Home Blog Page 1547

Qoysas danyar ah oo afurin loogu sameeyay Caabudwaaq iyo Balanbale

0

Barnaamijka Afuri Dadka aan awoodin ee danyarta ah oo ay iska kaashadeen Hay’adaha O.I.C. iyo WAAT ayaa magaalooyinka Caabudwaaq iyo Balanbale loogu sameeyay Afur soconaya Bisha barakaysan ee Ramadaan qoysas gaaraya 800 oo qoos.

Eng-Bashiir Axmed Jalaato iyo Xasan Aw-faarax oo wakiil uga ahaa Hay’adda soo sadaqaystay Afurkan loo samaynayo bisha Ramadaan  Dadka Danyarta iyo Barakacayaasha ayaa sheegay in Raashin bisil ay heli doonaan dadkan, kaasi oo socon dooni inta ka dhiman bisha barakeysan ee Ramadaan.

Cabdifitaax Daahir Xirsi oo ah Madaxa amniga degmada Balanballe ayaa ka maamul ahaan uga mahadceliyay hay’adihi ku soo sadaqaystay Dadka aan awoodin afurka Raashinka Bisil.

Qaar kamid ah dadkii ka faa’iidaystay Deeqdaan Afuri walaalkaa ayaa ka mahadceliyey Afurka loo sameenayo maalin waliba inta lagu gudo jiro Ramadaan.

       

Waxqabadka Dawladda ee usbuucii la soo dhaafay 27 May – 03 June 2017

0

Mogadishu, 03 June 2017 – Wasiirka Warfaafinta Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Eng. Yarisow) ayaa ka warbixiyey horumarka Dowladda ee usbuucii la soo dhaafay.

Wasiirka ayaa ka hadlay arrimo ay ka mid yihiin;

Madaxweynaha oo guddi u xilsaara soo qiimeeya xaalada Xabsiga Dhexe

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa 30kii May 2017 Guddi Khubaro ah u saaray oo soo qiimeeya Xaaladaha ay ku suganyihiin, kiisaska ay ku eedeysanyihiin iyo tirada Maxaabiista ku xiran Xabsiga Dhexe ee magaalada Muqdisho. Dowlada Federaalka ayaa wada dadaal muwaadin kasta loogu raadinayo xuquuqdiisa aasaasiga ah, tallaabadan ayaa keeneysa in maxaabiista oo dhan ay helaan xaquuqdooda aasaasiga ah si marka ay xabsiga ka baxaan ay u noqdaan muwaadiniin dalkooda horumarkiisa ka shaqeeya.

Ra’iisul Wasaare Khayre oo dhagax dhigay dayactirka jidka 30ka

Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa 28kii May 2017 dhagax dhigey dhismaha Jidka Soddonka oo is ku xirta dagmooyin dhowr ah oo ka tirsan gobolka Banaadir, waxaana dhaqaalaha ku baxaya iska kaashanaya maamulka gobolka Banaadir iyo shacabka Soomaaliyeed. Godoomiyaha Gobolka Benaadir Mudane Thabit Cabdi Maxamed oo furitaanka Wadada ka hadlay ayaa tilmaamey in shacabka Muqdisho looga baahan yahay inay la shaqeeyaan dawladda, ayna ka qeyb qaataan horumarka ka socda caasimadda Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre oo ka hadlay furitaanka dib-u-dhiska Jidka Soddonka ayaa sheegay in dhismaha wadooyinka caasimadda ay ka qayb qaadanayaan xasilinta aminiga Muqdisho, isla markaana bilow u tahey in shacabku helaan adeegyadii ay dawlada uga baahnaaayeen sida Caafiimad, Wadooyin iyo Amni.

