Mareynkanka oo dalbaday in Cadaalada la horkeeno Saraakiisha Ciidamada Militariga Myanmar

Date:

Dowladda Mareynkanka ayaa sheegtay iney muhiim tahay in la qaado talaabo ka dhan ah Hogaamiyeyaasha Ciidamada Militariga Myanmar kuwaasoo howlgal amarkooda lagu qaaday sababtay in si qasab ah loo barakiciyo 500,000 Muslimiinta Rohingya kuwaasoo maciin biday dalka Bangaldesh.

Safiirka Mareynkanka ee Qaramada Midoobay Nikki Haley ayaa xukuumadda Myanmar ku eedeeysay iney qaadeys olole ka dhan ah Muslimiinta Rohingya oo ay dooneyso iney dalka kaga tirtirto Qoomiyadaha laga tirada badan yahay ee dalkaasi.

Ku xigeenka Haweeneyda hogaamiyaha ka  ah dalka Myanmar Aung San Suu Kyi, oo hadal kooban ka jeediyay  shirka loo dhan yahay ee Qaramada oo dhawaan lagu qabtay magaalada New York ayaa sheegay ineysan dheg jalaq u siineyn cambaareynta kaga imaaneysa beesha caalamka ee ku aadan Xasuuqa ay ku wado Qoomiyadda Muslimiinta ah laga tirada badan yahay ee Rohingya.

Hadalka Safiirka Mareynkanka u fadhiya Qaramada Midoobay Haley ayaa imaanaya iyadoo in ka badan 50-Qaxooti Qoomiyadda Rohingya la la’yahay markii dooni ay saarnaayeen ku qalimatay badda iyado loo aaneynayo roob dabeylo wata iyo badda oo kacsaneyd.

Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Arimaha Qaxootiga ee marka magaceeda la soo gaabiyo loo yaqaano (UNHCR),ayaa warbixin ay oo saartay ku sheegtay in ku dhawaad 130-Qof la aaminsan yahay iney dooni saarnaayeen la la’yahay,Booliska dalka Bangladesh ayaa sheegay in 27-Qof oo ka mid dadkaasi la soo badbaadiyay halka in ka badan 50- kalena la la’yahay.

Hogaamiyaasha Beesha caalamka ayaa ku baaqay in il gaar ah lagu eego dadka Muslimiinta ah ee barakicinta lagu hayo,si markaasi loo gaarsiiyo caaawinaada ay u baahan yihiin.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...

Sheekh Aadan Madoobe oo guddoomiyay kulan looga hadlayay u diyaargarowga saamaynta El-nino

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...