Home Blog Page 154

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO SI DIIRRAN LOOGU SOO DHAWEEYEY MAGAALADA TRIPOLI EE DALKA LIIBIYA

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si diirran loogu soo dhaweeyey magaalada Tripoli ee caasimadda dalka Liibiya, halkaas oo uu ku tagay booqasho rasmi ah oo lagu xoojinayo xiriirka labada dal.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee Tripoli, ku soo dhaweeyey madaxda sare ee dowladda Liibiya, waxa uuna uga mahadceliyey dowladda iyo shacabka dalkan sida ay uga go’an tahay xoojinta xiriirka soo jireenka ah ee kala dhexeeya Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa inta uu ku sugan yahay Tripoli, waxa uu kulan la qaadan doonaa Hoggaamiyaha Golaha Sare ee dalkan Mudane Maxamed Al-Manfi oo ay ka wada hadlayaan xaaladda gobolka iyo danaha wadajirka ah ee ka dhexeeya labada dal.

Sidoo kale, Labada Madaxweyne ayaa ka arrinsanaya horumarinta iskaashiga dhinacyada amniga, siyaasadda, la daggaallanka tahriibta iyo dhammaystirka soo celinta dhallinyarada Soomaaliyeed ee xaaladaha adag ay ku wajahayaan xabsiyada dalkaas.

 

Aqoon-isweydaarsi muhiim ah oo Muqdisho uga furmay xafiisyada warfaafinta hay’adaha DF

0

Aqoon isweydaarsigani oo soo qaban qaabisay Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa uu soconayaa mudda seddex maalmood ah waxaana ka faa’iideysanaya 30 xubnood oo ka socda Xafiisyada Xiriirka Warbaahinta iyo dadweynaha ee Hay’adaha Dowladda Federaalka Soomaaliya,

Marwo Fartuun Axmed Xasan Agaasimaha Shaqaalaha iyo Tababarada Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska oo soo dhoweysay madaxda iyo hawlwadeenada hay’adaha dowladda ee ka qeyb galaya tababarkan ayaa kula dardaarantay ka faa’iidaysiga khubarada iyo wadaaga khibradaha ka qeyb galayaasha oo muhiim ah mustaqbal maareynta xiriirka Warbaahinta iyo dadweynaha ee xaaladaha deg dega ah

Col. Cabdifitaax Xasan Adan Afhayeenka Booliiska oo ku hadlay afka ka qeyb galayaasha Aqoon isweydaarsiga ayaa tilmaamay in uu ku soo aaday xilli loo baahnaa, isaga oo Wasaaradda Warfaafinta uga mahad celiyay isku keenida khubarada iyo hawlwadeenada dowladda ee xiriiirka Warbaahinta si maalmaha tababarka looga doodo habka xiriirka Warbaahinta loo maareeyo marka lagu jiro xaaladaha deg dega ah iyo guud ahaan iska qabka xafiisyada Warfaafinta.

Danjire Yuusuf Garaad Cumar Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda oo ka mid ah khuburada bixinaysa tababarka ayaa hoosta ka xariiqay ahmiyadda ay leedahay xoojinta isku xirnaanta hay’adaha Dowladda ee xilliyada xaaladaha deg dega ah iyo ka baaraandega waxa loo gudbinayo Warbaahinta iyo Dadweynaha.

Ku simaha Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS ahna Agaasimaha Maamulka iyo Maaliyadda Mudane Cabdinaasir Xuseen Xasan ayaa tilmaamay in Wasaaradda tababarkan u qabatay si loo xoojiyo iskaashiga hay’adaha dowladda iyo iska warqabka xafiisyada xiriirka Warbaahinta ee xilliyadda xasaradaha iyo xaaladaha deg deg ah isaga oo u mahad celiyay xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ( UNTMIS) oo taageeray tababarkani.

