Olole nadaafadeedkii Bilaha ahaa oo maanta laga fuliyay dhowr Degmo (Sawirro)

Date:

Muqdisho(SONNA)–Barnaamijka Nadaafadda ee Bilaha ahaaa ayaa manta laga qabtay Degmooyinka Waabari, Warta Nabada iyo Xamar Jab-jab ee Gobolkan Banaadir.

Barnaamijkaan oo la qabto Bishiiba mar, ayaa waxaa looga gol leeyahay in laga wada qeybqaato nadaafadda Caasimadda Dalka, islmarkaana loo soo celin lahaa muuqaalkii wanaagsanaa ee ay lahaan jirtay, waxaana maanta ka qeyb qaatay Shaqaalaha Dowladda Hoose ee Xamar.

Barnaamij nadaafadeedkaasi ka dhacay qaar ka mid ah Degmooyinka Gobokka Banaadir ayaa waxaa ka hadashay Gudoomiye Ku Xigeenka Maamulka Gobolka Banaadir dhanka Maamulka iyo Maliyadda Maluuka Dheere C/Qaadir ayaa sheegtay in laga qeyb qaato Nadafadda, iyadoo hoosta ka xariiqday inay tahay sheey muhiim ah nolosha bini’aadanka.

Maluuka Dheere waxay ugu dambeyntii ka codsatay Dadweynaha ku leh goobaha Ganacsiga Waddada horteeda in ay iska Nadiifiyaan hortooda.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska oo Daah-furay Dib u habeynta Kaydka Radio Muqdisho

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...

Bannaanbaxu waa xaq dastuuri ah, balse fowdo ma aha

Sida dastuurro badan oo dunida ka jira, Dastuurka Soomaaliya...

War-saxaafadeed ku aadan Garsoore Cumar Cartan

Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxay...

Warsaxaafadeed: Calanka iyo Astaanta Qaranka ee saxda ah

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa bannaan ee Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka...