Home Blog Page 1562

Dayactirka leyrarka waa kuwo kaabaya bilicda magaalada & sugidda amniga.

0

Ileysku waa mid kamid ah waxyaabaha mucjisada ah ee lala abuuray dunida,isla markaana uusan sinaba uga maarmin aadanuhu,waxaana xilli kasta barbar socday hindisaha iftiin  dad samee ah oo ka dhashay horumarka uu dadku  ku tallaabsaday mudada fog ee uu jiray.

Marka laga yimaado ileyska dabiiciga ah sida cadceedda iyo dayaxa ee uu Alle ku qurxiyay dunida,waxaa kaloo jira ileys kale oo laga dhaliyo qoraxda iyo kuwo ku shaqeeya aaladaha korontada ee isticmaala mishiinada,kuwaas oo lagama maarmaan u ah nolosha dadka,gaar ahaan sugidda nabadgelyada iyo waxyaabaha kale  oo ku tiirsan dhaqdhaqaaqa bulsgada iyo gaadiidka.

Haddaba,Maxay tahay sababaha kallifay in laga seexdo dayactirka iyo habeynta Nalaka iyo tiirarka baalayaasha ah ee suran wadooyinka magaalada ,yeeyse sugayaan in ay u istaagaan howlahaasi?.

Wadooyinka oo ah halbowlaha ama lafdhabarka ay bulshadu u maraan adeegyada aasaasiga ah ee xagga nolosha iyo kuwo kale oo aan looga maarmin habsami u socodka howlaha dowladnimo ,waxaa xilligaan qaar badan ka muuqda dayactir la’aan soo wajahday dhanka nalalka ama leyrarka ,kadib muddo dhowr sano ah oo ka soo wareegatay markii jidadka Muqdisho lagu xiray tiirarka ama baalayaasha ku shaqeeya ileyska cadceedda.

Qeybo kamid ah waddooyinka  u dhaxeysa dekedda iyo Nambar afar, wadnaha, fagax iyo kuwo kale,ayaa ah jidadka ugu daran ee u baahan dayactirka nalalka iyo tiirarka, kuwaas,oo haddii lagu guuleysto dhameystirka adeegyada ka maqan ay hubaal tahay in ay yaraanayaan tuugada iyo kooxaha kale ee ku kaca falalka dhibaateeya dadweynaha.

Quruxda magaalo waxaa aasaas u ah  wadooyin waasac ah oo lagu suntay nalal ama leyrar,taasoo  ka qeyb qaadan karta  bilicda,gaar ahaan waqtigaan oo shacabku ay daneynayaan in la soo celiyo karaamadii ay lahaan jirtay caasimadda. ,waxaana waajib ah in laga shaqeeyo sidii loo suurtagelin lahaa soo nooleynta aaladaha wax ifiya ee ku xiran dhaqdhaqaaqyada saacida nolosha .

Dhanka kale iftiinka ayaa ah mid gacan ka geysan kara sugidda nabadgelyada,gaar ahaan xilliyada habeenkii oo la tilmaamo in ay soo ifbaxaan tacadiyada lala beegsado dadweynaha iyo ciidamada  ,waxaana iska cad in dayactirka leyrarka aan sinaba looga maarmin howlgalada lagu baacsanaayo cid kasta oo faraha la gasha falal xasilooni darrro ah.

Waan ognahay in ay maqan yihiin adeegyo badan,isla markaana dayactirka nalaka ku shaqeeya Cadceedda & sugidda amnigu ay yihiin kuwo iskaabaya oo u baahanWaddooyin dhisan oo leh adeegyadii aasaasiga ahaa, balse waxaa  jira dhalliil xagga shaqada ah oo  ku aadan waxqabadkadowladda.

Waxaa  habboon  in magaalada Muqdisho ay muraayad u noqoto  magaalooyinka kale ee dalka,balsea ma aha in Mugdi fara badan uu ka  muuqdo ,waaana in xoogga la saaro dayactirka wadooyinka  waaweyn,isla markaana  lagu qurxiyo aaladaha wax ifiya ,kuwaas oo gacan ka geysan karav fududeynta socodka gawaarida iyo kan dadweynaha.

