Home Blog Page 1558

Akhriso: War-murtiyeedka shirka Madasha Wasaaradaha Arrimaha Dastuurka ee DF iyo Maamul Goboleedyada

0

Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS),waxay qabatay kulan wadatashi oo ay kasoo qeyb galeen Wasiirada Darstuurka ee dowlad gobaleedyada Puntland, Jubbaland, Koonfur Galbeed, Galmudug, HirShabelle iyo Gobolka Benaadir laguna qabtay magaalada Muqdishu 14-16kii Maajo 2017. Kulankan wuxuu qayb ka ahaa wadatashi ballaaran oo ay Wasaaradda la sameeynayso dhammaan qaybaha kala duwan ee bulshada iyo maamulada dalka ka jira si loo taaba galiyo loona dar-dargeliyo hanaanka Geedi-socodka Dib-u-Eeegista Dastuurka.

Sidoo kale waxaa kulankan furitaankiisa lagu martiqaaday kana soo qayb-galay xubno ka tirsan Baarlamaanka Federalka, Guddiga Madaxa Banaan ee Dib-u-Eegista iyo Hergelinta Dastuurka, wakiilo kasocda Xafiiska Madaxweynaha, Xafiiska Ra’isul Wasaaraha, ururada bulshada raydka, haweenka, dadka baahida gaarka ah qaba, dhalinyarada, xisbiyada siyaasadeed ee abuurmaya iyo culumaa’udiinka.

Shirka waxaa si rasmi ah u furay Gudoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Sh. Cusman Jawaari, waxaana kaloo qudbado ka jeediyay Wasiirka Arimaha Gudaha Cabdi Faarax Siciid (Juxa), Wasiirka Warfaafinta Eng. Yariisoow, Xildhibaan Cabdullahi Goodax Bare oo ah Gudoomiyaha Guddiga Kheyraadka ee Golaha Shacabka, Guddoomiye ku-xigeenka Gobolka Benaadir Maluuka C/Qaadir, Xog-Hayaha Guud ee Gobolka Benaadir Zubeyda Muqtaar, iyo Gudoomiyaha Guddiga Madaxa Banaan ee Dib u Eegista iyo Hirgelinta Dastuurka Dr. Maxamed Daahir Afrax.

Wasiirka Wasaaradda Mudane Cabdi Xoosh ayaa maanta soo xiray shirka isaga oo ku tilmaamay in uu yahay tallaabo taariikhi ah oo loo qaaday dhanka dhameeystirka Dastuurka iyo xoojinta dowladnimada Soomaaliya, waxa uuna Wasaaradaha M/Goboleedyada ee Arrimaha Dastuurka ka ballanqaaday in uu si dhaw u la shaqeyn doono.

War-murtiyeedka:

KULANKA WADATASHIGA WAXAA KA SOO BAXAY QODOBADA HOOS KU XUSAN:

1) In la helo Dastuur Qaran oo dhameystirin si looga baxo Dastuurka hadda jira ee ku meel gaarka ah.

2) In la abuuro Madal ay ku mideysan yihiin Wasaaradda Arimaha Dastuurka ee XFS iyo Wasaaradaha Arrimaha Dastuurka ee Dowlad Goboleedyada si loo xoojiyo wada shaqaynta Dowladda Dhexe iyo Dowlad Goboleedyada.

3) Si loo xaqiijiyo dowrka Dowlad Goboleedyadda dalka ee ku aadan Dib-u-Eegista Dastuurka, waxaa la qaban doonaa kulamo wadatashi oo joogto ah (saddexdii biloodba mar, ama markii ay jirto xaalad deg deg ah).

4) Madashu waxay ka shaqaynaysaa danta guud, midnimada Ummadda Soomaaliyeed iyo in Dastuurka uu noqdo mid Soomaali leedahay ayna hogaamineyso.

5) In laga wada shaqeeyo in Dastuurka lagu soo gabogabeeyo muddo labo sanno gudahood.

