Musharaxiin Soomaali ah oo u tartamaya doorashada Golaha deegaanka ee Xaafadda Soomaalida ay degto ee Minneapolis +Sawiro

Date:

Mareykanka(SONNA) Magaalada Minneapolis ee Gobolka Minesota ayaa waxaa ka soconaya ololaha doorashooyinka Golaha deegaanka iyo tan degmada,iyadoo musharixiinta ay qeyb ka yihiin ilaa 3-musharax oo matalaya Soomaalida kunool magaaladaasi.

Musharaxiinta ku tartamaya Duqa Golaha deegaanka ee xaafadda Soomaalida ay degto ee loo yaqaano Word six ayaa kala ah MAxamuud Nuur iyo Cabdi Warsame oo ka socda Xisbiga Dimoqraadiga iyo Faadumo oo iyana ka socota Republicanka.

Shir jaraa’id oo ay si wada jir ah ugu qabteen magaalada Minneapolis Duqa Degmadaasi Haweeneyda lagu magacaabo  Betsy Hoeges  oo markale u taagan in dib loo doorto iyo Maxamuud Nuur oo Golaha Deegaanka u tartamaya ayaa si wada jir ah uga codsaday bulshada Soomaaliyeed iyo bulshooyinka kale in codkoodi ay ku taageeraan.

“Walaal shirka maanta wuxuu ahaa taageero aan u muujinayno Duqa magaalada  oo ah qof aaad u wanaagsan oo si weyn wax uga qabtay Soomaalida,wadashaqeyn ayaa kala dhexeysa Soomaalida,waxay ahayd in aan istaageerno wada shaqeynta, sababta waxaa weeye waxy maamushaa dhaqaalaha horumarinta, go’aanka iyada ayaa iska leh wixii ay latimaada ayaa lagu ansixiyaa Golaha Deegaanka”, Ayuu yiri Maxamuud Nuur.

Sidoo kale Duqa magaalada Minneapolis ayaa  Betsy Hoeges ugu baaqday Soomaalida in ay codkooda siiyaan Maxamuud Nuur oo ka mid ah raga ugu cad cad qabashada xilka Guddoomiyaha Golaha Deegaanka,iyadoo balanqaaday in ay waxbadan ka qaban doonto horumarinta nolosha Soomaalida.

Dadweyne aad u farabadan ayaa isugu soo  barxad weyn oo ku taala magaalada Minneapolis,kuwaasi oo taageero u muujinayay musharixiinta Soomaaliyeed ee u taagan xilka Golaha deegaanka iyo Duqa Degmada,iyadoo ay soconayaan ololihii doorashooyinka.

Ilaa bisha November ayaa waxaa la filayaa in ay gaarto doorashada Golaha deegaanka Xaafadda ay Soomaalida degto dad gaaraya ilaaa 1,500 Qof ayaa ka qeyb qaadanayaa doorashadaasi.

Liiban Xuseen Minneapolis 

Liban Husesein

Warbaahinta Qaranka

Minneapolis

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hay’adda Boqor Salmaan oo deeq waxbarasho gaarsiisay carruur agoon ah oo ku nool Baydhabo

Magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay, Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya,...

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo xafiiskiisa ku qaabilay Abwaan Mustafa Sheekh Cilmi

-Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr....

Ra’iisul wasaare ku-xigeenka dalka oo daahfuray madasha labaad ee Istiraatiijiyadda warbaahinta 2026

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Jibriil...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo ka hadlay horumarinta Warbaahinta Dowladda iyo tayeynta wariyaasha

-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS, Mudane Cabdulfataax...