Home Blog Page 1550

Ra’iisul Wasaare Kheyre oo Ummadda uga tacsiyadeeyay geerida Guddoomiye-ku-xigeenkii hore ee Baarlamaanka

0

INNAA LILLAAHI WA INAA ILLEYHU RAAJICUUN

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada JFS Mudane Xasan Cali Khayre ayaa maanta tacsi u diray shacabka oo ku wajahan geeri ku timid Guddoomiye-ku-xigeenkii hore ee Baarlamaanka Marxuum Axmed Abroone Amiin. Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa yiri “Ugu horreyn waxaan shacabka soomaaliyeed iyo gaar ah qoyskii iyo eheladii uga tacsiyeynayaa geeridii ku timid Marxuum Axmed Abroone Amiin oo horey u soo noqday Guddoomiye ku xigeenka Baarlamaanka.”

“Geeridu waa xaq, waqtigiisa ayaana dhammaaday, waxaana EEBBE uga baryayaa inuu Janadii Fardowsa ka waraabiyo, dhammaan ummadda Soomaaliyeedna Samir iyo IIMAAN ka siiyo.” Ayuu sii raaciyey Ra’iisul Wasaarahu.

Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa sheegay in Marxuum Axmed Abroone Amiin uu ahaa shaqsi wadani ah, daacad ah oo danta guud marwalba ka horumarin jiray danihiisa gaarka ah.

Wasiirka Batroolka ee Soomaaliya oo magaalada London kulan kula qaatay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee UK

0

Wasiirka Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Cabdirashiid Maxamed Axmed ayaa magaalada London ee xarunta Dalka UK kulan kula qaatay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee halkaasi ku dhaqan.

Kulankan ayaa ujeedkiisu ahaa sidii qurba joogta Soomaaliyeed ay uga qeyb qaadan lahaayeen horumarinta dalkooda Hooyo, iyagoo Wasiirka ka dhageystay warbixin ku aadan waxyaabaha u qabsoomay Wasaaradda Batroolka.

Wasiirka Batroolka Mudane Cabdirashiid Maxamed Axmed ayaa uga waramay Jaaliyadda Soomaaliyeed sida ay muhiimka ugu tahay dowladda inay shacabkeeda uga warbixiso xaalad walba ee uu dalku marayo.

Waxaa uu sidoo kale Wasiirka ka warbixiyay kheyraadka dalka ku jira ee ay Wasaaradda Batroolka hadda gacanta kula jirto sidii looga faa’iideysan lahaa, isagoo ugu dambeyntii xusay Wasiirku in Wasaaradda ay diyaarisay sharciyadii loo mari lahaa hanaanka looga faa’iideysan karo kheyraadka dalka.

Madaxwayne Farmaajo oo la dardaarmay Mas’uliyiinta Galmudug

0

Xafladda Caleema saarka Madaxwaynaha Galmudug ayaa waxaa ka qeyb galay Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi (Farmaajo), Madaxweynayaasha dowlad goboleedyada ee Puntland, Jubbaland, Koonfur Galbeed, Madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle, Guddoomiyaha Gobolka Benaadir iyo masuuliyiin kale.

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo)  oo halkaasi ka hadlay ayaa yiri “Markii aan rabnay inaan heshiisiino Galmudug iyo Ahlusuna, intii aanan bilaabin labada dhinac inaan heshiisiino ayaa Guddoomiyihii iyo Guddoomiye ku xigeenkii Baarlamanka Galmudug dhaheen intaan labada dhinac la heshisiin marka hore anaga hanala heshiiisiiyo, markaan heshiisiiinay ayaa wakhtiga nagu yaraaday, in aan u gudubno hadana dib u heshiisiinta Ahlu suna iyo Galmudug, marka Madaxda halkan fadhida ha iska ilaaliyaan khilaafka dhexdooda ah, ayuu yiri madaxwayne Farmaajo

“Khilaafka waxaa keena waa dan shakhsiyadeed, waxaan rajeynaya inaan khilaaf ka dhicin Xaaf iyo Baarlamankiisa kadibna aanu keeno Ahlusunna”. ayuu hadalkiisa ku daray Madaxweynaha Soomaaliya.

