Home Blog Page 1549

Madaxweyne Farmaajo oo u Magacaabay Fahad Yaasiin Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada JFS

0

FAAFIN DEGDEG AH

31ka May 2017

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta u magacaabay Fahad Yaasiin inuu noqdo Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

“Waxaan xilka Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u magacaabay Mudane Fahad Yaasiin oo ah nin dhallinyaro ah, karti iyo hufnaan aan ku bartay, kana soo dhalaali kara shaqada qaran ee loo igmaday. Waxaan Eebe uga baryayaa inuu masuuliyaddan culus u fududeeyo.”

Madaxweynahu waxa uu sidoo kale u mahadcelinayaa Agaasimhii hore Madaxtooyada Mudane Abuukar Daahir Cismaan (Baalle) oo ahaa shakhsi waqti badan galiyay u khidmeynta dalkiisa iyo dadkiisa.

DHAMMAAD

Ra’isul Wasaaraha oo booqday Xarunta Taliska Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed

0

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre  oo ay wehliyaan Wasiiro katirsan Xukuumada Soomaaliya ayaa maanta booqday xarunta Taliska Ciidanka Booliiska Soomaaliya.

Ciidamo katirsan booliiska Somaaliya ayaa salaan sharaf iyo gaardo ka ciyaar kusoo dhaweeyay Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya iyo masuuliyiintii kale ee la socotay, waxaana salaanta kadib R/Wasaaraha uu kormeeray xarunta taliskla booliiska.

Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya waxa uu kulan gaar ah la qaatay saraakiisha ciidanka booliiska Soomaaliya, waxa uuna warbixin ka dhageestay taliyaha ciidankaasi Generaal C/xakiin Daahir Saciid Saacid.

R/Wasaaraha Soomaaliya ayaa saraakiisha booliiska uu la kulmay kala hadlay sida ay ciidamada booliiska uga qeyb qaadanayaan xasilinta amaanka magaalada Muqdisho, waxa uuna kula dar daramay saraakiisha in ay xoojiyaan waajibaadka loo igmaday.

Waxa uu sheegay Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre in uu horey uso noqaday askari katirsan ciidanka booliiska Soomaaliya kana soo shaqeeyay salhiga booliiska degmada Hodan, waxa uuna xusay in booliisku uu yahay ilaaliyaha sharcida iyo dadka.






Wasiirka Maaliyaddda Soomaaliya oo ka warbixiyay waxqabadka labadii bil ee la soo dhaafay

0

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya Dr. C/raxmaan Ducaale Beyle, oo maanta shir saxaafadeed ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay arrimo badan oo ay tahay waxqbadka Wasaaradda labadii bilood ee la soo dhaafay, kordhinta dakhliga dowladda, sare u qaadista isla xisaabtanka, deymaha dalalka caalamka ay Soomaaliya ku leeyihiin iyo hanaanka canshuuraha dalka.

Dr. C/raxmaan Beyle, Wasiirka Maaliyadda ayaa sheegay in dowladda cusub ay ku dhowdahay in ay gaarto isku filnaansho maareeynta kharashka ku baxay dowladda..

“ Waxaan dooneynaa in wadanka uu ku filnaado kharashaadka ku baxaya dowladda sida bixinta mushaaraadka iyo running cost oo ah, waxyaabaha shaqada ku soconeyso, labadii bilood ee la soo dhaafay waxaa ku guuleysanay in aan bixino mushaaraadka ciidanka iyo shaqaalaha dowladda”

Wasiirka ayaa sidoo kale tilmaamay in markii hore canshuurta beriga ay aheyd dakhliga dalka in ka badan 90% maantana ma jirto arintaas sababtana waa amni darada jirta, haddii amniga la sugo waa la isku filnaanayaa.

Wasiir Beyle ayaa sidoo kale, sheegay in dalka lagu leeyahay lacag ka badan $5 Bilyan taas oo ay ku leeyihiin dalal iyo hey’ado caalami ah, isla markaana wadahadolo dheer kadib lagu rajo weyn yahay in laga cafiyo deymahaas.

“Deynta waxaa nagu leh saddex qolo oo kala ah dalalka Yurub, dalalka Carabta oo ah kuwa ugu badan iyo  bankiyo caalami ah hay’da lacagta adduunka {IMF} iyo World Bank”sidaa waxaa yiri Wasiirka maaliyada

Wasiirka ayaa sheegay in ay dalalkaas iyo hey’adaha ay kala hadleen sidii deyntaas looga cafin lahaa Soomaaliya, maadaama aysan bixin Karin lacagtaas, waxaana lagu xirey shardi ah in ay hagaajiyaan hannaanka Maaliyadda dalka, isla markaana muddo 12 bilood ah loo qabtay in ay arintaas hirgeliyaan si loo cafiyo deynta.

Sidoo kale, Wasiir Beyle ayaa sheegay in deeq lacageed oo gaaraysa $50 Million ay ka heleen bankiga aduunka, taas oo lagu qaban doono dadka abaaruhu saameeyeen in mashaariic kale loogu sameeyo.

Ugu dambeyntii Wasiirka Maaliyadda dalka ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay bixiyaan canshuurta ku waajibtay ayna dhankooda ilaalin doontaan amaanadaas.

Madaxweynaha JFS oo Guddi soo qiimeeya u saaray Maxaabiista Xabsiga Dhexe

0

Madaxweynaha JFS ayaa Guddi Khubaro ah u saaray soo qiimeeynta Xaaladaha iyo tiro koobka Maxaabiista ku xiran Xabsiga Dhexe ee magaalada Muqdisho.

Halkaan hoose ka Akhriso

Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya oo faahfaahiyay xaaladda maxaabiista Soomaalida ee ku xirxiran dalalka caalamka

0

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa maalmihii ugu dambeeyay ku howlaneyd olole lagu dalbayo in ay Dowladdu u istaagto sii deynta dhallinyaro Soomaaliyeed ee ku jira xabsiyada dalal shisheeye, taas oo loo arko, ahna waajib Dowladda saaran.

War qoraal ah oo ka soo baxay xafiiska Wasiirka Arrimaha dibadda Ee Soomaaliya Mudane Yuusuf Garaad Cumar ayaa lagu yiri “Maaddaama uu ololuhu sii xoogeysanayo, mararka qaarkoodna ay ka hadlayaan
dhinacyo aan ahayn xog ogaal buuxa, ayaan goostay in aan soo bandhigo xogta hadda suurta-galka ah in aan la wadaago dadweynaha. Waa dadaal ay waddo Dowladda Soomaaliya laakiin aan weli la soo geba gebeyn”

Waxaan shacabka ku wargelinayaa in aan billownay xiriirro dhowr ah oo ku saabsan dhallinyaro ku xiran dalalka Ethiopia, Sychelles iyo India.

Ethiopia madaxdeeda ayaan la soo qaadnay mowduucan dhowaan markii aan booqannay Addis Ababa.

Seychelles Wasiiru Dowlaheeda Arrimaha Dibadda ayaan ku kulannay mid ka mid ah shan shir doceed oo aan gooni gooni ula yeeshay Wasiirro Arrimo Dibadeed isla halkii maalin ee shirka London uu socday.

Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda ee Sychelles arrinta ugu weyn ee uu ila soo qaaday waxay ahayd nabadgelyada badda nooo dhexeysa iyo wadashaqeynteenna mustaqbalka. Ka dib markii aan uga warramay isbeddelka dalka ka dhacay, Aniguna arrinta ugu weyn ee aan ku soo qaaday waxay ahayd Maxaabbiis Soomaali ah oo ku xiran Seychelles.

India waxaa ay Safaaradda Soomaaliyeed ee New Delhi iyo Xeer Ilaalinta Qaranku ay qabteen Qareen u dooda mid kasta oo ka mid ah Maxaabbiista Soomaaliyeed ee ku jira xabsi ku yaalla Mumbai. Safaaradda Soomaaliya waxaa kale oo ay u asteysay mid ka mid ah Diblomaasiyiinteedu in uu tago Mumbai 1400 km u jirta New Delhi mar kasta oo Maxkamad la soo taagayo mid ka mid ah boqol iyo dheeraadka Maxaabbiista Soomaaliyeed ah.

