Ciidanka XDS oo fashiliyey weerar ay Khawaarijta kusoo qaadeen Sabiib iyo Canoole

Date:

Ciidanka Xoogga Dalka oo kaashanaya ciidamada Difaaca Dadka Uganda ee qeybta ka ah howlgalka AUSSOM, ayaa saaka aroortii abbaaraha 6:20 subaxnimo si geesinimo leh uga hortagay weerar ay Khawaarijta kusoo qaadeen deegaannada Sabiib iyo Canoole ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Ciidamada Qaranka oo ku jiray heegan buuxa iyo feejignaan sare ayaa si degdeg ah uga falceliyay weerarka, waxayna ku guuleysteen inay fashiliyaan damaca maleeshiyaadka argagixisada ah ee doonayay inay gudaha u galaan deegaanka. Intii uu dagaalku socday, waxaa lagu dilay 18 xubnood oo ka tirsanaa kooxda Khawaarijta, iyadoo weli ay socdaan howlgallo lagu baacsanayo haraadiga maleeshiyaadkaas.

Afar askari oo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka ayaa ku shahiiday dagaalka, halka ay dhaawacyo fudud kasoo gaareen toddoba kale. Dhaawacyadaas waxaa si degdeg ah loogu sameeyay gurmad caafimaad oo dhammeystiran.

Wasaaradda Gaashaandhigga waxay si buuxda u bogaadineysaa geesinimada iyo dhabar-adaygga ay muujiyeen Ciidanka Qaranka Soomaaliyeed ee difaacay shacabka kuna guuleystay inay jabiyaan weerarkii cadowga.

Sidoo kale, Wasaaradda Gaashaandhiggu waxay bogaadineysaa kaalinta saaxiibada Soomaaliya, kuwaas oo maanta duqeymo dhanka cirka ah ku beegsaday Khawaarijta, kuna dhaliyey dhaawac culus.

Wasaaraddu waxay mar kale ku celinaysaa in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka go’an tahay la dagaallanka argagixisada, sugidda amniga dalka, iyo in shacabka Soomaaliyeed ay ku noolaadaan nolol nabdoon oo karaamo leh.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Warfaafinta oo kulan miro dhal ah la qaatay Danjiraha Shiinaha ee Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...

Kulan ku saabsan u-diyaargarowga iyo ka hortagga cudurka Ebola oo ka furmay Muqdisho

Waxaa goor dhow ka furmay Xarunta Qaran ee Howl-gallada...

Taliye ku xigeenka Ciidanka Dhulka oo shir guddoomiyay kulan looga hadlayay amniga gobolka Bay

Taliye ku xigeenka Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed,...

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo Xarigga ka jaray xarunta Cusub ee Degmada Shangaani

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr....