Madaxweyne Farmaajo oo la kulmay Dhaxal-Sugaha Boqortooyada Sacuudiga Carabiya

Date:

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa la kulmay Dhaxal Sugaha Boqortooyada Sacuudi Carabiya ahna Wasiirka Gaashaandhigga Amiir Maxamed Bin Salmaan iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda Caadil Aljubeyr.

Kulankan ayaa looga hadlay xoojinta xiriirka faca weyn ee labada dal, maalgashiga iyo iskaashiga dhinacyada ganacsiga, la dagaalanka argagixisada, dhismaha iyo tayaynta Ciidamada qalbka sida.

Labada dhinac ayaa sidoo kale ka wada hadlay qaddiyadaha haatan ka taagan mandiqadda iyo Caalamka, iyo sidii looga gudbi lahaa caqabadaha taagan.

Dhaxalsugaha ayaa balan qaaday in mashaariic horumarineed ay dowladda Sacuudiga ka fulineyso Soomaaliya

Madaxweyne Farmaajo ayaa ka mahad celiyay sida qiimaha leh ee loo soo dhoweyay isaga iyo wafdigii uu hoggaaminayay.

Ugu dambeyn Madaxweyne Farmaajo ayaa la filayaa in dalka dib ugu soo laabto, kaddib markii ay u soo dhamaatay booqasho labo cisho ah oo uu ku joogay dalka Sacuudiga.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Dab ka kacay buurta Daalo ee gobolka Sanaag

Dab xooggan ayaa ka kacay Buurta Daalo ee gobolka...

Hawlgal ka dhacay Jubada hoose oo lagu dilay maleeshiyaad ka tirsan Khawaarijta

Ciidanka Kumaandoosta Danab ee CXDS iyo Darawiishta Jubaland oo...

Wasiirka hawlaha guud oo la kulmay wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda ee Netherlands

Wasiirka Wasaaradda hawlaha guud, dib-u-dhiska, iyo guriyeynta ee Jamhuuriyadda...

Maareeyaha NIRA oo ka qeyb galay Meertada 7-aad ee Madasha Horumarinta Aqoonsiga Dhijitaalka ah

Maareeyaha Guud ee Hay’adda NIRA, Mudane Cabdiweli Cali Cabdulle...