Amni sugan waxa uu ka dambeeyaa magaalo shidan oo ay ka muuqdaan bilicda ay keenaan leyrarka,taasina waa howl  muhiim ah inta badan looga fadhiyo in ay ku dhaqaaqdo dowladda si loo helo adeegyada iskaabaya ee dayactirka iyo sugidda nabadgelyada.

Waa  wax iska fudud in lagu dhaqaaqi karo wax kasta oo loo arko in ay keenayaan  barnaamijyo horumar ah,balse waxa ay u baahan tahay in laga dhabeeyo,isla markaana lagu  sameeyo  dabagal si loo gaaro yoolka ama hadafka ah in lagu guuleysto barnaamijyadaasi loo arkay kuwo miro dhal ah oo kaabaya adeegyada bulshada.

W/Qoray Shire Xasan Kulmiye

Maxkamadda Beladweyne iyo tan racfaanka gobolka oo laga hirgeliyay Hiiraan

0

Munasabadan  lagu daahfurayay  Maxkamadaha Racfaanka Gobolka iyo mida Degmada Beledweyne laguna magacaabayay Guddoomiyeyaasha iyo Garsoorayaasha maxkamadahaasi waxaa ka qayb galay Madaxweynaha Dowlad  Goboleedka Hir-shabeelle, Wasiiro, Xildhibaanno ka tirsan iyo mas’uuliyiin kale.

Goobta waxaa  lagu dhaariyay Guddoomiyaasha Maxkamadaha iyo xubnaha kale ee ka howlgali doona laamaha Garsoorka ka shaqayn lahaa, waxaa ka hadlay Guddoomiyaha degmada Beledweyne Aadan Axmed Xeefow.

“Maanta waxaa isleeyahay Maamulkeena aas aaskeeda ayaa dhismay, mas’uuliyiintana waxaan leeyahay in xilkaan si cadaalad ah ugu adeegtaan bulshada aad matashaan, kana shaqeeya horumarinta cadaaladda”  ayuu yiri Guddoomiyaha Degmada Beledweyne.

Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Cumar Aadan Deeqow ayaa yiri “Waxaan filayaa in wixii maanta ka dambeyeey dadka gobolka ku dhaqan ay heleen nidaamkan Garsoorka ah, isla markaana ay isku xukumi doonaan”

Wasiirka Wasaaradda Garsoorka, Diinta iyo Awqaafta Dowlad Goboleedka  Hirshabelle C/qaadir Cusmaan C/salaam Kheyraad ayaa bogaadiyay mas’uuliyiintan la magacaabay iyo wada shaqeynta shacabka.

“Waxaan leeyahay reer Beledweyne is qabqabsi ma jiro, waxaa aadi jirteen deegaanno kale qofkii aadanaa wixii lagu xukumi lahaa waa diyaar, waxaana idin ku bogaadinayaa in aad la shaqeysaan mas’uuliyiintan la idin magacaabay” ayuu Yiri  Wasiir C/qaadir Cusmaan.

Madaxweynaha maamul Goboleedka Hirshabelle Cali C/laahi Cosoble oo hadal ka jeediyay munaasabadda ayaa si rasmi ah u furay  maxakamadaha Degmada Beledweyne iyo midda racfaanka.

“Saacaan wixii ka dambeya Ummadaan waxaa lagu kala saarayaa shareecda islaamka, mar hadii aan Maxkamadihii  furnay, cid aan ku dhaqanka sharcigaasi ugu leexan doono ma jirto, qofkii qof dilaa ama dhacaa” ayuu yiri Madxweynaha Hirshabeelle.

Ciidamada Amniga oo gacanta ku dhigay koox burcad ah oo dadka dhacayay

0

Ciidamada Ammaanka dowladda Soomaaliya ayaa xalay howlgal ay ka sameeyeen Degmada Yaaqshiid ee Gobolka Benaadir waxa ay ku soo qabteen Koox Burcad ah oo watay Mooto Bajaaj, kuwaa soo dhac u geysan jiray dadka ku nool degmooyinka gobolka Benaadir.

Intii uu howlgalku socday ayaa ciidamada Ammaanka waxa ay dhaawaceen mid ka mid ah Kooxihii Burcadda ahaa, kaa soo isku dayay in uu dagaallamo.

Goobta lagu soo bandhigayay kooxda burcada ah ee ay gacanta ku dhigeen ciidamada Nabadgelyada ayaa waxaa tegay Wasiirka Amniga dowladda Soomaaliya Mudane Maxamed Abuukar Islow, iyo Guddoomiyaha gobolka Banaadir Mudane Taabid Cabdi Maxamed.

Howlgalka ayaa waxaa lagu soo qabtay 12 Mobile oo ay dhaceen Kooxihii burcadka ahaa iyo qori Ak47 ah iyo sidoo kale Mooto Bajaaj oo ay wateen sida uu Warbaahinta u sheegay Wasiirka Wasaarada Amniga ee Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho ayaa sheegay in kooxdan lala tiigsan doono sharciga, si loogu maxkamadeeyo falalka burcadnimada ah ee lagu soo qabtay.

Ciidamada Xasilinta Caasimadda iyo kuwa ammaanka ayaa bilihii lasoo dhaafay waday howlgallo xooggan  oo ay ku dagaallamayaan Kooxaha Burcadda ah ee dhibaateeynayaa Shacabka.

Saraakiil UNDP ka socotay oo gaaray Cadaado (Daawo Muuqaal)

0

Wefdigan maanta gaaray magaalada Cadaado ee xarunta KMG ah maamulka Galmudug oo ka socday hey’adda horumarinta barnaamijyada Qaramada midoobay ee UNDP ayaa waxaa madaxtooyada Galmudug kulan kula yeesheen madaxweyne ku xigeenka maamulkaas iyo guddoomiyaha baarlamaanka dowlad goboleedka Galmudug.

Agaasimaha warfaafinta madaxtooyada Galmudug, Maxamuud Cismaan Cabdulle, oo la hadlay Radio Muqdisho ayaa sheegay in u jeedada wefdigan ay tahay sidii qiimeyn ugu sameyn lahaayeen saameynta abaarta ku dhufatay deegaanada Galmudug iyo sidii maamulka ugu gacansiin lahaayeen barnaamijyada horumarinta.

“Wefdigan waxaa ay u kuurgalayaan xaaladaha abaaraha, caafimaadka iyo arimaha horumarinta deegaanada Galmudug, sida aad la socotaan Galmudug waxaa ku dhufatay abaar xoogan.. hey’addaha iyo dowladuba waxaa ay la tacaaleyaan sidii dadka loogu gurman lahaa,” ayuu yiri agaasimaha.

Maxamuud Cismaan, agaasimaha warfaafinta madaxtooyada, Galmudug ayaa sidoo kale, sheegay saraakiishan ka socotay hey’adda Qaramada midoobay ee UNDP uu qeyb ka yahay qorshaha loogu gurmanayo dadka abaartu saameysay ee deegaanada Galmudug ku nool.

Soomaalida kunool Gobalka Minnesota oo saameyn kuyeeshey dilkii haweeney Australiyaan ahayd

0

Tan iyo markii Dhawaan  wiil Soomaali  Police Amerikaan ah lagu eedeeyey in uu toogtay haweeney Cadaan ahayd oo u dhalatey wadanka Australia, waxaa sii kordhayay walaaca ay kuujinayaan Soomaalida kunool halkaasi,falkan ayaa yimid  ka dib markii ay iyada wacday nambarka gurmadka deg dega ah ee booliska lagala xariiro, waxaana arintaasi si weyn uga hadlay saxaafada maraykanka iyo tan Australia.

