Home Blog Page 1549

Shirka Iskaashiga Bulshada Africa iyo Shiinaha oo la soo gaba gabeeyay

0

Magaalada Beijing ee dalka Shiinaha waxaa saaka lagu soo gaba gabeeyay Shir ku saabsan aqoon is weydaarsi oo Labo Todobaad socday, kaasoo ay ka qeyb galayeen Wafuud ka kala socota 10-dal oo Afrikaan ah oo Soomaaliya ay ku jirto iyo Dowlada Shiinaha, waxaana soo qaban qaabisay Xarunta Tabaradda Caalamiga ah ee Dowlada Shiinaha.

Shirkan ayaa waxaa looga hadlayay sidii wada shaqeyn iyo xiriir fiican uu u dhaxe mari lahaa Bulshooyinka Afrika iyo Shiinaha, iyo sidii Dalalka Afrikaanka ah loola socodsiin lahaa Fursada Shiinaha ka jira oo ay doonayaan inay Dunida kula Macaamilaan, Maadaama Shiinaha ay tahay Wadanka labaad ee dunida ugu dhaqaalaha badan.

Soomaaliya waxaa uga qeyb galayay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta, dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Shiikh Yuusuf Al Cadaala oo ay wehlinayaan Agaasimaha Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee SONNA, Cabdullaahi Shiikh Cabdiraxmaan Heybe, Agaasimaha Waaxda Qorsheynta iyo Xiriirka Caalmiga ah Cabdiraxmaan Axmed Xuseen iyo Madaxa Kormeerka iyo Qiimeynta Wasaaradda Warfaafinta Ifraax Cabdulaahi Cabdi.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta Al Cadaala oo saaka markuu soo dhamaaday Shirka la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay la isku afgartay in la xoojiyo is dhaxgalka Bulshooyinka labada dhinac iyo sida loo wada shaqeyn karo gaar ahaan Wasaaraddaha iyo Haw’adaha dowliga ah ee qaabilsan xaga Warbaahinta, iyagoo fududeynaya sidii dhaqamada iyo wada shaqeynta Bulshooyinka Shiinaha iyo Afrika la iskugu xiri lahaa.

Agaasimaha ayaa sidoo kale sheegay in Shirkan uu bilow u yahay qorshooyin xoog leh oo Afrika iyo Shiinaha dhex mari doono sanadka soo socda, kuwaasoo lagu fulin doono hanaanka dunida oo dhan ay Dowlada Shiinaha isugu xireyso oo Soomaaliya muhiim ay u tahay.

Ugu dambeyn Agaasime Cabdiraxmaan Shiikh Yuusuf Al Cadaala ayaa sheegay in Shirka intii uu socday ay soo bandhigeen Fursadaha Soomaaliya ka jira, Dadka Soomaaliyeed dhaqamadooda, waxyaabaha Dabiiciga ee Soomaaliya ilaah ku maneystay iyo Isbedelada ka socda dalka.

Ciidamada Booliska Soomaaliya oo kala wareegay qalab Xafiiseed Bolisiska Amisom ee AU

0

Ciidama Boliska AMISOM ee qaybta Gobolka Banaadir ayaa ku wareejiyay Qalab Xafiiseed Ciidamada Bolliska Somaliyeeed.

Qalabkan oo ay kuu deeqday Dowlada Denmark loona soo mariayay Ciidamada Booliska AMISOM ayaa waxaa Booliska Somaliyyed ku wareejiyay Ms. Christine Alalo  oo ah taliye ku xigeenka booliska AMISSOM  iyada oo uu ka gudoomay  Genaral Ahmed Hassan Maalin Taliyah Booliska ee Gobolka Banaadir.

“Waxaan leenahay shaqo na loo idmaday waxaana kamid ah inaan Caawino Booliska Somaliyeed haday ahaan lahayd dhisida aqoontooda,Utabo barida daba gallada, Tageerista xillayada Howlgalada anaoo taas kaduulayno waxaan samaynay.FPU (Formed Police Unit) kuwaas u shaqeeyo si joogto ah. Waxaan sidoo kale leenahay qorshooyin aan ku caawino oo ya kamid tahy Qalabka iyo dhamaan howlaha lagama mmrmaanka u ah iney ku shaqeeyaan booliska Somaliyeed”. ayuu tiri MS.Allala markii ay ku wareejinaysyay qalabka booliska.