6) Madashu waxay sahli doontaa daahfurnaan, xog-isweydaarsi, wadatashi, wadashaqeyn joogta ah iyo hogaan wanaagsan.

7) Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee XFS, waxay ka shaqeyn doontaa in ay taageerto Wasaaradaha Arrimaha Dastuurka ee Dowlad Goboleedyada baahiyooyinkooda kala duwan sida qalabeynta, tayeynta, tababarada iyo howlaha dhinaca Dastuurka.

8) In Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee XFS ay ka tala-geliso Wasaaradaha Arrimaha Dastuurka ee Dowlad Goboleedyada dalka arrimaha wacyi gelinta bulshada, waxbarshada madaniga ah iyo la tashiyada dadweynaha si loo hormariyo Geedi-socodka Dib-u-Eegista Dastuurka.

9) Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee XFS waxay u xilsaarantahay diyaarinta iyo fududeynta habsami u gudashada howlaha Geedi socodka Dib-u-Eegista Dastuurka iyo xoojinta xiriirka hay’adaha ka qeybqaadanaya arrimaha Dastuurka.

10) Wasaaradda Arimaha Dastuurka ee XFS waxay balan qaadaysaa inay Wasaaradaha Dastuurka ee Dowlad Goboleedyada ay kala shaqeyso sidii ay uga heli lahaayeen deeq bixiyaasha caalamiga ah iyo Dawladda Federaalka miisaaniyad ay ku gutaan howlahooda wacyigalinta bulshada ee la xirrirta dib u eegista Dastuurka.

—–DHAMAAD—–

Madaxweyne Kuxigeenka Puntland oo Kulan Layeeshay Qunsulka Dalka Masar U Qaabilsan Soomaaliya

0

Madaxweyne Ku-xigeenka Dawlad goboleedka Puntland Eng. Cabdixakiin Xaaji Cabdulaahi Cumar Camey ayaa maanta 16 May 2017 ku qaabilay qasriga madaxtooyada Garoowe wefti uu hogaaminayey  Qunsulka dalka Masar u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya Mr. Tamer Safwat El-Mahdy.

Weftiga uu hogaaminayey Qunsulka dalka Masar u qaabilsan Soomaaliya Mr. Tamer Safwat El-Mahdy ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Kanooko ee magaalada Garoowe ku soo dhoweeyey mas’uuliyiin ka tirsan goloyaasha dawlad goboleedka Puntland, Xildhibaano ka tirsan Barlamaanka DFS iyo saraakiil kale.

Kulan gaar ah oo ay wada qateen Kusimaha Madaxweynaha Puntland iyo weftiga ka Socdey safaaradda Masar ee Soomaaliya ayaa waxa ay uga wada hadleen arrimo ay ka mid ahaayeen Caafimaadka, Waxbarasha, Korontadda iyo sidoo kale kulamo ay weftigu la qaadan doonaan Wasaaradaha Puntland.

Sidoo kale Madaxweyne ku xigeenka dowlad goboleedka Puntland ayaa xusay in wafdiga ka socday Masar ay socdaalkooda la xiriirto laba arimood oo ah dhinaca horumarka iyo sidii ay u caawin lahaayeen dadka abaaruhu saameeyeen ee ku dhaqan degaanada Puntland.

Qonsulka dalka Masar u qaabilsan Soomaaliya ayaa dhankiisa ku amaanay Puntland mashaariicda horumarineed ee lagu kabayo kaabayaasha asaasiga ah iyo kuwa dhaqaalee ee Puntland kasocda, gaar ahaan isha dhaqaalaha Puntland ee magaaladda Boosaaso.

