Home Blog Page 1562

Shir Wadatashi ah oo ku saabsan Sharciga Socdaalka oo Muqdisho lagu qabtay

0

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyaddaha ayaa shir wadatashi ah u qabatay Khubaro ka kala socday qaar ka mid ah Hay’addaha dowlada iyo Bulshada rayidka, waxaana shirkan uu ku saabsan yahay dib u eegista Sharciga Socdaalka.

Waxaa ka soo qeyb galay Wasiirka Amniga Maxamed Abuukar Islow, Wasiirka arimaha Dibada Yuusuf Garaad Cumar, Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta Eng. Cabdi Canshuur Xasan, Wasiiru dowlaha arimaha gudaha Cabdirashiid Maxamed “Xiddig” iyo Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Gaashaanle Sare Maxamed Adam Jimcaale (Koofi).

Wasiirada Shirka ka soo qeyb galay ayaa ka dalbaday quburada loo soo xulay in ay ka qeyb galaan wax ka badalka sharciga Socdaalka in ay is waafajiyaan xaalada uu hada dalka marayo iyo sharcigan, Maadaama marka la sameynayay sharciga ay aheyd 1966, Xiligaasna ay sameysay dowlada dhaxe, hadana Soomaaliya ay qaadatay Federal , sidoo kalena ay hada aduunka ku soo korortay argagaxiso aan horay loo aqoon.

Shirkan Wadatashiga ah ayaa waxaa lagu qaban doonaa mudo seddex bilood gudahood ah dhamaan Maamul goboleedyada dalka ka dibna waxaa loo soo gudbinayaa Golaha Wasiiradda si ay uga doodaan oo ay baarlamaanka ugu gudbiyaan.

Maamulka Gobolka Gedo oo ka warbixiyey Dagaalkii shalay ka dhacay degmada Baledxaawo.

0

Muqdisho (SONNA) Diyaaradaha dagaalka Kenya ayaa duqeyn la eegtay Maleeshiyadii Shabaab waxyar un kadib markii ay Weerarka ku qaadeen degmada Baledxaawo ee gobolka Gedo.

Duqeyntaasi ayaa la rumeysan yahay in khasaaro naf iyo maalba ay ka gasoo gaarto Maleeshiyaadka oo laga gubay Gaadiid dagaal, ka hor inta ay kasoo laaban deegaanadii ay kusoo duuleen.

Gudoomiye kuxigeenka gobolka Gedo Maxamed Xuseen Al Qaadi ayaa Warbaahinta Qaranka u sheegay in howlgalkaasi lagu gubay 3 ka mid ah Gaadiidka Dagaalka ee Shabaab.

Maxamed Xuseen Al Qaadi oo dhanka kale ka hadlay khasaarihii ka dhashay dagaalkii Baledxaawo ayaa sheegay in dagaalkaasi lagu dilay 13 ka mid ah argagixisada Shabaab.

Maleeshiyada Shabaab ayaa bilaabay Weeraro lagu dhibaateynayo Dadka Shacabka ah, tan iyo markii dagaal looga saaray deegaanadii ay maamuli jireen ee Koofurta iyo Bartamaha Soomaaliya.

Deeq Lacageed Oo La Gaarsiiyay Dugsi Ay Wax Ku Bartaan Arday Baahiyaha Gaarka Qaba

0

Muqdisho (SONNA) Qaar ka mid ah jaalliyahada Soomaalida ee ku nool boqortooyada Ingiriiska ayaa deeq lacag ah oo ay kasoo uruuriyeen dugsiyada waxbarashada ee ku yaalla dalkaasi soo gaarsiyay dugisga Hoose Dhexe iyo Sare Dhagooleyaasha ee Sonad School For Deaf  oo ku yaalla degmada Howlwadaag ee Gobalka Banaadir.

Binti Abuukar Maxamuud oo Jaaliyaddu u soo wakiilatay in deeqdaan lacageed ay soo gaarsiiso dugsiga Hoose, Dhexe iyo Sare ee Dhagooleyaasha ayaa sheegtay in tani ay tahay dhiirigalin iyo taageero ay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee UK ugu talagashay in ay ku garab istaagaan Araday dhagooleyaasha oo baahi weyn u qabay in la caawiyo.