Waxay Wasaaradda Arrimaha Dibaddu si joogta ah u heshaa Warbixinno kala gooni ah oo Qareenka Hindiga ah iyo Diblomaasiga Soomaaliga ahi ay u soo diraan hadba dacwaddu meesha ay mareyso ayaga oo isla markaana talo bixinaya tallaabada nala gudboon.

Maanta (Talaada) oo u dambeysay waxaan mowduucan fadhi ka yeelannay Wasiirka Garsoorka iyo Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda taasoo ahayd markii labaad isla toddobaadkan, ka horna waxaan wadajir ula kulmay Agaasimaha Aasiya iyo Agaasimaha Afrika ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda. Waxaa arrinta Maxaabbiista ku xiran India isla maanta ka wadahadlay Agaasimaha Aasiya iyo Danjiraha Soomaaliya ee New Delhi.

Berrina waxaa jira dhowr kulan oo Muqdisho iyo New Delhi loo ballansan yahay mowduucan.

Waxaa diyaar ah oo labada dal ee Soomaaliya iyo India ay isku af garteen inkasta oo aan weli la saxiixan heshiis mabda’ ahaan Maxaabbiista la isu celinayo.
Laba ka mid ah Dowladaha Saddexda ah ee aan xusay Ethiopia, Seychelles iyo India waxaan isla meel dhignay in maxaabbiista Soomaaliyeed ee dalalkooda ku xiran lagu soo wareejiyo gacanta Dowladda Soomaaliya. Dalka kale waxaa noo billowday xiriir aan ku rajo weyn nahay in aan ka miro dhalin doonno mar dhow.

Runtii howsha socota oo ku wajahan in Maxaabbiista dibadda ku xiran oo dhan ay gacanteenna soo galaan, ma ahan howlo saxaafadda lagu soo wada bandhigi karo maaddaama aanay soo geba-geboobin.

Hore waxaan ula kulmay wakiil ka socda Guddiga Caalamiga ah ee Laanqeyrta Cas oo aan weydiistay in ay nala wadaagaan Maxbuus kasta oo Soomaaliyeed ee ay ka warhayaan in uu ku jiro xabsi shisheeye.

Shalay oo u dambeysay waxaan farriin ka helay saddexda Dowladood middood, farriintaas oo ah mid yididdiilo hor leh I gelisay. Howshani hadba heerka ay mareyso ee in la sheego aanay wax u dhimi karin furdaaminta iyo marka ay geba-gebo tahay waan la wadaagi doonnaa dadweynaha Soomaaliyeed.

Waxaan Madaxweynaha cusub ee Galmudug, Axmed Ducaale Xaaf uga mahadcelinayaa in uu fagaaraha caleema-saarka ee Cadaado uu ku ballanqaaday in uu bixin doono kharashka dayaaradda haddii dhallinyarada Soomaaliyeed ee India ku xiran loo soo celinayo Soomaaliya.

Waxaan dhallinyarada Soomaaliyeed ee ku hammin kara ugu baaqayaa in ay ka feejignaadaan ka qeybqaadashada burcad badeed ama fal dambiyeed kale oo ay xabsi ku mudan karaan nooc kasta oo uu yahay. Taas macnaheedu ma ahan in aan ku tilmaamayo in dhallinyarada ku xiran Ethiopia, Seychelles iyo India ay yihiin dembiilayaal maaddaama arrintaasi ay u taallo Maxkamadaha.

Dowladda Soomaaliya waxa ay hadda ku dabajirtaa Soomaali ku xiran dalalka Uganda, Sudan, Libya iyo meelo kale oo ay ka mid yihiin dalal ku yaalla Afrikada Koofureed.

Xidigle Xoogga Dalka Faisa Cabdirashid oo kaalmo gaarsiisay Naafada Xoogga ee ku jira isbitaalka Martini

0

Xidigle Xoogga Dalka Faisa Cabdirashid Cabdi waxaa ay sanadkii 2016 ka bishii September ku dhaawacantay shil gaari xilli ay ku gudo jirto howlaheeda shaqo.

Xidigle Faisa Cabdirashid ayaa maanta isbitaalka Martiini ku booqatay Naafada Xoogga Dalka, iyadoo guddoonsiisay lacago ay afur ka dhigtaan, waxaana ay weydiisatay inay u duceeyaan maadaama ay la xanuunsaneyso dhaawacii ka soo gaaray shilka gaari.

