Akhriso qeybtii 3aad Wareysigii Safiirka Turkiga Soomaaliya uu siiyay SONNA

Date:

Muqdisho(SONNA) Olgan Baker oo ah Danjiraha Turkiga u fadhiya Soomaaliya oo wareysi gaar ah siiyay Wakaalada Wararka Qaranka Soomaaliyeed ee SONNA,waxaa uu kaga hadlay arrimo ay kamid tahay  Isbedelada dhinaca Amniga ee Soomaaliya ka dhacay, isagoo si weyn u amaanay Ciidamada Qaranka uu sheegay inay ka guuleysteen Aragagxisada aan dooneyn in dadka Soomaaliyeed ay nabad ku noolaadaan.

“Aniga waxaan ogahay in Isbedelo waa weyn oo dhanka amniga ah ay dhaceen, Sanadihii 2011, 2012, 2013 iyo hada Farqi weyn ayaa u dhaxeeya, waxaana la joogaa xilli hada meel kasta la mari karo, Tusaale waxaa kugu filan aniga hada iyadoo Habeen ay tahay ayaan joogaa meel ka baxsan Xafiiskeyga, waa la socon karaa waliba meeshii aad doonto ayaad nabad galyo ku tagi kartaa, waxaa la gaaray xiligii la maalgashan lahaa Soomaaliya mar haday dhaceen isbedelo dhab ah oo dhanka amniga ah, Siyaasiyiinta iyo dowlada waxaan ka sugeynaa inay ku dadaalaan Amniga, Dhaqaalaha, Wadajirka Soomaaliya, intaas ayaa ugu muhiimsan.

Amniga iyo Siyaasada in laga saxo Soomaaliya ayuu Safiirka ku sheegay in Gacan laxaad leh ay geysan karto Hormarka la doonayo in la gaaro, wuxuuna sheegay in Siyaasada ay door weyn ka qaadaneyso dib u soo kabashada Soomaaliya, waxaana dhibaatooyinka jira looga bixi karaa ayuu yiri in shaqo abuur la sameeyo, waxaana markaas imaan doonaa dakhli dalka uu ku gaari karo isku filnaasho.

Olgan Baker oo ah Danjiraha Turkiga u fadhiya Soomaaliya oo wareysi gaar ah siiyay Wakaalada Wararka Qaranka Soomaaliyeed ee SONNA, ayaa ka hadlay Heshiiska Wada shaqeynta ee hore ay u kala saxiixdeen Wakaalada SONNA iyo Wakaalada qaranka Turkiga ee Anadolu wuxuuna yiri

“Heshiiskaasi waxaa la saxiixay sanadkii la soo dhaafay Bishii Lexaad Sedexdeeda markii uu Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdoğan uu booqasho ku yimid Soomaaliya, waxaa jiray Heshiisyo badan oo xiligaas la saxiixay, hadii ay ahaan laheyd Beeraha iyo Qorsheynta, ujeedada aan leenahay waa inaan tayeynaa Xarumaha aan Heshiisyada la galnay, si ay u badato Wada shaqeynta Dowlada Turkiga, Shirkadaha gaarka loo leeyahay iyo Soomaaliya, waxaan hubaa Muddooyinka soo socda in la dardar galin doono dhaqan galinta heshiiskaasi” ayuu yiri Olgan Baker.

Sidoo kale Danjiraha Turkiga ayaa wax laga weydiiyay Isbedelka dhismaha Dowladnimada Soomaaliya kaalintee uu ku leeyahay Turkiga? Wuxuuna sheegay in doorkooda uu cad yahay isla markaana ay dhinac kasta ka garab istaagayaan Soomaaliya.

“Sidaad og tihiin sanadkii 2011 ayuu Tukriga Soomaaliya yimid markaas oo kaalin muhiim ah uu ka qaatay dhanka Bini’aadannimada, Dhaqaalaha iyo Siyaasada, Mashruucyo waa weyn ayaan ka wadnaa Soomaaliya haday noqon laheyd Amniga, Siyaasada iyo Caafimaadka, Sidoo kale waxaan ku dadaaleynaa in la gaaro heer qof kasta oo Soomaali ah uu dabooli karo Baahidiisa maalmeed, sidoo kale waxaa jira Mashruucyo badan oo aan Soomaaliya ugu tala galnay, Ujeedadeena ugu weyn waa in Soomaaliya ay noqoto Dal isku filan, Qalalaasihii dalka ka dhacay sidii looga soo kaban lahaa ayaan ku dadaaleynaa, mar kale waxaan isku dayeynaa in Soomaaliya ay noqoto dal aan u baahan deeq shisheeya”ayuu yiri Safiirka Turkiga ee Soomaaliya.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Kulan looga hadlaayay ka jawaabidda Saamaynta Roobabka oo lagu qabtay Muqadisho.

Gudoomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacyaasha Qaranka Marwo Safiya Xasan...

Wasiirka Cusub ee wasaaradda Arimaha Gudaha oo kormeer shaqo ku tahay Xarunta NIRA.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS Md. Cali Yuusuf Cali...

Taageerada Beesha Caalamka ay u heyso Soomaaliya oo sii kordhaya (WARBIXIN)

-Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxa ay soo dhowaynaysaa war murtiyeedka...