Home Blog Page 1563

Qarax khasaare geystay oo goor dhow Muqdisho ka dhacay

0

Muqdisho(SONNA) Daqiiqado ka hor ayaa Qarax waxaa uu ka dhacay Wadada maka Al-Mukarama, kaasi oo ka dhashey gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa.

Goobjoogayaal ayaa SONNA u sheegay in uu jiro qasaare, balse aan la xaqiijin Karin inta uu la egyahay, gaadiidka gurmadka deg degga ayaa goobtaasi gaarey kuwaasi oo daabulayay dadka waxyeelada soo gaartey.

Waxaa goobtaasi gaarey mas’uuliyiin iyo saraakiil iyadoo ciidamada amaanka ay wadaan howlgalo amnga lagu sugayo.

Dadka waxyeelada soo gaartay ayaa ah dad shacab ah oo gaarkooda wadada marayay, halka qaarna ay ku sugnaayeen qar kamid ah maqayadaha lagu qaxweeyo ee kuyaala ag agaarka wadada Dabka.

Wixii ku soo kordha kala soco SONNA.SO

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada oo Xilka la Wareegay

0

Waxaa maanta Magaalada Muqdisho ka dhacay Munaasabad uu xilka kula wareegayay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada hidaha iyo tacliinta sare Mudane Xasan Maxamed Cali.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Waxbarashada Faysal Cumar,  Wasiiru Dowlaha Wasaaradda iyo Marti sharaf kale ayaa ka soo qeyb galay Munaasanada.

Xasan maxamed Cali Agaasimaha guud ee wasaaradda Waxbarashada hidaha iyo tacliinta sare  ayaa xilka waxuu kala Wareegay Maxamed Cabduqaadir Nuur oo ahaa Agaasimaha Waxbarshada Aas aasiga iyo Ismaaciil Yuusuf Cusmaan oo ahaa Agaasimaha hidaha iyo taclinta Sare.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Waxbarshadda hidaha iyo taclinta sare Faysal Cumar oo halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in looga fadhiyo Agaasimaha cusub in uu sii ambaqaado horu socodka shaqada wasaaradda.

Agaasimaha Wasaaradda Xasan maxamed Cali oo la kulmay shaqaalaha ayaa wuxuu balanqaaday in uu u shaqeyn doono si cadaalad ah, islmarkaana wuxuu shaqaalaha ka codsaday in ay la shaqeeyaan.

Ururka Gabdhaha Aqoonyahanada Soomaaliyeed oo Deeq gaarsiiyay Gabdho Agoon ah

0

Muqdisho (SONNA) Ururka Gabdhaha Aqoonyahanada Soomaaliyeed ee Ugaaso oo ay ku mideysan yihiin gabdhaha wax ka bartay Jaamacadaha kala duwan ee dalka ayaa deeqdan raashinka ah gaarsiiyey gabdhaha kujira Xarunta Xanaanada Gabdhaha Agoonta Soomaaliyeed ee degmada Boondheere.

Xamdi Maxamed Cali Guddoomiyaha Ururka Ugaaso ayaa sheegtay in deeqdan ay ugu talo galeen gabdhaha Agoonta ah oo xiligan u baahan garab istaag iyo in lala socdo noloshooda.

Maamulaha Xarunta Xanaanada Gabdhaha Agoonta Soomaaliyeed Nuurto Maxamed Cadow ayaa muujisay in deeqdan raashinka ah ay ka turjumeyso doorka gabdhaha Aqoonyahanada ah ay ku leeyihiin u sama falka dadka mudan in la caawiyo oo agoontu ay ugu horeeyaan.

Ururka Gabdhaha Aqoonyahanada Soomaaliyeed ee Ugaaso ayaa ka shaqeeya sare u qaadista iyo horumarinta gabdhaha, caawinta dadka danta yar iyo sameynta Barnaamijka ka qeyb qaadanaya horumarinta Waxbarashada.

Ra’iisul wasaare Khayre oo mushaarkiisa wax ku bari doono 100 arday

0

Ra’isul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa kafaala qaaday in 100 arday oo ka baxay dugsiyada sare ee magaaladda Baydhabo uu ka bixin doono waxbarasho Jaamacadeed.