Wasiirka Dhallinyarada “Waxaan soo bandhigi doonnaa qorshe cad oo dhallinyarada ka tarjumaya”

0

Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Cayaaraha Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye oo ka hadashay Xuska Munaasabadda 15ka May ayaa sheegtay in bisha June ee soo socota  ay Wasaaraddu  keeni doonto Qorshe cad oo siyaasadeed oo dhallinyarada Soomaaliyeed ka turjmaya iyo dadka Soomaaliyeed ee baahiyaha gaarka ah qaba sida kuwa Naafada ah, taasi oo ah mid ka maqan Dastuurkeenna, arrintaasina waa in looga faaa’ideystaa dib u eegista Dastuurka ee hadda gacanta lagu hayo si loo cadeeyo doorka muhiimka ah ee dhalinyarada Soomaaliyeed

“Wasaaradda dhallinyarada iyo Ciyaaraha waxa ay ku duuleysaa Baraamijkii Ra’iisul wasaaraha ee uu Baarlmaanka horgeeyey, Xukkuumadda hal ku dhiggeedu yahay Nabad iyo Nolol, waxa ay dooneysaa in dhallinyarada Soomaaliyeed si buuxda looga faaa’ieysto, waxaa ku howlanahay sidii aan u dhaqangelin lahayn barnamijyada loogu talogalay in loo abuuro dhallinyarada Soomaaliyeed, waxaan sidoo kale ku shaqeyneynaa aragtida madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya”,

Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Soomaaliya Marwo Khadiija Maxamed Diiriiye ayaa u mahadcelisay dhammaan guddiyadii mudada dheer ka soo shaqaynayay xuska munaasabadda 74-guurada ka soo wareegtay aas aaska maalinta dhallinyarada Soomaaliyeed 15 may sanadkii 1943-dii.

Warbixin: Taariikhda Halgankii SYL (Sawirro) Qeybtii 2-aad

0

Cabdullaahi Ciise, Allaha u naxariistee, meeshii ayuu hawshii ka sii waday,wuxuu ugu adeegay Xisbiga iyo Shacbigaba si naftihurenimo ah, daacad ah, Soomaalinimo, wuxuuna guulo ka soo hoyey gudahaba iyo dibeddaba. Cabdullaahi wuxuu noqday Raiisulwasaarihii ugu horreeyey ee Soomaaliyeed sanadkii 1956.

Dhacdadii 11-kii Jannaayo 1948 (Hanoolaato)
Dhammaadkii 1947, ayaa waxaa la sheegay inuu Magaalada Xamar imaanayo Guddi ka socda Afarta Quwadood (Maraykanka, Ingiriiska, Faransiiska iyo Ruushka) “Four Power Commission”. Muhimada Guddigu waxay ahayd xaqiiqo-raadis iyo inuu u kuurgalo rabitaanka iyo himilada siyaasadeed ee shacabka Soomaaliyeed, blase intaan guddigu imaan, Leegadu waxay qabatay shriweeyne ay ka soo qaybgaleen Guddiyada Leegada ee gobollada Soomaaliyeed oo idil, si looga wadatashado, meelna la isula dhigo mawqifka Leegada ee ku aadan Guddigaas.

Wadatashi iyo dood dheer ka dib, Leegadu waxay go’aansatay in la codsado in Soomaliya ay wadajir u maamulaan Afarta Quwadood. Go’aankaasi wuxuu ku saleeysnaa laba aragti oo ah:

Guddugii wuxuu yimid Xamar 6dii Jannaayo 1948. Waxaa la qorsheeyey in urur waliba uu dhoolatus ku maro Guddiga hortiisa oo ah halka Hotel Curuuba hadda ka dhisan yahay, wagaasna ahayd xarunta Guddoomiya Ingiriiska, waxaa buuq, sawaxan iyo dhoolatus isku daray axsaab iyo kooxo Soomaaliyeed oo Talyaanigu maalgeliyey oo meel kasta la maray calamo Talyaani ah, iyagoo ku dhawaaqaya Talyaani, Talyaani.

Leegadu waxay codsatay in maalin gaar ah la siiyo oo ay cududooda muujiyaan, Waxaan ka warhelnay in la rabo in la carqaladeeyo bannaanbaxa iyo dhoollatuska Leegada. Leegadu markay darastay xaaladda, waxay go’aansatay, in haddii la carqaladeeyo, ay weerar ku qaado oo abbaarto Talyaaniga oo ah kan soo diraya kooxaha Soomaaliyeed.

