Maamulka K/Galbeed oo bilaabay dhismaha Dowladaha Hoose

Date:

Xudur(SONNA) Dowlada Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa wada dadaalo ku aadan sidii loo dhisilahaa xildhibanaada Golaha Deegaanka ee degmooyinka iyo deegaanadaasi.

Magaalada Xudur ee Xarunta Gobolka Bokool waxaa Tababar  looaga furay Ergooyinkii soo xulaya Xildhibaanada Golaha Degaanka Dowladaha Hoose ee Degmada Xuddur,kaasi oo lagu baranayo cashiro la xiriira qaabkii arrimahaasi loo wajihi lahaa.

Waxa ka soo qeyb galey Wasiirka Arrimaha Gudaha Maamul Goboleedka Koofur Galbeed Soomaaliya Mudane Madoobe Nuunow Maxamed Xildhibaan Xasan Macalin Yuusuf (Balak) iyo mas’uuliyiinta Hay’adda CRD oo maalgelinaysa barnaamijkan.

Wasiirka Arimaha Gudaha Maamul Goboleedka Koofur Galbeed Soomaaliya Mudane Madoobe Nuunow Maxamed oo furay Tabbarka ayaa sharaxay muhiimada Tababarkani uu u leeyahay Ergooyinka.

“Tababarkaan oo socondoono mudo sedex maalmood ah waxaa lagu bixin doonaan Casharo oo run ahaantii Aqoontooda kor loogu qaadayo Ergooyinka loogu talagalay in ay ka qeybqaataan soo xulista xildhibaanada Golaha deegaanka, waxaana ay ka kala yimaadeen bulshooyinka wada dega magaalada Xudur”, Ayuu yiri Wasiir Madoobe Nuunow.

Ergooyinkan oo tiradooda ay ka kooban tahay ilaa 150 xubnood ayaa looga fadhiyaa in ay si deg deg ah ay u soo xulaan xildhibaanada Golaha Deegaanka magaaladaasi Xudur,taasi oo qeyb ka ah horumarinta nidaamka dhismaha Dowladaha Hoose oo ka soconaya guud ahaan Dalka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Safiirka JFS ee Shiinaha oo la kulantay howlwadeeno ka tirsan DF

Danjiraha Soomaaliya ee Shiinaha oo Qaabishay Saraakiil Dowladeed ayaa...

Soomaaliya oo saxiixday heshiisyo caalami ah

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa saxiixday heshiisyo Caalami ah kuwaas...

Arday Soomaaliyeed oo ka qalin jabisay Jaamacadda Turkiye ee Ostim Teknik

U qeybsanaha Wasaaradda Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta sare ee...

Sidee buu iskaashiga BRICS u qaabeynayaa Mustaqbalka Afrika? (WARBIXIN)

Qormadaani waxa aan si qoto dheer ah ugu hadli...