Wasiir ku xigeenka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdirahmaan Yusuf Cumar ( Al-cadaala) oo furay tababarka ayaa sheegay in ujeedku yahay qaabeynta ra’yiga dadweynhaa iyo xiriirka Warbaahinta ee waqtiga xaaladaha deg dega ah si bulshadu u hesho xog sugan oo ka jawaabeysa xaaladda taagan,

Wasiir Caddaala ayaa intaa ku daray in hadafka aqoon isweydaarsigani sidoo kale yahay xoojinta isku xirnaanta xiriirka Warbaahinta ee hay’adaha dowliga ah iyo jiheynta dadweynaha maadaama iskaashiga lagama maarmaan u yahay guulaysiga ujeedooyinka dowladda .

Aqoon isweydaarsigan ayaa ka qeyb ka dedaalo Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ku xoojinaysa kor u qaadista awoodda iskaashiga iyo isku xirnaanta Warbaahineed hay’adaha dowladda, Wacyigalinta iyo jiheynta ra’yiga dadweynaha.

 

 

GUDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA EE BJFS OO QAABILAY SAFIIRKA DOWLADDA INGIRIISKA EE SOOMAALIYA.

0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Amb. Mike Nithavrianakis, waxaana safiirka Dowladda Ingiriiska ee Soomaaliya uu Guddoomiyaha Golaha Shacabka soo gaarsiiyay dhambaal uu kaga waday Guddoomiyaha Baarlamaanka ee Dalkaasi Ingiriiska.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Dalla Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa safiirka warbixin kooban ka siiyay xaaladda guud ee wadanka, waxaana ugu dambeyn labada dhinac isku raaceen dardar gelinta iyo xoojinta xiriirka labada Baarlamaan.

 

 

 

 

 

Xubno ka socday Wasaaradda Caafimaadka iyo Guddiga arrimaha bulshada BFS oo dalka Rwanda kaga qeybgalay kulan muhiim ah

0

Wafdi ka socda Hay’adda KMG Mareynta Daawada ee Wasaaradda Caafimaadka XFS, iyo Guddiga arrimaha Bulshada ee Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa aqoon kororsi la xariira Mareeynta iyo nidaaminta daawada iyo agabka Caafimaadka u tagay Hay’adda Cunnada iyo Daawada ee Ruwaanda (Rwanda FDA) iyo sidii Soomaaliya u hurmarin lahayd shuruucda lagu maareeyo daawada iyo sida ay Soomaaliya u saxiixi lahayd heshiiska lagu dhisay Hey’adda Daawada afrika.

Wasaaradda Caafimaadka XFS, ayaa dadaal ugu jirta sidii si buuxda loogu shaqo gelin lahaa Hey’adda Maareynta daawada Soomaaliya oo ka shaqaysa hubinta tayada, badqabka iyo waxtarka daawada iyo sidii kor loogu qaadi lahaa kalsoonida suuqa iyo ganacsiga daawada iyo agabka Caafimaadka ee Soomaaliya, loogana ilaalin lahaa daawooyinka tayadoodu hoosayso.

Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxay u mahadcelinaysaa Rwand FDA oo martigelisay shirka iyo Hay’adda Horumarinta ee Midawga afrika (AUDA -NEPAD) oo fududaysay booqashadaan aqoon kororsiga.

laftagareen oo kormeeray dhismaha Cusub Terminaalka ee Garoonka Baydhabo

0

Madaxweynaha Dowladda Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa Kormeerey Dhismaha Cusub Terminalka Garoonka Diyaaradaha Dr Shaati-Gaduud Airport ee Magaalada Baydhabo oo Dhismihiisa Meel wanaagsan Maraysa

Laftagareen waxaa kormeerka ku wehlinayay mas’uuliyiin katirsan Maamulka Koofur Galbeed, waxana madaxweyne laftagareen uu la kulmeen Injineerrada shaqada gacanta ku haya iyo guddiga sida gaar ah uga shaqeynaya dhismahaan cusub Warbixin ayuu ka dhageystay guddiga dhisaya terminaalka, Madaxweyne Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa ku bogaadiyay in la kordhiyo howshaan oo sare u qaadeysa bilicda iyo adeegga Garoonka Diyaaradaha Shaati gaduud.

