Shacabka Kurdiyiinta Ciraaq oo maanta u dareeraya goobaha aftida ay kaga go’ayaan Ciraaq

Date:

Ciraaq(SONNA) Waxaa maanta loo dareerayaa codbixinta aftida laga qaadayo shacabka Kurdiyiinta ee Waqooyiga Ciraaq,taasi oo ku aadan in ay noqdaan Dal madax banaan, oo ka go’ay Ciraaq inteeda kale.

Dadka ayaa u dareeraya goobaha codbixinta,iyagoo go’aan ka gaaraya masiirkooda, balse taasi ayaa waxaa ka soo horjeeda Dowladaha Ciraaq iyo Turkiga iyo wadamo kale ee caalamka kamid ah.

Dhanka kale Madaxwaynaha dowladda goboleedka Kurdiyiinta Waqooyiga Ciraaq Masoud Barzani ayaa wacad ku maray in uu sii wadi doono aftida lagu wado maanta in ay dhacdo kadib shir jaraaid uu qabtay.

Mr Barzani ayaa sheegay in iyada oo ay jirto in ay sii kordhayaan baaqyada ah in la joojiyo aftida barito in hadana qorshaha aftida uu sii socon doono.

Waxa uu sidoo kale balanqaaday in wadahadalo uu la yeelan doono dowlada Ciraaq si natiijada aftida loo dhaqangaliyo.

Waxaa sii kordhayay cadaadis iyo baaqyada ku aadan in aftida Kurdiyiinta waqooyiga Ciraaq dib loo dhigo.

Dowlada Iran oo si wayn uga soo horjeeda aftidan Kurdiyiinta Waqooyiga Ciraaq ayaa joojisay duulimaadyadii ka imaan jiray iyo kuwii gali jiray gobolka Kurdiyiinta.

Xukuumadda Tehran ayaa sidoo kale bilawday dhoolatus militari oo ay ka samaynayso xudduuda Waqooyiga Ciraaq,iyadoo sidoo kale Dowladda Turkiga ay dhankeeda wada dhoolatus militari .

Labada dal ba waxa ay muujiyeen sida ay uga soo horjeedaan aftida barito lagu wado in ay ka dhacdo Waqooyiga Ciraaq.

Turkiga iyo Iran ayaa waxa ay ka cabsi qabaan in aftidani ay dhaliso kacdoon ay sameeyaan Kurdiyiinta laga tirada badan yahay ee ku nool dalalkooda.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Midowga Afrika oo DFS ku bogaadiyey dagaalka ka dhanka ah khawaarijta iyo qorshaha doorasho qof iyo cod ah

Guddoomiyaha Midowga Afrika, Maxamuud Cali Yuusuf oo booqasho rasmi...

Bandhigga Farshaxanka iyo Dhaqanka Bariga Africa oo Lagu soo Geba-gabeeyay Addis Ababa

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta ,Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS Mudane Daa’uud...

Taliyaha Boliiska oo xarigga ka jaray dib u habeyn lagu sameeyey Xarunta Hogaanka Gaadiidka

Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi...

Madaxweynaha JFS oo kulan Afur ah ku maamuusay Guddoomiyaha Ururka Midowga Afrika

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...