Somalia iyo Midowga Yurub oo kala saxiixday heshiisyo horumarineed

Dowlada Federaalka iyo Midowga Yurub ayaa 27kii May 2017 Muqdisho ku kala saxiixday Heshiisyo lagu hirgelinayo mashaariic horumarineed oo ku baxeysa 48.4 milyan oo dollar. Mashaariicdan aya ku saabsanaa horumarinta dhaqalaha, dowlad wanaagga iyo kaalmeynta farsamooyin kala duwan kuwaa oo ay dhamaan Midowga Yurub ka fulin doonto Soomaaliya. Heshiiska waxa Soomaaliya u saxiixay Wasiirka Qorshaynta Horumarinta dhaqaalaha iyo maalgashiga, Jamaal Maxamed Xasan halka uu Midowga Yurubna u saxiixay Agaasimaha guud ee Horumarinta iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Midowga Yurub.

Wasiirka Maaliyada oo soo bandhigay waxqabadka 2dii bilood

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya Dr. C/raxmaan Ducaale Beyle, ayaa 31kii May 2017 shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa ka hadlay waxqbadka Wasaaradda labadii bilood ee la soo dhaafay, kordhinta dakhliga dowladda, sare u qaadista isla xisaabtanka, deymaha dalalka caalamka ay Soomaaliya ku leeyihiin iyo hanaanka canshuuraha dalka. Qorshahan shacabka loogu soo bandhigayo waxqabadka ayaa ah tallaabo lagu kobcinayo maamul wanaaga, isla xisaabtanka iyo furfurnaanta. Ugu dambeyntii Wasiirka Maaliyadda dalka ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay bixiyaan canshuurta ku waajibtay ayna dhankooda ilaalin doontaan amaanadaas

Golaha Wasiirada oo dardargelinaya Hindise Sharciyeedyada loo baahanyahay

Xubnaha Golaha Wasiirada ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa 29kii May 2017 yeeshay kulan aan caadi aheyn oo looga hadlay dardargeinta Hindise Sharciyeedyada muhiimka u ah howlaha Dowlada. Wasiirada ayaa sheegay in shuruucda ay diyaariyeen, qaarna ay weli wadaan wadatashi, iyadoo la isku raacay in shuruuc ka badan 20 ay diyaar yihiin, Hindise Sharciyeedyadaas oo ay ka mid yihiin;

‪1. Isgaarsiinta,

  1. La Dagaalanka Musuqmaasuqa
  2. La-Dagaalanka Argagaxisada
  3. Runta & Dib u Heshiisiinta
  4. Dawladaha Hoose
  5. Dambiyada Kufsiga
  6. Muwaadinimada
  7. Dadka Baahiyaha Gaarka qaba
  8. Kalluumeysiga & Kheyraadka Bada
  9. Badda
  10. Kheyraadka Biyaha
  11. Tamarta
  12. Maareynta Maaliyada
  13. Istaatiistikada
  14. Xeerka Saxaafada
  15. Waxbarashada
  16. Nidaamka Hay’adaha Samafalka
  17. Sharciga Beeraha
  18. Gudiga Muftida Culumada

Horjooge Al-Shabaab ka tirsan oo ciidanka XDS isu soo dhiibay

Horjooge ka tirsan Maleeshiyaadka Al-shabaab oo la yiraahdo Bishar Mumin Farah ayaa 1dii June 2017 isu soo dhiibay ciidamadda Xooga Dalka Soomaaliya ee ku sugan Gobolka Hiiraan. Janaraale Axmed Maxamed Tareedishe oo ah Taliyaha ciidamadda Xooga Dalka Soomaaliya Qeybta 52 ayaa sheegay in horjoogaha is soo dhiibey uu ka faa’iideystay cafiskii Madaxweynaha Soomaaliya, isla markaasna uu sheegay in uu u dulqaadan waayey falalka guracan ee naxariis daradda ah ee kooxda shabaab kula kacayaan shacabka Soomaaliyeed sidaana uu u go’aansaday in uu si cad uga soo horjeesto kooxda Al-shabaab.

