Seddex qof oo Shabaab kala shaqeyn jirtay warqadaha been abuurka ah oo la soo bandhigay+Sawiro

Date:

Muqdisho(SONNA) Wasaarada Amniga Xukuumadda Soomaaliya iyo Taliska Booliska Soomaaliyeed ayaa maanta si wada jir ah Dugsiga Tababarka Ciidanka Booliska Soomaaliya (Generaal Kaahiye) ugu soo bandhigay seddex ruux iyo qalab Wax lagu daabaco oo lagu soo qabtay howlgal ay Ciidamada ka sameeyeen degmada Dharkeynley ee Gobolka Banaadir.

Ragga la soo bandhigay ayay Mas’uuliyiintu sheegeen iney qori jireen daabicina jireen waraaqaha digniinta Maleeshiyaadka Al-Shabaab,waxaana ragga la soo qabtay ka dhex muuqday Maxamed Nuur oo shacabka Muqdisho si weyn ugu garanayaan (Idaacada Wareegta),isagoo sidoo kale keena cododka siyaasiyiinta iyo Wariyaasha caanka ah.

Madbacadda ay ka howlgalayeen raggaan la soo qabtay ayaa lagu magacaabaa INNA FATAX,waxayna ku taalay degmada Dharkeynley ee Gobolka Banaadir.

Warqado La sheegay in ay been abuur yihiin ayaa lala soo bandhigay, waxana ka mid ah warqadahaasi, CID, Gudomiyaha Gobolka banaadir iyo warqadaha digniinta Alshabab ay soo saraan.

Waxaa goobta soo bandhigista ka hadlay Wasiirka Amniga Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow oo sheegay iney howl wanaagsan ay qabteen Ciidamada Booliska Soomaaliya mudan yihiina in lagu amaano.

Saraakiisha Ciidamada Booliska iyo Wasiirka Amniga ayaa Ciidamada Booliska uga mahadceliyay howlgalka lagu soo qabtay raggaan, maadaama ay qal qal gelinayeen ammaanka Muqidsho.

Ciidamada Amaanka Dowladda Soomaaliya ayaa xaafadaha magaalada Muqdisho ka sameeya howlgalo lagu xaqiijinayo amaanka guud ee magaalada Muqdisho.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Kulan looga hadlaayay ka jawaabidda Saamaynta Roobabka oo lagu qabtay Muqadisho.

Gudoomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacyaasha Qaranka Marwo Safiya Xasan...

Wasiirka Cusub ee wasaaradda Arimaha Gudaha oo kormeer shaqo ku tahay Xarunta NIRA.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS Md. Cali Yuusuf Cali...

Taageerada Beesha Caalamka ay u heyso Soomaaliya oo sii kordhaya (WARBIXIN)

-Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxa ay soo dhowaynaysaa war murtiyeedka...