Waxaa sidoo kale halkaasi ka hadlay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Mudane Thaabit Cabdi Maxamed, Madaxwaynayaasha K/Galbeed shariif Xasan Sheekh Aadan, Jubba-land Axmed Maxamed Islaam, Puntland, C/wali Maxamed Cali Gaas iyo Madaxwayne ku xigeenka Hishabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen (Guudlawe) waxayna halkaasi ka jeediyeen hadallo isugu jira soo dhaweyn iyo dhiirri gelin ay u jeedinayeen Madaxwaynaha Galmudug ee maanta la Caleema saaray iyo dhammaan Maamulkaasi.

Akhriso: Hindise sharciyeedyada looga hadlay shirkii Golaha Wasiirada

0

Xubnaha golaha Wasiirada ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulan aan caadi aheyn oo uu shir-guddoominayey Ra’iisal Wasaare Ku xigeenka Xukuumada Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar), iyadoo Ra’iisul Wasaaraha uu ku soo biirey shirka intuu socday oo uu dardaaran u jeediyey Wasiirada. Arrimaha kulanka looga hadlay ayaa ahaa dardargeinta Hindise Sharciyeedyada muhiimka u ah howlaha Dowlada.

 Ra’iisul Wasaare ku xigeenka ayaa hoosta ka xariiqay muhiimada dardargelinta shuruucda dalka bacdamaa ay Dawladan tahay tii Sharciga iyo Shacabka, shacabkana ay naga sugayaan waxqabad dhan walba ah.

Xubnaha golaha ayaa dhageystay warbixino ku aadan shuruucda ay gacanta ku hayaan wasaaradaha qaar si loogu sii diyaar garoobo oo Golaha Wasiirada ay u ansixiyaan ka hor inta aan loo gudbin Baarlamaanka. Wasiirada ayaa sheegay in shuruucda ay diyaariyeen, qaarna ay weli wadaan wadatashi, iyadoo la isku raacay in shuruuc ka badan 20 ay diyaar yihiin, Hindise Sharciyeedyadaas oo ay ka mid yihiin;

1. Isgaarsiinta
2. La Dagaalanka Musuqmaasuqa
3. La-Dagaalanka Argagaxisada
4. Runta & Dib u Heshiisiinta
5. Dawladaha Hoose
6. Dambiyada Kufsiga
7. Muwaadinimada
8. Dadka Baahiyaha Gaarka qaba
9. Kalluumeysiga & Kheyraadka Bada
10. Badda
11. Kheyraadka Biyaha
12. Tamarta
13. Maareynta Maaliyada
14. Istaatiistikada
15. Xeerka Saxaafada
16. Waxbarashada
17. Nidaamka Hay’adaha Samafalka
18. Sharciga Beeraha
19. Gudiga Muftida Culumada

 

Kuuriyada Waqooyi oo Maanta tijaabisay Gantaal kale

0

Kuuriyada waqooyi ayaa isniintan maanta ah tijaabisay gantaal aan la aqoon ridadiisa iyo inta kiiloomitir ee uu socon karo,sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee kuuriyada koonfureed ee YONHUB. waxaanu warku intaas ku sii daray in madaxwaynaha cusub ee K/koonfureed Mr. mun je uu amar ku bixiyey in ciidamadiisa iyo golihiisa wasiiraduba isugu yimaadaan kulan deg-deg ah oo laga hadlaayo gantaalkan ay riday K/waqooyi.

Dhinaca kale kuuriyada waqooyi ayaa si aan gabasho lahayn u sheegatay in ay ka gantay gantaalkan magaalada xeebta ku taal dalkooda,afhayeen u hadlay k/waqooyi ayaa ku tilmaamay gantaalkan in aan ciddna loo sheegayn xawaaraha uu jarayo iyo inta uu wax ka gumaadi karo,waxaanu dhoolatuskani noqonayaa kii sadexaad ee noociisa ah la tijaabiyo isla sanadkan.