Dhismaha Jaamicada Galgaduud oo xariga laga jaray

Munaasabad xariga looga jarayay Dhismaha Cusub ee Jaamacada Galgaduud ee Caabudwaaq ayaa 31 May 2017 waxaa ka soo qayb galay Wasiiru dowlada Wasaaradda Waxbarashada Hidaha iyo Tacliinta Sare ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Muxamuud Cabdulle, Guddoomiyaha Jaamacadda Ummada Soomaaliyeed Maxamed Axmed Jimcaale, Senator Cabdiwaaxid Cilmi Goonjeex, Xildhibaanno ka tirsan Maamulka Galmudug, Maamulka Degmada, Ardeyda Jaamacadda, aqoonyahanno iyo marti sharaf kale. Wasiiru dowlaha Wasaaradda Waxbarashada, Hidaha iyo Tacliin sare ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Muxamuud Cabdulle ayaa sheegay muddadii uu ku sugnaa magaalada Caabudwaaq uu ku arkey horumar, dhanka waxbarashada ah oo laga sameeyay magaalada.

Ololaha Nadaafada oo la dardargeliyey

Degmooyinka Gobolka Benaadir ayaa usbuucan waxaa la sii dardargeliyey Ololihii Nadaafada oo lagu soo celinayo bilicda caasimada dalka ee Muqdisho. Degmooyinka Hammarweyne iyo Heliwaa ayey olalahu si xoogan uga socdeen. Dowlada Federaalka iyo Maamulka G/Benaadir ayaa mudnaan gaar ah siiyey nadaafada kana codsaday shacabka inay kaalin weyn ka qaataan soo celinta bilixda dalka.

DHAMAAD

Wasaarada Warfaafinta

media@moi.gov.so

Ciidammada Ammaanka oo Qabtay Qaraxyo la soo dhigay Degmada Waabari

0

Ciidanka Ammaanka ayaa degmada Waabari ku qabtay labo qarax oo la doonayay in shacabka lagu dhibaateeyo, iyadoo lagu jiro bisha barakaysan ee Ramadaan.

Mid kamid ah Qaraxyada ayaa la dhigay albaabka hore ee Iskuulka Almasal oo ku yaala dugsigii 21 Octoobar, halka midka kalana la dhigay maqaayad yar oo ku taala meel aanan ka fogayn Iskuulkaas.

Saraakiil ka tirsan hey’adaha Ammaanka ayaa xaqiijiyay in mid ka mid ah Qaraxyada la fur furay, halka midka kalana ciidammadu ay ayagu qarxiyeen oo aan wax khasaare ahna geysan.

Cabdifitaax Cumar Xalane, oo ah afhayeenka gobalka Benaadir ayaa SONNA u xaqiijiyay in wax khasaaro ah aysan ka dhalan qaraxa ciidamadu ay qarxiyeen.

Wariye ka tirsan Wakaaladda SONNA ayaa soo sheegaya markii Ciidamadu ay qabteen qaraxyada in dadka laga saaray guryaha iyo goobaha kale ee ku dhow halka lagu qabtay qaraxyadaan.

Wasiirka maaliyadda oo sheegay in qorshe dhaqaale loogu heli karo ciidanka qalabka sida dhowaan soo bixi doono

0

Wasiirka wasaaradda maaliyadda ee xukuumadda Soomaaliya Dr. C/raxmaan Ducaale Beyle, ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ku howlan tahay sidii loo heli lahaa dhaqaalaha lagu bixiyo ciidanka qalabka sida ee dalka isla markaana qorshahaas dhowaan la soo saari doono.

“Ciidanka Soomaaliyeed in dadka Soomaaliyeed fund-gareeyaa (dhaqaalihiisa bixiyaan), waxaa ay inagaga go’an tahay oo barnaamij dhowaan soo bixi doona, waxaan dooneynaa ciidanka Soomaaliyeed ee magacyada leh ee la yaqaano 20 aad, 21 aad iyo 60 aad baan maqashaan in aan ku jilno (kafaala qaadaan) magaalooyinkaas, ciidanka 20 aad oo intaas ah wuxuu ku jilan yahay Minneapolis.. in aan sidaa niraahdo oo dadka Soomaaliyeed kafaala qaataan,” ayuu yiri Wasiir Beyle.