Subaxdii 11 Jannnayo 1948, Naadiga waxaan ku reebnay 5 dhalin yaro horseed ah iyo qaar dumar ah. Intayadii kale waxaan abaabuleeynay bannaabaxa. Annagoo ku jirna hawshaas, waxaa na soo gaartay qaylodhaamo in la soo weeraray Naadiga ooy soo weerareen kooxo Soomaali ah oo Talyaanigu soo diray. Ka dib, way isqeybiyeen, qaar waxaa loo diray Naadiga inay difaacaan, intii kale waxay weerar ku qaadeen Talyaaniga, Halkaas waxaa lagu dilay 54 Talyaani ah , waxaana lagu dhaawacay 55 kale. dhanka Dhallinyarada waxaa la dilay Xaawo Cismaan (Xaawo Taako), Waxaa Leegada gacan siiyey askarta Somaaliyeed ee Ingiriiska u shaqeeynayey oo hoos Leego ka ahaa, Naadigu wuxuu ku yiil ka soo horjeedka meesha laga dhisay taallada Xaawo taako.

Dhacdadii Dhagaxtuur
Bishii Sebtembar 1949 ayaa waxaa furmay kalfadhigii Golaha Guud ee Qaramada Midoobay. Kalfadhigaas ayaa laga sugayey inuu go’aan ka gaaro aayatiinka dalalkii Talyaanigu gumeeysan jirey oo ay Soomaaliya ka mid ahayd. Leegadu waxay New York u dirtay Mudane Cabdullahi Ciise si uu cabbiro Mawqifka Leegada oo ahaa in Afarta Quwadood ay wadajir u maamulaan Soomaaliya, Madaxbannanina ku gaarsiiyaan muddo 10 sano ah, iyo inaan marnaba dalka lagu soo celin Talyaani, Waxaa xusid mudan in kharashkii ku baxay safarkiisa ay ku tabaruceen gabdhaha Leegada oo gaday dahabkoodii.

Bishii Oktoobar horrankeedii waxaa la helay farriimo muujinaya in Soomaaliya loo dhiibi doono Talyaaniga, 5tii Oktoobar 1949 ayaa Leegadu mudaaharaad ka dhan ah Talyaaniga, ku sameeysey goobta loo yaqaan Dhagaxtuur, iyadoo Ingiriiska soo diray askartiisii oo amar ku bixiyey in 15 daqiiqo gudahood dadka mudaaharaadaya ku kala dareeraan. Haseyeeshee, lagama yeelin, balse waxaa loogu jawaabay dhagax lagu tuuray askarta oo lagu asqeeysiiyey, Waana sababta goobtaasi loogu baxshay Dhagaxtuur, Askartii waxay dadkii ku fureen xabbado. Waxaa halkaas ku dhintay laba qof, waxaana ku dhaawacmay 50. Afar booliska Ingiriiska ah ayaa halkaas lagu dhaawacay.

Ingiriisku intaasi kuma ekaan ee wuxuu musaafuris ku xukumay qaar ka mid ah madaxda Leegada oo Ceelbuur loo musaafuriye Daahir , Mohamud Maalinguur, Cali Xirsi, Ottavio iyo Xaaji Diiriye Xirsi.

21kii Nofembar 1949 ayaa Golaha Guud ee Qaramad Midoobay soo saaray go’aankiisii ahaa in Soomaaliya loo dhiibo Maamul Talyaani ah oo 10 sano ah, Qaramada Midoobayna ku ilaaliyaan. Bishii Abriil 1950 ayaa maamulkii Talyaanigu la wareegay xilkii Soomaaliya, Maamulkaas oo la magacbaxay “Amministrazione Fiduciaria Italiana della Somalia” (AFIS). Waxaa Talyaaniga weheliyey Guddi ka kooban saddex dal: Masar, Filibiin iyo Kolumbiya oo Wakiil ka ah Qaramada Midoobay, ilaalinayana sida Talyaanigu u fulinayo hawsha lagu aaminay.

