Home Blog Page 1538

Ciidanka xoogga oo burburiyay saldhigyo Al-shabaab ay la haayeen

0

Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya ee ka howlgala deegaano hoos yimada degmada Qoryooley ee gobolka Shabeelaha hoose  ayaa burburiyay saldhigyo  Al-shabaab ay ku lahayeen qeybo kamid ah gobolkaas.

Al-shabaab ayaa fariisimo waxa ay ku lahayeen deegaanada Mushaani Janaale ciidamada xoogga dalka Soomaaliya ayaa waxaa ay la kulmeen dagaalo goos goos.

Taliyaha ururka 26 guutada  sadaxaad ee ciidamada xoogga dalka gaashaanle sare Xasan Maxamed Abuukar  (Xasan Jaamici) oo howlgalkaasi hogaaminayay ayaa SNARADIO u xaqiijiyay In ciidamada xoogga dalka Soomaaliya ay burburiyeen saldhigyo Al-shabaab ku lahayeen deegaanada Mushaani iyo Janaale ee gobolka Shabellaha Hoose.

Colonel Xasan Jaamici, ayaa Sidoo kale, xusay inta uu socday howlgalka lagu burburinayay fariisimaha Cadowga Al-shabaab ay kala Kulmeen weerar fashilmay waxa uuna sheegay taliyaha in dagaalka lagu dilay tiro ka tirsan nabad diidka Al-shabaab.

“Intii ciidamada geesiyaasha ay ku jireen howlgalka waxaan halkaasi kula kulnay dagaal naf la caari ah oo Nabad diidka ay ku soo qaadeen ciidamada waxaana halkaasi Al-shabaab looga dilay tiro ka tirsan maleeshiyaadkaas,” ayuu yiri Jaamici.

Trump oo soo saareya sharci cusub oo soo galootiga quseeya

0
Madaxweynaha dalka Mareykanka  Donald Trump ayaa la fileyaa in uu ku dhawaaqo sharciyo cusub oo xadidaya soo galidda dalkaas kuwaas oo lagu soo rogay lixda dalka oo Muslimka ah oo Soomaaliya ku jirto iyadoo 90 maalmood ee uu horey u soo saaray maanta oo Axadda ah uu ku eg yahay.

Waaxda amniga gudaha ee dalka Mareykanka ee loo yaqaano Homeland Security  ayaa madaxweynaha kula talineysa in ay soo saaro sharci cuusb  oo lagu soo rogo dadka ka imaanaya dalalkaas ee Mareykanka soo galaya in ay la soo wadaagaan macluumaad ku saabsan qofka imaanaya.

Saraakiisha Mareykanka ma sheegin qaabka iyo wadamada sharcigan uu saameynayo, hase ahaatee waxaa ay cadeeyeen in xeer uu soo bixi doono Axaddan maanta ah.

“Ku simaha xoghayaha amniga gudaha ayaa ku taliyay sharciyo aad u qalafsan in la dhaqan gelin doono, kuwaas oo ay kamid yihiin xadidaad iyo kordhinta baaritaan khaas u ah dadka ka imaanaya dalalka qaar,” sidaaa waxa sheegay  Miles Taylor, oo la taliye u ah sii hayaha xilka xoghayaha amniga gudaha dalkaas Elaine Duke.

Sharcigan hadda dhamaanaya ayaa lagu soo rogay dadka ka imaanaya dalalka Iran, Liibya, Somaaliya, Suudaan, Suuriya iyo Yeman, marka laga reebo dadka xiriir qoys la leh qof Amerikaan ah ama xiriir ganacsi la leh dalka Mareykanka.

Amarkii hore madaxweyne Trump, ayaa si weyn buuq iyo jahweerar badan ka abuurey garoomada diyaaradaha dalkaas keeneyna doodo sharci , saraakiisha ayaa sheegay in muddo bilooyin ah wadeen sidii loo heli lahaa sharci cusub isla markaana iskaashi la sameeyeen hey’addaha kala duwan ee dalkaas iyo wasaaradda arimaha dibadda.

Talooyinka ay soo jeedisay waaxda amniga gudaha Mareykanka ee loo soo gaabiyo DHS waxaana kamid ah in la sameeyo waxa loo yaqaano  electronic passports  oo leh macluumaad ku saabsan qofka sita Baasaboorka iyo xog ku saabsan dambiyo argagaxiso haddii ay jiraan sidaasna lagula soo wadaago Mareykanka ka dib marka macluumaadkaas laga rabo qof kasta oo ka imaanaya wadamada caalamka, markaasna muddo 50 maalin ah loo qabto in shuruucdaas u hogaansamo.

Qofkii ka baaqsada in uu shuruucdan u hogaansamana lagu soo rogi doono xanibaan iyo baaritaaano adag ilaa dowladiisa sharcigaas ogolaato.