“Waxaan dareemikaraa dhagoolka iyo baahiyaha ay u baahanyihiin, arrintaan waxaa  isoo wakiishay Gabadheyda yare e Samiiro Ducaale oo iyaduba ah gabar dhagaha l’a, waxayna kasoo kala uruurisay Iskuullo ku yaalla dalka Ingiriiska, ilaahay caafimaad wanaagsan ha siiyo” ayay tiri Hooyo Binti Abuukar

Marwo Binti oo hadalkeeda sii wadata ayaa xustay in aysan jirin hay’ad ama dowlad illaa hadda dhabarka u ritay daryeelka caruurtaan Dhagooleyaasha ah, dhammaan dadka Soomaaliyeedna ay waajib ka saarantahay in ay garab istaagaan walidiinta aan awoodin waxbarista caruurta baahiyaha gaarka ah qaba.

Cismaan Maxamed Nuur oo ah xubnin katirsan maamulka iskuulka dhagooleyaasha islamarkaana ah qof dhagaha l’a ayaa ka mahadnaqay deeqda lasoo gaarsiiyay, isago si gaar ah ugu mahadceliyay Samiiro Ducaale oo ah gabar dhagaha L’a oo jaalliyada UK kasoo aruurisay deeqaasi lacageed, Wuxuuna dhinaca kale ugu baaqay walaalaha Soomaaliyeed in ay IL gaar ah u ku eegaan duruufaha ay ku noolyihiin dadka qaba baahiyaha gaarka ah.

“Dugsiga Dhagooleyaasha Sonad School For Deaf waxaa wax ka barta 162 arday 30 waa agoomo, 43 waxa ay kasoo jeedaan qoysaska dantayar ee aan awoodin in ay bixiyaan lacagta waxbarashada ama buugaata soo iibsadaan, 120 dhagoole ah ayaa guryahooda iska jooga, dhammaantoodna ma heystaan fursado waxbarasho iyo daryeelkii ay u baahnaayeen, waxaan weydiisaneynaa dowladda Soomaaliyeed, hayadaha, ganacsatada iyo qof walba oo Alle uu wax siiyay in ay na garab istaagaan”ayuu yiri Cismaan Maxamed Nuur.

Dalka Soomaaliya ma laha goobo ay daryeel ku filan ka helaan caruurta qaba baahiyaha gaarka ah, waxaana muuqato baahi weyn oo dadkaasi u qabaan in ay helaan adeegyo lamid ah kuwa ay helaan caruurta Soomaaliyeed ee Alle lixaadkoodu u dhameystiray.

Maleeshiyo ka tirsan Al Shabaab oo lagu dilay Deegaanka Far Libaax

0

Wararka naga soo gaaraya Deegaanka Far Libaax ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in halkaasi Jab xoog leh lagu gaasriiyay Maleeshiyada Argagaxisada Al shabaab oo dagaal xoogan kala kulmay dadka deegaanka.

Guddoomiye ku xigeenka Amniga iyo Siyaasadda Deegaanka Far Libaax Cawaale Isaaq Jirre oo wareysi siiyay Wakaalada Wararka SONNA ayaa sheegay in dagaalka uu ka dhacay Meel qiyaasta 25-km u jirta magaalada Beledweyne.

Dagaalka ayaa bilowda sida Guddoomiye ku xigeenka uu sheegay ka dib markii Argagaxisada Al shabaab ay isku dayeen inay Jidgooyooyin dhigtaan meel kala barta Beledweyne iyo Far Libaax, ka dibna ay dagaal xoogan la galeen dadka deegaanka.

10 ka mid ah Maleeshiyadii Al shabaab ee dagaalka soo qaaday ayaa halkaasi lagu dilay, waxaana laga gubay gawaari, iyadoo kuwa kalena ay halkaasi isaga carareen.

Hal qof oo rayid ah ayaa ku geeriyooday dagaalka, waxaana hada degan xaalada Deegaanka Far Libaax iyo nawaaxigeeda, iyadoo dadka deegaanka ee Al shabaab la dagaalamay ay dowlada ka codsadeen inay taageerto si ay haraaga Maleeshiyada kaga saaraan meelaha ay ku dhuumaaleysanayaan.

Maamulka Gobolka Gedo oo ka warbixiyey Dagaalkii shalay ka dhacay degmada Baledxaawo.

0

Diyaaradaha dagaalka Kenya ayaa duqeyn la eegtay Maleeshiyadii Shabaab waxyar un kadib markii ay Weerarka ku qaadeen degmada Baledxaawo ee gobolka Gedo.

Duqeyntaasi ayaa la rumeysan yahay in khasaaro naf iyo maalba ay ka gasoo gaarto Maleeshiyaadka oo laga gubay Gaadiid dagaal, ka hor inta ay kasoo laaban deegaanadii ay kasoo duuleen.