Ka dib markuu soo noqday, Talyaaniga waxaa galay damac ah inuu muddada dheereeysto, wuxuu isku dayay inuu kala qeybiyo Soomaalida, kala gado, qabyaaladda xoojiyo, Leega laaluusho, abuuro axsaab uu ku adeegto. Intaasoo dhan wuxuu u sameeynayey wuxuu rabay inuu dheereeysto muddada, isagoo u tusaya in Soomaalidu sidaas rabto. Qorshahas waxaa si aan gabbasho lahayn u hor istaagay Leegada oo beeneeyey.

Waxaa dhacday in Talyaanigu xirxiray qaar ka mid ah madaxda Leegada ee Kismaayo sanadkii 1952. Leegadu waxay sameeysey mudaharaad. Rabshadihii waxaa lagu dilay nin Talyaani ah. Leegadu waa sii waday halgankeedii ilaa ay ku guuleeysatay doroshooyinkii dawladaha Hoose ee 1954. Markaas ayaa Talyaanigu quustay oo beddelay siyaasaddiisii, dantuna ku kalliftay inuu soo dhaweeyo Leegada, Waxaa farxad iyo raynrayn aheyd markii 12ka Oktoobar 1954 la taagay calanka Soomaaliyeed, Calankaasi farshaxankiisa iyo hindisihiisa waxaa lahaa Allaha u naxariistee Maxamad Cawaale Liibaan oo ka mid ahaa Madaxda Leegada.

Guushii halgankii waxaa la gaaray 1da July 1960 markii laba gobol oo xor ah oo Soomaali ah isu tageen oo dhiseen Jamhuuriyadda Soomaaliya. Waxaase nasiibdarro ah inaan loo han-weeynayn xorriyaddii iyo dowladnimadi dhibkaasi loo soo maray.

Waxaa isku soo duway C/llahi Ruush

Guddoomiye Taabit ” Dhallinyaro is dhaarsatay ayaa xorriyadda keentay ,Dhallinyarooy Xamar ka Xoreeya Xasillooni darro”

0

Guddoomiyaha goballka Banaadir ahna duqa Muqdisho Taabit Cabdi Maxamed oo hadal ka jeediyay Munaasabad lagu xusayay 15-ka May oo xalay lagu qabtay xarunta Dowladda Hoose ee Xamar ayaa Dhalinyarada Soomaaliyeed ugu baaqay in ay ka shaqeeyaan sidii Xamar looga xureen lahaa xasilooni darrada.

“Dhallinyaro Is dhaarsatay ayaa xorriyadda keentay,  Dhallinyarooy  Xamar ka Xoreeya Xasillooni darro,  Nadaafadda Xamar waa Nuurka Qalbigeena Mustaqbalka dalka iyo dadka waxa uu gacanta ugu jiraa dhallinyarada Soomaaliyeed waxaan dhiiragelinayaa olalaha Nabad iyo Nolol ee ah hal ku dhigga maanta waxaan hubaa in dhallinyarada Soomaliyeed ay keeni doonaan isbadello dalka uu u ayo” ayuu yiri Guddoomiye Taabit

Guddoomiyaha Gobalka ayaa  hambalyo u diray guud ahaan dhallinyarada Soomaaliyeed, waxa uu xusay in la dayactiray Iskuulka 15-ka May, dhowaanna si rasmi ah ugu adeegga doona dhallinyarada Soomaaaliyeed, waxaa uu raaligelin ka bixiyey Biyo lagu furay Dad isugu yimid garoonka Kubadda Cagta ee Banaadir.

Ugu dambeyn Taabid Cabdi Maxamed ayaa sheegay in uu xoogga saari doono sidii loo abuuri lahaa fursado ka turjumaya dhallinyarada sida midnimada, wax qabsashada iyo u adeeggidda dalkooda, waxuuna intaa raaciyay in halgalkii gobonnimada ay door muuqda ka qaateen Gabdhaha Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo kulan kula yeeshay Doha Wasiirka Arrimaha Dibedda Norwey

0

Muqdisho, May 15, 2017—-Ra’iisal Wasaaraha Xukuumada Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa kulan gaar ah kula yeeshay Magaalada Doha ee dalka Qatar, Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Dawladda Norwey Børge Brende, waxayna ka wada hadleen arrimo ku aadan horumarinta xiriirka labada wadan.

