Seddex qof oo Shabaab kala shaqeyn jirtay warqadaha been abuurka ah oo la soo bandhigay

Date:

Wasaarada Amniga Xukuumadda Soomaaliya iyo Taliska Booliska Soomaaliyeed ayaa maanta si wada jir ah Dugsiga Tababarka Ciidanka Booliska Soomaaliya (Generaal Kaahiye) ugu soo bandhigay seddex ruux iyo qalab Wax lagu daabaco oo lagu soo qabtay howlgal ay Ciidamada ka sameeyeen degmada Dharkeynley ee Gobolka Banaadir.

Ragga la soo bandhigay ayay Mas’uuliyiintu sheegeen iney qori jireen daabicina jireen waraaqaha digniinta Maleeshiyaadka Al-Shabaab,waxaana ragga la soo qabtay ka dhex muuqday Maxamed Nuur oo shacabka Muqdisho si weyn ugu garanayaan (Idaacada Wareegta),isagoo sidoo kale keena cododka siyaasiyiinta iyo Wariyaasha caanka ah.

Madbacadda ay ka howlgalayeen raggaan la soo qabtay ayaa lagu magacaabaa INNA FATAX,waxayna ku taalay degmada Dharkeynley ee Gobolka Banaadir.

Warqado La sheegay in ay been abuur yihiin ayaa lala soo bandhigay, waxana ka mid ah warqadahaasi, CID, Gudomiyaha Gobolka banaadir iyo warqadaha digniinta Alshabab ay soo saraan.

Waxaa goobta soo bandhigista ka hadlay Wasiirka Amniga Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow oo sheegay iney howl wanaagsan ay qabteen Ciidamada Booliska Soomaaliya mudan yihiina in lagu amaano.

Saraakiisha Ciidamada Booliska iyo Wasiirka Amniga ayaa Ciidamada Booliska uga mahadceliyay howlgalka lagu soo qabtay raggaan, maadaama ay qal qal gelinayeen ammaanka Muqidsho.

Ciidamada Amaanka Dowladda Soomaaliya ayaa xaafadaha magaalada Muqdisho ka sameeya howlgalo lagu xaqiijinayo amaanka guud ee magaalada Muqdisho.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Mareykanka oo bogaadiyay in Soomaaliya ay qalab casri ah dhigtay Xuduudaha dalka

Bayaan ka soo baxay Safaaradda Mareykanka ee xafiiska Muqdisho...

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka oo kulan doceed kula yeeshay Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee QM

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed...

NISA oo kaashanaysa Ciidamada deegaanka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno hoostaga Moqokori

Ciidanka Nabad-sugidda Soomaaliyeed iyo kuwa deegaanka ayaa howlgal qorsheysan...

Wasiirka Maaliyadda XFS oo kulan la qaatay Xoghaya Guddiga Dhaqaalaha QM ee u qaabilsan Afrika

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige...