Xafiiska diiwaangelinta Xisbiyada siyaasadda oo maanta laga furay Muqdisho

Date:

Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka ayaa markii ugu horreeysay furay diiwan galinta KMG ah ee Xisbiyada siyaasadda dalka.

Guddiga ayaa maanta soo soo bandhigay foomamka diiwaan galinta KMG ah, iyada oo ay goobta joogaan qaar ka mid ah guddoomiyeyaasha xisbiyada siyaasadeed ee dalka iyo mas’uuliyiinta Guddiga Madaxa Banaan ee Doorashooyinka Qaranka.

Xaliimo Sheekh Ismaaciil “Xaliimo Yarey” Guddoomiyaha Guddiga Madaxa Banaan ee Doorashooyinka Qaranka ayaa sheegtay in diiwaan galinta KMG ah ee maanta la daah furay ay fursad badan siineyso xisbiyada siyaasadeed ee dalka.

Xafiiska Diiwaangelinta ee guddiga ayaa u sharaxay xisbiyada goobta joogay habka iyo hannaanka ay isku diiwaan galinayaan, waxaana jiray su’aalo iyo talooyin ay xisbiyadu u jeediyeen guddiga,  hase ahaatee masuuliyiinta guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka ayaa u sheegay xisbiyada in wax waliba uu Dastuurka faahfaahinayo, iyaguna ay hirgalin doonaan.

Guddoonka xisbiyada qaar ayaa Warbaahinta Qaranka u sheegay in guddigu uu qaaday talaabo muhiim ah oo muujineysa in looga gudbi karo nidaamka hab qeybisag ee hadda lagu shaqeeyo.

Guddiga Madaxa Banaan ee Doorashooyinka Qaranka ayaa ku howlan hirgalinta doorashooyin qof iyo cod ah oo dalka ka qabsoonta mustaqbalka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Danjiraha Soomaaliya ee Kenya oo la qeyb galay Kalfadhiga Golaha Sare ee UN-Habitat ee Nairobi

Golaha Sare ee maamulka Hay’adda UN Habitat (Executive Board...

Safiirka Soomaaliya ee Shiinaha oo ka qeyb gashay Shir Caalami ah oo lagu xoojinayay Doorka QM

Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Shiinaha, Marwo Hodan Osman...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo dib ugu laabtay furimaha dagaalka Khawaarijta

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Askari lagu xukumay dil toogasho ah

Xukunka Askari u gacan qaaday Walaashiis soo korisay ka...