Qalabkan oo ka koobnaaa Komputaro, nalalka cadceeda ku shqeeyo, Printro,Iyo qalab kale ayaa loo qaybin doonaa saldhigyada booliska gobolka  Banadir.

General Maalin ayaa ka Mahad celliya Deqda lagu wareejiyay Booliska Somaliyeed asagoo sheegay in qalabkan ka caawin doono xoojinta Sharciga iyo ku  dhaqankiisa, isla markaana loo qaybin doono 4 Xarumood oo kamid ah saldhigyada Gobolka Banaadir.

Booliska AMISOM ayaa had goor ka  caawiyo Booliska Soomaaliya qayabah ay ka midka yihiin Tababarada, Aggab Xafiisyada,iyo xoojinta Ilaalinta xuquuqull Aadniga iyo ku dhaqanka sharciga Dalka u yaalo.

Wasaaradda gaashaandhiga Soomaaliya oo Sheegtay in ay Ciidamada Xoogga ay Awood u leeyihiin Hanashada Amaanka guud ee Dalka

0

Wasiir ku xigeenka Wasaaraada gaashaandhiga Xukumadda federaalka Soomaaliya Mudane C/laahi Colaad Rooble   oo socdaa shaqo ku maraya Gobolada Baay iyo Bakool ee koonfurta Soomaaliya kana mid ah deegaana hoos yimaada Maamulka koonfur galbeed ee Soomaaliya.

Wasiir C/laahi Colaad Rooble   ayaa sheegay in ay wadaan xoojinta iyo qalabaynta Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya si dalka deegaanada ay kaga sugan yihiin maleeshiyaadka nabad diidka ah ee Al shabab.

C/laahi Colaad Rooble  wasiir ku xigeenka Wasaaradda gaashaandhiga Soomaaliya xili uu ku sugnaa Magaalada Baydhabo ee Xaruunta Gobolka Baay ahna Xaruunta ku meel gaarka ah ee Maamulka koonfur galbeed ayuu faahfaahin ka siiyay Warbaahinta Qaranka Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaare Khayre oo khudbad ka jeedin doona shirka Golaha guud ee QM

0

Shirka Golaha Loo dhan yahay ee Jimciyadda Qurumaha ka dhexeysa ayaa maanta ka furmaya Magaalada Newyorka ee Dalka Mareykanka,iyadoo Soomaaliya uu uga qeybgalayo wefdi ballaaran oo uu hoggaaminayo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre.

Wefdiga Raiisul Wasaaraha Soomaaliya waxaa kamid Wasiirka Arrimaha dibadda Mudane Yuusuf Garaad Cumar iyo mas’uuiliyiin kale kuwaasi oo horey u gaaray Magaalada Newyorka,si ay u soo dhaweeyaan Ra’iisul Wasaraaha iyo wefdigiisa.

Arrimaha loga hadli doono shirkaasi oo ah mid guud ayaa waxaa qeyb ka ah taageerada wadamada soo koraya oo Soomaaliya ay kujirto,waxaana lafilaya in khudbad ku saabsan arrimaha Soomaaliya uu halkaasi ka jeediyo ra’iisul Wasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre.

Waxaa lafilayaa in shirkaasi uu Ra’iisul Wasaaruhu uu ku soo bandhigo horumarka ay ku talaabsatay Dowladda Soomaaliya iyo waxyaabaha ay uga baahantahay in caalamka uu ka taageero.

Madaxweyne Trump oo khudbadiisa ugu horeysay ka jeedinaya shirka Golaha Guud ee QM

0

Donald Trump  Madaxweynaha Mareykanka ayaa lagu wadaa inuu maanta ka jeediyo khudbadiisii ugu horreysay shirka sanadlaha ah ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay.

Mas’uuliyiin katirsan Aqalka Cad ayaa wariyaasha u sheegay in madaxweyne Trump uu si xoog leh u cambaareyn doona dalalka Kuuriyada Waqooti, Iran iyo Venezuela.

Trump wuxuu ka dalban doonaa xubnaha Qaramada Midoobay in ay ka horgataan gantaalada baalistiga iyo hubka niyukleerka ah ee xukuumadda Pyongyang ka hor inta aysan Kuuriyada Waqooyi noqon kuwo adag.

Wuxuu kale oo uu ka hadli doonaa mowqifka Dowladiisa ee ku wajahan khilaafka ka dhaxeeya maamulkiisa iyo Dowlada Iran. Iyo sidoo kale qalalaasaha siyaasadeed ee ka taagan dalka Venezuela.