Sida uu soo sheegayo wariyaha warbaahinta Qaranbka ee magaalada Minneapolis Liibaan Xuseen, Arintaasi ayaa waxa ay kaliftay in ay jagada iska casisho taliyahii booliska ee magaalada Minneapolis oo cadaadis xoogan kala kulantay duqa magaalada Minneapolis Buttes Haggis balse dadka ayaa is weydiinaya waxa ay arintaasi ku soo kordhin karto kiiskani.

Cabdi Warsame oo ka tirsan Golaha Deegaanka ee magaalada Minneapolis ee dalka Mareykanka  ayaa xalay shir jaraa’ uu ku qabtay, banaanka hore ee masjidka Darul Quba ee Xaafada Soomaalida ay ku badan tahay ee Ceder, waxa uu uga hadlay toogashadii Justine Damond iyo sida warbaahinta Mareykanku ay dilkaas ula xiriirisay Soomaalida gobalka Minnesota ee degan.

Cabdi Warsame ayaa si weyn u dhaliilay saxaafada Maraykanka taasi oo buun buunisay warka la xariira Kiiska askariga dilka lagu eedeeyey.

“Runti aad ayaan uga xunahay sida ayu wax u dheceen, balse waa arrin la buun buuniyay, waxaan doonaynaa in baaritaano la sameeyo si loo ogaado xaqiiqda Jirta” sidaasi waxaa warbahinta u sheegey Cabdi Warsame oo ka tirsan Golaha Deegaanka ee magaalada Minneapolis.

Si kastaba ha ahaatee arrintani ayaa noqotay arrin si weyn loogu hadal haayo magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota waxana jirta cabsi iyo baqdin la xariira dilka lagu eedeynayo Askariga Soomaali Amerikan ka ah ee lagu magacaabo Maxamed Nuur.

Written: By Cali C/qaadir Cali 

Golaha shacabka oo dib u celiyay sharciga la-dagaalanka musuq maasuqa (Daawo Muuqaal)

0

Kalfadhiga Labaad kulankiisa afaraad ee mudaniyaasha golaha Shacabka waxaa shir guddoominayay gudoomiye ku xigeenka koowaad ee golaha shacabka mudane C/weli Sheekh Ibraahim Muudeey,waxaana ajendaha kulanka uu ahaa akhrinta koowaad ee hindise sharciyeedka dhismaha guddiga madaxa-bannaan ee la-dagaalanka musuq-maasuqa.

Wasiirka Cadaaladda ee xukuumadda federaalka Xasan Xuseen Xaaji ayaa golaha Shacabka ka hor akhriyay sharciga dhismaha guddiga madaxa-bannaan ee la-dagaalanka musuq-maasuqa iyo faa’idooyinka uu dalka u leeyahay.

Guddoomiye ku xigeenka labaad ee golaha Shacabka Mudane Mahad C/lla Cawad ayaa xildhibaanada akhriyay qodobada lagama maarmaanka u ah in ay ama ay ka muuqdaan hindise sharciyeed walba oo la hor keenaayo golaha shacabka.

Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo ka mid ah mudaniyaasha golaha shacabka ayaa soo jeediyay in maadaamaa sharcigan qodobo muhiim ah ay ka maqan yihiin loo baahan yahay in dib loogu celiyo wasaaradda si loo dhameystiro.

Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee golaha shacabka  mudane C/weli Sheekh Ibraahim Muudeey ayaa sheegay in sharcigan uu u baahan yahay in lagu soo daro qodobada ka maqan isla markaana wasaaraddu dib loogu celiyay hindise sharciyeedka la- dagaalanka musuq maasuqa.

Dhanka kale, xildhibaan Maxamed Cabdi Gaandi oo ah guddoomiyaha gudiga dib-u-heshiisinta ee ee golaha shacabka ayaa sheegay in dagaal beeleedyo dhibaatooyin badan dhaliyay ay ka jiraan qeybo badan oo ka mid ah gobolada dalka,wuxuuna ku baaqay in dagaaladaasi la jooiyo.