Faisa Cabdirashiid ayaa shacabka ka codsatay inay caawiyaan walaalood Naafada xoogga dalka ee ku jira isbitaalka Martini ee magaalada Muqdisho.

Afhayeenka Naafada Xoogga Dalka Cabdi Mahad Cali ayaa ugu mahadceliyay booqashada ay maanta Faisa ku tegtay Isbitaalka Martini, isagoo xusay inay aad ugu faraxsanyihiin kaalmada lacageed ee ay soo gaarsiisay maadaama lagu guda jiro bisha barakeysan ee Ramadaan.

Tallaabadan ay Faisa sameysay ayaa ah mid u baahan in lagu dhiiri geliyo, maadaama ay gurmad u fisay Naafada Xoogga dalka ee ku nool isbitaalka Martini ee magaalada Muqdisho

Gaari Qarax siday oo lagu Qabtay Magaalada Boosaaso

0

Ciidammada Ammaanka ayaa kontoroolka laga galo Magaalada Boosaaso ku qabtay Gaari UD ah oo siday Qaraxyo, Isgaarsiin casri ah, Qalab kale oo ay ka midyihiin Taargooyinka Gawaarida iyo labo Nin oo waday Gaariga.

Wararka ayaa sheegaya in gaariga uu waday qudaar farabadan balse waxaa lagu soo dhaxqariyay Qaraxyo fara badan iyo Agab isgaarsiin oo loo ismaalo walxaha qarxa.

Saraakiisha Hay’adaha Ammaanka ayaa Wakaaladda SONNA u xaqiijiyay in haatan ay wadaan Baaritaano ku aadan Gaarigaan halka uu ka yimid iyo meesha loo waday Qaraxyadaan.

Gaalkacyo oo u gudbtay wareegga labaad ee tartan cilmiyeedka warbaahinta Qaranka

0

 

Habeenkii afaraad ee tartan Cilmiyeedka Warbaahinka ee ay degmooyinka gobollada dalka ku baratamayaan, waxaa ku hardamay degmooyinka Gaalkacyo oo Mudug ka tirsan iyo Boondheere oo ka tirsan Benaadir ka tirsan.

Tartanka  xiiso gaar ah ayuu lahaa, waxaa sida caadiga aheyn degma kasta la weydiiyey Toddobo su’aallood oo isugu jira Diini, Seynis, Xistaab, aqoon guud iyo taariikhda dalka, qeybtii koobaad ayaa  lagu hakiyey kaddib markii labada degmo la weydiiyey min afar su’aal.

Ka hor qeybta labaad ee tartanka ayaa lagu soo bandhigay warbixinnadii ka hadlayey Taariikhda Gaalkacyo iyo Boondheere, taas oo wax badan u tarta isdhexgalka tartamayaasha degmooyinka gobollada dalka.

Natiijada degmada Boodheere

Tartamayaasha degmada Boondheere oo la weydiiyey toddobo su’aal waxa ay si sax ah uga jawaabbeen laba su’aal, wax  ka faa’ideysi ah ma aysan helin waxa ay uruursadeen afar dhibcoon

Natiijada degmada Gaalkacyo

Sidoo kale tartamayaasha degmada Gaalkacyo, waxaa la weydiiyey toddobadii su’aal ee tartanka, waxa ay ka jawaabeen laba su’aal, wax ka faa’ideysi ah ma helin, waxa ayna iska qaldeen shan su’aal, si la mid ah waxa ay heleen afar dhibcoon.

Guddiga tartanka , ayaa u mahadceliyey labada degmo sida habsamida leh ee ay tartanka uga qeyb-qaateen, balse labada degmo oo la weydiiyey dhammaan su’aalihii tartanka, ayaa is mari waayey, waxaana lagu daray su’aallo dheeri ah, sida sharuucda tartanka ka mid ah.