Shirka Golaha Guud ee Qaramada Midoobay ayaa maanta ka furmi doona xarunta Qaramada Midoobay ee magaalada New York.

Shirkii Baarlamaanada IGAD oo Suudaan ku soo geba geboobey

0

Magaalada Khartuum ee xarunta Dalka Suudaan lagu soo gebagebeeyey shir socday muddo sedax maalmood ah,kaasi oo ay isugu imaadeen Guddoonada Baarlamaanadda ku mideesan Urur Goboleedka IGAD iyadoo Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane  Mahad Cabdalla Cawad shirkaasi ka sheegay in Dowladda Soomaaliya ay bixineyso dhamaan kaalmooyinka looga baahdo .

Shirkan socday mudo sadax maalmood ah ayaa waxaa diirada lagu saarayay sidii iskaashi buuxa oo wada shaqeyn ah u dhexmari lahaaa dhamaan Baarlamaanadda Geeska Afrika ee ku mideysan Urur Goboleedka IGAD si wada jirna looga hortago arrimaha Abaaraha, Tahriibka, Macluusha , iyo Isbadalka Cimiladda,waxaana goob joog ahaa Guddoomiyaha Baarlmaanka Dalka Suudaan oo marti galinayay Shirka.

Mahad Cabdalla Cawad Guddoommiye ku xigeenka Labaad ee Golaha Shacabka Soomaaliya oo shirkaasi markuu soo idlaaday ka dib la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in qodobo wax ku ool ah ka soo baxeen shirkan loogana fadhiyo Dal walba in Baarlamaankiisa horgeeyo dhamaan waxyaabihii lagu heshiiyay si ay u meel maraan qodobadaasi.

Sidoo kale Gudoommiye ku xigeenka Labaad ee Baarlamaanka Fedraalka Soomaaliya Mahad Cabdalla Cawad ayaa tibaaxay in Gudoomiyaha Goloha Shacabka ee Dowladda aan Walaalaha nahay ee Jabuuti Maxamed Cali iyo wafdi uu hogaaminayo dhawaan imaan doonaan Magaalada Muqdisho Bisha November kana jeedindoono khudbad taariikhi ah.

Horey waxaa Soomaaliya u yimid guddoomiyihii baarlamaanka Jabuuti Alla u naxriistee Idiris Arna ‘Uud Cali oo ahaa guddoomiyihii  Baarlamaanka Jabuuti oo geeriyooday.

Madaxweyne Trump oo khudbadiisa ugu horeysay ka jeedinaya shirka Golaha Guud ee QM

0

Muqdisho(SONNA) Donald Trump  Madaxweynaha Mareykanka ayaa lagu wadaa inuu maanta ka jeediyo khudbadiisii ugu horreysay shirka sanadlaha ah ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay.

Mas’uuliyiin katirsan Aqalka Cad ayaa wariyeyaasha u sheegay in madaxweyne Trump uu si xoog leh u cambaareyn doona dalalka Kuuriyada Waqooti, Iran iyo Venezuela.

Trump wuxuu ka dalban doonaa xubnaha Qaramada Midoobay in ay ka horgataan gantaalada baalistiga iyo hubka niyukleerka ah ee xukuumadda Pyongyang ka hor inta aysan Kuuriyada Waqooyi noqon kuwo adag.

Wuxuu kale oo uu ka hadli doonaa mawqifka Dowladiisa ee ku wajahan khilaafka ka dhaxeeya maamulkiisa iyo Dowlada Iran. Iyo sidoo kale qalalaasaha siyaasadeed ee ka taagan dalka Venezuela.

Shirka Golaha Guud ee Qaramada Midoobay ayaa maanta ka furmi doona xarunta Qaramada Midoobay ee magaalada New York.

Shirkii Baarlamaanada IGAD oo Suudaan ku soo gaba gaboobey

0

Muqdisho(SONNA) Magaalada Khartuum ee xarunta Dalka Suudaan waxaa lagu soo gabagabeeyay shir socday muddo seddax maalmood ah,kaasi oo ay isugu yimaadeen Guddoonada Baarlamaanadda ku mideysan Urur Goboleedka IGAD, iyadoo Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Mahad Cabdalla Cawad uu shirkaasi ka sheegay in Dowladda Soomaaliya ay bixineyso dhamaan kaalmooyinka looga baahdo .