Gudoomiye kuxigeenka gobolka Gedo Maxamed Xuseen Al Qaadi ayaa Warbaahinta Qaranka u sheegay in howlgalkaasi lagu gubay 3 ka mid ah Gaadiidka Dagaalka ee Shabaab.

Maxamed Xuseen Al Qaadi  oo dhanka kale ka hadlay khasaarihii ka dhashay dagaalkii Baledxaawo ayaa sheegay in dagaalkaasi lagu dilay 13 ka mid ah argagixisada Shabaab.

Maleeshiyada Shabaab ayaa bilaabay Weeraro lagu dhibaateynayo Dadka Shacabka ah, tan iyo markii dagaal looga saaray deegaanadii ay maamuli jireen ee Koofurta iyo Bartamaha Soomaaliya.

Deeq Lacageed Oo La Gaarsiiyay Dugsi Ay Wax Ku Bartaa Ardayda Qaba Baahiyahay Gaarka

0

Qaar ka mid ah jaalliyahada Soomaalida ee ku nool boqortooyada Ingiriiska ayaa deeq lacag ah oo ay kasoo uruuriyeen dugsiyada waxbarashada ee ku yaalla dalkaasi soo gaarsiyay dugisga Hoose Dhexe iyo Sare Dhagooleyaasha ee Sonad School For Deaf  oo ku yaalla degmada Howlwadaag ee Gobalka Banaadir.

Binti Abuukar Maxamuud oo Jaaliyaddu u soo wakiilatay in deeqdaan lacageed ay soo gaarsiiso dugsiga Hoose, Dhexe iyo Sare ee Dhagooleyaasha ayaa sheegtay in tani ay tahay dhiirigalin iyo taageero ay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee UK ugu talagashay in ay ku garab istaagaan Araday dhagooleyaasha oo baahi weyn u qabay in la caawiyo.

“Waxaan dareemikaraa dhagoolka iyo baahiyaha ay u baahanyihiin, arrintaan waxaa  isoo wakiishay Gabadheyda yare e Samiiro Ducaale oo iyaduba ah gabar dhagaha l’a, waxayna kasoo kala uruurisay Iskuullo ku yaalla dalka Ingiriiska, ilaahay caafimaad wanaagsan ha siiyo” ayay tiri Hooyo Binti Abuukar

Marwo Binti oo hadalkeeda sii wadata ayaa xustay in aysan jirin hay’ad ama dowlad illaa hadda dhabarka u ritay daryeelka caruurtaan Dhagooleyaasha ah, dhammaan dadka Soomaaliyeedna ay waajib ka saarantahay in ay garab istaagaan walidiinta aan awoodin waxbarista caruurta baahiyaha gaarka ah qaba.

Cismaan Maxamed Nuur oo ah xubnin katirsan maamulka iskuulka dhagooleyaasha islamarkaana ah qof dhagaha l’a ayaa ka mahadnaqay deeqda lasoo gaarsiiyay, isago si gaar ah ugu mahadceliyay Samiiro Ducaale oo ah gabar dhagaha L’a oo jaalliyada UK kasoo aruurisay deeqaasi lacageed, Wuxuuna dhinaca kale ugu baaqay walaalaha Soomaaliyed in ay IL gaar ah u ku eegaan duruufaha ay ku noolyihiin dadka qaba baahiyaha gaarka ah.

“Dugsiga Dhagooleyaasha Sonad School For Deaf waxaa wax ka barta 162 arday 30 waa agoomo, 43 waxa ay kasoo jeedaan qoysaska dantayar ee aan awoodin in ay bixiyaan lacagta waxbarashada ama buugaata soo iibsadaan, 120 dhagoole ah ayaa guryahooda iska jooga, dhammaantoodna ma heystaan fursado waxbarasho iyo daryeelkii ay u baahnaayeen, waxaan weydiisaneynaa dowladda Soomaaliyeed, hayadaha, ganacsatada iyo qof walba oo Alle uu wax siiyay in ay na garab istaagaan”ayuu yiri Cismaan Maxamed Nuur.

Dalka Soomaaliya ma laha goobo ay daryeel ku filan ka helaan caruurta qaba baahiyaha gaarka ah, waxaana muuqato baahi weyn oo dadkaasi u qabaan in ay helaan adeegyo lamid ah kuwa ay helaan caruurta Soomaaliyeed ee Alle lixaadkoodu u dhameystiray.

