Qarax dad Shacab ah ay ku waxyeeloobeen oo ka dhacay Degmada Xamar weyne ee G/banaadir

Date:

Muqdisho (SONNA)  Todobo Qof ayaa ku dhimatay Lix qofna way ku dhaawacmeen Qarax galabta ka dhacay Degmadda Xamar weyne ee Gobolka Banaadir, gaar ahaan Maqaaxi  aan  sidaasi uga fogeyn Beerta nabadda oo  la yiraahdo Isa-saar.

Afhayeenka maamulka Gobolka Banaadir C/fitaax Cumar Xalane oo Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee SONNA la hadlay ayaa sheegay in Qaraxaasi ay ku dhinteen 7 qof 6 kalana ay ku dhaawacmeen, isagoo xusay in Ciidamada Amaanka Soomaaliya ay goobta gaareen qaraxa markii uu dhacay kadib, si ay ugu gurmadaan dadka ay waxyeelada soo gaartay.

Waxaa kale oo uu sheegay in dhammaan dadkii  Qaraxaasi dhibka uu kasoo gaaray  ay ahaayeen dad Shacab ah oo aan waxba galabsan, waxaana uu tilmaamay in Argagixisada ay diidan yihiin Horumarka ay hiigsaneyso Caasimada iyo Nabadda Shacabka Soomaaliyeed ay darreemayaan, gaarigii qaraxa loo addeegsaday ayuu Afhayeenka  ku sheegay in uu ahaa Nuuca loo yaqaano Premio.

Dadkii ku dhaawacmay qaraxan ayaa la gaarsiiyay goobaha caafimaadka ee Magaalada Muqdisho, Intaas kaddibna gaadiidka Nadaafadda gobolka Benaadir ayaa goobta soo gaaray, kuwaasi oo waddada ka bilaabay howlo nadaafadeed.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweynaha JFS oo ka qaybgalay xuska 15 guurada dib u curashada xiriirka Soomaaliya iyo Turkiga

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo Muqdisho Kulan kula Qaatay Duqa Muqdisho

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya oo Beijing Kaga Hadlay Horumarinta iyo Casriyeynta Warbaahinta

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...