Home Blog Page 1548

Madaxweynaha Hirshabelle Oo Jaaliyadda ugu Baaqay inay Maalgashi ku Sameystaan Deegaanada Hirshabelle

0

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabelle Mudane Cali Cabdullaahi Cosoble oo maanta Dalka Dib ugu soo Laabtay kaddib Safaro Shaqo uu Ku Tagay  Dalalka Ingiriiska iyo Kenya ayaa ugu baaqay Jaaliyadda Reer Hirshabelle ee ku nool dalka dibadiisa in ay ka qeyb qaataan Horumarinta, Dib u dhiska iyo in ay maalgashtaan Deegaanada Hirshabelle.

Mudane Cali Cabdullaahi ayaa garoonka Diyaarada Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho waxaa ku soo dhoweeyay xubno ka tirsan labada Gole ee Hirshabelle iyo Xildhibaanno Ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabelle Mudane Cali Cabdullaahi Cosoble ayaa sheegay markii ay ka qeyb galeen Shirkii arrimaha Soomaaliya ee London in uu kulamo kale duwan uu la qaatay  Jaaliyadda Reer Hirshabeelle ee UK, isla markaana uu faah faahin ka siiyay howlaha Maamulka, sidoo kalena  ay ka wada hadleen sida lagama maarmaanka ay u tahay ka shaqeynta Horumarinta iyo Dib u dhiska Hirshabelle in ay ka qeyb qaataan iyo in maalgashi Ku sameytaan Hirshabelle oo fursado badan ay ka jiraan, loona baahanyahay in laga faa’ideysto, waxaana uu mar kale Jaaliyadda Reer Hirshabelle iyo Ganacsatada uu ugu baaqay in ay maalgashi ay Ku sameeystaan deegaanadoodi.

Sidoo kale Madaxweynaha Hirshabelle Mudane Cali Cabdullaahi Cosoble ayaa sheegay in Magaalada Nairobi sidaas Oo kale kulamo uu La soo qaatay Jaaliyada Soomaaliyeed ee Hirshabelle ee ku nool halkaasi, iyana ay ka wada hadleen la shaqeynta maamulka iyo ka qeyb qaadashada Xoojinta dowladnimada.

Ugu Dambeyntii Mudane Cali Cabdullaahi ayaa sheegay in ay dhowaanqorsheynayaan dhisidda kaabayaasha dhaqaalaha iyo fulinta mashaariicyo Horumarineed oo laga fulinayo deegaanada iyo Degmooyinka Hirshabelle, waxaana bulshada uu ugu baaqay in ay la shaqeeyaan oo ay garab istaagaan.

DHAMAAD

 

      

Golaha wasiirrada oo ka hadlay dib u habeynta safaaradaha

0

Muqdisho, 1, April 2017 – Golaha Wasiirada ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankoodii caadiga ahaa oo uu shir-guddoominayay Ra’iisal Wasaaraha Xukuumada Mudane Xasan Cali Kheyre. kulanka ayaa waxaa warbixino looga dhageystay qaar kamid ah Wasaaradaha iyo Hay’adaha ammaanka.

Ugu horeyn, Golaha ayaa warbixin ka dhageystay Taliyaha Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Qaranka, Mudane C/laahi Sanbaloolshe oo ka hadlay howlgallo ay ciidamada amnigu ka sameeyeen Caasimadda inta lagu guda jirey bishan Ramadan, wuxuna tilmaamay in la fashiliyey lana fuliyey qorshe-yaal badan oo cadowgu doonayeen in ay ku qal-qalgeliyaan amniga Muqdisho.

Wasiirka Gargaarka iyo Maareynta masiibooyinka, Marwo Maryam Qaasim ayaa ka warbixisay safaro ay ku tagtay gobollada Bay, Bakool iyo Gedo, waxaana ay sheegtay in dadka gobolladaasi dagan ay ku sugan yihiin xaalad adag, gaar ahaan degmada Waajid oo go’doon ay galiyeen kooxaha Argagixisada una baahan gurmad in loo fidiyo shacabka halkaasi dagan.

