Ra’iisul wasaaraha  Soomaaliya iyo wafdigii la socday oo caawa kasoo degay Garoonka Muqdisho

Date:

Muqdisho (SONNA) Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre iyo wafi uu Hoggaaminayo ayaa caawa kasoo degay garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho, kadib markii  Magaalada New York ee Dalka Mareykanka ay uga qeyb galeen Shirweynahii 72aad ee Golaha guud ee Qaramada midoobay.

Ra’isul Wasaaraha iyo wafdigiisa ayaa waxaa garoonka kusoo dhaweeyey Masuuliyiin ka tirsan Madaxda Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Garoonka diyaaradaha Magaalada Muqdisho ee aadan cadde ayaa shaqo bilaabay xilliga habeenkii ah, waxaana imaatinka Ra’iisul wasaaraha iyo wafdigiisa xilli habeen ah ay ku tusineysaa Horumarka ka hana qaaday Magaalada Muqdisho iyo Amniga la isku haleyn karo ee ka jira Caasimada.

 

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Kulan ku aadan xoojinta adeegyada gurmadka oo Muqdisho ka dhacay

Guddiga Qaran ee gurmadka ayaa maanta shir ku yeeshay...

Wasiirka amniga oo qaabilay wafdi ka socda Qaramada Midoobay

Wasiirka wasaaradda amniga gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane...

Ciidanka Danab oo howlgallo ka fuliyay Shabeellada hoose

Ciidamada Kumaandooska Danab ee CXD ayaa xalay fuliyay hawlgal...

Duqa muqdisho oo la kulmay laamaha ammaanka ee gobolka Banaadir

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada muqdisho mudane Dr....