Home Blog Page 1551

Degmada Baladweyne oo wareegga Labaad ee tartan CIlmiyeedka Warbaahinta Qaranka u gudubtay

0

Degmooyinka Jowhar oo ka tirsan gobolka Shabeellada Dhexe iyo Baladweyne oo ka tirsan gobolka Hiiraan, ayaa caawa ku tartamayay tartan Cilmiyeedka  Warbaahinta Qaranka ay qabaneyso.

Tartan Cilmiyeedkaan ayaa galay habeenkii labaad, iyadoo xalay degmooyinka Xudur iyo Warta-nabadda ay ka qeyb-galeen, isla markaana degmada Warta-nabadda ay u soo gudubtay wareegga labaad, labada degmo ee caawa tartamayey ay ka tirsan yihiin dowlad gobolleedka Hir-shabeelle

Yaxye Cali Faarax oo ka tirsan guddiga  ayaa akhriyey sharuucda lagu hagi doono dhammaan maalmaha bisha Ramadaan ee uu tartanka uu socdo, kaas oo ka kooban 20 qodob oo degmo walba laga doonayo in ay ilaaliso.

Ugu dambeyn bilowga tartanka ayaa degmada Jowhar laga waayey Qadka Teleefoonka, guddiga tartanka ayaana shaaciyey in degmada Jowhar cudur daar la’aan ay waqti badan ka maqneyd hawada kaddibna waxa ay sheegeen in aysan diyaar u aheyn tartanka caawa,  sidaa darteedna degmada Jowhar ay ka hartay guud ahaan tartan Cilmiyeedka, guddiga waxa uu sheegay in degmada Baladweyne ay u gudubtay wareegga Labaad ee Tartan Cilmiyeedka.

 

 

Ra’iisul Wasaare Khayre oo kulan la qaatay qaar kamid ah Safiirada Beesha Caalamka (Sawirro)

0

Muqdisho, 28 May 2017 – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada JFS Mudane Xasan Cai Khayre ayaa maanta kulan gaar ah la qaatay Beesha Caalamka oo ujeedadiisu ahaa inuu warbixin ka siiyo xaaladda dalka, isla markaana uu ka codsaday in labada dhinacba ay la yimaadaan isla xisaabtan dhab ah oo dhameystiran.

Kulanka waxaa goob joog ahaa Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee QM, Ergeyga Gaarka ah ee Midowga Afrika, Safiirada Midowga Yurub, UAE, Turkey, Sweden, China, waxaana qadka shaashada ku jirey wakiilo ka socday Mareykanka iyo UK. Ra’iisul Wasaaraha waxaa ku wehliyey kulanka Wasiirada Maaliyada, Qorsheynta, Difaaca, Warfaafinta iyo Wasiiru Dowlaha Xafiiska RW.

Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa ugu horreyn warbixin ka siiyey horumarka ay dawladu ku talaabsatay mudadii ay jirtey ee dhanka Gurmadka Abaaraha, Amniga, Dhaqaalaha, La dagaalanka musuqmaasuqa iyo qorsheyaasha guud ee xukuumada. Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in Dowlada Federaalka ay bilowday nidaam isla xisaabtan ah oo dhan walba ah kana codsaday beesha caalamka inay iyagana la yimaadaan isla xisaabtan furfuran oo shacabka Soomaaliyeed kalsooni siin kara.

Mas’uuliyiintii beesha caalamka ayaa ugu mahadceliyey Ra’iisul Wasaaraha qabanqaabada kulanka iyo warbixinta saafiga ah ee uu ka siiyey xaalada dalku marayo. Waxey dhammaantood qireen in horumar baaxad leh oo waxqabad dhab ah lala yimid, iyagana ay diyaar u yihiin inay caawiyaan Dawladda Federaalka.

Ugu danbeyntii, Ra’iisul Wasaaraha ayaa u sheegay beesha caalamka in Dawlada Federaalka ee cusub ay la timid dhaqan-cusub oo isla xisaabtan ah, sidaas oo kalena uu ka dalbaday beesha caalamka inay dhaqankooda bedelaan oo kaalmadooda ay ku saleeyaan baahiyaha Dawlada iyo inay mashaariic horumarineed ay dalka ka hirgeliyaan sida dhismaha wadooyinka, buundooyinka iyo mashaariicda horumarineed oo shaqo abuur u noqoneysa dhalinyarada Soomaaliyeed.