Sidoo kale, Wasiirka Arrimaha Dibedda Mudane Yuusuf Garaad ayaa laga dhageystay warbixin ku aadan Qorshaha iyo qaabka wax ka badelka wasaaradda iyo safiirada dibedda u jooga Soomaaliya, wuxuna tilmaamay Wasiirku in loo baahan yahay dib-u habayn in lagu sameeyo qaabka ay u shaqeeyaan safaaradaha dibedda ugu yaalla Soomaaliya, isla markaana la dhaqan geliyo sharcigii arrimiha dibedda ee horey loo ansixiyey.

Ugu danbeyntii Ra’iisul Wasaaraha ayaa Golaha Wasiirada kula dar-daarmay in howlaha muhiimka ah ee horyaala dhaqso loo fuliyo si shacabka Soomaaliyeed ay u gaaraan adeegyada ay u baahan yihiin.

—-DHAMMAAD—-

Dowladda Philippine oo sheegtay 10 ka mid ah Ciidamadeeda lagu dilay duqeyn loo waday mintidiin

0

Wasiirka Difaaca Dowlada philippine Delfin Lorenzana ayaa sheegay  in 10 ka mid ah Ciidamadooda ay dhinteen 8 kalana ay ku dhaawacmeen kadib duqeyn loo waday koox mintidiin ah oo ka dhacday Dalkaasi.

“waxaa nagu dhacday dhibaato ay ku lug lahaayeen ciidamadeenna Milatariga ,kuwaas oo saaxibbadooda si aan ula kac ahayn u duqeeyay,waxaa naga dhintay 10 askari, 8 kalana way ku dhaawacmeen”, ayuu yiri Mr Lorenzana.

kooxo mintidiin ah oo gacan saar la leh kooxda Daacish ayaa ciidammada dalkaasi sideedii maalin ee la soo dhaafay kula dagalamayay magaalada Marawi ,waxaana ka dhashay khasaaro xoog badan oo soo gaaray labada dhinacba.

Xigasho:-Wakaaladda Wararka Iina

Keating oo soo dhoweeyay heshiiskii ay saxiixdeen Gaas iyo Xaaf

0

Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha-Guud ee Qaramada Midoobay (SRSG) u jooga Soomaaliya Michael Keating ayaa soo dhoweeyay Heshiiskii Magaalada Cadaado ay dhawaan kula saxiixdeen Madaxweynayaasha Puntland iyo Galmudug.

War saxaafadeed ka soo baxay xafiiska Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha-Guud ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa labada madaxweyne maamul goboleed loogu amaanay heshiiska ay kala sexiixdeen ,waxaana looga codsaday  labada dhinac in ay ka shaqeeyaan in ay ka mira dhaliyaan hishiiskaas.

“Beesha Caalamka waxay soo dhoweyneysaa Heshiiska Nabadeed ay gaareen labada Madaxweyne waxaana loo baahanyahay labada dhinac in ay meel mariyaan heshiiskaas, anagana waxaan ka shaqeyneynaa in aan qeybteena ka qaadano heshiiskaas islamarkaan dhiira galino” ” ayuu yiri Keating

Madaxweynaha Puntland, Abdiweli Moxamed cali “Gaas” iyo madaxweynaha Galmudug, Axmed Ducaale Xaaf ayaa ku heshiiyay in xal kama dambeys ah laga gaaro dhibaatada Gaalkacyo.

Horjooge ka tirsan Maleeshiyaadka Al-shabaab oo isu soo dhiibay ciidanka Xoogga Dalka.

0

Horjooge ka tirsan Maleeshiyaadka Al-shabaab ayaa isku soo dhiibay ciidamadda Xoogga Dalka Soomaaliya ee ku sugan Gobolka Hiiraan.

Janaraale Axmed Maxamed Tareedishe oo ah Taliyaha ciidamadda Xoogga Dalka Soomaaliya Qeybta 52 oo wareysi  gaar ah siiyey warbaahinta Qaranka Soomaaliyeed ayaa sheegay in horjoogaha is soo dhiibey uu  kala soo baxsaday Kooxda Al-shabaaab labo qori iyo rasaas farabadan waxaana u sheegay in uu si nabad ah kusoo gaaray Xeradda ciidamadda.