Dr. C/raxmaan Ducaale Beyle, wasiirka maaliyadda dalka ayaa sidoo kale sheegay in si dalka dhaqaalihiisa kor loogu soo qaado loo baahan yahay in nabad laga dhaliyo guud ahaan wadanka si taas oo helana loo baahan yahay in ciidanka qalabka sida la dhiso lana qalabeeyo.

“ Wax walba loo la sameynayo in wax yar la dul saaro oo la yiraahdo ciidankaa lagu dhisaya aad ayay muhiim u tahay arinta xawaaladaha oo kaliya ma ahee qabbaan soo wadnaa oo cid walba ugu darsan karto ciidanka dhismahiisa,” ayuu sheegay Beyle.

Wasiirka ayaa hadalkan ka sheegay xilli uu ka qeybgalayay barnaamijka kulanka todobaadka oo si toosa ugu baxay Radio Muqdisho iyo SNTV maalinta jimcaha.

Maamulka Gobolka SH/Hoose oo deeq raashin iyo daawo gaarsiiyay degmada Baraawe

0

Munasabada kooban oo lagu qabtay xarunta Isbitaalka magalada Barawe ayaa waxaa deeq daawo ah lagu wareejiyay mamulka Isbitaalka degmada Baraawe si loogu daweeyo bukanada jiifa isbitaalka degmada, waxana munaasabadda goob joog ka ahaa Wasiirka Xanaanada Xoolaha ee Koonfurgalbeed ahna Guddomiyah Guddiga abaaraha Koonfurgalbeed, Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Hoose, Guddomiyaha degmada Barawe, waxaana deeqda daawada ah ka timid  Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiiboyinka Xukuumadda Soomaaliya.

Guddoomiyaha degmada Baraawe Aadan Cumar ayaa u mahadceliyay  Wasaaradda gar gaarka ee dawadaan soo garsisay, isagoo sheegay in deeqdan ay ku soo aaday xilli baahi weyn loo qabay.

Agaasimaha  isbitalka  Degmada Barawe Cabdalla Cabdiraxmaan Nuurani  ayaa ka guddomiyay mas’uuliyin deeqda daawada ah, waxaana uu carabka ku adkeeyay in daawada loogu adeegi doono si siman bukaanada isbitaalka ku jirta.

Dhanka Kale  Deeeq raashin ah oo ka timid Wasaaradda Gargaarka Soomaaliya  ayaa maanta loo qeybiyaay qoysas danyar ah oo gaaraya  750 qoys  kuna sugan magaalada Baraawe ee gobolka Shabeellaha Hoose

Goobta lagu qeybinayay rashinka ayaa waxaa ku sugnaaa Gudoomiyaha Gobolka Shabellaha Hoose, Wasiirka Xanaaanada Xoolaha Koonfurgalbeed ahna Guddoomiyha Guddiga Abaraha Koonfurgalbeed iyo maamulka degmada Baraawe

Gudoomiyaha Gobolka Shabellaha Hoose Ibraaahim Aadan Cali Najax ayaa u mahadceliyay Wasaradda Gargaarka iyo Maareynta musiiboyinka ee deeqdan soo garsiyay dadka ay abaartu saameysay, isagoo u mahadceliyay hey’adaha ammaanka ee ka qeybqaatay gaarsiinta raashinka dadka ay abaartu samesay

Wasiirka Wasaaradda Xanaanda Xoolaha Koonfurgalbeed Madoobe Nuunow Maxamed ayaa shegay in raashinka la gaarsiyay dadkii loogu talagalay.