Lababadan dal ayey ka dhaxaysaa colaad wayn oo gu,yaal badan soo jirtay,iyadoo dhacdanina noqonaysa mid rajadda sii fogaysa.

Qaramadda midoobay iyo maraykanka ayaa saaray waqooyiga kuuriya cunaqabatayn dhinac kasta ah.

Guddoomiye ku xigeenkii hore ee Baarlamaanka Soomaaliya oo geeriyooday

0

Allaha u naxariistee waxaa magaalada Muqdisho xalay ku geeriyooday Guddoomiye ku xigeenkii Hore ee Baarlamaanka Soomaaliya Axmed Abroone Amiin.

Axmed Abroone Amiin ayaa Guddoomiye ku xigeen ahaa Dowladii Madaxweyne Cabdi Qaasim Salaad Xasan ee lagu soo dhisay Magaalada carte ee dalka Jabuuti.

Masuuliyiin ka tirsan Baarlamaanka Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa inoo xaqiijiyay geerida Marxuumka, waxayna sheegeen inuu ku soo booday xanuun deg deg ah uu u geeriyooday.

Mashruuc lagu afurinayo dadka danyarta ah oo laga hirgeliyay Baydhabo

0

Magaalada Baydhabo waxaa laga bilaabay afurinta dadka danta yar ee ku sugan magaalada kuwasoo kasoo barakacay qaybo ka mid ah Gobolka Bay.

Guddoomiye ku-xigeenka taakuleynta Guddi loo xilsaaray afurinta Gobolka Bay ayaa Warbaahinta u sheegay in xarunta ay ahayd mid markii hore lagu xanaaneyn jiray carruurta agoonta ah, haatanna lagu quudiyo dadka ay abaarta saameysay.

“Afur oo ka kooban bariis, timir iyo mushaari ayaan dadka siinaa, qofkiiba waxaa ku soo aadaysa saddex boqol oo garaam bariis ah oo qudaartiisa wata iyo cabitaan, waxaana tani ay ka midtahay mashruuc loogu talagalay in lagu afuriyo dadka danyarta ah”ayuu yiri mid ka mid ah guddiga howshan qaabilsan.

Qaar ka mid ah dadkii ka faa’iideystay afurinta ayaa ka mahadceliyay mashruucan laga hirgeliyay magaalada Baydhabo.

Ciidamada xoogga dalka oo Shabaab ka soo badbaadiyay xoolo ay dhaceen

0

Ciidamada Xoogga dalka ayaa howlgallo lagu soo badbaadiyay xoolo ay dhaceen maleeshiyadka Al-shabaab ka sameeyay qaybo ka mid ah gobolka Galgaduud.

Jeneraal Axmed Maxamed Tareedishe Taliyaha Guutada 52aad ee ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed oo la hadlay Radio Muqdisho ayaa sheegay in howlgalka lagu soo badbaadiyay in ka badan 100 neef oo Ari ah, waxaana uu xusay in dadka deegaanka ay kolkii hore Shabaabka ka dileen labo ka tirsan kooxda Al-Shabaab.

“Howlgalka waxaan ka sameynay deegaanka Bood oo aan ka soo dhicinay xoolo ay dadka deegaanka ka dhaceen, sidoo kale ciidamada waxa ay la wareegeen deegaanka Wabxo oo ka mid ah meelaha ay Al-Shabaab dadka ku dhibaateeyaan” ayuu yiri Jeneraal Axmed.

Taliyaha Guutada 52aad ee ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa sheegay in maleeshiyaadka ay dileen hal qof oo ka mid ah dadka reer miyiga ah oo ay ka dhaceen xoolaha, waxaana uu intaa ku daray in ay la baxsadeen 100 kale oo neef oo Ari ah, kuwaasi oo iminka ku daba joogaan.