Horjoogaha is soo dhiibay ayaa sheegay in uu u dulqaadan waayey falalka guracan ee naxariis daradda ah ee kooxda shabaab kula kacayaan shacabka Soomaaliyeed sidaana uu u go’aansaday in uu si cad uga soo horjeesto kooxda Al-shabaab.

Degmada Dhahar oo wareegga labaad ee tartan cilmiyeedka u gudbtay caawa

0

Habeenkii shannaad tartan Cilmiyeedka degmooyinka gobollada ee Warbaahinta Qaranka, isla markaana u taabagelinayo maamulka gobolka Banaadir, waxaa ku tartamay caawa degmooyinka Dhahar oo ka tirsan gobolka Sanaag iyo degmada Dhuusamareeb oo ka tirsan gobolka Galgaduud.

Sida caadada aheyn degmooyinka ayaa la weydiiyey  min toddobo su’aal, taas oo wadarta guud ka dhigeysa 14 su’aal, qeybta hore waxa lagu kala nastay min afar su’aallood, kaddib ayaana la soo bandhigay warbixinnadii Taariikhda  labada degmo ka hadlayey, si xiriirkooda iyo isdhaxgalkoodu uu u sii xoogeysto.

 Degmada Dhahar Natiijo

Degmada Dhahar ee gobolka Sanaag tartamayaashii ka socdey, waxaa la weydiiyey toddobo su’aal waxa ay si sax ah uga jawaabeen afar ka mid ah su’aalahaasi, saddex  waa ay iska qaldeen, waxa ay ka faa’ideysteen laba su’aal oo soo hareermartay degmada Dhuusamareeb.

Degmada Dhuusamareeb Natiijo

Degmada Dhuusamareeb, waxaa la weydiiyey toddobo su’aal waxa ay ka jawaabeen afar su’aal, saddex ayeey iska qaldeen,  hal su’aalna si ka faa’ideysi ah ayeey uga jawaabeen.

Natiijada Guddiga

Axmed Cali Kaahiye oo guddiga tartanka ka tirsan, ayaa sidaan u shaaciyey natiijada tartankii  “Dhuusamareeb, waxa ay ka jawaabeen afar su’aal saddex ayeey qaldeen hal su’aal ayeey si ka faa’ideysi ah uga jawaabeen, sidaas waxa ay uruursadeen 10 dhibcood”.

Sidoo kale degmada Dhahar waxa ay si sax ah uga jawaabeen afar ka mid ah su’aalahaasi, saddex  waa ay iska qaldeen, waxa ay ka faa’ideysteen laba su’aal oo soo hareermartay degmada Dhuusamareeb, Dhahar waxa ay uruursadeen iyaguna  12 dhibcood oo waxa ay u gudbeen wareegga labaad ee tartan Cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka.

Guddiga ayaa ku dhawaaqay in habeen dambe ay tartanka ku ballansan yihiin degmooyin Kaxda iyo X/weyne oo ka wada  tirsan gobolka Benaadir.

Dhismaha cusub ee Jaamacadda Galgaduud oo xariga laga jaray

0

Munaasabad xariga looga jarayay Dhismaha Cusub ee Jaamacada Galgaduud University Caabudwaaq ayaa waxaa ka soo qayb galay Wasiiru dowlada Wasaaradda Waxbarashada Hidaha iyo tacliin sare ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Muxamuud Cabdulle, Guddoomiyaha Jaamacadda Ummada Soomaaliyeed Maxamed Axmed Jimcaale, Senator Cabdiwaaxid Cilmi Goonjeex oo ka mid ah Xildhibaanada Aqalka Sare ee Soomaaliya, Xildhibaanno ka tirsan Maamulka Galmudug, Maamulka Degmada, Ardeyda Jaamacadda, aqoonyahanno iyo marti sharaf kale.