Dowlada Goboleedka Koofur Galbeed ayaa xoogga saartay ballaarinta Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Baydhabo ee loogu magac daray Shaati Gaduud maadaama si joogta ah ay u caga dhigtaan diyaaradaha taga Xarunta Gobolka Baay.

𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧 𝐥𝐨𝐨𝐠𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲𝐞𝐲 𝐪𝐨𝐫𝐬𝐡𝐚𝐡𝐚 𝐜𝐮𝐬𝐮𝐛 𝐞𝐞 𝐡𝐢𝐫𝐠𝐞𝐥𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐡𝐚𝐧n𝐚𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐌𝐢𝐝𝐚𝐲𝐬𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐝𝐚𝐥𝐤𝐚, 𝐨𝐨 𝐥𝐚𝐠𝐮 𝐪𝐚𝐛𝐭ay 𝐌𝐮𝐪𝐝𝐢𝐬𝐡𝐨

0

kulankan oo ay soo qabanqaabisay Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, gaar ahaan barnaamijka Caafimaadka Mideysan (One Health), waxaa ka soo qaybgalay xubno ka socday wasaaradaha kala duwan ee hirgelinta hanaanka Caafimaadka Midaysan, oo ay ka mid yihiin Wasaaradaha Xannaanada Xoolaha, Beeraha iyo Deegaanka. Sidoo kale, waxaa ka qeyb galay xubno ka socday hey’adaha maxalliga ah iyo kuwa caalamiga ah sida FAO, WHO, iyo wakiillo ka tirsan jaamacadaha dalka.

Kulankan, oo magac loogu bixiyay “Seminaarka Aragtida Mustaqbalka” (Visioning Workshop), ayaa si qoto dheer loogu falanqeeyay sidii loo hirgelin lahaa qorshaha One Health iyo yoolalka caafimaad ee dalka. Waxaa sidoo kale la sameeyay Hordhac Tijaabo ee Qorshaha Istaraatiijiga ah ee One Health, si loo xaqiijiyo in qorshuhu uu waafaqsanyahay baahida caafimaad ee dalka iyo deegaanka.

Falanqeyn dheeri ah ayaa lagu sameeyay fursadaha jira, caqabadaha taagan, iyo khataraha la xiriira hirgelinta qorshaha Caafimaadka Midaysan ee dalka ee muddada 2025-2029.

Kulankan ayaa ahaa mid hordhac u ah kulamo ballaaran oo lagu soo bandhigi doono qorshaha rasmiga ah ee dalka, kaas oo ku saleysan horumarinta Caafimaadka guud ee dalka, si bulshada Soomaaliyeed ay u helaan adeegyo Caafimaad oo dhamaystiran oo laga heli karo meelkasta.

Wasiirka Dekedaha oo qaabilay wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Gaadiidka, Dekedaha iyo Tiknoolijiyadda Dowladda Cumaan

0

Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka badda Soomaaliya Xildhibaan Maxamuud Aadan Geesood ayaa qaabilay wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Gaadiidka, Dekedaha iyo Tiknoolijiyadda Dowladda Cumaan Siciid Bin Xaamud.

Kulankan ayaa diiradda lagu saaray sidii loo dhisi lahaa dhowr dekedood oo ay kamid tahay Dekedda Hobyo, taas oo Dowladda Cumaan ay doonayso inay kaalin weyn ka qaadato maalgelinteeda.