DHAMAAD

Ra’iisul Wasaare Kheyre oo dhagax dhigey Jidka Soddonka.

0

Muqdisho, May 28, 2017….Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa maanta dhagax dhigey dhismaha Jidka Soddonka oo is ku xirta dagmooyinka dhowr ah oo ka tirsan gobolka Banaadir,waxaana dhaqaalaha ku baxaya iska kaashanaya maamulka gobolka Banaadir iyo shacabka Soomaaliyeed.

Godoomiyaha Gobolka Benaadir Mudane Thabit Cabdi Maxamed oo furitaanka Wadada ka hadlay ayaa tilmaamey in shacabka Muqdisho looga baahan yahay inay la shaqeeyaan dawladda, ayna ka qeyb qaataan horumarka ka socda caasimadda si looga gudbo dhibaatooyinkii ka jiray Muqdisho iyo guud ahaan dalka Soomaaliya. Waxuuna cadeeyey in Dawladda Hoose ay qeyb muhiim ah ka qaadaneyso dhismaha waddooyinka iyo sugidda amniga caasimadda.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre oo ka hadlay furitaanka dib-u-dhiska Jidka Soddonka ayaa sheegay in dhismaha wadooyinka caasimadda ay ka qayb qaadanayaan xasilinta aminiga Muqdisho, isla markaana bilow u tahey in shacabku helaan adeegyadii ay dawlada uga baahnaaayeen sida Caafiimad,Wadooyin iyo Amni.

“Waxaan shacabka Soomaaliyeed kula dardaarmayaa inay ka shaqeeyaan dib soo celinta billicda dalka iyo dib-u-dhisida caasimada, iyagoo la kaa shanaya hoggaankooda”ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xasan Kheyre.

Maamulka Gobolka Benaadir ayaa bilihii lasoo dhaafey sameenayey waddooyin muhiim u ah isu socodka gaadiidka iyo dadweynaha ku dhex shaqeeya Caasimadda.

DHAMAAD

Abaalmarin caalami ah oo la siiyey Drs Xaawo Aadan Cabdi

0

Dr. Xaawo Cabdi Dhiblaawe oo muddo dheer ka shaqyeneysay gargaarka caafimaadka goobaha barakacayaasha ee Soomaaliya ayaa Jaamacadda Harvard  ee dalka Marekanka ka heshay Jaamacado sharaf aqoonsi waxqabadkeeda.

Drs Xaawo Aadan Cabdi Dhiblaawe oo ka mid ah Dhaqaatiirta Soomaaliyeed ee gudaha dalka muddo todobannaan sanno ah ka shaqeynayey, gaar ahaan goobaha ay ku sugan yihiin dadka liita, sida dadka barakacayaasha ah iyo meelo kale oo muhiim ah, ayaa la aqoonsadey waxqabadkeeda dhinaca caafimaadka kaddib qiimeyn ay sameysay Jaamacad ku taalla dalka Mareykanka.

Jaamacadda Harvard ee dalka Marekanka shahaadadaan waxa ay sidoo kale guddoonsiiyey sagaal qof oo kale oo ay ka mid yihiin Jiliaayaal, Dhaqaatiir iyo dad kale oo caan, sida Ninkii sameeyey Shabakadda Facebook Mark Zuckerberg.

Drs Xaawa Aadan iyo labadeeda gabdhood oo dhaqtar ah, ayaa sameeyey dedaallo miro-dhal ah oo ku aaddan u gargaaridda dadka tabaaleysan,  gaar ahaan  kuwa qaba cudurrada faafa qaba, iyadoo Isbitallada ay ka shaqeeyeen haweenku ay ka faa’ideysteen gargaarka lagu bixiyo.

Dr Xaawa ayaa soo dhoweysay Shahaado Sharafta ay ka heshay Jaamacadda Harvard ee Mareykanka, isla markaana ku tilmaamtay guul Soomaaliyeed, gaar ahaan mid ay gaareen dhaqaatiirta Soomaalida ah.