Xildhibaan Idiris Cabdi Dhakhtar oo ka tirsan golaha shacabka JFS oo shir jaraa’id  ku qabtay magaaladda Muqdisho ayaa sheegay in ra’iisul wasaaraha uu balan qaaday inuu bixin doono kharashka ku baxaya waxbarashada Jaamacadeed ee ilaa 100 arday oo dhameystay waxbarashada dugsiyada sare ee magaaladda Baydhabo.

Sidoo kale, xildhibaanka waxa uu sheegay in booqasho uu ku tagay deegaano ka tirsan gobolka Baay uu ku soo arkay xaalado bani’aadanimo oo ka jira deegaano ka tirsan gobolkaasi.

Xildhibaan Idiris, ayaa tilmaamay in biyo la’aan daran ay ka jirto degmada Buurhakaba ee goboka Baay isla markaana kala hadleen xukuumadda Soomaaliya, isagoona xusey in dowladda u balan qaatay in ay biyo dhaamin loo sameyn doono dadka ku dhaqan deegaanada biyo la’aanta daran ka jirto.

Mudanayaasha Aqalka sare oo u codeeyey in dib loo dhigo Ajandihii ku saabsanaa arrintii Qalbi Dhagax

0

Muqdisho(SONNA) Mudanayaasha  aqalka  sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa oo maanta kulan ku yeeshey magaalada Muqdisho ayaa waxaay go’aamiyeen in dib loo dhigo Ajandihii ku saabsanaa arrinta Qalbi Dhagax.

Fadhiga oo uu shir Guddoominayay Mudane Cabdi Xaashi C/llaahi ayaa waxaa qaar kamid ah xildhibaanadu ay horgeeyeen dalab ah in dib loo dhigo arrintaasi,iyadoo guddoonka uu cod geliyay.

Waxaa ogolaatay in dib loo dhigo Ajandahaasi, 21 mudane, 11 kale waa ay diideen, halka 4 kale ay ka aamuseen.

Guddomiyaha Aqalka sare mudane Cabdi Xaashi C/llaahi oo coddeynta ka dib hadlay ayaa sheegay in dib loo dhigay, maadaama xildhibaanadu ay codkoodii uu u batay dib u dhigista.

Baaq lagu joojinaayo Xasuuqa Muslimiinta Burma

0

Muqdisho (SONNA)- Madaxda Ururka Iskaashiga Islaamka ayaa soo saaray baaqyo looga codsanayo Madaxda dalka Myanmar inay joojiyaan xadgudubyada ka dhanka ah muslimiinta dalkaasi ee Rohinga ,oo sababtay inay kumaanaan kun qof ay ka barakacaan degaanadooda ,una gudbaan dhanka xadka ay Burma la wadaagto dalka Baangaladesh.

Baaqaan ayaa sidoo kale Madaxda iyo Xukuumadaha Islaamka iyo Carabta ay ku tilmaameen xadgudbyada Ciidamada dalka Burma ay ku hayaan muslimiinta Rohinga in ay yihiin kuwo halis ah isla markaana ka hor imaanaya Qaanuunka Dowliga, loona baahan yahay in si deg deg ah wax looga qabto.

Sidoo kale baaqan ka soo baxay Madaxda Ururka Iskaashiga islaamka waxaa lagu soo dhaweeyay dadaalka Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdoğan ee ku wajahan Xukuumadda Mayanmar inay joojiso tallaabo kasta ee ka dhan ah Muslimiinta laga tirada badan yahay ee dalkaasi.

Ururka Iskaashiga Islaamka,waxa ay ku baaqeen in loo dhega nuglaado baaqayda Caalamiga ah ee Golaha amaanka iyo kan Mujtama Dowliga ah.

Maleeshiyada Al shabaab oo laga saaray Degmada Baladxaawo

0

Muqdisho (SONNA) Aragagaxisada Al shabaab ayaa laga saaray Degmada Baladxaawo ee Gobolka Gedo oo saaka ay kula dagaalameen Ciidamada Daraawiishta Jubbaland sida Wakaalada Wararka SONNA ay u xaqiijiyeen dadka deegaanka.

Maleeshiyada Aragagaxisada Al shabaab ayaa saaka gudaha u galay Baladxaawo, waxaana Madaafiic ay ku rideen goobo ay ku sugan yihiiin dad rayid ah oo waxyeelo ay ka soo gaartay, iyagoo Sidoo kale guryahooda ku dhex dilay Labo wiil oo dhalinyaro ah.

Jawiga Magaalada Baladxaawo ayaa hada degan, wixii warar ah ee soo kordha goordhow ayaan idin soo gudbin doonaa.

