Home Blog Page 1539

Shil gaari oo sababay dhimasho iyo dhaawac oo Muqdisho ka dhacay

0

Shilkan gari oo ka dhacay aroornimadii saaka  ka dhacay Isgoyska Nasiib Buundo ee Degmada Shibis ee magaalada Muqdisho ayaa ka dhashey khaaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Ilaa 3 qof ayaa ku geeriyootay tiro badan oo gaariga la socotayna dhaawacyo kala duwan ayaa soo gaarey kadib markii uu rogmaday gaari nuuciisu ahaa Yuudhii oo ay saarnaayeen  Shaqaalaha  muruq malka ah ee ka shaqeeysa caasimadda Muqdisho..

Qaar kamid ah dadkii shilkaasi ka bad baaday ayaa shegay in ay arkayeen meydadka ilaa 3 qof iyo dad ka badan 20 qof oo siyaabooyin kaladuwan u dhaawacmay.

Wadihii gaariga ayaa la sheegay in uu waayay Bareegii garigaasi, taasi oo keentay in uu rogmado,wuxuuna ahaa gaari inta badan dadka muruq maalka ah soo qaadi jirey.

Dhaawacyada ayaa loo qaaday isbitaalada magaaalada Muqdisho,si loo daweeyo,iyadoo dadka inta badan uu soo gaarey dhaawac fudud,halka qaarna ay ka bad baadeen gaarigasi.

Diyaaradaha wax duqeeya ee Mareykanka oo u dhawaaday hawada Waqooyiga Kuuriya

0

Mareykanka (SONNA) Habeenkii xalay ayad ayaa Diyaaradaha nuuca dagaalka ee bamka xambaara ee uu leeyahay  Maraykanku waxay dulmareen meel u dhow Xeebaha Bari ee Dalka Waqooyiga Kuuriya oo Caalamka indhaha uu ku hayo,waxaana arrintani lagu sheegay in ay muujinayso mid madaxweyne Trump uu ku kala dooran karo tlaabooyinka dhanka dagaalaka ah haddii uu u arka khatar kaga timaada Kuuriyada Pyongyang .

Wasaaradda Difaaca Xukuumadda Washington ayaa Tallaabadan ku tilmaamtay inay ahayd dhoolatus ay  ku muujinaysay ilaa heerka ay gaarsiisan tahay awoodda Maraykanka iyo go’aamada uu qaadan karo madaxweynaha Mareykanka Donal Jey Trump oo ku eedeeyay Waqooyiga Kuuriya in ay khatar ku tahay aminga Caalamka.

Diyaaradaha dagaalka ee Maraykanka ayaa gaaray halkii ugu fogayd ee dhinaca Kuuriyada Waqooyi abadi tan iyo bilawgii qarniga 21aad.

Dhinaca  kale  kalena, Kuuriyada Waqooyi ayaa arintasi ka hadashey Wasiirka arrimaha dibadda ee Kuuriyada Waqooyi Ri Yong Ho oo ka hadlay fadhiga loo dhanyahay ee qaramada midoobay ayaa aflagaado iyo cambaarayn u jeediyay madaxweynaha Maraykanka Donald Trump.

Ri Yong Ho ayaa khudbadiisa ku sheegay inuu jawaab cad siinayo madaxweynaha Maraykanka oo uu ku tilmaamay inuu yahay qof dhinaca maskaxda ka xanuunsanaya oo isla weyn.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Kuuriyada Waqooyi ayaa sheegay in haddii ay dhintaan dad rayid ah oo maraykanka ah ina arrintaasi uu mas’uuliyadeeda yeelan doono madaxweyne Trump ooh ore ugu hanjabay kuuriyada waqooyi inuu burburin doono.

Kuuriyada Waqooyi ayaaa sheegaty in 8-dii bilood ee uu Trump talada hayay uu aqalkii cadd buuq iyo sawaxan ka dhaliyay, isla markaana uu doonayo inuu golaha Qaramada Midoobay ka dhigo mid u dhaqmaysa sidii maafiyada oo lacag iyo dhagar laga shaqeeyo sidaasina waxaa yiri Wasiirka arrimaha dibaddaa ee Waqooyiga Kuuriya.

