Dowladda Soomaaliya oo si kulul u cambaareysay Qaraxii maanta ka dhacay Degmada X/weyne ee G/banaadir

Date:

Muqdisho (SONNA) 28 September 2017 —Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si kulul u cambaareysay falkii ay maanta kooxda nabad-diidka ah ee argagaxisada Al-Shabaab ku dileen shacab aan waxba galabsan.

Gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyey oo la dhigay Kaalinta Shidaalka Ceelgaab hortiisa ayaa qarxay galabta oo gaari caasi ah oo rakaab shacab ah siday la kulmay qaraxaas oo 7 ruux ay u geeriyoodeen, halka 8 uu dhaawac ka soo gaaray. Ciidanka amniga ayaa isla markiiba u gurmaday oo dhaawacii la geeyey isbitaalada si loo dhabiibo.

Kooxaha argagaxisada ayaa caadeystay inay shacabka bar-tilmaameystaan, tanoo ah fal fuleynimo ah oo ay ku raadinayaan in Al-Qaeda u sheegaan inay weli Soomaaliya joogaan.

Dowladda Federaalka ayaa si kulul u cambaareysay falkan argagaxisadu la beegsatay shacab aan waxba galabsan.

Dowladda ayaa qoysaskii iyo shacabka Soomaaliyeed uga tacsiyeysey intii ku geeriyootay, una rajeysey inta dhaawaca noqotay inuu EEBBE u fududeeyo oo ay caafimaad waara helaan.

Kooxaha argagaxisada ayaa ka soo horjeeda horumarka dhanka amniga ee isa-soo taraya, waxeyna rabaan in shacabku argagaxo oo dowladnimada iyo nabadu wiiqdo.

Dowladda Federaalku wey ka go’antahay inay laba jibaaraan dadaalkooda sugida amniga iyo nabadeynta oo falalka noocan oo kale ah waxey keeneysaa in la xoojiyo amniga iyo nabadeynta. Kooxda argagaxisada oo naf ka bideysa qaraxna, waxey ogaanayaan in shacabka iyo Dawalddu geesinimo ka sii qaadayaan oo meel looga soo wada jeesanayo.

DHAMMAAD

Wasaarada Warfaafinta, Dhaqanka & Dalxiiska

media@moi.gov.so

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Caafimaadka oo ka qeybgalay shirweynaha wax ka qabashada cudurada aan faafin

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...

Wasiirka Warfaafinta oo Wasaaradda ku soo dhaweeyay Ku-simaha Safiirka Dowladda Liibiya u jooga Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Jamhuuriyadda...

Baaq-nabadeed oo laga soo saaray xaaladda Aricadeeye

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta Xukuumadda...

Soomaaliya oo garab istaag u muujineysa Dowladda Qatar

War-saxaafadeed ka soo baxay Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa garab...