Xildhibaan Dalxa oo bogaadiyay dib u shaqeeynta Garonka Diyaaradaha Muqdisho

Date:

Garoonka Diyaaradaha ee Aaden Cadde ee Magalada Muqdisho ayaa xalay waxaa ka soo Degatay Xilli habeen ah diyarada sidday dad Rakaab ah Mudda 27 sano kadib, arrintaasi ayaa waxaa ka hadlay mid ka mid ah Xildhibanada Dowalada Federaalka Soomaaliya.

Xilidhibaan Maxamad Cumar Dalxa oo ka tirsan Mudanayasha Barlamanka Soomaaliya oo la hadlayay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in Horumar lagu farxo ay tahay dib u Howlgalinta Garaonka Diyaaradaha xilliyada Habeenka, islamarakana arrintaa ay ku ammaanan tahay Wasaradda Gadiidka iyo Dulista Hawada ee dowlada Soomaliya.

’waa arin nafarxad galisay mudanna in la Bogaadiyo Cid walbo oo gacan ka geeysatay ,waxaa Muuqato in Soomaliya ay ku talaabsaneyso Horumar”, sidaasi Waxaa yiri Xidhibaan Dalxa.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Dhawaan shaacisay in adeegyadii uu ku shaqeyn lahaa xilliga habeenkii ah loo dhameystiray garoonka diyaaradaha ee Aadan Cade, kaasi oo ay Dadweynaha Soomaaliyeed aad ugu guxeen.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka arrimaha dibadda oo qaabilay Danjiraha muddo xileedkiisu dhammaaday ee Jabuuti

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda...

Wasaaradda arimaha dibadda JFS oo digniin ka soo saartay warar been abuur ah

Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka...

Wasiirka Maaliyadda oo kulan la qaatay wafdi ka socda Qaramada Midoobay

Wasiirka Maaliyadda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Biixi Iimaan...