Dowladda Soomaaliya oo beenisey eedeymo uu jaraa’idka Indian Ocean Newsletter ku soo saaray cadadiisa 1455 soona baxay 21kii July 2017

Date:

Mogadishu, 23 July 2017 – Dowlada Federaalka ee Soomaaliya ayaa beenisey warar ay soo qortay jaraa’idka Indian Ocean Newsletter, cadadiisii 1455 soon baxay 21kii July 2017 oo ay sidoo kale faafisey website-ka www.africaintelligence.com. Maqaalkan oo ay cinwaan uga dhigeen “Dowladda oo welwel gelisey wadamada Galbeedka” waa mid been-abuur ah oo wararka ay xuseen ee sheegaya in Ra’iisul Wasaaraha uu kulan 3 diblomaasi ah kula yeeshay Hargeysa, waxeyna warbixintan ku sheegeen in looga hadlay sumcada ganacsato Soomaaliyeed oo ay ka mid ahaayeen Axmed Yuusf ee Hormuud, Cabdirashiid Ducaale ee Dahabshiil iyo Maxamed Yuusuf ee Salaama Bank.

Dowlada Federaalku waxey caddeyneysaa inuusan dhicin kulan looga hadlayey sumcada iyo sharafta shakhsiyaadka kor ku xusan.
Dowlada Federaalku waxey welwel ka qabtaa maqaalkan oo ujeedo guracan laga lahaa loogu danlahaa in lagu xumeeyo xiriirka wanaagsan ee Dowladda iyo Ganacsatada Soomaaliyeed.

Dowlada Federaalku waxey cadeyneysaa in Ganacsatada Soomaaliyeed ay door weyn ka qaataan dadaalada Dowladda ee soo celinta amniga iyo nabadeynta iyo horumarka dalka.

Dowlada Federaalka ee Soomaaliya waa ka go’antahay xoojinta nabadeynta iyo horumarka dalka tanoo u baahan warbaahin mas’uuliyadi ku jirto. Dowladda Federaalka wet fahamsantahay waana ka go’antahay sare-u-qaadista cabirka fikirka xorta ah, hase yeeshee, waxaan ka digeynaa faafinta qoraalo iyo warar been-abuur ah oo si ku talogal ah warar been ah lagu faafinayo.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda oo daahfuray Qorshaha Istaraatijiyadda WFP ee gudaha Soomaaliya ee 2026-2030

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Saalax Axmed Jaamac ayaa daahfuray...

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay magaalada Muqdisho

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay...

Wasiirka Waxbarashada oo magaalada Laascaanood ka dhagax dhigay dhismaha Dugsi Hoose/dhexe ah

Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Farah Sheikh...

Garsoore Cumar Cartan oo dhex-dhexaadin doona finalka CECAFA Cup

Garsooraha Soomaaliyeed Cumar Cabdulqaadir Cartan ayaa dhex-dhexaadin doona ciyaarta...