Labada degmo waxaa dib loo weydiiyey  min hal su’aal oo dheeri ah, Boondheere oo ugu horreyn la weydiiyey kama aysan jawaabin su’aasheedii, Gaalkacyo oo si ka faa’ideysi ah loogu gudbiyey ayaa ka faa’ideysatay, sidoo kale Gaalkacyo su’aasheydiina si sax ah ayeey uga jawaabtay, waxa ayna uruursadeen siddeed dhibcood.

Guddiga ayaa shaaciyey in degmada Gaalkacyo ay u gudbtay wareegga Labaad ee tartan Cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka ee degmooyinka gobollada dalka.

Habeen Dambe waxaa tartami doona Dhahar oo ka tirsan gobolka Sagaal  iyo Dhuusamareeb oo ka tirsan gobolka Galgaduud.

 

 

 

 

 

 

Garoonka Diyaaradaha ee Aaden Cabdulle oo habeen shaqeynaya

0

Garoonka diyaaradaha ee Aadan Cabdulle waxaa loogu magac daray Madaxweynihii ugu horreeyey ee Soomaaliya kadib markii la qaatay xoriyadda 1960 kii, waa garoon caalami ah waxa uuna ku yaalaa Magaalada Muqdisho koofurteeda waxaana astaan u ah(IATA, MGQ,ICAO,HCMM), waxaana ka soo degi jiray Shariikado Diyaaradeed oo heer Caalami ah, oo ay ka mid ahaayeen Luftansa oo Jarmal ah,Airflot oo Ruushka ah,Alla Italia, Kenya Airways,Al-Yemda oo Yeman ah, Egyptian Airlines oo Masar ah, Saudi Air oo ah iyo Somaali Airlines oo ay laheyd Soomaalida iyo kuwa kale.

Mas’uuliyiinta Dowladda ayaa dadaal u galay sidii uu garonku u noqon lahaa mid la mid ah Garomada caalamka, gaar ahaan kuwa geeska Afrika, waxaana mas’uuliyadda garoonka lagu wareejiyay Shriicado gaar ah, waxaana ugu dambeeyay oo hadda heysa Shariikad laga leeyahay dalka Turkiga, halka markii hore ay maamuleysay Shariikad Konfur Afrikaan ah.

Muddo 20 sano kadib duulimaadyo caalami ah oo ay sameeyaan diyaarado laga leeyahay dal ka mid ah dalalka reer Yurub ayaa waxaa ay si rasmi ah uga bilaabmeen Magaalada Muqdisho, iyadoo munaasabad Xarigga looga jarayey duulimaadyada Turkish Airways ayna ka qeybgaleen Madaxweynahii hore ee Dowladdii ku meel gaarka aheyd Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Ra’iisulwasaare ku-xigeenka Turkiga, taasoo lagu qabtay Magaalada Muqdisho, waxaa kaloo jirta Dulimaadyo ay sameyso Shariikadda Diyaaradaha ee Jabuuti Airline.

Haddaba si looga dhigo Garoonka mid heer caalami ah waa in loo yeelaa dhammaan waxyaabaha looga baahan yahay, waxaase hore u jirtay in Diyaaraduhu ay soo degi jireen maalntii oo kaliya, waxaase dadaal dheer kadib lagu guuleystay in duulimaadku uu ahaado maalin iyo habeen intaba, kadib markii lagu xiray Garoonka Leyrarka ifiya dhabbaha ay ku cararaan diyaaradaha, waxaana ka qeybgalay xafladaasi lagu bilaabayay galinta Leyrarka Ra’iisul Wasaaraha xukuumada Soomaaliya Xasan Cali Kheyre, waxa uuna daaray laanbadii ugu horreysay ee la dhigo Garoonkaasi, waxaana xusid mudan in hore gudaha Garoonka looga hirgaliyay meel Rakaabku ku nastaan oo laga wada heli karo waxyaabaha ay Dadku uga baahan yihiin.