Madaxweynaha Mareykanka ayaa todobaadkii la soo dhaafay waxaa uu sheegay in uu sameyn doono sharci adag oo xadideya socota dalkiisa imaanaysa ka dib markii weerar bombaano lagu qaaday xarunta tareenada dhulka hoostiisa mara ee magaalada London.

Dadka naqdiya madaxweynaha ayaa waxaa ay sheegeen in go’aamada uu qaaday ay yihiin kuwo ka hor imaanaya dastuurka dalkaas oo damaanad qaadaya xuquuqda qof kasta. Trump ayaa horey u sheegay in dalka Mareykanka ka mamnuuci doona dhammaan masulimiinta xilligii uu socday ololaha doorashada dalkaas sanadkii hore.

Ciidamada Dalka oo burburiyay Saldhigyo Maleeshiyada Shabaab ay ku lahaayeen Shabeelada Hoose

0

Muqdisho(SONNA) Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya ee ka howlgala deegaano hoos yimaada degmada Qoryooley ee gobolka Shabeelaha hoose  ayaa burburiyay saldhigyo  Al-shabaab ay ku lahaayeen qeybo kamid ah gobolkaas.

Al-shabaab ayaa fariisimo waxa ay ku lahayeen deegaanada Mushaani Janaale ciidamada xoogga dalka Soomaaliya ayaa waxaa ay la kulmeen dagaalo goos goos.

Taliyaha ururka 26-aad ee guutada  sedaxaad ee ciidamada xoogga dalka Gaashaanle sare Xasan Maxamed Abuukar  (Xasan Jaamici) oo howlgalkaasi hoggaaminayay ayaa xaqiijiyay In ciidamada xoogga dalka Soomaaliya ay burburiyeen saldhigyo Al-shabaab ku lahayeen deegaanada Mushaani iyo Janaale ee gobolka Shabellaha Hoose.

“Intii ciidamada geesiyaasha ay ku jireen howlgalka waxaan halkaasi kula kulnay dagaal naf la caari ah oo Nabad diidka ay ku soo qaadeen ciidamada waxaana halkaasi Al-shabaab looga dilay tiro ka tirsan maleeshiyaadkaas dhaawacyana waa loo geystay,dibna waa loo celiyay”, ayuu yiri Xasan Jaamici.

Xasan Jaamici, ayaa Sidoo kale, xusay inta uu socday howlgalka lagu burburinayay fariisimaha Cadowga Al-shabaab ay kala Kulmeen weerar fashilmay waxa uuna sheegay taliyaha in dagaalka lagu dilay tiro ka tirsan nabad diidka Al-shabaab.

 

Xildhibaan Dalxa oo bogaadiyay dib u shaqeeynta Garonka Diyaaradaha Muqdisho xilliyada habeenkii

0

Muqdisho(SONNA)–Garoonka Diyaaradaha ee Aaden Cadde ee Magalada Muqdisho ayaa xalay waxaa ka soo Degatay Xilli habeen ah diyarada sidday dad Rakaab ah Mudda 27 sano kadib, arrintaasi ayaa waxaa ka hadlay mid ka mid ah Xildhibanada Dowalada Federaalka Soomaaliya.

Xilidhibaan Maxamad Cumar Dalxa oo ka tirsan Mudanayasha Barlamanka Soomaaliya oo la hadlayay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in Horumar lagu farxo ay tahay dib u Howlgalinta Garaonka Diyaaradaha xilliyada Habeenka, islamarakana arrintaa ay ku ammaanan tahay Wasaradda Gadiidka iyo Dulista Hawada ee dowlada Soomaliya.

’waa arin nafarxad galisay mudanna in la Bogaadiyo Cid walbo oo gacan ka geeysatay ,waxaa Muuqato in Soomaliya ay ku talaabsaneyso Horumar”, sidaasi Waxaa yiri Xidhibaan Dalxa.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Dhawaan shaacisay in adeegyadii uu ku shaqeyn lahaa xilliga habeenkii ah loo dhameystiray garoonka diyaaradaha ee Aadan Cade, kaasi oo ay Dadweynaha Soomaaliyeed aad ugu guxeen.

Ra’iisul Wasaare Khayre oo la kulmay Xoghayaha guud ee Q.M

0

Muqdisho(SONNA) Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa kulan gaar ah la qaatay Xogahaya guud ee Qaramada Midoobey António Guterres, waxayna kala wada hadleen sidii loo xoojin lahaa wada shaqeynta iyo iskaashiga labada dhinac.

Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa uga mahad celiyey António Guterres, sida wanaagsan ee loogu soo dhaweeyey xarunta Qaramada Midowbey, sidoo kale wuxuu ka warbixiyey guulihii ay Dawladda Soomaaliya gaartay tan iyo markii la doortay Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Kulanka intii uu socday ayuu Ra’iisul Wasaare Khayre ka hadlay arrimo la xiriira nabad gelyada iyo siyaasadda qaranka, isla markaana waxuu ka codsaday Qaramada Midoobey in taageero buuxda la siiyo si ay uga hortagaan khatarta ururada argagixisada sida Al-Shabaab.

António Guterres ayaa sheegay in Qaramada Midoobey ay mar walba diyaar u tahay iney taageerto dawladda Soomaaliya. Isagoo boggaadiyey guulaha la taaban karo ee dowladda Soomaaliya ku gaartay waqtiga kooban.

 

Shil gaari oo sababay dhimasho iyo dhaawac oo Muqdisho ka dhacay

0

Muqdisho(SONNA) Shilkan gari oo ka dhacay aroornimadii saaka Isgoyska Nasiib Buundo ee Degmada Shibis ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka dhashey khaaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Ilaa 3 qof ayaa ku geeriyootay tiro badan oo gaariga la socotayna dhaawacyo waxaa soo gaarey kala duwan kadib markii uu rogmaday gaari nuuciisu ahaa Yuudhii oo ay saarnaayeen  Shaqaalaha  muruq malka ah ee ka shaqeeysa caasimadda Muqdisho..

Qaar kamid ah dadkii shilkaasi ka bad baaday ayaa shegay in ay arkayeen meydadka ilaa 3 qof iyo dad ka badan 20 qof oo siyaabooyin kaladuwan u dhaawacmay.

Wadihii gaariga ayaa la sheegay in uu waayay Bareegii garigaasi, taasi oo keentay in uu rogmado,wuxuuna ahaa gaari inta badan dadka muruq maalka ah soo qaadi jirey.

Dhaawacyada ayaa loo qaaday isbitaalada magaaalada Muqdisho,si loo daweeyo,iyadoo dadka inta badan uu soo gaarey dhaawac fudud,halka qaarna ay ka bad baadeen gaarigasi.

Shacabka Jarmarlka oo u dareeraya doorashada dalkaas

0

Dalka jarmalka ayaa maanta waxaa ka dhacaysa codaynta doorashada guud, iyadoo xisbiyada siyaasaddu ay u loolamayaan hogaanka dalka.
Hogaamiyaha Jarmalka Angela Merkel ayaa saadaashu tahay in xisbigeeda Christian Democrats ay ku guulaystaan kuraas badan, taas oo ka dhigan inay markii afraad ku guulaysato hoggaaminta dalkaas
Balse waxaa haysta cadaadis kaga imaanaya kooxaha dhaleeceeya muhaajiriinta, iyagoo ku doodaya inay wadanka Ajnabi gacanta u galisay.
Hogaamiyaha Jarmalka Angela Merkel ayaa ku doodaysa inay wax badan ka qabatay dhaqaalaha dalka iyo inay gacan wayn u fidisay qaxootigii tirada badnaan ee dalkasi soo galay 2015-tii.
Xisbiga midig fog ee AfD ayaa isna la saadaalinayaa inay markii ugu horaysay ay xubno ku yeeshaan Baarlamaanka, isagoo mucaarad ku ah Angela Merkel.
Doorashadan ayaa ku soo aaday waqti xasaasi ah oo siyaasadda gudaha Jarmalka shacabku aragtiyo ka qabaan.

Kulan looga hadlayay sugidda Amniga Dalka oo Muqdisho ka dhacay

0

Muqdisho(SONNA) Kulankani oo ujeedkiisu ahaa sidii loo sugi lahaa guud ahaan ammaanka Dalka Soomaaliya oo ay ka qeybgaleen mas’uuliyiin katirsan Dowladda Soomaaliya iyo diblomaasiyiin caalami ah ayaa lagu qabtay magaalada Muqdisho.

Waxaa si wada jir ah u shir guddoominayay Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Soomaaliya Mudane MAxamed Abuukar Islow Ducaale iyo Danjiraha Midpowga Yurub u fadhiya Soomaaliya,iyaduu ay goob joog ka ahaayeen taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliyeed Generaal C/xakiin Daahir Siciid Saacid iyo wafuud ka socotay Dowlad Goboleedyada Dalka kajira.

Waxyaabaha ugu muhiimsan oo shirkaasi la iskula soo hadal qaadey waxaa kamid ahaa dhaqan gelinta qodobadiid la xiriira dhanka amniga Dalka Soomaaliya,kuwaasi oo ka soo baxay shirkii Lodon dhawaan ka dhacay.

