Dalxiiska oo leh qeexitaano kala duwan ayaa waxaa saldhig u ah Nabad iyo deganaasho+(Warbixin)

Date:

Muqdisho(SONNA) Iyadoo dalxiisayaasha ay sababta u  sameeyaan dalxiiska ay tahay in ay helaan   neecaw  aad u wanaagsan iyo gooba qurux leh  oo lagu beeray geedo ilqabsi wanaagsan leh,tasoo nafta ay ka hesho arrimo badan oo horseeda u ah  farxada.

Dalkeena Soomaaliya oo lagu tiriyo Wadamada  ku wanaagsan  dalxiiska waxaa soo marnay sanada qurux badan oo uu qaabili jiray dalxiisayaal fara badan kana imaan jiray dalalka  Yurub, laatiin America iyo qaarado kala  oo aduunka ah, Balse waayahaasi quruxda badnaa  ayaan suragelin mudo  ku siman   dhowr iyo labaatan sano, oo dalka ku jiray  dagaalo kala duwan oo macnihiisa ahaa burbur.

Dadkeena Soomaaliyeed ayaan ka rajo dhigin in mar uun soo laaban doonto  waayahii hore, taasoo  ay tusaale cad ay u tahay in 13-bishan Dowladda soomaaliya ay si buuxa ugu mid noqatay Xubinnimada Hay”adda Dalxiiska Qaramada Midoobay.

Goobaha dalxiiska wadanka ayaa hadda ah kuwa si wnaagsan loo diyaariyay hadana  ay taarikhda dalxiiska dalkeena macnahii ay lahayd ay wali jirto.

Qaar ka mid ah dadka Somaaliyeed oo sharxaya ahmiyada uu leeyahay dalxiiska waxay sheegeen in nafta ay u baahan yahay nasasho iyo aragtida qurxoon taasina ay sababto in Bulshada hormar ku hamiyaan intii ay dagaalo ka fakiri lahaayeen.

In mar uun lagu dalxiiso Bariga iyo Baddeena  qeybo ka mid ah  ayaa waxaa  hanka  Ummadda Soomaaliyeed suurtageliyay Allaah ka sakoow  ay ahaeen shacabka Soomaaliyeed iyo Dowladda oo iskaashanaya,islamarkaana is aaminay.

Sidoo kale in dalkeena maanta lagu dalxiiso waxaa sababay Allaah ka sakoow geesiyaasha Ciidamada Qalabka Sida.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Thaabit Cabdi Maxamed oo ka hadlayay Arinta dalxiiska ayaa sheegay in caasimadda Soomaaliya ay ku yaalaan goobo muhiim oo taariikhi ah kuna haboon in loo dalxiis tago.

Goobaha Taariikhiga ah ee Muqdisho ku yaalo dalxiiskana ku haboon taariikhda ummadana baal dahab kaga jira ayaa waxaa ka mid ah Taalada Axmed Gurey,SYL, Dhagax tuur waana kuwa hada ka qeyb qaadanyo bilicda Caasimada Muqdisho.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaan weydiiyay jiritaanka caqabado ku hor gudban in la sameeyo dalxiis wuxuuna ku jawaaba.

” haa waa jiraan lakiin halmar ma wada sameyn karo  waxaan sameyn doonaa  in dadka ay ka faa “iideystaan waxaan u diyaarinay dadkeena waana ka gudbi doonaa caqabadaha kala  insha allaah waad arki doontaa goobaha  taarikhiga ah oo dadka ka faa iideysanayo,waxaana sameyn doona wax walbo taarikhda umadda ay lahayd inaan soo celino.

Dalxiiska oo dalka dhaqaalahiisa door muuqda ka qaato ayaa Wasaaradda Warfafinta Dhaqanka iyo dalxiiska ay sheegtay in ay sameyn doonta sharciga Dalxiisayaasha, isla markana hakin doona  dalxiisayaasha saldhigna looga dhigi doona Diinteena Suuban.

“Waxaan diyaari doona sharuucdii dalxiiska oo dalkeena muhiim u ah, maxaa dalxiiska ku waajib  ah waxa ay Dowladda  xaq ugu leedahay, maalgashiga sharuucdii  hakin lahayd waana muhiiim mida anaga doonanayno inaa sameeyo, waxaan saldhig ugu dhigi doonaa insha allaah Diinta Islaamka anagu waxaa nahay dad somaalyeed waxaan Diinteena   iyo dhaqankeena ku wanaagsaneyna waan ka ilaali doonaa,”Ayuu yiri Wasiir Yariisow.

“Tani waa rajo wanagsan oo ay mudo badan ay ku taamayeen Umadda somaaliyeed in ay arkaan dalkooda oo horumaray si wadajir ahna ay ugu dalxiisaan ayaga iyo dadka Ajaniba ah,inta badana shacabka iyo dowladda oo iskaashanayo ayaa xaqiijiyay,” Ayuu yiri Yaasir Maxamed Baafo oo ah Lataliyaha dhinaca dalxiiska ee Wasaaradda Warfaafinta XukuumaddaSoomaaliya

W/D: Abdirashiid Nuur Ibraahiim

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Tartamayaasha Degmada Caabudwaaq oo caawa u gudbay sideed dhamaadka tartanka

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Afar iyo...

Tartamayaasha Degmada Laascaanood oo caawa u gudbay sideed dhamaadka tartanka “SAWIRRO”

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Afar iyo...

Tartamayaasha Degmada Bardaale oo caawa u gudbay sideed dhamaadka tartanka “SAWIRRO”

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Afar iyo...

Tartamayaasha Degmada Xamarweyne oo caawa u gudbay sideed dhamaadka tartanka “SAWIRRO”

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Afar iyo...