 

 

 

 

Tartamayaasha Warta-nabadda oo u gudbay wareegga labaad

0

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii todobaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah looga daawanayay Telefishinka Qaranka, lagana dhageystay Idaacadda Radio Muqdisho ayaa waxaa caawa kulankii ugu horeysay ku tartamay tartameyaasha degmooyinka Xudur VS Warta Nabadda oo ka kala tirsan gobollada Bakool iyo Benaadir, ayadoo barnaamijkana ay sanadkan taabagelineyso Maamulka Gobolka Benaadir.

Tartameyaasha labada degmo ee Xudur VS Warta Nabadda ayaa muujiyey tartan aad u adag, isla markaana ahaa mid xiiso gaar ah xambaarsan, iyagoo soo bandhigay aqoon, waxaana sida sharciga qabo marka labada degmo la weydiiyo min afar su’aal la guda galay isbarashada degmooyinka iyo waxyaabaha ay degmo kasta caan ku tahay.

degmada Xudur

Tartameyaasha degmada Xudur ee gobolka Benaadir waxaa la weydiiyey todobo Su’aal waxaana ay si sax ah uga jawaabeen Hal su’aal ka mid ah. lix su’aalloodna jawaabahooda ma aysan haleelin, wax ka faa’iideysi ahna ma jirin oo ay heleen tartamayaasha degmada Xudur, ayadoo wadarta guud ee dhibcaha tartameyaasha degmada Xudur heleen ay noqotay labo Dhibcood.

degmada Warta-nabadda

Iyana dhankooda tartamayaasha degmada Warta Nabadda todobo su’aal ee la weydiiyey waxay si sax ah uga jawaabeen Labo ka mid ah, afar su’aalna jawaabteeda ma aysan haleelin, si ka faa’ideysi ahna waxey uga jawaabeen labo su’aal oo soo hareer martay tartameyaasha degmada Xudur, waxaana wadarta guud ee dhibcaha tartameyaasha degmada Warta Nabadda ay noqdeen sideed Dhibcood oo ay ku badiyeen,

Tartamayaasha degmada Warta Nabadda oo difaacaneya tartankan ayaa u soo gudbay wareegga labaad ee tartanka.

Habeen dambe oo ah habeenka labaad ee tartan cilmiyeedka hadii uu Alle idmo barnaamijka waxaa ku tartami doona tartamayaasha degmooyinka Beladweyne VS Jowhar oo ka kala tirsan gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.

 

Guddoomiyaha G. Benaadir oo furay tartan Cilmiyeedka bisha Ramadaan ee Warbaahinta Qaranka(Sawirro)

0

Guddoomiyaha Banaadir ahna magaalada Muqdisho ayaa si ramsi ah u furay tartan cilmiyeedka bisha  Ramadaan ee degmooyinka gobollada dalka, kaas oo ay qabaneyson Warbaahinta Qaranka.

Munaasadda furitaanka tartan Cilmiyeedka waxaa joob-joog ka ahaa wasiirka Warfaafinta & Hannuunita Dadweynaha, agaasimaha  guud ee Wasaaradda, agaasimeyaasha Telefishinka Qaranka iyo Radio Muqdisho.

Agaasimaha Telefishinka Qaranka Liibaan Cabdi Cali, ayaa furitaanka munaasabadda ka yiri “tartankaan  afartii sanno ee u dambeysay waxaa maal-gelinayey maamulka gobolka Banaadir oo aan uga mahadcelineyno taageeradaasi, annaga waxaa naga go’an inaana marnaba joojin howsha aan bulshada Soomaaliyeed u heynno, mar kale waxaan ku faraxanahay in maamulka gobolka uu diyaar yahay oo uu bixiyey taageeradiisa, sidoo kale degmooyinka gobollada dalka ee tartamayana waxaan u rajeynayaa nasiib wanaagsan”.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta & Hannuuninta Dadweynaha, Mudane C/raxmaan Yuusuf Cumar (Al-Cadaala) ayaa u mahadceliyey maamulka gobolka Banaadir, waxa uu intaa ku daray in u jeedada tartankaan ay tahay sidii Jiilka Soomaaliyeed u baran lahaayeen dalkooda, sidoo kale wasiirka wasaaradda ayuu ku ammaanay doorkiisa muuqda ee ku aaddan garab istaagidda joogta ah.