Gudoomiye ku xigeenka koowaad ee golaha Shacabka Mudane C/weli Sheekh Ibraahim Muudeey oo kulanka soo xiray ayaa sheegay in gudoonka golaha shacabka uu ku baaqaayo in si deg deg ah loo joojiyo dagaal beeleedyadaasi.

Madaxweynaha Hirshabelle oo Baladweyne ka furay maxakamadaha degmada iyo tan racfaanka

0

Munasabadan  lagu daahfurayay  maxkamadaha racfaanka Gobolka iyo mida Degmada Beledweyne laguna magacaabayay Guddoomiyaasha iyo garsoorayaasha maxkamadahaasi waxaa ka qayb galay Madaxweynaha Dowlad  Goboleedka Hir-shabeelle Wasiiro iyo xildhibaano katirsaniyo mas’uuliyiin kale.

Goobta waxaa  lagu dhaariyay Guddoomiyaasha maxkamadaha iyo xubaha kale ee ka howlgalidoona laamaha garsoorka ka shaqayn lahaa,waxaa ka hadlay Gudoomiyaha degmada Beledweyne Aadan Axmad Xeefow”

“Maanta waxaa isleeyahay Dowladeena aas aaskeeda ayaa dhismay, mas’uuliyiintana waxaan leeyahay in xilkaan si cadaalad ah ugu adeegtaan bulshada aad matashaan, kana shaqeeya horumarinta cadaaladda”  ayuu yiri Guddoomiyaha degmada Beledweyne samaysaan.

Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Cumar Aadan Deeqow””Waxaan filayaa in wixii maanta ka dambeyeey dadka gobolka ku dhaqan ay heleen nidaamkan garsoorka ah islamarkaana ay isku xukumi doonaan” waxaa yiri sidaasi guddoomiyaha gobolka HIiraan”

Wasiirka wasaaradda garsoorka arrimaha diinta iyo awqaafta Dowlad Goboleedka  Hirshabelle C/qaadir Cusmaan C/salaam Kheyraad ayaa bogaadiyay mas’uuliyiintan la magacaabay iyo wada shaqeynta shacabka.

“Waxaan leeyahay reer Beledweyne is qabqabsi ma jiro, waxaa aadi jirteen deegaano kale qofkii aadanaa wixii lagu xukumi lahaa waa diyaar waxaana idin ku bogaadinayaa in ad la shaqeysaan mas’uuliyiintan la idin magacaabay” ayuu yiri “ wasiir C/qaadir Cusmaan.

Madaxweynaha maamul Goboleedka Hirshabelle Cali C/laahi Cosoble oo hadal ka jeediyay   munaasabadda ayaa si rasmi ah u furay  maxakamadaha degmada Beledweyne iyo midda racfaanka.

“Saacaan wixii ka dambeya umadaan waxaa lagu kala saarayaa shareecda islaamka,mar hadii aan

maxkamadihii  furnay, cid aan ku dhaqanka sharcigaasi ugu leexan doono ma jirto qofkii qof dilaa ama dhacaa” ayuu yiri Madxweyne Cosoble.

W/Q Cali C/qaadir Cali 

Faahfaahin dheeriya oo kasoo Baxaysa duufaan Xalay ku dhufatay Degmada Caluula’

0

Wararka Saaka  ka imaanaya degmada Caluula ee Gobolka Beri ayaa kusoo waramaya inay ku dhufatay Dabaylo kuwaa soo saamayn ku yeeshay Bulshada degmada Caluula.

Wariyaha Warbaahinta Qaranka ee Gobolka Beri Maxamed Muuse Tarsan ayaa saaka soo sheegaya inay Xalay Dabaylo khasaaro gaystay ku dhufteen degmada Caluula ee Gobolka Beri kana mid ah dedmooyinka hoos taga Maamulka puntland.