Golaha Ammaanka e QM oo xayiraad xoogan ku soo rogay Waqooyinga Kuuriya

0

Kadib kulan ay ku yeesheen magaalada Newyorka ee xarunta QM ayaa laga soo saaray Qaraarkan  looga jawaabayay tijaabadii lixaad uguna awoodda badneyd ee hubka nukliyeerka, hasayeeshee cunaqabateynta lagu soo rogay Pyongyang kuma ay jirto xayiraad dhanka shidaalka ah, taas oo markii hore uu soo jeediyay Mareykanku.

Go’aanadan cusub waxaa kamid ah xannibaad lagu soo rogay dhoofinta waxyaabaha dharka laga sameeyo iyo xakameyn lagu sameeyo saliidda qayriinka ah ee ay soo dhoofsato Pyongyang.

Qaraarkan dib u eegista lagu sameeyay ayaa yimid kaddib markii ay wadahadallo yeesheen dalalka ka tirsan golaha ammaanka ee leh awoodda codka qayaxan sida Mareykanka, Ruushka, Shiinaha, Britain iyo Faransiiska.

Danjiraha  Mareykanka u fadhiya Qaramada Midoobay, Nikki Hayley, ayaa aheyd qofkii ugu horreeyay ee hadlay markii cunaqabateynta codka loo qaaday, waxaanay sheegtay in Mareykanku uu sameyn doono waxkasta oo uu Kuuriyada Waqooyi kaga joojin karo inay wax khaldan sameyso.

Qaraarkan ayaa sidoo kale lahadal hayaa in uu fursad siinayaa in xayiraad dhanka socdaalka lagu soo rogo Kuuriyada Waqooyi, iyadoo liiska xayiraadda lagu daraayo hogaamiyaha dalkaasi Kim Jong Un iyo shirkadda diyaaradaha ee qaranka Kuuriyada Waqooyi.

Geesta kale war  ka soo baxay Wasaaradda arrimaha dibadda ee Kuuroyada Waqooyi ka hor inta uusan Golaha Ammaanku codka u qaadin cunaqabateynta ayaa waxaa lagu sheegay in Mareykanku uu “qiimaha u dhigma” ka heli doono cunaqabateyntan uu dabada ka riixayo.

Golaha Ammaanka e QM oo xayiraad xoogan ku soo rogay Waqooyinga Kuuriya

0

Muqdisho(SONNA) Kadib kulan ay ku yeesheen magaalada Newyorka ee xarunta QM ayaa laga soo saaray Qaraarkan  looga jawaabayay tijaabadii lixaad uguna awoodda badneyd ee hubka nukliyeerka, hasayeeshee cunaqabateynta lagu soo rogay Pyongyang kuma ay jirto xayiraad dhanka shidaalka ah, taas oo markii hore uu soo jeediyay Mareykanku.

Go’aanadan cusub waxaa kamid ah xannibaad lagu soo rogay dhoofinta waxyaabaha dharka laga sameeyo iyo xakameyn lagu sameeyo saliidda qayriinka ah ee ay soo dhoofsato Pyongyang.

Qaraarkan dib u eegista lagu sameeyay ayaa yimid kaddib markii ay wadahadallo yeesheen dalalka ka tirsan golaha ammaanka ee leh awoodda codka qayaxan sida Mareykanka, Ruushka, Shiinaha, Britain iyo Faransiiska.

Danjiraha  Mareykanka u fadhiya Qaramada Midoobay, Nikki Hayley, ayaa aheyd qofkii ugu horreeyay ee hadlay markii cunaqabateynta codka loo qaaday, waxaanay sheegtay in Mareykanku uu sameyn doono waxkasta oo uu Kuuriyada Waqooyi kaga joojin karo inay wax khaldan sameyso.

Qaraarkan ayaa sidoo kale lahadal hayaa in uu fursad siinayaa in xayiraad dhanka socdaalka lagu soo rogo Kuuriyada Waqooyi, iyadoo liiska xayiraadda lagu daraayo hogaamiyaha dalkaasi Kim Jong Un iyo shirkadda diyaaradaha ee qaranka Kuuriyada Waqooyi.

Geesta kale war  ka soo baxay Wasaaradda arrimaha dibadda ee Kuuroyada Waqooyi ka hor inta uusan Golaha Ammaanku codka u qaadin cunaqabateynta ayaa waxaa lagu sheegay in Mareykanku uu “qiimaha u dhigma” ka heli doono cunaqabateyntan uu dabada ka riixayo.

