Wasiirka Beeraha iyo Waraabka Soomaaliya oo Turkey kula kulmay Madaxa Hay’adda TIKA “Sawirro”

Date:

Muqdisho (SONNA)  Wasiirka Beeraha iyo Waraabka Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Siciid Xuseen Ciid oo safar shaqo ku jooga dalka Turkiga ayaa la kulan gaar ah la qaatay madaxa Hay’adda TIKA, Dr Serdar ÇAM.

Mudane Siciid Xuseen Ciid, Wasiirka Beeraha iyo Waraabka XFS iyo Dr Serdar ÇAM Madaxa Hay’adda TIKA, ayaa  kawada hadlay sidii Hay’addaasi ay uga qeyb qaadan laheyd horumarinta Beeraha Dalka, maadaama Soomaaliya ay leedahay dhul beereed aad u ballaaran, islamarkaana loo baahanyahay in laga faa’iideysto, si dhaqaalaha dalka loo horumariyo.

Mudane Siciid Xuseen Ciid, ayaa uga mahadceliyay Hay’adda TIKA taageerada kala duwan ee ay u fidisay Soomaaliya, isagoo xusay in shacabka Soomaaliyeed aysan illoobi doonin marnaba taageerada walaalnimo ee ay ka heleen walaalahooda Turkiga.

Hay’adda TIKA ayaa ka mid ah hay’adaha Turkiga ee ka howlgala Soomaaliya, iyagoo tan iyo sannadkii 2011 Dalka ka billaabay howlo samafal ah, iyadoo xilligaasi ay jirtay macluul aad u daran.

 

 

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Arrimaha Dibedda XFS oo maanta la wareegay xilka

Wasiirka Cusub ee wasaaradda Arrimaha Dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya...

Wasiirka Gaashaandhiga XFS oo Hambalyo u diray Ciidanka Xoogga iyo Saraakiishooda

:-Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhiga Xukuummadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiqaadir Maxamed...

Safiirka Soomaaliya ee Kenya oo ka qayb galay kulan Casho sharaf ah oo looga hadlayey dhaqanka iyo Ganacsiga Soomaalida

-Danjire Jibriil Ibrahim Abdulle ayaa xalay ka qayb-galay kulan...