Wabiga oo Shabeelle laga cabsi qabo in uu ku fataho tuulooyinka hoostaga Jowhar

Date:

Jowhar (SONNA) Shacbka ku dhaqan deegaanada uu maro Wabiga Shabeelle ayaa waxaa la soo deristay cabsi laga qabo in uu fatahaado uu sameeyo webigaasi, iyadoo dadki ay bilaabeen in ay ka taxadiraan saameynta ka dhalan karta hadii uu fataho Wabiga Shabeelle.

Heerka biyaha Wabiga ayaa lagu soo waramaya in uu dhaafay xaaladii caadiga ahayd, waxaana laga cabsi qabaa inuu ku fataho Tuulooyin hoos yimaada magaalada Jowhar ee xarunta Gobolka Shabeelada Dhexee.

Wariyaha Warbaahinta Qaranka ee magaalada Jowhar Abuukar Maxamed Bacadle ayaa soo sheegaya in maamulka gobolku uu wado dadaal la doonayo in lagu adkeeyo karkaarada Wabiga, si looga hortago khasaaraha ka dhalankara fatahaadahaasi.

Dadka degan goobaha sida aadka ah ugu dhow hareeraha Webiga ayaa bilaabay in ay ka fogaadaan,waxaana soconaya olole iyo diyaar garow looga gashaamanayo arrintaasi.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Kulan lagu soo dhaweynayo dhammaystirka Dastuurka dalka oo lagu qabtay Muqdisho

Kulan lagu soo dhoweynayay dhammaystirka Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya...

Kismaayo oo u gudubtay wareegga 3-aad ee Tartan cilmiyeedka Ramadaan

Degmada Kismaayo oo ka tirsan Gobolka J/Hoose ayaa u...

Fariinta Madaxweynaha JFS ee Maalinta Haweenka Adduunka

Hambalyo iyo bogaadin ayaan u dirayaa dhammaan haweenka Soomaaliyeed,...

Mas’uuliyiinta Gaashaandhigga XFS oo boogaadiyay kaalinta gabdhaha ee ciidanka xoogga

Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Mudane Axmed Macallin Fiqi, oo ay...