Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo kulan la yeeshay dhiggiisa Turkiga 

Date:

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga XFS, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa magaalada Istanbul ee dalka Turkiga kulan kula yeeshay Wasiirka Warshadaha Difaaca ee Jamhuuriyadda Azerbaijan, Mudane Vugar Valeh oglu Mustafayev.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga labada dal ee dhanka difaaca, gaar ahaan sidii Soomaaliya uga faa’iideysan lahayd waaya-aragnimada iyo khibradaha Azerbaijan ee dhanka warshadaha milatari iyo horumarinta awoodda difaaca qaranka.

Wasiirka Gaashaandhigga ayaa uga mahadceliyay dowladda Azerbaijan taageerada ay la garab taagan tahay shacabka iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya, gaar ahaan dagaalka ka dhanka ah kooxaha argagixisada ah ee caqabadda ku ah nabadda iyo xasilloonida dalka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweynaha JFS oo ka qaybgalay xuska 15 guurada dib u curashada xiriirka Soomaaliya iyo Turkiga

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo Muqdisho Kulan kula Qaatay Duqa Muqdisho

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya oo Beijing Kaga Hadlay Horumarinta iyo Casriyeynta Warbaahinta

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...