Ciidanka Xoogga Dalka oo horjoogayaal ku dilay Gedo

Date:

Taliyaha Ururka  48-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo ku sugan  gobolka Gedo C/raxmaan Ibraahim Maxamad oo la hadlay Radio Muqdisho Codka Jahmuuriyada Soomaaliya ayaa sheegay in ay dagaal shalay ka dhacay duleedka Degmada Buurdhuubo ee Gobolkaasi lagu dilay Saraakiil iyo horjoogayaal ka tirsan Nabad diidka Al shabaab kuwaa soo ku sugnaa halkaasi.

C/raxmaan Ibraahim Muxmad waxaa uu tilmaamay in dagalkaas ay kula wareegeen deegaano maleeshiyaadku ku dhibaatayn jireen dadka shacabka ah,gaar ahaan  duleedka degmada Buurdhuubo ayna gacanta ku hayaan Ciidamada Xoogga Dalku deegaanadii lagala wareegay Nabad diidka  Al shabaab.

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa wada howlgalo Dalka looga sifaynaayo Al shabaab,waxaana ugu dambeeyey Dagaalkii shalay ka dhacay Gobolka Gedo,ayna Ciidamadu ku qabsadeen deegaano ay maamulayeen Al shabaab.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Safiirka JFS ee Shiinaha oo la kulantay howlwadeeno ka tirsan DF

Danjiraha Soomaaliya ee Shiinaha oo Qaabishay Saraakiil Dowladeed ayaa...

Soomaaliya oo saxiixday heshiisyo caalami ah

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa saxiixday heshiisyo Caalami ah kuwaas...

Arday Soomaaliyeed oo ka qalin jabisay Jaamacadda Turkiye ee Ostim Teknik

U qeybsanaha Wasaaradda Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta sare ee...

Sidee buu iskaashiga BRICS u qaabeynayaa Mustaqbalka Afrika? (WARBIXIN)

Qormadaani waxa aan si qoto dheer ah ugu hadli...