Ra’iisal Wasaaraha ayaa tilmaamay muhiimda ay leedahay sii xoojinta xiriirka labada dal ee soo jireenka ah. Waxaana uu si weyn uga mahad celiyey doorka suuban ee ay dawladda Norway ku leedahay dib-u-dhiska Soomaaliya. Isagoona soo dhoweeyey sida dawladiisu ay xilligan ugu heelan tahay in ay gacan ka gaysto dadaalada lagu xasilinayo dalka iyo dhismaha dawladnimada Soomaaliya.

“Xiriirka u dhexeeya labada dawladood waa mid aad u xoogan, taageerada ay Norway u fidiso Soomaaliyana waa mid sahlaysa dib¬-u–dhiska dalka, kadib, burburkii xooganaa ee ku dhacay dadka iyo dalka Soomaaliyeed.

Mudane Xasan Cali Kheyre Kheyre ayaa kulankii uu la qaatay Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Norwey Mr. Børge Brende uga warbixiyey xaaladaha dalku marayo, iyo horumarada ay dawladdu ka samaysay dhanka dawlad wanaagga iyo nabad ku soo dabaalidda guud ahaan dalkeenna.

Wasiirka Arrimaha Dibedda ee dalka Norway Børge Brende ayaa xusay inuu ku faraxsan yahay kulanka uu la yeeshay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya , wuxuuna tilmaamay in dawladdiisu ay si toos ah u garab taagan tahay lana shaqeyn doonto dawladda Soomaaliyeed.

DHAMAAD

Madaxweyne Farmaajo “ololaha dalkaagaa wax u qabso anigaa bilaabaya ee aan u istaagno”

0

Faaduma Cabdi Cali oo ku hadeysa   magaca dhallinyarada Soomaaliyeed, ayaa ku bilowdey “ Salaam dhammaan madaxda Qaranka, dhallinyarada Soomaaliyeed iyo ummadda Soomaaaliyeed, wey adag tahay in dhallinyarada magacooda lagu hadlo, laakiin waxaan ku soo koobayaa xaaladda dhallinyarada Soomaaliyeed ee mustaqbalka ama  afarta sanno ee soo socota dowladda waxaan u soo jeedineynaa qorshaha maareynta dhallinyarada Soomaaliyeed in ay sameyso,  kaas oo awood siinaya dhallinyarada, madaxda Qaranku waa in ay xasuustaan waajibaadka ka saaran xuquuqdeenna, waxaad hooggaamiyeyaal u tihiin dhallinyarada qaaradda Africa ugu geesisan, dadkeenna badankood waa dhallinyaro waana hantida Qarankeennu leeyahay maanta, kor  qaadidda xirfado shaqo in loo abuuro dhallinyarada waa muhiim Sidoo kale waa in laga fakaaraa mustaqbalkooda maanta iyo midka berri maxaa yeelay dhallinyarada waxa ay kow ka yihiin ciidammada Qaranka, sidaas darteed waa in laga faa’ideystaa arrintaas oo la soo dadajiyaa Qorshaha Maareynta dhallinyarada, si dowladnimada u baahdo, annagana waxaan ahaan doonaaa safiirro u adeegga ummaddooda” ayeey tiri Faaduma Cabdi Cali.

Guddoomiyaha gobollka Banaadir ahna duqa Muqdisho Taabit Cabdi Maxamed   waxa uu hambalyo u diray guud ahaan dhallinyarada Soomaaliyeed, waxa uu xusay in la dayactiray Iskuulka 15-ka May, dhowaanna si rasmi ah ugu adeeggi doona dhallinyarada Soomaaaliyeed, waxaa uu raaligelin ka bixiyey Biyo lagu furay dad isugu yimid garoonka Kubadda Cagta ee Banaadir, sidoo kale waxa uu intaa raaciyey in uu xoogga saari doono sidii loo abuuri lahaa fursado ka turjumaya dhallinyarada sida midnimada, wax qabsashada iyo u adeeggidda dalkooda,  duqa Muqdisho ayaa sheegay in halgalkii gobonnimada ay door muuqda ka qaateen Gabdhaha Soomaaliyeed.

