Wasiirka Beeraha iyo Waraabka Soomaaliya oo Turkey kula kulmay Madaxa Hay’adda TIKA

Date:

Wasiirka Beeraha iyo Waraabka Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Siciid Xuseen Ciid oo safar shaqo ku jooga dalka Turkiga ayaa la kulan gaar ah la qaatay madaxa Hay’adda TIKA, Dr Serdar ÇAM.

Mudane Siciid Xuseen Ciid, Wasiirka Beeraha iyo Waraabka XFS iyo Dr Serdar ÇAM Madaxa Hay’adda TIKA, ayaa  kawada hadlay sidii Hay’addaasi ay uga qeyb qaadan laheyd horumarinta Beeraha Dalka, maadaama Soomaaliya ay leedahay dhul beereed aad u ballaaran, islamarkaana loo baahanyahay in laga faa’iideysto, si dhaqaalaha dalka loo horumariyo.

Mudane Siciid Xuseen Ciid, ayaa uga mahadceliyay Hay’adda TIKA taageerada kala duwan ee ay u fidisay Soomaaliya, isagoo xusay in shacabka Soomaaliyeed aysan illoobi doonin marnaba taageerada walaalnimo ee ay ka heleen walaalahooda Turkiga.

Hay’adda TIKA ayaa ka mid ah hay’adaha Turkiga ee ka howlgala Soomaaliya, iyagoo tan iyo sannadkii 2011 Dalka ka billaabay howlo samafal ah, iyadoo xilligaasi ay jirtay macluul aad u daran.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweynaha Hirshabeelle oo furay Shirka Madasha Arrimaha Bani’aadannimada Soomaaliya

Madaxweynaha Dowladda Hirshabelle, Mudane Cali Guudlaawe Xuseen, ayaa maanta...

Shirka Madasha Arrimaha Bani’aadannimada oo goordhow ka furmaya Jowhar

Magaalada Jowhar waxaa maanta lagu furayaa Shirka Madasha Arrimaha...

Agaasimaha Hay’adda Socdaalka oo soo xiray wajiga labaad ee tababarka Nidaamka PISCES

Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya Mudane...

Madaxweynaha Hirshabeelle oo xafiiskiisa ku qaabilay Guddoomiyaha SoDMA

Madaxweynaha Hirshabelle, Mudane Cali Guudlaawe Xuseen, ayaa xafiiskiisa Madaxtooyada...