Ukrian oo dhalashadii kala noqotay Madaxweynihii hore ee Goergia

0

Muqdisho (SONNA): Madaxwaynihii hore ee dalka Goergia MICHEL SHAKASVIILI ayaa dawladda Ukrain ay kala laabatay dhalashadii uu wadankaa ka haystay, iyada oo laba jeer laga celiyay xuduuda wadanka Ukrain,ka dib markii uu amarka bixiyey madaxwaynaha dalkaasi.

Shakaasvilii ayaa haystay laba dhalasho oo ay ku jirto mida wadanka Ukrain tan iyo intii uu ahaa madaxwaynaha dalka Goreiga.

Madaxwaynaha Ukrain ayaa ku andacoonaya in aanu Mr: Shakaasvilli dhalasho Ukrain ah qaadan karin,waxaanu ku sababeeyay in dastuurka dalka Ukrain aanu ogolayn qof haysta dhalasho dal kale.

Michel Shakaasvilii ayaa dhinaciisa sheegay in uu maxkamada sare ee dalkaas u gudbin doono dacwad ka dhan ah madaxwaynaha dalka Ukrain.

Suxufi:Noqo mid wax dhisa.

0

Saxaafaddu waa muraayad laga  daawado  horumarka dhaqan dhaqaale ee ka muuqda ilbaxnimada  iyo xadaaradda soo jireenka ah ee kala dhexeeya bulsho weynta caalamka ee mudada fog ku noolaa dunidaan

Labaatankii sano ee u dambeeyay gudaha dalka Soomaaliya waxaa ka ka hanaqaaday saxaafad xor ah oo ay taabagalinteeda iska kaashadeen aqoonyahanno isugu jiray dad wax ku bartay dalka iyo kuwo kale oo ku soo barbaabaray dibadda isla markaana doorbiday in ay wax ka baddalaan warbaahinta Soomaalida oo muddo badan ku soo jirtay gacan mileteri iyo caburin xad dhaaf ah.

Warbaahinta Soomaalida oo dhowr iyo tobankii sano ee la soo dhaafay ku bilaabatay qaab ganacsi iyo kuwo laga lahaa dano  siyaasadeed , waxa ay soo saareen suxuufiyiin badan oo kaalin muhiim ah ka qaatay geedi socodka nabadda iyo rajo soo celinta umadda.

Xilligaan waxaa la oran karaa warbaahinta Soomaaliya,waxa ay ku tallaabsatay horumar lixaad leh ,kadib kolkii qeybaha bulshadu ay heleen saxaafad xor ah oo ay ku gudbin karaan fikradaha isdiidan,kuwa wax dhisaya iyo iyo kuwa kale ee lagu dhaliilayo hogaamiyaasha umadda.

Inkastoo warbaahinta Soomaaliya ay gaartay guulo wax ku ool ah haddana waxaa muuqda dhaliillo ka imaanaya qaar kamid ah suxuufiyiinta ka howlgala gudaha dalka iyo dibadda,kuwaas oo u qaatay in saxaafadda lagu soo bandhigi karo qoraallo ama hadallo laga dheehan karo wax dumin,caadhifad iyo nin jecleysi.

Iyadoo la dareemayo in doorka  saxaafadda uu yahay mid qiimo weyn  ku leh bulshada dhexdeeda xillgaan,qaladaadka dhinaca warbaahinta ah ah ee ay galaan suxuufiyiinta ama madaxda xarumaha,waa kuwo si toos ah u taabanaaya shaqada ay u hayaan bulshada isla markaana sumcad xumo ku abuuraya kalsoonida kala dhexeysa dadka,

Hadabba maxay ka dhigan tahay in aad wareysato ruux qaran dumis ah ama qof doonaya in uu dhalliil been ah u sameeyo dowladda,arintaasi waxaa lagu macneyn karaa si xun wax u sheeg sixi waa ka daran yahau waayo adiga ayaa u fududeeyay in la isticmaalo aaladda warbaahinta oo xilliyada qaar noqota mid wax lagu dumiyo.

Inta badan ma kuu muuqdaan in aad difaacdo dowladda ,adigoo eegaya maslaxadda dadka iyo dalka oo waqtigaan ka soo gudbaya marxaladdii burburka,mase waxaad dooneysaa in dib loogu laabto nidaamkii qabiilka iyo kala fogaamta Soomaalida?