“Dhallinyaro Is dhaarsatay ayaa xorriyadda keentay  Dhallinyarooy  Xamar ka Xoreeya Xasillooni darro,  Nadaafadda Xamar waa Nuurka Qalbigeena Mustaqbalka dalka iyo dadka waxa uu gacanta ugu jiraa dhallinyarada Soomaaliyeed waxaan dhiiragelinayaa olalaha Nabad iyo Nolol ee ah hal ku dhigga maanta waxaan hubaa in dhallinyarada Soomaliyeed ay keeni doonaan isbadello dalka uu u ayo” ayuu ku soo gabogabeeyey hadalkiisa Duqa Muqdisho.

Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Soomaaliya Khadiija Maxamed Diiriye, ayaa  u mahadcelisay dhammaan guddiyadii mudada dheer ka soo shaqeeyey xuska munaasabadda 74-aad ee maalinta dhallinyarada Soomaaliyeed.

“Wasaaradda dhallinyarada iyo Ciyaaraha waxa ay ku duuleysaa Baraamijkii Ra’iisul wasaaraha uu Barlmaanka horgeeyey, Xukkuumadda hal ku dhiggeedu yahay Nabad iyo Nolol waxa ay dooneysaa in dhallinyarada Soomaaliyeed si buuxda looga faaa’ieysto, waxaa ku howlanahay sidii aan u dhaqangelin lahayn barnamijyada loogu talogalay in loo abuuro dhallinyarada Soomaaliyeed, waxaan sidoo kale ku shaqeyneynaa aragtida madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya, bisha June waxaan keeni doonnaa Qorshe cad oo siyaasadeed kaas oo dhallinyarada Soomaaliyeed ka turjmaya, waxaana ku biirin doonaa dhallinyarada baahiyaha gaarka ah qaba, Destuurkeenna waxaa ka maqan xuquuqda dadka baahiyaha gaarka ah qaba, arrintaasina waa in looga faa’ideystaa dib u eegis Destuurka sidoo kala waa  in lagu daraa cutubka Ciyaaraha Soomaaliyeed, ayeey tiri wasiirka Dhallinyarada Soomaaliya.

Ku Simaha Ra’iisul wasaaraha ahna Ra’iisul wasaare ku xigeenka Xukuumadda Mudane Eng Mahdi, ayaa ku bilaabay hadalkiisa ALLAHU AKBAR, waxa uu hambalyo u jeediyey guud ahaan dhallinyarada Soomaaaliyeed,  isagoo xusay taariikhdii ay dalka ku reebeen dhallinyaradii SYL, isla markaana dhallinyarada maanta looga baahan yahay  in ay furaan baal kale oo Dahab ah, si taariikhdeenna ay uga mid noqoto, lana joogo xilligii isbaddelka iyo guulaha dhallinyarada Soomaaliyeed, waana boggaadinayaa ayuu raaciyey ku simaha Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa  dadkii munaasabadda yimid kaa codsadey in ay u duceeyaan dhallinyaradii SYL ee Halgalkii gobonnimada bilowdey, Taariikhdeenna kaama  go’i doonta.

Madaxweynaha ayaa ka hadlay dhibaatada Qabyaaladda leedahay, waxa uu ummadda Soomaaliyeed u soo jeediyey in ay ka fogaadaan Qabyaaladda. Waayo Qarankeenna ma dhito ee waa ay  dumisaa.