Guddoomiyaha Jaamacadda Galgauud University ayaa ugu horayn tilmaamay in Jaamacaddan ay dabooli doonto baahiyaha dhanka tacliinta sare ee ka jirta degmada, uuna ku faraxsanyahay in xariga laga jaray Jaamacadda.

Madaxwaynaha Jaamacada Ummadda Soomaaliyeed Maxamed Axmed Jimcaale iyo Senator Cabdiwaaxid Cilmi Goonjeex oo ka mid ah Xildhibaanada Aqalka Sare ee Soomaaliya ayaa xusay in Jaamacaddu ay door muuqdo ka qaadan doonto sare u qaadidda tacliinta sare ee dalka.

Wasiiru dowlaha Wasaaradda Waxbarashada, Hidaha iyo Tacliin sare ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Muxamuud Cabdulle ayaa sheegay muddadii uu ku sugnaa magaalada Caabudwaaq uu ku arkey horumar, dhanka waxbarashada ah oo laga sameeyay magaalada.

Ugu danbayntii ayaa waxaa goobta lagu dhagax dhigay Masaajid loo dhisayo Jaamacadda Galgaduud sida uu sheegay  Cabdi Maxamed Jaamac (Waayeel).

      

Cabdikariin Axmed Bulxan 

Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka oo la kulmay Guddiga Arrimaha Badda.

0

Muqdisho, 2017-05-31…..Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Xukuumadda Federaalkaah ee Soomaaliya Mudane Mahdi Maxamed Guleed ayaa la kulmay Guddiga Arrimaha Badaha, waxana warbixino ku saabsan xaaladda aminiga, kheyraadka iyo maamulka Badda laga dhageystay Wasaaradaha Kaluumeysiga & Kheyraadka Badda iyo Wasaaradda Dekedaha & Gaadiidka Badda.

Mudane Mahdi Maxamed Guleed ayaa ugu horeyn ka hadlay fulinta go’aamadii ka soo baxay shirkii London ee la xiriiray arrimaha badaha, gaar ahaa kuwa mudnaanta u leh dawladda Soomaaaliya, isagoo xusay muhiimadda ay leedahay in laga faa’iideysto Kheyraadka ku jira, sidoo kalena loo dadajin lahaa dhismaha ciidanka Ilaalinta Xeebaha (Coast Guard).

Wasiirka Kalluumeysiga Mudane C/raxmaan Cabdi Xaashi ayaa ka hadlay arrimaha kaluumeysiga sharci darrada ah, waxana uu soo hadal qaaday shir looga hadlayay arrimahaas oo ka dhici lahaa Jaziirada Seychelles oo baaqday, isagoo tilmaamay in arrimihii uu shirkaas u baaqday ay kala xaajoonayaan cida ay quseyso isla markaana uu dhawaan qabsoomi doono shirku.

Wasiirka Dekadaha iyo Gaadiidka Badda, Marwo Maryan Aweys ayaa soo bandhigtay sidii loo dhameystiri lahaa turjumidda iyo meel marinta sharciga Badda oo muhiimad weyn u leh dhaqan galkiisa dalkeena, waxana ay Wasiirku codsatay in la dadajiyo loona fududeeyo Wasaaradda wax walba oo gacan ku siin kara sidii uu sharcigani u noqon lahaa mid dhameystiran.

Kulanka ayaa waxaa ka qeyb galay, Wasiirada, Maaliyadda, Difaaca, Arrimaha Dibedda iyo Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka oo dhamaantood ka tirsan Guddiga Arrimaha Badda

Ra’iisul Wasaare Khayre oo kormeer ku tagey Xarunta iyo Akademiyada Booliiska(Sawirro)

0

Muqdisho, 31 May 2017 – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada JFS Mudane Xasan Cali Khayre ayaa maanta kormeer ku tagey Xarunta Booliiska iyo Akademiyada Jeneral Kaahiye ee Muqdisho si uu ugu kuurgalo xaalada Booliiska ay ku howlgalaan iyo inuu dardargeliyo dadaalka ay u hayaan bulshada Soomaaliyeed.

Ugu horeyntii Ra’iisul Wasaaraha ayaa Salaan sharaf ku qaatay Xarunta Booliiska Soomaaliyeed halkaas oo uu xafiisyada kormeeray si uu ugu kuurgalo howlaha shaqo ee booliiska. Qeybaha uu booqday waxaa ka mid ahaa qeybta CCTV, qeybta InterPol, iyo qeybaha kale ee Booliiska.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale booqday Akademyiada Booliiska Soomaaliyeed ee Jeneraal Kaahiye oo uu halkaas kula hadlay ciidanka Booliiska Soomaaliyeed, kuna dhiirigeliyey howlaha muhiimka ah oo ay bulshada u hayaan. Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa booliiska ku ammaanay doorkii saliimka ahaa oo ay amniga u sugeen xilligii Imtixaanada Dugsiyada Sare ay socdaan.

Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa ugu danbeyntii Boolliska kula dardaarmay inay shacabka u adeegaan oo lagu qiimeyn doono sida ay hadba bulshada ula dhaqmaan.

Ra’iiusul Wasaare Khayre ayaa sheegay in loo baahanyahay in shacabka ay u soo cararaan booliiska oo ay kalsooni ku qabaan. Waxuuna ka codsaday booliiska inay qiimeeyaan heerka kalsoonida shacabka ka dibna ay la yimaadaan tallaabo kasta oo ay ku kasban karaan kalsoonida shacabka.

—-DHAMMAAD—-

Ra’iisul Wasaaraha dalka oo kulan la qaatey qaar kamid ah Hawenka Soomaaliyeed(Sawirro)

0

Muqdisho, 31 May 2017 – Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa maanta kulan la qaatey qaar kamid ah Haweenka Soomaaliyeed, wuxuuna kala hadley qaabkii la iskaga kaashan lahaa shaqada dalka ka socto haweenkuna ay qayb tooda uga qaadan lahaayeen howsha Qaran.waxaana kulankan soo qaban qabiyey Wasaarada Haweenka iyo Xaquuqul Insaanka ee Soomaaliya.

Qaar kamid ah Haweenkii ka soo qayb galey kulanka ayaa cadeeyey inay garab taagan yihiin dowlada isla markaan ay ka qayb qaadanayaan dib u dhiska dalka iyo xasilinta amniga,waxeyna ku dhiiri galiyeen Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya iyo Xukuumadiiisa sida dardarka leh ee ay shaqada u wadaan.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaaa sheegey in Haweenku ay yihiin laf dhabarka bulshada sidoo kalena ay u nugulaayeen dhibaatooyinkii ka dhici jirey dalka kuwaasoo ay goob joog u ahaayeeen ,sidaas dardeedna loo baahan yahey inay hurmuud u noqdaa sidii loo wacyi galin lahaa dadka taasin ay fududayneyso in bulshada la fahansiiyo muhiiimada dowladnimada.

Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa tilmaamey in Haweenka Soomaaliyeed ay door muhiim ah ku leeyihiin a dib u dhiska dalka iyo soo celinta sharftii ay la haayeen dadka Soomaliyeed,waxuuna uga mahed celiyey xiligii uu dalku ku jirey burburka sidii ay Hawenku iski xilqaameen una bad baadiyeen qaybaha kala duwan ee shacabka.

“Waan la soconaa dhibaatooyinka ay la kulmaan haweeenka Soomaaliyee oo ay ugu horeyso Kufsiga iyo in mararka qaar la dulmiyo wixii ay xaq u lahaayeenn, balse waxaaa looga baahanyahey Haweenkeenu iney is abaabulaan una diyaar garoobnaan dib u dhiska dalka bulshadana ay ku dhiri galiyaan iney aamniaan dolwadooda si loo gaaro horumar iyo nabad”ayuu yir Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya.

Kulankan waxuu qeyb ka noqonayaa shirar gooni gooniya oo Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre uu la yeelanayey qeybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed si uu ula wadaago talooyinka dalka.

—-DHAMMAAD—-