Ciidamada Amniga oo gacanta ku dhigay koox burcad ah oo dadka dhacayay

Date:

Ciidamada Ammaanka dowladda Soomaaliya ayaa xalay howlgal ay ka sameeyeen Degmada Yaaqshiid ee Gobolka Benaadir waxa ay ku soo qabteen Koox Burcad ah oo watay Mooto Bajaaj, kuwaa soo dhac u geysan jiray dadka ku nool degmooyinka gobolka Benaadir.

Intii uu howlgalku socday ayaa ciidamada Ammaanka waxa ay dhaawaceen mid ka mid ah Kooxihii Burcadda ahaa, kaa soo isku dayay in uu dagaallamo.

Goobta lagu soo bandhigayay kooxda burcada ah ee ay gacanta ku dhigeen ciidamada Nabadgelyada ayaa waxaa tegay Wasiirka Amniga dowladda Soomaaliya Mudane Maxamed Abuukar Islow, iyo Guddoomiyaha gobolka Banaadir Mudane Taabid Cabdi Maxamed.

Howlgalka ayaa waxaa lagu soo qabtay 12 Mobile oo ay dhaceen Kooxihii burcadka ahaa iyo qori Ak47 ah iyo sidoo kale Mooto Bajaaj oo ay wateen sida uu Warbaahinta u sheegay Wasiirka Wasaarada Amniga ee Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho ayaa sheegay in kooxdan lala tiigsan doono sharciga, si loogu maxkamadeeyo falalka burcadnimada ah ee lagu soo qabtay.

Ciidamada Xasilinta Caasimadda iyo kuwa ammaanka ayaa bilihii lasoo dhaafay waday howlgallo xooggan  oo ay ku dagaallamayaan Kooxaha Burcadda ah ee dhibaateeynayaa Shacabka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweynaha JFS “Dastuurka dhaqangalkiisa waa bilowday, dhowaana waa la kala sarayaa Baarlamaanka iyo XFS.”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo...

Howlgal jab xooggan lagu gaarsiiyay khawaarijta oo ka dhacay Gobolka Hiiraan

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO XARIGGA KA JARAY DHISMAHA CUSUB EE WASAARADDA DHALLINYARADA IYO CIYAARAHA

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Guddoomiye Dr. Maryan Qasim oo kulan la yeelatay Safiirka UK ee Soomaaliya

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-Bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka Dr. Maryan...