Madaxweynaha Hirshabelle oo Baladweyne ka furay maxakamadaha degmada iyo tan racfaanka

Date:

Munasabadan  lagu daahfurayay  maxkamadaha racfaanka Gobolka iyo mida Degmada Beledweyne laguna magacaabayay Guddoomiyaasha iyo garsoorayaasha maxkamadahaasi waxaa ka qayb galay Madaxweynaha Dowlad  Goboleedka Hir-shabeelle Wasiiro iyo xildhibaano katirsaniyo mas’uuliyiin kale.

Goobta waxaa  lagu dhaariyay Guddoomiyaasha maxkamadaha iyo xubaha kale ee ka howlgalidoona laamaha garsoorka ka shaqayn lahaa,waxaa ka hadlay Gudoomiyaha degmada Beledweyne Aadan Axmad Xeefow”

“Maanta waxaa isleeyahay Dowladeena aas aaskeeda ayaa dhismay, mas’uuliyiintana waxaan leeyahay in xilkaan si cadaalad ah ugu adeegtaan bulshada aad matashaan, kana shaqeeya horumarinta cadaaladda”  ayuu yiri Guddoomiyaha degmada Beledweyne samaysaan.

Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Cumar Aadan Deeqow””Waxaan filayaa in wixii maanta ka dambeyeey dadka gobolka ku dhaqan ay heleen nidaamkan garsoorka ah islamarkaana ay isku xukumi doonaan” waxaa yiri sidaasi guddoomiyaha gobolka HIiraan”

Wasiirka wasaaradda garsoorka arrimaha diinta iyo awqaafta Dowlad Goboleedka  Hirshabelle C/qaadir Cusmaan C/salaam Kheyraad ayaa bogaadiyay mas’uuliyiintan la magacaabay iyo wada shaqeynta shacabka.

“Waxaan leeyahay reer Beledweyne is qabqabsi ma jiro, waxaa aadi jirteen deegaano kale qofkii aadanaa wixii lagu xukumi lahaa waa diyaar waxaana idin ku bogaadinayaa in ad la shaqeysaan mas’uuliyiintan la idin magacaabay” ayuu yiri “ wasiir C/qaadir Cusmaan.

Madaxweynaha maamul Goboleedka Hirshabelle Cali C/laahi Cosoble oo hadal ka jeediyay   munaasabadda ayaa si rasmi ah u furay  maxakamadaha degmada Beledweyne iyo midda racfaanka.

“Saacaan wixii ka dambeya umadaan waxaa lagu kala saarayaa shareecda islaamka,mar hadii aan

maxkamadihii  furnay, cid aan ku dhaqanka sharcigaasi ugu leexan doono ma jirto qofkii qof dilaa ama dhacaa” ayuu yiri Madxweyne Cosoble.

W/Q Cali C/qaadir Cali 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Maaliyadda XFS oo Shir-guddoomiyay Kulanka 28-aad ee Wasiirrada Maaliyadda Geeska Afrika

Washington, DC: Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Biixi...

Wasiir Ku-xigeenka Warfaafinta oo Muqdisho uga qeyb galay Bandhigga Farshaxanka Soomaaliya

Muqdisho, 16 April, 2026: Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka...

Soomaaliya oo si cad u diidday faragalinta Israa’iil

WAR SAXAAFADED. FAAFIN DEG DEG AH Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo Diidday...

Wasaaradda Gaashaandhigga oo faahfaahin ka bixisay Howlgallo lagu dilay 60 Khawaarij ah

WAR-SAXAAFADEED Ciidanka Qaranka, oo kaashanaya saaxiibbada caalamka, ayaa howlgallo duqeyn...