maaliyadda, agaasimayaasha waaxyaha kala duwan ee Wasaaradaasi.
Mas’uuliyiinta Wasaaradda Maaliyadda ayaa soo bandhigaya qorshayaasha horumarineed iyo guulaha dhanka maamulka Maaliyadda ah oo ay gaartay Dowladda Soomaaliya iyo kaalinta Bankiga aduunka uu ku leeyahya.
Magaalada Beijing ee dalka Shiinaha waxaa saaka ka furmay kulan aqoon is weydaarsi ah oo ay ka qeyb galayaan wafuud ka kala socota 10-dal oo Afrikaan ah oo Soomaaliya ay ku jirto, kaasi oo ay soo qaban qaabisay xarunta Tababarada Caalamiga ah ee Dowladda Shiinaha.
Soomaaliya waxaa uga qeyb galaya Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Sheekh Al-Cadaala oo ay wehlinayaan Agaasimaha Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed ee SONNA, Cabdullaahi Sheekh Cabdiraxmaan Heybe, Agaasimaha Waaxda Qorsheynta iyo Xiriirka Caalmiga ah Cabdiraxmaan Axmed Xuseen iyo Ifraax Cabdulaahi Cabdi oo ah xubin ka tirsan Wasaaradda Warfaafinta.
Kulankan aqoon isweydaarsiga ah ayaa waxaa diirada lagu saarayaa si kor loogu qaado xiriirka soo jireenka ah ee Dowladda Shiinaha iyo Dalalka soo koraya oo Soomaaliya ay ka mid tahay.
Inta uu kulanka socdo waxaa lagu baran doonaa sidii Dowladaha soo koraya ay kaga faa’iideysan lahaayeen Kheyraadka Dabiiciga ah iyo ilaha Dhaqaale ay leeyihiin, isla markaana ay hormar badan u sameyn lahaayeen Bulshadooda, si dalalka soo koraya ay u tiigsadaan Hormarka dhaqaale uu sameeyay Dalka Shiinaha.
Sidoo kale waxaa la is dhaafsan doonaa qibradaha ay leeyihiin Wadamada soo koraya iyo Dowlada Shiinaha, iyadoo la soo bandhigi doono sida ay horumarka balaaran ku sameysay Xukuumadda Beijing, Caqabadaha horyaala Dalalka soo koraya, sida ay kaga gudbi karaan iyo Isbedelada dhaqaale ay rajeyayaan inay sameeyaan.
Aqoon isweydaarsigan oo furmay maanta ayaa wuxuu socon doonaa ilaa iyo 19-ka bishan, iyadoo la filayo Wafdiga Dowlada Soomaaliya u matalaya kulanka inay la wadaagi doonaan Dalalka soo koraya iyo Dowlada Shiinaha sida Soomaaliya ay kaga go’an tahay inay ka faa’iideysato Kheyraadkeeda Dabiiciga ah oo ilaah uu ku maneystay, isla markaana ay u sameyso isbedel balaaran oo dhinaca dhaqaalaha ah iyo horumarka Bulshada.
Wefdi uu hogaaminayay Madaxweyne ku-xigeenka Dowlad Goboleedka Jubbaland, Suldaan C/qaadir Xaaji Maxamed (Lugadheere) ayaa kormeer ku tagay deegaanka Goobweyn oo hoostaga magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubbada Hoose, gelinkii dambe ee Talaadadii, halkaasi oo si weyn loogu soo dhaweeyey.
Ujeeddada socdaalka Mas’uuliyiintani ayaa la xiriirta sidii ay ugu kuurgali lahaayeen xaaladaha amni iyo baahiyaha dhanka adeegyada bulshada oo ay qabaan shacabka kunool deegaankaasi,waxaana mas’uuliyiintu ay kormeereen qeybaha uu deegaankaasi ka koobanyahay,si looga hirgeliyo mashaariic horumarineed.
Madaxweyne ku xigeenka Jubbaland ayaa shacabka kunool deegaanada dhaca Waqooyiga Kismaayo ugu baaqey in ay ciidamada Ammaanka kala shaqeeyaan sidii loo sugi lahaa amniga.
“Goobweyn muhiimad gaar ah ayay inoo leedahay,marka waxaan idinka codsanaynaa in ciidamada aad kala shaqeysaan nabadgeliyada,Dowladda ha lataageero,meeshaan waad garanaysaan waqtigii hore sida ay ahaan jirtay,maamulka deegaankana la shaqeeya si amniga loo sugo”, Sidaana waxaa yiri Suldaan Lugadheere.
Waxaa socdaalka Madaxweyne ku xigeenka Jubbaland Suldaan C/qaadir Xaaji Maxamed (Lugadheere) ku wehliyay Wasiiro iyo saraakiil ka tirsan Jubbaland,waxaana booqashadan imanaysaa iyadoo dhawaan, maleeshiyada Al-Shabaab ay weerar ku soo qaadeen xero ay lahaayeen ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa Jubbaland, iyadoo mas’uuliyiintan ay shacabka ugu baaqeen in ay ka qeyb qataan ka hortaga dhagarta cadowga.