 

W/D. Maxamed Cali Cumar Jubba

Degmada Kaaraan oo u gudubtay wareegga labaad ee tartan cilmiyeedka

0

Habeenkii Lixaad tartan cilmiyeedka degmooyinka gobollada dalka ee Warbaabinta Qaranka, isla markaana uu taabgelinayo maamulka gobolka Benaadir,  waxaa ku tartamay Boosaaso oo ka tirsan gobolka Bari iyo Kaaraan o ka tirsan gobolka Benaadir.

Tartranka oo xiiso gaar ah lahaa, waxaa labada degmo  la hor-dhigay toddoba su’aal degmadiiba, iyadoo sidoo kale qeybta koobaad ee tartanka lagu nastay warbixinnadii ka hadlayey Taariikhda Boosaaso iyo Kaaraan.

Dhammaadka tartanka guddiga ayaa soo gudbiyey natiijada.

Kaaraan oo ka tirsan gobolka Benaadir waxaa la weydiiyey toddobo su’aal, waxa ay si sax ah uga jawaabeen saddex su’aal afar su’aal ayeey iska qaldeen, si ka faa’ideysi ahna hal ayeey uga jawaabeen sidaa darteed waxa ay uruursadeen sideed dhibcood (8 dhibcood).

Natiijada Boosaaso

Boosaaso iyaguna waxaa la weydiiyey toddoba su’aal, waxa ay ka jawaabeen laba su’aal, shan waa ay ka qaldeen wax ka faa’ideysi ahna ma helin, iyagana waxa ay heleen afar dhibcood

(4 dhibcood).

Tabasho Boosaaso ka timid

Degmada Boosaaso ayaa soo gudbisay cabasho ku aaddaneyd su’aal la weydiiyey oo ay si qalad ah uga jawaabeen, guddiga iyo macallimiintii su’aallaha soo diyaariyey  ayaa ka qanciyey tabashadooda Boosaaso, sidaas ayeeyna ku akhbaleen in looga adkaadey.

 

Habeen dambe, waxaa tartami doona degmooyinka kala ah Dharkeynley oo gobolka Benaadir ka tirsan iyo Kismaayo oo ka tirsan Jubbada Hoose.

 

Dalka Boqortooyada Sacuudiga oo loo qaaday askar qaba dhaawacyo kala duwan

0

Taliyaha ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Sareeyo Gaas Axmed Jimcaale Geeddi ayaa garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ku sii sagootiyay askar ka tirsan ciidanka xoogga dalka oo qabay dhaawacyo kala duwan, kuwaasi oo waxyeelo ka soo gaaray iyaga oo gudanaya waajibaadka loo idmaday, isla markaana xaaladooda caafimaad dalka wax looga qaban waayay ayaa loo qaaday dalka Boqortooyada Sacuudiga.

Askarta ayaa lagu qaaday diyaarad qaas ah oo ay Boqortooyada Sacuudiga u soo dirtay Soomaaliya, waxaana uu taliyaha u qeybiyay askarta dhaawacyada qaba ee la qaaday lacago ay ka dhigtaan sahay.

Labo ka mid ah askarta qaba dhaawacyada ee loo qaaday dalka Sacuudiga ayaa inta aysan ka dhoofin dalka ka hadlay xaaladooda caafimaad iyo sida ay u arkaan gurmadka caafimaad ee loo sameeyay.

Janeraal Libaan Xuseen Madaxa Hogaanka Caafimaadka ee ciidanka Xoogga Dalka oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in askartan ay ku soo dhaawacmeen difaaca dalkooda iyo ka hortagga falalka ay argagixisadu ku heyso shacabka.

Taliyaha ciidanka Xoogga Dalka Soomaalieed Sareeyo Gaas Axmed Jimcaale Geeddi ayaa sheegay in Taliska ciidanka Xoogga ay ka go’antahay daryeel u fidinta ciidamada ku soo dhaawacma difaaca dalkooda, isagoo uga mahadceliyay Boqortooyada Sacuudiga kaalmada caafimaad ee ay u fidisay.

Waa markii labaad tiro ciidan oo qaba dhaawacyo loogu qaado dalka boqortooyada Sacuudiga, kuwaasi oo xaaladooda caafimaad wax looga qaban waayay.