“Fadhiga ha laga kaco, dowladda diyaar ayeey u tahay in ay awood siiso dhallnyarada Soomaaliyeed,  dowladda iyo shacabka ma doonayo in  dhexdeena la gelo, si midnimadeena muuqata aan u xoojinn idinkana sii wada taageerada dowladdiina aad u heysaan, caasimadda Soomaaliya  afarta sanno gudaheed waxaa naga go’an inaa ka soo saarno magaalada Africa uu quruxda badan uguna nadaafadda badan, sidoo kalena aan ka shaqeynno hirgelinta adeegyadiii bulshada, shacabka Soomaaliyeed xoogga haa saaraan sidii aan uga guuleysan lahayn kooxahaan nabadda diiddaan, dhowaanna dalka oo dhan ayaaan ka saareynaa” ayuu yiri madaxweynaha Jamhuuriyadda.

Madaxweynaha Soomaaaliya, ayaa ugu baaqay shacabka in ay bixiyaan canshuurtaa, laakiin waxa uu xusay in magaca canshuur la badeli doono haddii uu Barlamaanka ogollaado oo aan u bixinno Qaaraan Qaran.

“Saddexda bilood ee aan joogno waxaan qabannay, inaan  bixinay mushaaraadka ciidammada iyo shaqaalaha Rayidka ee dowladda, waxaan bilowney inaan soo celinay Karaamadii ummaddeenna oo dalalka adduunka dhan ay noo muujiyeen in ay diyaar u yihiin u istaagidda wax wada qabsi buuxa, shacabka Soomaaliyeed dowladdaan waa middii shacabka, ugu dambeyn waxaan soo jeedinayaa magaalada markaa aragtaan meel walbaa wasakh ayaa taalla, waxaan bilaaabeynaaa ololaha dalkaaga wax u qabso, bishii laba saac kaliyah arrintaan aan ka shaqeynno anigaana bilaaabaya INSHA ALLAH, waxaan kaloo soo jeedinaayaa in maalinta 15-ka May loo asteeyo Maalin Qaran oo fasax ah” ayuu ku dhammeeyey madaxweynaha hadalkiisa.

Aqalka dowladda Hoose ee Xamar oo lagu xusayo 15-ka May iyo Madaxda Qaranka

0

Munaasabad ballaaran oo lagu weyneynayo maalinta dhallinyarada Qaranka Soomaaliyeed iyo xuska ururkii gobonnimo doonkii Soomaliyeed ee SYL, taas oo ay ka qeyb-galaan  madaxweynaha Jaamhuuriyadda iyo madax kale, ayaa ka socota xarunta aqalka dowladda ee Hoose ee Xamar.

Munaasadda xuska 74-guuradii ka soo wareegatay markii la aas-aasay ururkii dhallinyarada ee SYL sannadkii 1943, oo ahaa dhallinyaradii Soomaaliyeed ee bilowdey halgalkii gobonnimo doonka Soomaaliyeed oo markii dambe dalka looga xoreeyey heeryadii gumeysteyaashii dalka ku sugnaa, ayaa la weyneynayaa, waxaana joogta masuuliyiin uu ugu  sareeyo madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaaliya, Mudane  Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho, wasiirka dhallinyarada iyo Ciyaaraha Soomaaliya iyo madax kale.

Munaasabadda waxaa joogta fannaaniinta Hobolada Danan ee Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraa Soomaaliya oo soo bandhigaya heeso ka hadlaya muhiimadda xuska 15-ka May oo ah maalin Qaran, iyadoo ay sidoo kale joogaaan dhallinyaro Soomaaaliyeed oo meelo kala duwan ka timaaadey.

SAWIRRADA MADAXDA QARANKA AQALKA DOWLADDA HOOSE XUSKA 15-KA MAY

0

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

DAAWO SAWIRRADA XUSKA 15-KA MAY EE AQALKA DOWLADDA HOOSE KA SOCOATA

0

Munaasabaddaan ayaa ka socota aqalka dowladda Hoose ee Xamar, waxaana lagu weyneynayaa maalinta xusk 15-ka May iyo aas-aaaskii ururkii gobonnimo doorka Soomaaliyeed ee SYL.

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Leave a comment