Wasiirka Warfaafinta & Hannuuinta Dadweynaha, Eng C/raxmaan Cumar Cismaan Yariisoow, ayaa  ugu horreyn u mahadceliyey Duqa Muqdisho Thabit, waxa uu xusay in tartankaan uu yahay mid cilmi-baaris ah oo isku xiraya dadweynaha Soomaaliyeed dal iyo dibedba, wasiirka ayaa sheegay wasaaraddu ay joogteyneyso doorkeeda dhinaca wacyigelinta ah.

Ugu dambeyn guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho, Mudane Thabit Cabdi Maxamed ayaa ku bilaabay “Ramadaan wanaagsan ummadda Soomaaliyeed oo dhan, waxaan ammaan u soo jeediyanayaa wasaaradda Warfaafinta oo si joogta ah uga qeyb-qaadata isku xirka bulshada Soomaaliyeed dhammaanteen waajib ayaa naga saaran inaan ka qeyb-qaadanno  olollaha Qaran ee Nadaafadda caasimadda dalka iyo guud ahaan dalka intiisa kale, kaas oo degmooyinka gobolka Banaadir oo dhan bishii hal maalin laga fulin doono, sidoo kale waxaa guullo waa weyn laga gaaray amniga caasimadda, dhagarro badan oo cadowga shacabiga Muqdisho la damacsanaa ayeey ciidankeennu ka hortageen, muhiimadda waa Kalsoonida Bulshada iyo ciidanka, waxaan ku boggaadinayaa hey’adaha ammaanka howsha adag ee ay qabteen, INSHA ALLAAH, wax badan oo isbaddel dhinaca amniga ah ayaana ka dhici doona caasimadda”.

Sidoo kale Thabit ayaa sheegay in is-dhexgalka bulshada uu yahay midka ugu weyn ee midnimada ummadda ilaalin kara, ayna ku faraxsan yihiin maamul ahaanna ay u arkaan  in bulshada gobollada oo dhan uu u yahay faa’iido ballaaran.

Guddoomiyaha gobolka ayaa kula dardaarmay degmooyinka tartan cilmiyeedka ka qeyb-galaya in ay degnaansho iyo aqoon uga qeyb-qaataan tartanka inta uu socdo uuna u rajeynayo nasiib wanaagsan, isla markaana uu si rasmi ah u furan yahay Tartan Cilmiyeedka Bisha Ramadaan Warbaahinta Qaranka ee degmooyinka gobollada dalka.

Labada degmo ee caawa tartameysa waa Warta-nabadda oo ka tirsan gobolka Banaadir iyo Xudur oo ka tirsan gobolka Bakool.

 

 

 

 

 

Waxqabadka Dawladda ee usbuucii la soo dhaafay “SAWIRRO”

0

Mogadishu, 27 May 2017 – Wasiirka Warfaafinta Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Eng. Yarisow) ayaa ka warbixiyey horumarka Dowladda ee usbuucii la soo dhaafay 20 – 26 May 2017.

Wasiirka ayaa ka hadlay arrimo ay ka mid yihiin;

Ra’iisul Wasaaraha oo Daahfuray Ololaha Nadaafada Dalka

25 May 2017 – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre iyo Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka Mudane Mahdi Maxamed Guuleed ayaa si rasmi ah u daah furay Ollolaha nadaafadda ee bilicda dalka oo 25kii May 2017 laga hirgeliyey dalka, kana bilowday magaalada caasimada ee Muqdisho, kaasoo lagu aruurinayey qashinka yaala goobaha aan loogu tala galin iyo wadooyinka magaaalda. Guddoomiyaha Gobolka Benadir ahna Duqa Muqdisho ayaa isagana kormeeray degmooyinka caasimada oo ay ololahu si fiican uga socdeen. Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku dhowaaqay in maalinta Khamiista ugu danbeysa ee bil walba la sameyn doono Ololaha Nadaafada.