Ra’iisul Wasaare Khayre oo la kulmay Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey António Guterres

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa kulan gaar ah la qaatay Xogahaya guud ee Qaramada Midoobey António Guterres, waxayna kala wada hadleen sidii loo xoojin lahaa wada shaqeynta iyo iskaashiga labada dhinac.

Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa uga mahad celiyey António Guterres, sida wanaagsan ee loogu soo dhaweeyey xarunta Qaramada Midowbey, sidoo kale wuxuu ka warbixiyey guulihii ay Dawladda Soomaaliya gaartay tan iyo markii la doortay Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Kulanka intii uu socday ayuu Ra’iisul Wasaare Khayre ka hadlay arrimo la xiriira nabad gelyada iyo siyaasadda qaranka, isla markaana waxuu ka codsaday Qaramada Midoobey in taageero buuxda la siiyo si ay uga hortagaan khatarta ururada argagixisada sida Al-Shabaab.

António Guterres ayaa sheegay in Qaramada Midoobey ay mar walba diyaar u tahay iney taageerto dawladda Soomaaliya. Isagoo boggaadiyey guulo la taaban karo ee ay ku gaartay waqtiga kooban.

—DHAMMAAD—- 

Diyaaradii Ugu Horeysay Ee Rakaab Sida Oo Caawa 27 Sano Kadib Xili Habeen Ah Kasoo Degtay Muqdisho

0

Muqdisho(SONNA)-Mudo 27 sano ah kadib markii ugu horeysay waxaa caawa garoonka diyaaradaha Aadan Cade ee magaalada Muqdisho kasoo degtay diyaaradii ugu horeysay ee sida rakaab kadib markii ay dhowaan Dowladda Federaalka Soomaaliya shaacisay in adeegyadii uu ku shaqeyn lahaa xiliga habeenkii ah loo dhameystiray garoonka diyaaradaha Aadan Cade.

Diyaaradan oo ah diyaarad rakaab ah oo ay leedahay shirkada diyaaradaha Juba Airways waxa ay sidaa dad ka badan boqol ruux kuwaasi oo u badan xujey waxaana diyaaradan ay abaare 08:10 ka hor shan daqiiqo kasoo degtay garoonka diyaaradaha Aadan Cade ee magaalada Muqdisho.

Garoonka diyaaradaha Aadan Cade ee magaalada Muqdisho waxaa hada ku sugan mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo saxafiyin tira badan waxaana tani ay ka dhigan tahay in uu si rasmi ah xiliga habeenkii ah u shaqeynayo garoonka diyaaradaha Aadan Cade ee magaalada Muqdsiho maadaama diyaaradii ugu horeysay ee rakaab ah ay caawa kasoo degtay.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir iyo wakiilka Midowga Afrika oo kulmay-Sawirro

0

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdiho Mudane Thaabit Cabdi Maxamed, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wafdi uu hogaaminyo Wakiilka Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya danjire Francisco Caetano Madeira iyo taliyaha ciidanka AMISOM General Cisman Noor Subagle.

Mas’uuliyiinta labada dhinac  ayaa ka wada hadlay qorshaha xasilinta caasimadda iyo kordhinta Howlgalada amniga lagu sugayo ee ka socda magaalda Muqdisho.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Mudane Thaabit Cabdi Maxamed, ayaa sheegay in labada dhinac ay ka wada hadleyn sidii Ciidamada AMISOM oga bixi lahaayeen goroonka Kubadda Cagta ee Mogadishu Stadium, halkaas oo mudo fariisamo u aheyd Ciidanka AMISOM.

Sacuudiga oo ka hadlay arinta Muslimiinta Rohingya

0

sagoo ka hadlayay xarunta Qaramada Midoobay ee magaalada New York oo uu ka socdo shirka golaha guud, ayuu wasiirka arimaha dibadda dalka Sacuudi Carabiya Caadil Aljubeyr, waxaa uu cambaareeyay siyaasada dowladda Myanmar ee caburineysa dadka Muslimiinta tirada yar ee Rohingya.

“Wadankeygu waxaa uu aad ugu walacsan yahay  isla markaana cambaareynayaa siyaasadda caburinta ah ee ka dhanka ah Muslimiinta Rohingya ee ay wado dowladda Myanmar,” ayuu yiri wasiirku.

Kumanaan qof oo kamid ah dadka Muslimiinta Rohingya ee wadanka Myanmar ayaa guriyahooda ay ka soo saareen ciidanka dalkaas, iyadoo dadka aad u badan oo qowmiyadaas kamid ah la laayay.

Xukuumadda Bangladesh  iyo hey’addaha gargaarka ayaa la daalaa dhacaya caawinta in ka badan 422,000 oo qof oo ah Muslimiinta Rohingya  kuwaas oo dalkaas gaaray tan iyo Aug. 25, markii ay bilowdeen weerarada ka dhanka ah dadkan.

Qaramada Midoobay, ayaa aaminsan in weerarada dadka Muslimiinta Rohingya lala beegsanayo ay yihiin kuwo isir sifeyn ah, sida uu dhowaan sheegay xoghayaha guud ee qaramada Midoobay Antonio Gutteres.

Dalalka caalamka Islaamka uu boqortooyada Sacuudiga hormuud ka tahay ayaa lagu dhaleeceeyay sida ay uga gaabiyeen in ay ka hadlaan dhibaatada iyo xasuuqa lagu hayo Muslimiinta Rohingya.

 

(Daawo Muuqaal) Diyaaradii ugu horeysay ee rakaab sida oo caawa 27 sano kadib xili habeen ah kasoo degtay Muqdisho

0

Mudo 27 sano ah kadib markii ugu horeysay waxaa caawa garoonka diyaaradaha Aadan Cade ee magaalada Muqdisho kasoo degtay diyaaradii ugu horeysay ee sida rakaab kadib markii ay dhowaan Dowladda Federaalka Soomaaliya shaacisay in adeegyadii uu ku shaqeyn lahaa xiliga habeenkii ah loo dhameystiray garoonka diyaaradaha Aadan Cade.

 Diyaaradan oo ah diyaarad rakaab ah oo ay leedahay shirkada diyaaradaha Juba Airways waxa ay sidaa dad ka badan boqol ruux kuwaasi oo u badan xujey waxaana diyaaradan ay abaare 8:10-Pm kasoo degtay garoonka diyaaradaha Aadan Cade ee magaalada Muqdisho.

Garoonka diyaaradaha Aadan Cade ee magaalada Muqdisho waxaa hada ku sugan mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo saxafiyin tira badan waxaana tani ay ka dhigan tahay in uu si rasmi ah xiliga habeenkii ah u shaqeynayo garoonka diyaaradaha Aadan Cade ee magaalada Muqdsiho maadaama diyaaradii ugu horeysay ee rakaab ah ay caawa kasoo degtay.


Wasiirka Warfaafinta oo Golaha Shacabka Hor geeyey Wax Ka Bedelka Xeerka Saxaafada si ay ansixiyaan

0

Muqdisho, 23 September 2017 – Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka & Dalxiiska Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Eng. Yarisow) ayaa maanta Golaha Shacabka horgeeyey Wax Ka Bedel Lagu Sameeyey Xeerka Saxaafada si ay uga gutaan waajibaadkooda dastuuriga ah una ansixiyaan.

Wasiir Eng. Yarisow ayaa yiri “Waxaa sharaf weyn ii ah inaan maanta hortiina imaado oo idiin soo gudbiyo Wax Ka Bedel lagu sameeyey Xeerka Saxaafada, isla markaasna idinkaga mahadceliyo doorkiina muhiimka ah ee aad ku mataleysaan bulshada Soomaaliyeed oo aan anigu ka mid ahay.”

Wasiirka ayaa ka warbixiyey taariikhda uu Xeerka Saxaafada soo maray oo markii ugu horreysey 2007 uu Baarlamaankii KMG ahaa ansixiyey, walow aan markaas si rasmi ah loo dhameystirin habraacii dhaqangalka. Ka dibna dhowr jeer ayaa la isku dayey oo wax ka bedel lagu sameeyey.

Wasiir Eng. Yarisow ayaa u mahadceliyey Wasiiradii ka horeeyey oo Xeerkan soo diyaariyey sida Wasiir Maareeye iyo Wasiir Mustaf Dhuxulow, iyadoo wadatashi dheer lala sameeyey dhammaan bahda saxaafada iyo Dowlad Goboleedyada sanadihii 2014 iyo 2015 iyo sanadkan 2017. September 2014 ayuu Xildhibaan Mustafa Sh. Ali Dhuxulow oo markaas Wasiirka ahaa hor geeyey Golaha Wasiirada, ka dibna ugu danbeyntii Wasiirkii hore, Xildhibaan Maxamed Cabdi Hayir (Mareye) ayaa 2015kii hor-keenay Golahan oo 28kii December 2015 la ansixiyey.

Wasiir Eng. Yarisow ayaa sheegay in sababta wax ka bedel loogu sameeyey Xeerka Saxaafada ay aheyd codsi uga yimid bahda Saxaafada oo qodobo qaarkood u baahday in isbedel lagu sameeyo ka hor inta aan la dhaqangelin. Wasiir Eng. Yarisow ayaa yiri “Annagoo tixgelineyna codsiga bahda saxaafada ayaan bilownay wadatashiyo oo 6 – 8dii May 2017 kulan ku yeelanay Muqdisho oo ay Dowlad Goboleedyada iyo Bahda Saxaafada goob-joog ahaayeen. Qoddobadii wax ka bedelka ee la isku raacay ayaan wada siiqeynay. Intaas ka dib ayaan sii wadnay wadatashiga oo aan gaarsiinay heer aan Xeerkii oo isbedelka lagu sameeyey aan ka sii wadatashano. Kulamo kale oo aan Bahda Saxaafada iyo Dowlad Goboleedyada la sameynay bishii June 2017 ayaan ka sii wadatashanay iskuna wada raacnay qoddobada wax ka bedelka u baahan. 22kii Juun iyo 11kii July ayaan markale bahda saxaafada iyo Dowlad Goboleedyada u gudbinay nuquladii ugu danbeeyey, ka dibna Golaha Wasiirada ayaa 13kii July 2017 ansixiyey Xeerkan lagu sameeyey wax-ka-bedelka.”

Qoddobada wax ka bedelka lagu sameeyey ayaa waxaa ka mid ah:
• Qoddobka 35aad oo shuruudihii aqoonta iyo Jaamicada ka saarnay annagoo u daneyneyna daruufaha heysta suxufiyiinta.
• Qoddobka 18aad oo isna laga saaray shuruudihii aqoonta iyo imtixaanka;
• Qodobka 5aad – Waxaa laga saaray ereyga “haddii uu fal dambi ka dhasho (criminal case)” – arrimaha fal danbiyeedka waxaa jira shuruuc kale oo ay khuseyso – Firqadiisa T) lacagta ganaaxa oo laga dhigay 300 – 1500 (halka ay markii hore ka aheyd 500 – 3000);
• Qodobka 34aad – Qidmada lagu fiirsado TV-ga (Tv Licence) – halkii markii hore aheyd in qof walba oo daawada TV uu bixiyo Qidmada TV-ga, waxaan ku bedelnay in shirkadaha Cable-da ee bixiya adeegyada TV-yada in lacagaha ay shacabka ka qaadaan ay ku waajibeyso canshuur. Sababta aan u sameynay ayaa aheyd inaysan macquul noqon karin in qof walba oo daawada TV laga qaado Qidmo oo ay aad u adkaan laheyd dhaqanglintiisa.
• Qodobka 14aad – Guddiga Saxaafada Soomaaliyeed – waxaan ku darnay qeyb oraneysa Milkiile, Maamule, suxufi xarun warbaahineed u shaqeeya iyo Tifaftire waxaa ka reeban kamid-noqoshada Guddiga Saxaafada si looga fogaado danaha iska-hor-imaanaya (Conflict of Interest) – Waqtiga Guddigana waxaan ka dhignay 2 sano, halkii uu markii hore ahaa 4 sano – Sababta ayaa ah bacdamaa guddigan uu cusub yahay, tahayna markii ugu horreysey oo caqabado ay la kulmayaan in waqtiga la yareeyo, walow loogu dari karo mudada oo loo kordhin karo.
• Qoddobka 33aad – Adeega Warbaahinta Dowladda waxaa lagu bedelay Adeega Warbaahinta Bulshada – sababta ayaa ah in baahi gaar ah loo qabto adeega warbaahinta Bulshada bacdamaa uu dalku galayo marxalad xisbiyo siyaasadeed lagu hirgelinayo oo doorashooyin hal-cod iyo hal-qof ah la qabanayo.
• Qoddobka 16aad, Qoddobka 21aad, Qoddobka 27aad, Qoddobka 28aad, Qoddobka 30aad, Qoddobka 31aad waxaa lugu xusay doorka wasaaradaha Dowlad Goboleedyada.
• Qoddobka 38aad – Ilaalinta Xaqa Lahaanshaha oo markii hore af-english u fasirnaa (Copy Right) ayaan hadda ku bedelnay (Intellectual Property Rights) –
• Qodobka 1aad – Erey bixinta oo la-tashiyo lala sameeyey Garyaqaanada ayaa erayada sixitaan lagu sameeyey, walow macnahu uu isku mid yahay –