Alshabab oo lacago baad ah ku siidaayay Gabdho ugu afduubnaa Gobolka Hiiraan

0

Muqdisho(SONNA) Wararka ka imaanaya gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in xoriyadoda ay dib u heleen gadho u afduubnaa in mudo ah kooxaha argagisada Shabaab gelinkii dambe ee Axaddii, kuwaasi oo howlo samafal ka waday Gobolka Hiiraan.

Sida uu Wakaaladad Wararka Qaranka Soomaaliyeed ee SONNA u sheegay  Aabaha dhalay mid kamid ah Gabdhahaasi oo ka gaabsaday magaciisa, Maleeshiyaadka kooxda Alshabaab ayaa siidaayay labo kamid ah sedax Gabdhood oo u shaqaynayay Hay’adda Hello-Trast oo ka shaqeysa arimaha samafalkakadib markii ay ka qaataan waalidiintooda lacago baad ah oo gaaray min 13,000 kun oo Dollar,waxaana la haystay  muddo labo bilood.

“Muddo kadib ayay Shabaab u afduubnaayeen gabdhahan oo sedex ahaa,alaxadulillah maanat ayaa la soo daayay,waxaa nalaga qaatay lacag dhan min 13,000 kun oo Dollar,waxay ka shaqeynayeen awal howlo samafal oo ay Gobolka kawadaan,waxaana laga afduubtay Deegaanka Farlibaax”, Ayuu yiri Aabaha dhalay gabar kamid ah labadaasi Gabdhood.

Gabdhahan oo ahaa 3 qof ayaa laga afduubtay Deegaanka lagu magacaabo Farlibaax oo katirsan Gobolkaasi Hiiraan, halkaasi oo ay ka wadeen howlo loogu gargaarayo dadka dhibaataysan waxaan weli maqan hal gabar taasi oo aan la ogayn waxa ay ka yeelidoonaan maleeshiyaadkaasi Shabaab.

Waalidiinta Gabdhahaasi oo ahaa dhalinyaro ayaa in muddo ah ka walaacsanaa,afduubka loo haystay gabdhahaan oo lagu hayay Deegaanka Buq-Aqable oo katirsan gobolka Hiiraan,waxaana loo diiday in ay arkaan kadib markii halkaasi ay tageen.

16kii bishii July ee tagtay ayay ahayd markii maleeshiyada Alshabaab ay lacago baad ah ay ku siidaayeen ilaa 7 shaqaale samafal oo u shaqeynayay Hay’adda lagu magacabo Gareedo oo ka howlgasha Gobolka Bay 4 kamid ahna ahaa haween,kuwaasi oo ay ka qafaasheen duleedka magaaladaasi.

Faah faahin ka soo baxaysa qarixii goor dhow Muqdisho ka dhacay

0

Muqdisho(SONNA) Inta la xaqiijiyay qof shacab ah iyo dhagar qabihii gaariga waday ayaa ku geeriyootay 9 qof kalena waa ay ku dhaawacmeen  kadib markii gaari nuuca raaxada ah oo uu watay dhagar qabe ku xirnaa waxyaabaha qarxa uu isku qarxiyay wadada Maka Almukaramah,gaar ahan meel u dhow Hotel Wehliye ee magaalada Muqdisho.

Afhayeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Qaasim Axmed Rooble oo warbaahinta kula hadlay goobta falkaasi uu ka dhacay ayaa faah faahin ka bixiyay khasaaraha ka dhashey qaraxaasi.

“Qarax ay soo maleegeen kooxihii dhagar qabayaasha ayaa halkani ka dhacay,waxaana ku dhintay 1 qof oo shacab ah iyo dhagar qabihi gaariga qarxay waday,runtii lama yaqaano halka uu u socday, balse ma uu san gaarin hadafkiisa uu damacsanaa”, Ayuu yiri Qaasim Axmed Rooble.

Xiliga qaraxa uu dhacayay oo ahayd abaaro 5:00 Galabnimo oo 30 daqiiqo dhiman,ayaa waxaa goobtaasi ku sugnaa dad badan oo shacab ah,gaariga nuuciisu waxaa lagu sheegey in uu yahay nuuca raaxadda ah in kastoo uu basbeeley ayna adagtahay in sirasmi ah loo ogaado.

Dadka dhaawacyada ka soo gaarey qaraxaasi ayaa durba loola cararay isbitaalada magaalada Muqdisho, goobta qaraxaasi uu ka dhacay ayaa kamid ah meelaha ugu mashquulka badan ee magaalada Muqdisho.

Tani ayaa qeyb ka ah dhibaatooyinka ay maleeshiyada Shabaab ku hayaan bulshada Soomaaliyeed,iyo beegsiga dadka waxgalka u ah bulshada.