Wasiirka Gaadiidka Duulista iyo Hawada ee xukuumada Soomaaliya mudane Maxamed Cabdullahi Salaad (Oomaar) ayaa sheegey in qalabkan dowlada Soomaaliya ay soo gadatey ugana tala gashey in goroonka Aadan Cade Airport lagu xiro si ay diyaaradahu habeen iyo maalinba u soo degaan una duulaan sidoo kalena ay qeyb ka noqoto soo celinta bilicda garoonka iyo Caasumadda.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa u mahad celiyey Wasiirka iyo kooxdii kala shaqeysay howsahaasi ay qabteen, wuxuuna caddeeyay inaysan cidna taageero ka helin taasina ay tahey guul ay gaartay dowlada Soomaaliya.
“Waxaa loo qabay baahi weyn in la helo leerarka ifttimaya waddada ay diyaaraduhu ku ordaan, aad baan ugu faraxsanahey inaan dhagax dhigo. Tanina waxey bilow u tahey horumarinta Garoonka diyaaradaha Muqdisho iyo kuwa Gobolada dalka” Ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa kula dardaarmay Shaqaalaha Garoonka Diyaaradaha ee Aaden Cadde ka shaqeeya inay ilaaliyaan qalabkaasi maadaam uu yahey hanti Qaran, sidoo kalena waxa uu u soo jeediyay Madaxda garoonka inay dowlada u soo sheegaan waxyaabah ka dhiman garoonka.

Haddaba waa guul u soo hoyatay Ummdda Soomaaliyeed, bacdamaa ay howsha Garoonka ay noqoneyso 24 saacadood ama Habeen iyo Maalin, halka markii markii hore ay Duulimaadyadu jireen Maalintii oo kaliya, waxaase kaloo loo baahan yahay in la sii horumariyo, si aan u gaarno Asaageyn oo aan ka harsaneyn muddo 21 sano ah.

Qallinka: C/laahi Ruush

tartameyaasha Shangaani oo wareegga labaad ee tartan cilmiyeedka Ramadaanka u gudbtay

0

Tartan cilmiyeedka warbaahinta Qaranka ee degmooyinka gobollada dalka oo uu taabagelinayo maamulka gobolka Benaadir, isla markaana dhexmaray degmooyinka Shangaani iyo Waabari, ayaa soo gabogaboobey.

Labada degmo waxa ay ka wada tirsan yihiin gobolka Benaadir.

Labada degmo markii la weydiiyey min afar su’aan ayaa la galay qadar nasasho ah, waxaana looga faa’ideystay daqiiqadahaas in lagu soo bandhigo warbixinno ka hadlaya Taariikhda labada degmo ay ku caan baxayn, iyadoo wariyeyaasha SNTV & RM ay soo gudiyeen muuqaallo iyo warbixanno aad u xiiso badnaa, si ay u xoogeysato isbarashada iyo isdhexgalka degmooyinka Waabari iyo Shangaani.

Sidoo  kale majaajiliisteyaasha C/qaadir Abahaa iyo Jaajuumoow, ayaa u ruwaayadeynayey daawadeyaasha iyo dhageysteyaasha Radio Muqdisho inta tartanka uu socdey, gabogabada tartanka guddiga ayaa soo gudbiyey sida uu ku dhammaadey tartanka.

Natiijada degmada Shangaani

Axmed Cali Kaahiye oo guddiga tartanka ka tirsan ayaa sidaan u shaaciyey  natiijada Shangaani, “Tartankii caawa oo aad u xiisa badnaa,  degmada Shangaani waxaa la weydiiyey Toddobo su’aal oo  toos ah, waxa ay ka jawaabeen hal Su’aal, laba ka mid ah su’aallaha si ka faa’ideysi ah ayeey u heleen, lix su’aalna ma aysan haleenin, sidaas darteed afar dhibcood ayeey uruursadeen.

Natiijada degmada Waabari

Sidoo kale degmada Waabari waxaa la weydiiyey Toddobo su’aal oo iyana toos ahaa, hal su’aal ayeey ka jawaabbeen Lix ka mid ah waa ay hareer mareyn, wax ka faa’ideysi ahna ma aysan helin degmada Waabari, laba dhibcood ayeey sidaa ku heleen, wareegga labaad nasiib umma yeelan.

Guddiga ayaa sheegay in degmada Shangaani ay u gudubtay wareegga labaad ee tartan Cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka ee bisha Ramadaan, habeen dambe waxaa tartami doona degmooyinka Boondheere oo ka tirsan gobolka Benaadir iyo Gaalkacyo oo ka tirsan gobolka Mudug.

Habeen dambe Boondheere Vs Gaalkacyo