Wasiirka Amniga  gudaha Maxamed Abukar Islow Ducaale oo shirka furay ayaa sheegay in uu shirkaan daba socdo shirar hore oo ka dhacay gudaha iyo dibadda dalka,kuwaasi oo ujeedkoodi ahaa  sidii loo dhisi lahaa ciidamo Qaran oo isku dhaf ah,islamarkaana ciidamadu ay isku diyaariyaan sidii Ammaanka Dalka ay uga la wareegi lahaayeen Amisom.

Diyaaradaha Dagaalka ee Mareykanka oo gaaray xuduuddaha Waqooyiga Kuuriya

0

Habeenkii xalay ayad ayaa Diyaaradaha nuuca dagaalka ee bamka xambaara ee uu leeyahay  Maraykanku waxay dulmareen meel u dhow Xeebaha Bari ee Dalka Waqooyiga Kuuriya oo Caalamka indhaha uu ku hayo,waxaana arrintani lagu sheegay in ay muujinayso mid madaxweyne Trump uu ku kala dooran karo talaabooyinka dhanka dagaalaka ah haddii uu u arka khatar kaga timaada Kuuriyada Pyongyang .

Wasaaradda Difaaca Xukuumadda Washington ayaa Tallaabadan ku tilmaamtay inay ahayd dhoolatus ay  ku muujinaysay ilaa heerka ay gaarsiisan tahay awoodda Maraykanka iyo go’aamada uu qaadan karo madaxweynaha Mareykanka Donal Jey Trump oo ku eedeeyay Waqooyiga Kuuriya in ay khatar ku tahay aminga Caalamka.

Diyaaradaha dagaalka ee Maraykanka ayaa gaaray halkii ugu fogayd ee dhinaca Kuuriyada Waqooyi abadi tan iyo bilawgii qarniga 21aad.

Dhinaca  kale , Kuuriyada Waqooyi ayaa arintasi ka hadashey Wasiirka arrimaha dibadda ee Kuuriyada Waqooyi Ri Yong Ho oo ka hadlay fadhiga loo dhanyahay ee qaramada midoobay ayaa aflagaado iyo cambaarayn u jeediyay madaxweynaha Maraykanka Donald Trump.

Ri Yong Ho ayaa khudbadiisa ku sheegay inuu jawaab cad siinayo madaxweynaha Maraykanka oo uu ku tilmaamay inuu yahay qof dhinaca maskaxda ka xanuunsanaya oo isla weyn.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Kuuriyada Waqooyi ayaa sheegay in haddii ay dhintaan dad rayid ah oo maraykanka ah in arrintaasi uu mas’uuliyadeeda yeelan doono madaxweyne Trump oo horay ugu hanjabay kuuriyada waqooyi inuu burburin doono.

Kuuriyada Waqooyi ayaaa sheegaty in 8-dii bilood ee uu Trump talada hayay uu aqalkii cadd buuq iyo sawaxan ka dhaliyay, isla markaana uu doonayo inuu golaha Qaramada Midoobay ka dhigo mid u dhaqmaysa sidii maafiyada oo lacag iyo dhagar laga shaqeeyo sidaasina waxaa yiri Wasiirka arrimaha dibaddaa ee Waqooyiga Kuuriya.

Kulan looga hadlayay sugidda Amniga Dalka oo Muqdisho ka dhacay

0

Kulankani oo ujeedkiisu ahaa sidii loo sugi lahaa guud ahaan ammaanka Dalka Soomaaliya oo ay ka qeybgaleen mas’uuliyiin katirsan Dowladda Soomaaliya iyo diblomaasiyiin caalami ah ayaa lagu qabtay magaalada Muqdisho.

Waxaa si wada jir ah u shir guddoominayay Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Soomaaliya Mudane MAxamed Abuukar Islow Ducaale iyo Danjiraha Midpowga Yurub u fadhiya Soomaaliya,iyaduu ay goob joog ka ahaayeen taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliyeed Generaal C/xakiin Daahir Siciid Saacid iyo wafuud ka socotay Dowlad Goboleedyada Dalka kajira.

Waxyaabaha ugu muhiimsan oo shirkaasi la iskula soo hadal qaadey waxaa kamid ahaa dhaqan gelinta qodobadiid la xiriira dhanka amniga Dalka Soomaaliya,kuwaasi oo ka soo baxay shirkii Lodon dhawaan ka dhacay.

Wasiirka Amniga  gudaha Maxamed Abukar Islow Ducaale oo shirka furay ayaa sheegay in uu shirkaan daba socdo shirar hore oo ka dhacay gudaha iyo dibadda dalka,kuwaasi oo ujeedkoodi ahaa  sidii loo dhisi lahaa ciidamo Qaran oo isku dhaf ah,islamarkaana ciidamadu ay isku diyaariyaan sidii Ammaanka Dalka ay uga la wareegi lahaayeen AMISOM.