Shirkan socday mudo sadax maalmood ah ayaa waxaa diirada lagu saarayay sidii iskaashi buuxa oo wadashaqeyn ah u dhexmari lahaaa dhamaan Baarlamaanadda Geeska Afrika ee ku mideysan Urur Goboleedka IGAD si wada jirna looga hortago arrimaha Abaaraha, Tahriibka, Macluusha , iyo Isbadalka Cimiladda,waxaana goob joog ka ahaa Guddoomiyaha Baarlmaanka Dalka Suudaan oo marti galinayay Shirka.

Mahad Cabdalla Cawad Guddoommiye ku xigeenka Labaad ee Golaha Shacabka Soomaaliya oo shirkaasi markuu soo idlaaday ka dib la hadlay Wakaaladda SONNA ayaa sheegay in qodobo wax ku ool ah ka soo baxeen shirkan loogana fadhiyo Dal walba in Baarlamaankiisa horgeeyo dhamaan waxyaabihii lagu heshiiyay si ay u meel maraan qodobadaasi.

Sidoo kale Gudoommiye ku xigeenka Labaad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mahad Cabdalla Cawad ayaa tibaaxay in Guddoomiyaha Goloha Shacabka ee Dowladda aan Walaalaha nahay ee Jabuuti Maxamed Cali iyo wafdi uu hogaaminayo dhawaan imaan doonaan Magaalada Muqdisho Bisha November kana jeedin doono khudbad taariikhi ah.

Horey waxaa Soomaaliya u yimid guddoomiyihii baarlamaanka Jabuuti Alla u naxriistee Idiris Arna ‘Uud Cali oo ahaa guddoomiyihii  Baarlamaanka Jabuuti ee geeriyooday.

Ra’iisul Wasaare Khayre oo khudbad ka jeedin doona shirka Golaha guud ee QM

0

Muqdisho(SONNA) Shirka Golaha Loo dhan yahay ee Jimciyadda Qurumaha ka dhexeysa ayaa maanta ka furmaya magaalada New Yorka ee Dalka Mareykanka,iyadoo Soomaaliya uu uga qeybgalayo wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre.

Wafdiga raiisul Wasaaraha Soomaaliya waxaa kamid Wasiirka Arrimaha dibadda Mudane Yuusuf Garaad Cumar iyo mas’uuiliyiin kale kuwaasi oo horey u gaaray magaalada New Yorka,si ay u soo dhaweeyaan Ra’iisul Wasaraaha iyo wafdigiisa.

Arrimaha looga hadli doono shirkaasi oo ah mid guud ayaa waxaa qeyb ka ah taageerada wadamada soo koraya oo Soomaaliya ay kujirto,waxaana lafilaya in khudbad ku saabsan arrimaha Soomaaliya uu halkaasi ka jeediyo Ra’iisul Wasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre, isagoona shirkaasi ku soo bandhigi doono horumarka ay ku talaabsatay Dowladda Soomaaliya iyo waxyaabaha ay uga baahantahay in caalamka inuu ka taageero.

Sedex qof oo ku dhimatay shil gaari oo ka dhacay duleedka Magaalada Jowhar

0

Jowhar(SONNA)-Wararka naga soo gaaraya Magaalada Jowhar ayaa sheegaya in shil gaari oo ka dhacay Gobolka Shabeelaha dhexe gaar ahaan deegaan  koonga oo qiyaastii u jirta 5-km magaalada Jowhar ee xarunta Maamulka Hirshabeelle.

Weriyaheena Magaalada Jowhar Abuukar Bacadle oo gaaray Goobta uu shilka ka dhacay ayaa inoo xaqiijiyay in shilkii galabta ka dhacay degaanka koongo ay ku dhinteen dad gaaraya ilaa 3 ruux oo midu tahay dumar,halka dhaawacana yahay 4 ruux.

Dadka dhintay iyo kuwa dhawacmay ayaa kala saarnaa gaari Nooha ah oo ka yimid Muqdisho iyo Mooto Bajaaj kuwaasi oo si kedisa iskugu dhacay.

Gudoomiye ku xigeenka dhanka Siyaasada Gobolka Shabeelaha dhexe Mudane Maxamed Cabdi Sheekh Muumin iyo Taliyaha saldiga Jowhar dhame Maxamed Siyaad canjeex ayaa sheegay inay u gurmadeen dadka shilkan waxyeelada ka soo gaartay isagoo xusay in dadkii ku dhawacmay  la dhigey isbitaalka magaalada Jowhar.