Xildhibaan Dalxa oo bogaadiyay dib u shaqeeynta Garonka Diyaaradaha Muqdisho

Date:

Garoonka Diyaaradaha ee Aaden Cadde ee Magalada Muqdisho ayaa xalay waxaa ka soo Degatay Xilli habeen ah diyarada sidday dad Rakaab ah Mudda 27 sano kadib, arrintaasi ayaa waxaa ka hadlay mid ka mid ah Xildhibanada Dowalada Federaalka Soomaaliya.

Xilidhibaan Maxamad Cumar Dalxa oo ka tirsan Mudanayasha Barlamanka Soomaaliya oo la hadlayay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in Horumar lagu farxo ay tahay dib u Howlgalinta Garaonka Diyaaradaha xilliyada Habeenka, islamarakana arrintaa ay ku ammaanan tahay Wasaradda Gadiidka iyo Dulista Hawada ee dowlada Soomaliya.

’waa arin nafarxad galisay mudanna in la Bogaadiyo Cid walbo oo gacan ka geeysatay ,waxaa Muuqato in Soomaliya ay ku talaabsaneyso Horumar”, sidaasi Waxaa yiri Xidhibaan Dalxa.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Dhawaan shaacisay in adeegyadii uu ku shaqeyn lahaa xilliga habeenkii ah loo dhameystiray garoonka diyaaradaha ee Aadan Cade, kaasi oo ay Dadweynaha Soomaaliyeed aad ugu guxeen.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka arrimaha guddaha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Isu Duwaha QM ee Arrimaha Gargaarka

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Xildhibaan...

Madaxweyne Laftagareen oo dhagax dhigay Xarunta Tababarada Macalimiinta Koonfur Galbeed

Madaxweynaha maamul goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed...

Norway oo maamulka koofur galbeed Soomaaliya ka caawineysa horumarinta korontada

Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen...

Ciidanka Xoogga iyo kuwa deegaanka oo saaka ka saaray Khawaarijta deegaanka Gumarre

Ciidamada Qaranka iyo geesiyaasha dadka deegaanka ee gobolka Hiiraan...