Maxkamada Ciidamada oo Cadaalada Marsiiyey Danbiile horey u diley Taliyihii Nabad-Sugida Gobolka Sh/Dhexe

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa 25kii May 2017 dil toogasho ku fulisay Ex-Dable NISA Yuusuf Xuseen Maxamuud oo ahaa ninkii dilay Taliyihii Nabadsugidda Gobolka Shabeellaha Dhexe Marxuum Cabdiweli Ibraahim Maxamed. Taliyihii Nabadsugidda Gobolka Sh/Dhexe ayaa la dilay 21-kii bishii June ee sanadkii hore, xilli lagu guda jiray bisha Ramadaan, waxaana dilka uu dhacay xilligii loo fadhiyay afurka.

Dowlada oo Daahfurtay Mashruuc lagu afurinayo 1.1 Milyan

Wasiirka Gargaarka & Maareynta Masiibooyinka Marwo Maryam Qasim ayaa 26kii May 2017 Daahfurtay Mashruuca Afurinta Hal Milyan iyo Boqol Kun bisha Ramadaan. Ururka Caalamka Islaamka (OIC) ayaa ka soo jawaabtay baaqii Dowlada Federaalka isla markaasna mashruucan ka hirgelin doonta dhammaan gobollada dalka oo dhan, gaar ahaan dadka tabaaleysan. Xaflada Daahfurka ayaa waxaa ka qeybgalay Wasiirka Warfaafinta, Wasiirka Diinta & Awqaafta, Madaxa OIC ee Soomaaliya iyo qaar ka mid ah hay’adaha Islaamka ee arrimaha Gargaarka.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo dhagax dhigey Mashruuc lagu Hormarinayo Garoonka Muqdisho.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa 24kii May 2017 dhagax dhigay leerarka iftiimiya wadada ay ku ordaan Diyaaradaha ee Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cade ee magaalada Muqdisho. Ra’iisul Wasaaraha ayaa daaray laanbadii ugu horeysay ee laga mudo Garoonka Muqdisho. Tani ayaa ah horumar ay dowladu ku tallaabsatay muddo kooban ka dib markii shirkadaha ka howlgala garoonka loo qabtay waqti kama danbeys ah oo ay ku fuliyaan mashruucan.

Ciidanka Howlgalka Muqdisho oo gacanta ku soo dhigay Hub iyo aalado kale

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre ayaa 23kii May 2017 booqday xarunta Ciidamada wadajirka ah ee fulinaya Qorshaha Xasilinta Caasimada Muqdisho ka dib howlgal ay sameeyeen 23kii May oo ay ku soo qabqabteen hub iyo aalado kale.

Ciidanka XDS oo u diyaargaroobay Howlgalka La Dagaalanka Argagaxisada

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa 24kii May 2017 booqday Balidoogle oo lagu diyaariyey 1600 ciidanka XDS si loo dardargeliyo Howlgalka la dagaalanka argagaxisada Al-Shabaab. Dowlada Federaalka ayaa mudnaan gaar ah siisey soo celinta amniga iyo nabadeynta dalka, iyadoo la diyaariyey Qorshihii iyo Istraatejiyada Amniga Qaranka.

Dowladda oo hirgelisey Shirkii SDRF oo lagu qiimeynayey Go’aanadii Shirkii London

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed ayaa 24kii May 2017 Shir-guddoomiyey shirka looga hadlayey qodobadii ka soo baxey shirkii London, Saameynta Abaarha iyo Arimaha Federaalka kaasoo ay soo qaban qaabiyeen Guddiga SDRF (Somalia Development and Reconstruction Facility Streering Committee). Waxaana ka soo qayb galey Xubno ka socdey Golaha Wasiirada Soomaaliya, Safiirada wadamada Turkiga, Sweden, Norway, Talyaaniga, ku xigeenka UN-ka iyo mas’uuliyiin ka socotey Maamul Goboleedyada dalka.

Ciidanka XDS oo Howlgal ciidan ka bilaabay Bakool oo ay jidgooyooyin ku qaadeen

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya ayaa 23kii May 2017 ka bilaabay Deegaano ka tirsan Gobalka Bakool Howlagalo looga sifeynayo Maleeshiyaadka Argagixisada ee Alshabaab. Sarkaal ka tirsan guutada 60-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka oo ku sugan Gobalka Bakool ayaa Warbaahinta u sheegay in Ciidamada ay qaadeen dhowr jidgooyo oo u tiilay kooxda Alshabaab, kuwaas oo lagu dhibaaateen jiray shacabka deegaanadaasi ku dhaqan.