Qaban qaabada xafladda caleemo saarka Madaxweynaha Galmudug oo cadaado ka socoto

0

Magaalada Cadaado oo xarun kumeel gaar u ah dowlad goboleedka Galmudug waxaa ka socota qaban qaabada xafadda caleemo saarka Madaxweynaha maamulkaasi, iyadoo lagu wado in ay kasoo qayb galan mas’uuliyinta maamulada ka jira dalka iyo wafdi ka socda dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Wariyaha Warbaahinta Qaranka ee Gobolka Galgaduud Cabdi Xasan Awoowe ayaa ku soo waramaya in la adkeeyay amniga magaalada, isla markaana ay jiraan wafuud kala duwan oo ku sii qul qulaya magaalada, si ay uga qeyb galaan xafladda lagu caleemo saarayo Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf, kaddib markii uu xilkaasi horey isaga casilay Mudane Cabdikariin Xuseen Guuleed.

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Dib-u-heshiisiinta iyo Federaalka ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Saciid Juxa iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa shalay gaaray magaalada Cadaado.

Guddiga qaban qaabada xaflada ayaa sheegay in la filayo inay ka soo qeyb galaan qaar ka mid ah Madaxda dowlad goboleedyada dalka ka jira.

Horaantii bishan ayay aheyd markii Cadaado lagu doortay Axmed Ducaale Geelle Xaaf oo ah Ganacsade caan ah.

Daawadeyaasha SNTV oo soo dhoweeyey barnaamijka tartan Cilmiyeedka habka loo diyaariyey

0

Daawadayaasha Telefishinka Qaranka iyo dhageysteyaasha Radio Muqdisho, ayaa si weyn u boggaadiyey oo soo dhoweeyey nidaamka loo qaabeeyey tartan cimiyeedka Warbaahinta Qaranka ay u qabeneyso degmooyinka gobollada dalka, kaas  oo uu taabagelinayo maamulka gobolka Benaadir.

Caawa oo ay tartami lahaayeen degmooyinka Baladweyne iyo Jowhar ayeeysan noqon kaddib markii degmada Jowhar ay wakhtigii tartanka sheegtay in aysan diyaar u aheyn, guddiga ayaa kaddib shaaciyey in degmada Baladweyne ay sharuud la’aan ugu gubtay wareegga labaad ee  tartanka.

Barnaamijka, lama soo gabogabeyn ee waxaa lagu soo bandhigay sharuudaha laga doonayo degmooyinka tartamaya, sidoo kale daawadeyaasha iyo dhageysteyaasha ayaa fursad loo siiyey in aragtidooda ay dhiibtaan, Inta barnaamijka lagu guda jiray  waxaa la soo bandhigay warbixinno ka hadlaya Taariikhda labada degmo, wariyeyaasheenna jooga Baladweyne iyo Jowhar ayaa soo diyaariyey.

Dhammaan Daaweyaashii la soo xiriiray barnaamijka ayaa boggaadiyey, sida warbaahinta Qaranka u soo diyaarisay, waxa ay u mahadceliyeen howl-wadeenna, guddiga, wariyeyaasha Warbaahinta iyo masuuliyiinta wasaaradda ee shacabka Soomaaliyeed ugu talogalay in bisha Ramadaan ay u soo gudbiyaan barnaamij Cilmi ku dhisan oo faa’iido weyn u ah  Jiilka soo koraya.

Guddiga Tartanka ayaa sheegay in la tixgelin doono fikrado koobnaa oo dadka qaar ay sheegeen in lagu soo kordhiyo barnaamijka , sida in Su’aallaha ay badbnaadaan kheyraadka dalka iyo Culuumta Diiniga ah, sidoo kale waxa ay soo jeediyeen in gabdhaha Suxufiyiinta Warbaahinta Qaranka laga soo qeyb-geliyo Barnaamijka

Guddiga ayaa sheegay in habeen dambe ay tartami Doonaan Haddii uu ALLE IDMO, degmooyinka Shingaani iyo Waabari oo ka wada tirsan gobolka Benaadir..