Wasiirka Waxbarashada Soomaaliya iyo Wafdi uu hoggaaminayo oo  Dalka Kuwait gaaray “Sawirro”

Date:

Muqdisho (SONNA)  Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta sare ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane C/raxmaan Daahir Cismaan, ayaa gaaray Dalka kuwait, halkaasi oo ay  uga qeyb gali doonaan Shir  Waxbarashada looga hadlayo.

Wasiirka ayaa Garoonka Diyaaradaha waxaa  kusoo dhoweeyey Masuuliyiinta Safaaradda Soomaaliyeed ee Dalka Kuwait oo uu Horkacayo Safiirka Safaaradda Soomaaliya ee Kuwait Danjire C/qaadir Amiin Sheekh iyo Masuuliyiin kale.

Mudane C/raxmaan Daahir Cismaan, Wasiirka Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta sare ee Xukuumadda Soomaaliya iyo Wafdiga uu Hoggaaminayo ee ku sugan Kuwait ayaa la filayaa inta ay joogaan halkaasi Inay kulamo la qaataan Madaxda Dowladaasi.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Maaliyadda XFS oo Shir-guddoomiyay Kulanka 28-aad ee Wasiirrada Maaliyadda Geeska Afrika

Washington, DC: Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Biixi...

Wasiir Ku-xigeenka Warfaafinta oo Muqdisho uga qeyb galay Bandhigga Farshaxanka Soomaaliya

Muqdisho, 16 April, 2026: Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka...

Soomaaliya oo si cad u diidday faragalinta Israa’iil

WAR SAXAAFADED. FAAFIN DEG DEG AH Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo Diidday...

Wasaaradda Gaashaandhigga oo faahfaahin ka bixisay Howlgallo lagu dilay 60 Khawaarij ah

WAR-SAXAAFADEED Ciidanka Qaranka, oo kaashanaya saaxiibbada caalamka, ayaa howlgallo duqeyn...