Kulanka waxaa ka qeyb galay xildhibaano ka tirsan BFS, guddiga qaabilsan dhismaha Dekedda Hobyo, Qaar kamida Ganacstada Soomaaliyeed iyo Safiirka Cumaan ee Soomaaliya, iyagoo ay weheliyeen madax ka socota hay’ado ka aas-aasan dalka Cumaan oo danaynaya inay maalgeliyaan mashruuca dhismaha dekedda Hobyo.

Wasiirka Gaadiidka & Dekedaha Cumaan iyo Ku-xigeenkiisa ayaa si wadajir ah u ballan qaaday in dowladda Cumaan ay si buuxda u maalgelin doonto dhismaha Dekedda Hobyo & Dekedaha kale ee Soomaaliya ee u baahan dhismaha iyo maalgashiga, kuwaas oo kor u qaadi kara koboca dhaqaalaha iyo horumarka kaabayaasha gobolka.

 

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO FURAY KALFADHIGA 6-AAD EE BAARLAMAANKA FEDERAALKA SOOMAALIYA

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta si rasmi ah u furay Kalfadhiga 6-aad ee Baarlamaanka 11-aad ee Federaalka Soomaaliya ayaa ku bogaadiyey Guddoonka, Xubnaha Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare shaqadii baaxadda lahayd ee ay qabteen intii lagu gudajiray kalfadhiyadii hore ee Baarlamaanka.

Madaxweynaha ayaa ka hadlay howlgallada lagu xoreynayo goobaha ay Khawaarijtu kaga suganyihiin dalka, isagoo ammaanay Ciidamada Qalabka Sida, Xoogagga Difaaca Shacabka Soomaaliyeed ee Macawisleey iyo Ciidamada Daraawiishta Puntland ee naftooda u huraya adkeynta nabadgalyada iyo ilaalinta Qarannimada, isaga oo soo bandhigay khatarta argagixisada Daacish ee ku aaddan isu-socodka Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed.

“Waxaan garab taagannahay Ciidamada dowlad goboleedka Puntland iyo shacabka deegaannadaas oo casharro lama illaawaan ah siiyay Khawaarijta Daacish. Waa dagaal xaq ah, anagana waajib ayay nagu tahay in aan garab istaagno walaalaheenna dagaalka ugu jira xoreynta iyo soo celinta karaamadeenna”.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in heshiisyadii siyaasadeed ee Madasha Qaranka iyo ansixinta Baarlamaanka ee afarta cutub ee ugu horreeyay Dastuurka ay horseedeen hirgelinta qorshaha doorashooyinka tooska ah, lagana gudbayo doorashooyinkii dadbanaa ee caqabadda ku ahaa dowladnimada dalka, waxa uuna ugu baaqay Baarlamaanka in kalfadhigan lagu dhammeystiro cutubyada dhimman ee Dastuurka, si looga gudbo khilaafaadka curyaamiyey dowlad-dhiska Soomaaliyeed.

“Walaalayaal, dadka Soomaaliyeed annaga ayeey dhankeenna soo eegayaan, naguna aamineen waajibka ah in aan ka rarno meeshii ay ku raageen ee doorashada dadban. Waa inaan fursad u siinno in maskaxdooda xorowdo, fikirkooda xoroobo, ayna codkooda xorta ah ku soo doortaan ciddii matali lahayd. Waa garaad xumo inaan isku qancinno in loo laabto jidkii foosha xumaa ee magacaabidda iyo doorashooyinka dadban”.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa xusay in guushii deyn cafinta kaddib ee dhammaadkii sanadkii 2023, xoogga la saaray sidii Soomaaliya ay uga faa’iidaysan lahayd khayraadkeeda, waxa uuna sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya aysan wax deyn ah qaadan muddadii la soo dhaafay, ayna ku dadaashay in ay beekhaansato oo isku maarayso dhaqaalaha ka yimaada canshuuraha ay bixiyaan muwaadiniinta Soomaaliyeed, waxa uuna ku bogaadiyey ganacsatada iyo guud ahaan canshuur-bixiyayaasha Soomaaliyeed sida ay uga go’an tahay horumarinta iyo xasilinta dalka.