Agaasimaha guud ee Hay’adda Socdaalka oo la kulmay Safiirka Soomaaliya ee Belgium

0

Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda G/Sare Maxamed Aadan Koofi ayaa dalka Belgium kula kulmay maamulka  Safaaradda Soomaaliya ay ku leedahey dalkaasi iyo qaar kamid ah Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku sugan halkaasi.

Agaasimaha ayaa halkaas kulan kula qaatey Safiirka safaaradda, Qumsulka iyo guddi ka socdey bulshada  Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Belgium.

Kulanka ayaa looga hadley adeegga bixinta baasaboorka iyo aqoonsiga oo dhowaan laga bilaabey safaaradda, wuxuuna agaasimuhu kala hadley mas’uuliyiinta safaaradda iyo guddigaba muhiimadda ay leedahay ilaalinta sharciga iyo xeerarka lagu bixiyo baasaboorka iyo aqoonsiga.

Bulshada Soomaaliyeed ee ku dhaqan Beljimka ayaa uga mahadceliyey HSJ adeegga ay soo gaarsiiyey oo dhib badan ay u mari jireen helidda baasaboorka iyo aqoonsiga.

Madaxweynaha Puntland oo Garoowe Ku Qaabilay Qunsulka Dalka Hindiya Ee Soomaaliya

0

Madaxweynaha Dawlad Goboleedka Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta xafiiskiisa kuqaabilay wefti ka socdey safaarada Hindiya ee Soomaaliya oo uu hogaaminayey qunsulka dalka Hindiya ee Soomaaliya Mr Rajesh Swami.

Weftigani oo Garoowe soo gaaray maalinimadii shalay ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Kanooko kusoo dhoweeyey Mas’uuliyiin ka tirsan golaha wasiirada Puntland iyo saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland, waxaana ay isla maata gelinkii hore kulan kula qateen Madaxtooyada Garoowe Wasiiro, Wasiir ku-xigeeno iyo saraakiil kale.

Madaxweynaha Dawlad Goboleedka Puntland ayaa ugu horayn ku soo dhoweeyey weftigani Puntland, waxaana uu faahfaahin ka bixiyey xiriirka soo jireenka ah ee Puntland iyo dalka Hindiya kaas oo ay iska kaashan jireen arrimaha Ganacsiga iyo Waxbarasha, isla markaana waxa uu hoosta ka xariiqay in ay lagama maarmaan tahay in laga warhayo xiriirkaas soo jireenka ah.

Dhinnaca kale Qunsulka dalka Hindiya ee Soomaaliya  Mr Rajesh Swami ayaa dhankiisa sheegay inay diyaar u yihiin adkaynta iyo xoojinta xiriirka, isla mar’ahaantaana ay xooga saaridoonaan kuna fara adaygi doonaan sii jiritaanka iska garabsiga arrimaha Ganacsiga, Waxbarashada, Kalluumaysiga  iyo Caafimaadka.

Madaxweynaha Dawlad goboleedka Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa markasta ku hawlan kobcinta iyo sare u qaadida arrimaha Bulshada sida kaabayaasha dhaqaalaha, waxbarasha, Caafimaadka iyo Biyaha.

Tahriibayaal laga soo badbaadiyay xeebaha dalka Talyaaniga

0

Ciidamada ilaalinta xeebaha dalka Talyaaniga ayaa soo badbaadiyay tahriibayaal isugu jira Soomaali iyo Afrikaan kale.

Maraakiibtan talyaaniga ah ayaa gurmad ballaaran u fidisay tahriibayaashan kaddib markii doonti ay wateen ay ku qar-qantay xeebaha jasiiradda Lampedusa ee dalkaasi Talyaaniga.

Tahriibayaal farabadan oo isugu jira Soomaali iyo Africaan kale ayaa hore ugu geeriyooday badda Mediterenimka ee u dhaxeysa Liibayo iyo Italy.