Wasiir Eng. Yarisow aya sidoo kale yiri “Waad dareemi kartaan ahmiyada weyn ee uu leeyahay Xeerka Saxaaafada oo muhiim u ah horumarinta warbaahinta dalka, iyo sidii ay shacabka u heli lahaayeen warar xaqiiqo ah oo la hubiyey oo bulshada u horseeda horumar, nabad iyo xoojinta midnimada ummada Soomaaliyeed. Mar haddii ay jireen qodobo aasaasi ah oo u baahnaa in wax laga bedelo si loo dhaqangeliyo xeerka ayaan fursad u siinay suxufiyiinta iyo dowlad goboleedyada oo aan si guud wax ka bedel ugu sameynay.”

Wasiirka ayaa sidoo kale yiri “Ka Wasiir ahaan waxaa iga go’an inaan kor u qaado Xoriyada Hadalka iyo Fikirka sida uu qeexayo qodobka 18aad ee Dastuurka KMG ah, tanoo muhiim u ah in suxufiyiinta Soomaaliyeed ay noqdaan kuwo leh xirfad iyo aqoon si ay si-mas’uuliyadi ku jirto ay si xor ah u tabiyaan wararka iyo barnaamijyada. Xeerkan waxuu si adag uga hadlayaa xaquuqda suxufiyiinta oo aad ogtihiin duruufaha ay ku shaqeeyaan noogana baahan inaan garab-istaagno si ay waajibaadkooda u gutaan si waafaqsan xeerka iyo shuruucda dalka. Xeerkan waxuu abuurayaa Guddiga Saxaafada Soomaaliyeed oo mas’uul ka noqonaya dhaqangelinta Xeerka oo cidii ku xad gudubta laga qaadayo tallaabada ku habboon.”

Ugu danbeyntii, Wasiir Eng. Yarisow ayaa xildhibaanada Sharafta leh uu si xushmad iyo qadarin leh uga codsaday inay ka aqblaan soo gudbinta wax ka bedelka Xeerka Saxaafada oo ay ka doodaan kana gutaan waajibaadkooda dastuuriga ah oo ay ansixiyaan ka dib marka ay tallooyinkooda iyo fikirkooda ku biiriyaan.

DHAMAAD

Faah faahin ka soo baxaysa Dooni hub siday oo Boosaaso lagu qabtay+Sawirro

0

Boosaaso(SONNA) Ciidamada ilaalada Xeebaha Puntland ayaa Deegaanka Marooro oo khayaas ahaantii  9-km u jira magaalada Boosaaso ka soo qabtay doonidan oo lagu magacaabo Alfurqaan  oo waday hub sharci darro ah oo kala ahaa hubka culus iyo Kan Fudud waxaana kamid ah qoryaha loo yaqaano dhashiikaha PKM-ka, Bastoolado iyo sanaadiiq rasaas kujirta.

Gaashaanle Maxamed Maxamuud Xasan oo ka tirsan Ciidamada ilaalada Xeebaha Puntland Ayaa sheegay in ay  ku guulaysteen soo qabashada hubkan ayna ku raad joogaan dadkii doonidaasi u rarnayd iyo halkii ay ku sii jeeday

“Doonidani waxaa gacanta ku soo dhigay ciidamada ilaalada Xeebaha ee Puntland,waxaana laga soo qabtay deegaanka Maroore halkaasi oo ay howlgalo ka wadeen ciidamadu,waxaa doonida saarnaa hub noocyo kaladuwan leh,waana soo bandhigi doonaan macluumaad dheeri ah oo ku saabsan hubka saaran doonadani”, Ayuu yiri Gaashaanle Maxamed Maxamuud.

Safaarada Shiinaha ee Somalia ayaa 36’000 dollar uga deeqday dugsiga agoonta gabdhaha Bondhere ee Muqdisho

0

Muqdisho(SONNA)Safaarada Shiinaha ee Somaliya ayaa maanta oo Sabti ah uga deeqday agab waxbarasho, mid jiif iyo cunta asaasi ah oo qiimahooda ku fadhida lacag ka badan 36’000 oo dolar Mareykanka ah.

Maamulaha dugsiga Agoonta gabdhaha ee Boondhere, Nurta Maxamed Caddow ayaa uga mahad celisay dawladda Shiinaha, si gaar ah, safiirka u fadhiya Somaliya kaalmada muhiimka ah ee uu uga deeqay agoonta taasi oo ay sheegtay in wax weyn ka bedeli doonta aqoonta iyo nolosha gabdhahaasi.

“ Deeqda safaarada Shiinaha ina soo gaarsiisay waxa ay isugu jirta qalab xafiiseed dhamaystiran, computero, Miisas, Kuraas, farinjeero, camero, Sariiro iyo gogashooda oo dhameystiran,mashiinada biyaha iyo kan coppy-ga, iyo kan daabacaada, cunta asaasi ah iyo gaadiid”, Nuurta ayaa sidaa tiri.

Gudoomiyaha degmada Boondhere, Saynab Yuusuf  Wehliye ayaa aad u bogaadisay doorka safaarada Shiinaha ee caawinta gabdhaha agoonta ee Boondhari, iyadoo xustay in Shinaha iyo Soomaaliya ay leeyihiin xiriir saaxibtinimo oo aad u fog.

“ Aad buu u mahadsan yahay safiirka Shiinaha ee Somaliya, Shinaha wuxuu noo dhisay Tiyaatarka Qaranka, Cusbitaal Benaadir, Stadium Muqdisho iyo wadooyin, mashaariicdii uu ka fuliyey Soomaaliyana aad bay u tayo badan yihiin”, Sidaa waxaa tiri, Saynab.

Safiirka Shiinaha ee Somaliya, Qin Jian ayaa sheegay in ay sii wadayaan taageerada ay siiyaan Soomaaliya ayna xoojinayaan xiriirka saaxiibtinimo iyo midka iskaashi ee laba dawladood.

“ Markii aan imid bishii Marso ee sannadkan, shakhsiyan waxaan dareemay oo aan arkay cirka oo buluug ah, biyaha oo cagaar, dadka oo hayo shaqo adag oo dib u dhiska dalkooda ah”, safiirka ayaa sidaa yiri.

Isagoo la dar-daarmayey carruurta gabdhaha agoonta ayaa yiri, “ Carruurta waa rajada iyo Mustaqbalka, waxan idin rajeynayaa in aad uga dadaashaan waxbashada, aad noqotaan kuwa karti leh oo qayb ka qaata dhismaha iyo hurumarka mustaqbal”.

Shinaha ayaa kordhiyey kaalmada uu siiya Soomaaliya, sida gar-gaarka beni’aadinimo, waxbarasho iyo fulinta mashaariicda hurumarineed, waxaana horaanta bishan uu siiyey deeq waxbarashada arday ka badan 50 oo u waxbarasho Shiinaha.

W.D: Maxamed Cisman Cabdi “Black Cobra”