Shacabka Kurdiyiinta Ciraaq oo maanta u dareeraya goobaha aftida ay kaga go’ayaan Ciraaq

Date:

Ciraaq(SONNA) Waxaa maanta loo dareerayaa codbixinta aftida laga qaadayo shacabka Kurdiyiinta ee Waqooyiga Ciraaq,taasi oo ku aadan in ay noqdaan Dal madax banaan, oo ka go’ay Ciraaq inteeda kale.

Dadka ayaa u dareeraya goobaha codbixinta,iyagoo go’aan ka gaaraya masiirkooda, balse taasi ayaa waxaa ka soo horjeeda Dowladaha Ciraaq iyo Turkiga iyo wadamo kale ee caalamka kamid ah.

Dhanka kale Madaxwaynaha dowladda goboleedka Kurdiyiinta Waqooyiga Ciraaq Masoud Barzani ayaa wacad ku maray in uu sii wadi doono aftida lagu wado maanta in ay dhacdo kadib shir jaraaid uu qabtay.

Mr Barzani ayaa sheegay in iyada oo ay jirto in ay sii kordhayaan baaqyada ah in la joojiyo aftida barito in hadana qorshaha aftida uu sii socon doono.

Waxa uu sidoo kale balanqaaday in wadahadalo uu la yeelan doono dowlada Ciraaq si natiijada aftida loo dhaqangaliyo.

Waxaa sii kordhayay cadaadis iyo baaqyada ku aadan in aftida Kurdiyiinta waqooyiga Ciraaq dib loo dhigo.

Dowlada Iran oo si wayn uga soo horjeeda aftidan Kurdiyiinta Waqooyiga Ciraaq ayaa joojisay duulimaadyadii ka imaan jiray iyo kuwii gali jiray gobolka Kurdiyiinta.

Xukuumadda Tehran ayaa sidoo kale bilawday dhoolatus militari oo ay ka samaynayso xudduuda Waqooyiga Ciraaq,iyadoo sidoo kale Dowladda Turkiga ay dhankeeda wada dhoolatus militari .

Labada dal ba waxa ay muujiyeen sida ay uga soo horjeedaan aftida barito lagu wado in ay ka dhacdo Waqooyiga Ciraaq.

Turkiga iyo Iran ayaa waxa ay ka cabsi qabaan in aftidani ay dhaliso kacdoon ay sameeyaan Kurdiyiinta laga tirada badan yahay ee ku nool dalalkooda.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

2026 World Internet Conference Wuzhen Summit to Focus on AI Openness and Global Cooperation

The World Internet Conference International Organization held a press...

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...