Dayactirka leyrarka waa kuwo kaabaya bilicda magaalada & sugidda amniga.

Date:

Ileysku waa mid kamid ah waxyaabaha mucjisada ah ee lala abuuray dunida,isla markaana uusan sinaba uga maarmin aadanuhu,waxaana xilli kasta barbar socday hindisaha iftiin  dad samee ah oo ka dhashay horumarka uu dadku  ku tallaabsaday mudada fog ee uu jiray.

Marka laga yimaado ileyska dabiiciga ah sida cadceedda iyo dayaxa ee uu Alle ku qurxiyay dunida,waxaa kaloo jira ileys kale oo laga dhaliyo qoraxda iyo kuwo ku shaqeeya aaladaha korontada ee isticmaala mishiinada,kuwaas oo lagama maarmaan u ah nolosha dadka,gaar ahaan sugidda nabadgelyada iyo waxyaabaha kale  oo ku tiirsan dhaqdhaqaaqa bulsgada iyo gaadiidka.

Haddaba,Maxay tahay sababaha kallifay in laga seexdo dayactirka iyo habeynta Nalaka iyo tiirarka baalayaasha ah ee suran wadooyinka magaalada ,yeeyse sugayaan in ay u istaagaan howlahaasi?.

Wadooyinka oo ah halbowlaha ama lafdhabarka ay bulshadu u maraan adeegyada aasaasiga ah ee xagga nolosha iyo kuwo kale oo aan looga maarmin habsami u socodka howlaha dowladnimo ,waxaa xilligaan qaar badan ka muuqda dayactir la’aan soo wajahday dhanka nalalka ama leyrarka ,kadib muddo dhowr sano ah oo ka soo wareegatay markii jidadka Muqdisho lagu xiray tiirarka ama baalayaasha ku shaqeeya ileyska cadceedda.

Qeybo kamid ah waddooyinka  u dhaxeysa dekedda iyo Nambar afar, wadnaha, fagax iyo kuwo kale,ayaa ah jidadka ugu daran ee u baahan dayactirka nalalka iyo tiirarka, kuwaas,oo haddii lagu guuleysto dhameystirka adeegyada ka maqan ay hubaal tahay in ay yaraanayaan tuugada iyo kooxaha kale ee ku kaca falalka dhibaateeya dadweynaha.

Quruxda magaalo waxaa aasaas u ah  wadooyin waasac ah oo lagu suntay nalal ama leyrar,taasoo  ka qeyb qaadan karta  bilicda,gaar ahaan waqtigaan oo shacabku ay daneynayaan in la soo celiyo karaamadii ay lahaan jirtay caasimadda. ,waxaana waajib ah in laga shaqeeyo sidii loo suurtagelin lahaa soo nooleynta aaladaha wax ifiya ee ku xiran dhaqdhaqaaqyada saacida nolosha .

Dhanka kale iftiinka ayaa ah mid gacan ka geysan kara sugidda nabadgelyada,gaar ahaan xilliyada habeenkii oo la tilmaamo in ay soo ifbaxaan tacadiyada lala beegsado dadweynaha iyo ciidamada  ,waxaana iska cad in dayactirka leyrarka aan sinaba looga maarmin howlgalada lagu baacsanaayo cid kasta oo faraha la gasha falal xasilooni darrro ah.

Waan ognahay in ay maqan yihiin adeegyo badan,isla markaana dayactirka nalaka ku shaqeeya Cadceedda & sugidda amnigu ay yihiin kuwo iskaabaya oo u baahanWaddooyin dhisan oo leh adeegyadii aasaasiga ahaa, balse waxaa  jira dhalliil xagga shaqada ah oo  ku aadan waxqabadkadowladda.

Waxaa  habboon  in magaalada Muqdisho ay muraayad u noqoto  magaalooyinka kale ee dalka,balsea ma aha in Mugdi fara badan uu ka  muuqdo ,waaana in xoogga la saaro dayactirka wadooyinka  waaweyn,isla markaana  lagu qurxiyo aaladaha wax ifiya ,kuwaas oo gacan ka geysan karav fududeynta socodka gawaarida iyo kan dadweynaha.

Amni sugan waxa uu ka dambeeyaa magaalo shidan oo ay ka muuqdaan bilicda ay keenaan leyrarka,taasina waa howl  muhiim ah inta badan looga fadhiyo in ay ku dhaqaaqdo dowladda si loo helo adeegyada iskaabaya ee dayactirka iyo sugidda nabadgelyada.

Waa  wax iska fudud in lagu dhaqaaqi karo wax kasta oo loo arko in ay keenayaan  barnaamijyo horumar ah,balse waxa ay u baahan tahay in laga dhabeeyo,isla markaana lagu  sameeyo  dabagal si loo gaaro yoolka ama hadafka ah in lagu guuleysto barnaamijyadaasi loo arkay kuwo miro dhal ah oo kaabaya adeegyada bulshada.

W/Qoray Shire Xasan Kulmiye

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Arrimaha Dibedda XFS oo maanta la wareegay xilka

Wasiirka Cusub ee wasaaradda Arrimaha Dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya...

Wasiirka Gaashaandhiga XFS oo Hambalyo u diray Ciidanka Xoogga iyo Saraakiishooda

:-Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhiga Xukuummadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiqaadir Maxamed...

Safiirka Soomaaliya ee Kenya oo ka qayb galay kulan Casho sharaf ah oo looga hadlayey dhaqanka iyo Ganacsiga Soomaalida

-Danjire Jibriil Ibrahim Abdulle ayaa xalay ka qayb-galay kulan...