Wasaarada Dhalinyarada oo Hirgelisey Wadatashiga Siyaasada Dhalinyarada

Kulan wadatashi ah ee siyaasadda Dhallinyarada Qaranka ayaa Wasaaradda Dhallinyarada Soomaaliya ku casuuntay ururada dhallinyarada oo lagu qabtay gobolka Benaadir 25kii iyo 26kii May 2017, kuwaas oo muddo labo maalin ah ka doodayey aragtidooda ku aadan siyaasadda Dhalinyarada Qaranka oo Wasaaradda dhallinyarada iyo ciyaaraha ku howlan tahay dejintiisa.

Guddiga Doorashooyinka oo xafiiska diiwaangelinta Xisbiyada ka furay Muqdisho

23kii May 2017 ayaa Munaasabad lagu furayay xafiiska diiwaan gelinta xisbiyada siyaasadeed ee dalka lagu qabtay Muqdisho. Guddiga madaxa banaan ee Doorashooyinka Qaranka ayaa hirgeliyey xafiiska diiwaangelinta, xafladii furitaanka ayaa waxaa ka qayb galay Xildhibaanno ka tirsan labada gole ee Baarlamanka, ururrada siyaasadeed iyo xubnaha guddiga doorashada. Guddoomiyaha Guddiga Xaliimo Yarey ayaa sheegtay in hawlo balaaran ay horyaalaan xafiiskan si loogu guulaystana loo baahan yahay inay si wada jir ah u wada shaqeeyan ururrada siyaasadeed iyo guddiga doorashadu. Malxalado kala duwan oo doorasho ayuu dalku soo maray, balse haatan ayey Guddigu ku hawlan yihiin hirgelinta doorashooyin hal qof iyo hal cod ah ee 2020ka.

Wasaarada Warfaafinta oo Daahfurtay Dood Cilmiyeedka xiriirka Warbaahinta & Amniga

Wasiirka Warfaafinta Mudane Eng. Yarisow ayaa 22kii May 2017 Daahfuray Dood Cilmiyeed ku saabsan sida ay u wada shaqeyn karaan hey’adaha ammaanka iyo warbaahinta Soomaaliyeed oo ay ka qeyb-galeen Wasiirro ka tirsan Xukuumadda iyo saraakiil ka kala socotay hey’adaha Xafiiska Midowga Yurub, hey’adda ALBANY iyo Machadka cilmi-baarista Soomaaliyeed ee u adkeysiga dhibaatooynka, SDRI oo soo sameeyey cilmibaaristan. Gobollada Benaadir, Bay, Jubbada Hoose iyo Mudug ayaa laga sameeyey cilmibaaristan oo tilmaantay muhiimada wadashaqeynta hay’adaha amniga iyo warbaahinta.

DHAMMAAD

Michael Keating oo dadka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyey bisha Ramadaan

0

Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay  u qaabilsan arimaha Soomaaliya danjire Michael Keating, ayaa dadka Soomaaliyeed u diray hambalyo u aadan bisha barakeysan ee Ramadaan oo maanta ay tahay maalintii ugu horeysay.

“Sanadkan, bisha Ramadan waxay ku soo beegantay iyadoo 6.7 malyan oo Soomaali ah oo ay kamid yihiin boqolaal kun oo barakacayaal ah ay u baahanyihiin gargaar bani’aadanimo abaarta darteed. Tani waxay ka dhigeysaa dadaallada lagu xoojinayo nabadda laguna horumarinayo daryeelka ,” ayuu yiri danjire Keating.

“Anigoo ku hadlaya magaca dhammaan bahda Qaramada Midoobay ee ka hawlgasha Soomaaliya, fadlan iga guddooma hambalyadeena ku aaddan bil nabdoon, faa’iido leh oo barakeysan,” ayuu yiri Ergeyga Gaarka ah Keating.

Guddoomiyaha guddiga shaqaalaha rayidka ah oo Baydhabo gaaray

0

Guddiga qaranka shaqalaha rayidka ee dowladda ayaa bilaabay xoojinta habka wada shaqaynta guddiyada shaqalaha ee maamul gobaleedyada sidii fursado shaqo loogu heli lahaa dhalinyada baaga muundada ama shaqo la’aanta  ku ah dalka iyo kuwa badaha ku baaba’aya.