 

 

Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle oo booqday Furimaha Dagaalka

0

Madaxweynaha Dowladda goboleedka Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaa!hi Xuseen (Cali Guudlaawe) oo booqday qaar ka mid ah Daraawiishta, Ciidamada Xoogga Dalka iyo kuwa Deegaanka ee casharka u dhigay welina sii baacsanayo firxadka Khawaarijta.

Sidoo kale Madaxweynaha oo uu wehliyo Guddoomiyaha Gobalka Shabeellada Dhexe ayaa kulan la xiriira sidii Hirshabeelle looga sifeynayo Khawaarijta waxa uu la qaatay saraakiisha ciidamada Daraawiishta, Xoogga Dalka iyo kuwa Deegaanka ee ku sugan furimaha dagaalka.

Madaxweynaha JFS oo khudbad dhinacyo badan leh ka jeediyay furitaanka Baarlamaanka

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr Xasan Sheekh Maxamuud oo furay kalfadhigii 6-aad ee golaha Baarlamaanka ayaa u jeediyey khudbada Madaxweynaha ee Dastuuriga ah.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ugu horayn golaha Baarlamaanka uga mahadceliyey shaqadii dhamaystirka dastuurka ee ay qabteen kalfadhigii 5-aad,sidoo kale Madaxweynaha ayaa hambalyo u diray maamulka iyo Shacabka Puntland dagaalka ay kula jiraan kooxda daacish ee ka tirsan kooxaha Khawaarijta,dagaalkan ayaa si weyn loogu jabiyey kooxda Daacish,“ Waxaan garab taaga nahay Ciidamada Dowlad Goboleedka Puntland ee u bareeray dagaalka xaqqa ah ee ay kula jiraan Khawaarijta Daacish, dowladda Fedaraalka Soomaaliyana waa ay garab taagan tahay Ciidamada iyo shacabka halganka ku jira ee deegaannada Puntland.”ayuu yiri Madaxweynuhu.

Dhinaca kale Madaxweyanaha ayaa mar uu ka hadlayey dhismaha Ciidamada ayuu madaxweynuhu caddeeyey in dowladdu ku guulaystay dhismaha Ciidanka Cirka iyo Ciidanka Badda oo hadda awood u leh in ay difaacaan Badda iyo cirkaba kuna filan yihiin,Madaxweyne Xasan Sheekh “Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay u istaagtay sidii loo ilaalin lahaa Badda loona joojin lahaa kalluumeysiga sharci darrada ah.”

Madaxweynuhu wuxuu sidoo kale ka hadlay dagaalka ka dhanka ah khawaarijta Shabaab kaas oo dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ka gaadheen guul weyn si weyna looga sifeeyey gobolada dalka.

Sidoo kale madaxweyne Xasan Sheekh ayaa cadeeyey in Soomaaliya Sannadkan gudihiisa laga dhisi doono xarun laga diro dayax gacmeedka,xaruntan oo noqon doonta tii ugu horaysay ee laga hirgeliyey geeska Afrika,”Sanadkaan dhammaadkiisa dalkeena waxaa laga tuuri doonaa Dayax gacmeed waana kii ugu horeeyey taariikhda ee waddan Afrika ah laga tuuro, xaruntii laga tuuri lahaana dhismaheeda ayaa socda” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Ugu dambayn Madaxweynaha ayaa Shacabka Soomaaliyeed ugu bishaareeyey in taladu gacantooda dib ugu soo celisay Dowladdu dhowaana ay dooran doonaan shacabku Madaxdooda doorasho qof iyo cod ah,Madaxweyne Xasan Sheekh ”Maanta waxaan u joognaa in aan dadka Soomaaliyeed dib ugu celino xuquuqdii muwaadinnimo oo ay lahaayeen,si ay u soo doortaan cida hoggaamineysa.”