Isku day in aad dhexdhexaad ka noqoto hardanka siyaasadeed ee u dhaxeeya madaxda,iskana ilaali in aad la safato garab,waxaana haboon in aad hakiso ama joojiso qoraal ama hadal kasta oo ka hor imaanaya danta dadka iyo dalka.

U diid  warbaahintaada in ay adeegsadaan cid kasta oo daneyneysa in ay kiciyaan mowjado qabiil iyo kuwo u xusul duubaya in la wiiqo dowladda curdunka ah ee laga filayo soo celinta karaamadii ay lahaayeen dadka iyo dalka.

Suxuufigu waa in waxa uu gudbinaayo uu latashiyo kala sameeyo madaxda  si meesha ay uga baxdo tayo xumo soo wajahda qaab dhismeedka waxsoosaarka warbaahinta, iyadoo maanka la galinaayo in dadka lala hadlaayo ay yihiin aqoonyahan ,kuwo kula siman iyo kuwo kaa liita.

Suxufiga dhabta ah waa midka ka shaqeeya horumarka dadka iyo dalka ee ma aha kan u adeega dad  gaar ah isla markaana buunbuuniya ceebaha iyo dhaliilaha lagu tilmaamo  hogaamiyaasha qaar ,waxaana mudan in aad adeegsato  qaab asluubeysan oo aad ku gudbin karto dhibaatooyinka jira.

Xusuusnoow saxaaafadda aad ku howlgaleyso  waa seef laba afla ah, macnaha waxaa loola jeedaa cid ayaad ku dulmin kartaa ha noqdaan shaqsiyaad, mas’uuliyiin ,dowlad ama hogaamiyaal bulsho marna wax ayaad ku dhisi kartaa sida horumarka dadka iyo dalka, Hana  ku sifoobin  aalad ay adeegsadaan dadka fidno abuurka ah ee u taagan fulinta dano  gaar ah iyo kuwo shisheeye.

Waxaa lama huraan ah in dowladda iyo madaxda shirkadaha warbaahinta ay u howlgalaan sidii tababarro aqoon kororsi ah oo la xiriira xirfadda saxaafadda loo siin lahaa shaqaalaha qeybaha warbaahinta,iyadoo sidoo kale ay waajib  tahay in jagooyinka loo magacaabayo  tifatirayaasha iyo madaxda barnaamijyada ay noqdaan kuwo aqoon iyo waayo aragnomo  durugsan u leh Saxaafadda.

Ogoow haddii la garab-maro anshaxa saxaafadda in ay ay jiraan hey’ado garsoor oo awood u leh in ay kaa qaadaan tallaabo sharci ah oo horseedi kara in lagu soo taago maxkamad, kadibna aad halkaa ku weydo magacii iyo sumcaddii aad laheyd,mana ahan wax xun sheeg waxyaabaha uu suxufigu ku gaaro maqaam.

 

W/Qoray Shire Xasan Kulmiye

 

Baaq lagu joojinaayo Xasuuqa Muslimiinta Burma

0

Madaxda Ururka Iskaashiga Islaamka ayaa soo saaray baaqyo looga codsanayo Madaxda dalka Myanmar inay joojiyaan xadgudubyada ka dhanka ah muslimiinta dalkaasi ee Rohinga ,oo sababtay inay kumaanaan kun qof ay ka barakacaan degaanadooda ,una gudbaan dhanka xadka ay Burma la wadaagto dalka Baangaladesh.

Baaqaan ayaa sidoo kale Madaxda iyo Xukuumadaha Islaamka iyo Carabta ay ku tilmaameen xadgudbyada Ciidamada dalka Burma ay ku hayaan muslimiinta Rohinga in ay yihiin kuwo halis ah isla markaana ka hor imaanaya Qaanuunka Dowliga, loona baahan yahay in si deg deg ah wax looga qabto.

Sidoo kale baaqan ka soo baxay Madaxda Ururka Iskaashiga islaamka waxaa lagu soo dhaweeyay dadaalka Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdoğan ee ku wajahan Xukuumadda Mayanmar inay joojiso tallaabo kasta ee ka dhan ah Muslimiinta laga tirada badan yahay ee dalkaasi.

Ururka Iskaashiga Islaamka,waxa ay ku baaqeen in loo dhega nuglaado baaqayda Caalamiga ah ee Golaha amaanka iyo kan Mujtama Dowliga ah.