Guddiga qaranka ee shaqalaha rayidka, ayaa ka bilaabey dhammaan maamul gobaledyada dalka in ay kormeer ku tagayaan iyo sidii loo xoojin lahaa wada shaqaynta  gudiyada mamul goboleedyada iyo guddiga qaranka shaqalaha rayidka.

Guddiga ayaa safarkoodi ugu horeeyey waxay ay ku tageen Maamul gobeledka koofurgalbeed, ayagoo halkaas kula kulmey shaqalaha iyo Guddiga waxay sidoo kale kala saxiixdeen isafgarad qaabka la isku dhaafsan lahaa khibradda iyo horumarinta arrimaha shaqaalaha.

 

Wasiirka Maaliyadda oo kormeeray xarunta Hogaanka Ilaalinta Canshuuraha ee Ciidanka Booliska

0

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Beyle iyo ku-xogeenkiisa ayaa maanta howlo kormeer ah ku tegay xarunta hogaanka Ilaalinta Canshuuraha ee ciidanka Booliska, kaasi oo u jeedka ahaa u kuurgelidda sida ay ciidamada u shaqeeyaan.

Mas’uulayiinta ayaa waxaa ku soo dhaweyay  Hogaanka  Ilaalinta canshuuraha  Taliyaha Hogaaankaasi iyo sarakiil kale oo ka tirsan Ciidanka iyagoo ugu warbaxiyay howlaha ay hayaan iyo halka ay mareyso.

Wasiirku Ku-xigeenka Wasaaradda Maaliyadda ee Soomaaliya Mudane Cabdulaahi Sheekh Cali ayaa sheegay in  loo baahanahay in la xooojiyo  qaabka loo aruuniyo cansruuaha.

“Dowladda waxaa ka go’an sidii wadanka loo gaarsiin lahaa  horumar wanaagsan, taasina waxaa lagu gaari karaa in aan xil iska saarno canshuurahana si wnaagsan loo qaado, waa mida kaliya ee dalka lagu horumarin karo”Ayuu yari Wasiir Qaloocow

Wasiirka Maaliyadda Xukuumada Soomalaiya Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Bayle ayaa sheegay in ay muhiim tahay in xil la iska saaro aruurinta canshuuraha .

“Waa in la  xoojiyo  shaqada canshuur aruunita, taasi oo ah  mid muhiim ah, waana in ay wada shaqeyn fiican dhex marto adiga iyo shaqaalaha Wasaaradda Maaliyadda u xilsaaran canshuur arruurinta  loo xilsaaray, Shacabka canshuur baxiyaasha ah in si wanaagsan loola dhaqmo loona isticmaalo lacagaha sida loogu talagalay”ayuu yari Wasiir Beyle.

Sidoo kale Wasiirka Maaliyadda ayaa hoosta ka xaqiiray in hogaanka ilaalinta canshuuraha ciidanka booliska shaqadooda loo madax banaaneeyo.

“Waa in  loo dhaafo shaqadooda ciidanka ilaalinta canshuraha  Booliska shaqadoooda  waxyaabo kale  oo aan ka baxsaneen shaqadooda inaa loo dirsan, loogaga baahan yahay in ay shaqadooda xoojinayaan” ayuu yiri Wasiirka Maaliyadda

Dhinaca kale Wasiir Cabdiraxmaan Ducaale Bayle ayaa sheegay in dowladda ay ka go’antahay bixinta mushaaraadka ciidanka iyo shaqaalaha dowladda, waxaana uu yiri “Xukuumadda way  ka go’antahay in ay idin siiso  mushaaraadkiina,  waana joogto amniga qeyb muhiim ah ka yahay  xasilinta dalka, isla markaana qarashaaad loo helo,  si wadankeena xasilooni amni u helo sida aad ogtahiin dalkeena waa hodan, waxaana ku jira kheyraad fara badan waxaana  muhiiim ah inaan ka faa”iidesano”

Masuulayiinta Wasaaradda maaliyadda ayaa dadaalo xoogan ugu jira sidiii loo kobcin lahaa dhaqaalaha wadanka iyo sidii dadka Soomaaliyeed loogu baraarujin lahaa in ay bixiyaan canshuruaadka.