Wali kama hadlin masuuliyiinta maamulka puntland iyo kan gobolka Beri duufaanta Xalay ku dhufatay degmada Caluula iyo khasaaraha ka dhashay.

Maahan markii ugu horesay ee dabaylo caynkaana ku dhuftaan degmaa Caluula ee Gobolka Beri marar badan ayaa  duufaano Nuuca waxaa ay ku dhufteendegmadaasi.

Ciidamada Amaanka oo saaka fashiliyey Qarax Miino

0

Ciidamada amaanka Soomaaliya ayaa  saaka waxaa ay fashiliyeen Qarax miino oo ay maleeshiyaadka Al shabaab ku aaseen wadada Siinka dheer ee duleedka magaalada Muqdisho.

Qaraxaan oo ahaa minada dhulka lagu aaso ayaa Ciidamadu ku guulaysteen inay ka saaraan wadada  ka dib markii dadka deegaanku ay kusoo wargaliyeen   iyadoo aan wax khasaaro ah gaysan.

Sakiriye C/laahi Cilmi oo ah gudoomiye waaxeed ka tirsan Degmada kaxda ee Gobolka Banaadir  oo la hadlay Radio Muqdisho  ayaa tilmaamay inay Ciidamadu gacanta ku guuleesteen in ay  miinada ka saaraan halkii lagu aasay isagoona sheegay inay Ciidamada aamnku  furfureen miinada.

Ciidamada amaanka ayaa wada  dadaalo ay kaga hortagayaan dhagarta ay maleegayaan  malayshiyaadka Alshabaab waxaana ay bishaan gudaheeda fashiliyeen qaraxyo badan oo lagu dhibaateyn rabay Shacabka Soomaaliyed.

Dowladda Soomaaliya oo beenisey eedeymo uu jaraa’idka Indian Ocean Newsletter ku soo saaray cadadiisa 1455 soona baxay 21kii July 2017

0

Mogadishu, 23 July 2017 – Dowlada Federaalka ee Soomaaliya ayaa beenisey warar ay soo qortay jaraa’idka Indian Ocean Newsletter, cadadiisii 1455 soon baxay 21kii July 2017 oo ay sidoo kale faafisey website-ka www.africaintelligence.com. Maqaalkan oo ay cinwaan uga dhigeen “Dowladda oo welwel gelisey wadamada Galbeedka” waa mid been-abuur ah oo wararka ay xuseen ee sheegaya in Ra’iisul Wasaaraha uu kulan 3 diblomaasi ah kula yeeshay Hargeysa, waxeyna warbixintan ku sheegeen in looga hadlay sumcada ganacsato Soomaaliyeed oo ay ka mid ahaayeen Axmed Yuusf ee Hormuud, Cabdirashiid Ducaale ee Dahabshiil iyo Maxamed Yuusuf ee Salaama Bank.

Dowlada Federaalku waxey caddeyneysaa inuusan dhicin kulan looga hadlayey sumcada iyo sharafta shakhsiyaadka kor ku xusan.
Dowlada Federaalku waxey welwel ka qabtaa maqaalkan oo ujeedo guracan laga lahaa loogu danlahaa in lagu xumeeyo xiriirka wanaagsan ee Dowladda iyo Ganacsatada Soomaaliyeed.

Dowlada Federaalku waxey cadeyneysaa in Ganacsatada Soomaaliyeed ay door weyn ka qaataan dadaalada Dowladda ee soo celinta amniga iyo nabadeynta iyo horumarka dalka.

Dowlada Federaalka ee Soomaaliya waa ka go’antahay xoojinta nabadeynta iyo horumarka dalka tanoo u baahan warbaahin mas’uuliyadi ku jirto. Dowladda Federaalka wet fahamsantahay waana ka go’antahay sare-u-qaadista cabirka fikirka xorta ah, hase yeeshee, waxaan ka digeynaa faafinta qoraalo iyo warar been-abuur ah oo si ku talogal ah warar been ah lagu faafinayo.