Home Blog Page 154

Wasaaradda Amniga Gudaha XFS oo cambaareysay dagaalka uu sii waddo eedeeysane Axmed Madoobe

Wasaaradda Amniga Guduha ee Dawladda Federaalka ah waxeey markale cambaaraynaysaa daadinta Dhiigga Dadka Soomaaliyeed ee uu sii wado Eedaysane Axmed.

Eedaysanuhu wuxuu markale colaad ka huriyay Gobalka Gedo isaga oo Maleeshiyaad ka amarqaata faray in ay weeraraan xaruumo Cidanka Qaranka iyo goobo shacbi ah Magaalada Balad-xaawa ee Gobalka Gedo Maanta oo Jimce ah.

Weerarkaan oo sababay in ay Naftooda si mino darro ah ku waayaan muwadiniin Soomaaliyeed waa mid uu doonayo eedaysanuhu in uu ku balaariyo danbiyada uu faraha kula jiro kuna sii kala dilo Dadka reer Jubaland guud ahaan gaar ahaan Shacabka Gobalka Gedo oo uu muddo dheer ku hayay falal xadgudub ah.

Dawladda Federaalka ah waxaa ka go’an in lala xisaabtamo danbiilayaasha uu ugu horeeyo Eedaysane Madoobe iyo inta kala qayb-qaadata fal-danbiyeedkiisa.

Waxaan ugu baaqaynaa Shacabka reer Jubaland gaar ahaan reer Gedo in ay meel uga soo wada jeestan kana digtoonaadaan falalka Eedaysanaha oo isku dayaya in uu balaariyo Danbiyada uu faraha kula jiro.

Wasaaradda Amniga iyada oo kaashanaysa Hay’adaha Sharciga waxeey la socotaa cidkasta oo ku lug yeelata danbiyada oo ku galayo magaca Shacaba Jubaland Eedaysanuhu iyada oo la diwaangaliyay shaqsiyaad kale oo qayb ka ah daadinta Dhiigga Muwaadininta iyo ku xadgudubka xuquugdooda.

Dawladda o gudanaysa waajabaadkeeda Dasturiga ah, waxaa ka go’an in laga hortago xadgudubyada nuucaan ah isla markaana aan fursad loosiin danbilayaashu in ay sii wadaan danbiyadooda.

Ciidanka XDS oo Shabellaha hoose ku dilay xubno ka tisan Khawaarijta

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa saaka si geesinimo leh u fashiliyey weerar naf la caari ah oo ay Khawaarijtu kusoo qaadeen deegaanno ka tirsan Gobolka Shabeellaha Hoose.

Dagaaladaan ayaa ka dhacay duleedka deegaanada Sabiid iyo Caanoole,halkaasi oo lagu jabiyey koox khawaarij ah ee isku dayey in ay weeraraan fariisimo ciidan oo ku yiillay halkaasi.

Ciidamada Xoogga ayaa la xaqoojiyay in ay Khawaarijta gaarsiiyeen khasaare culus, iyadoo maydad badan la sheegayo in ay daadsan yihiin halkii lagu dagaalamay .

Ciidamada Xoogga ee ka howlgala Gobolka Sh/Hoose ayaa dagaalkaasi ku jabiyay kooxaha nabad-diidka ah ,iyagoo bilaabay howlgal lagu sii baacsanayo khawaarijta.

Golaha Wasiirrada XFS oo ansixiyey heshiis u dhexeeya dalalka Soomaaliya iyo Indonesia

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay kulankoodii toddobaadlaha ahaa, ayaa ansixiyey heshiis u dhexeeya dalalka Soomaaliya iyo Indonesia, oo ku saabsan in ay ka dhaafaan shuruudaha dal-ku galka dadka sita Baasaboorrada diblumaasiga iyo shaqada, si loo fududeeyo arrimaha socdaalka ee labada dal.

Kulanka oo uu guddoomiyey Ra’iisul Wasaare Ku- xigeenka Xukuumaadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa warbixin lagaga dhageystay guddiga xal u helidda saxmadda waddooyinka caasimadda, taas oo ku saabsan caqabadaha keenay saxmadda iyo sidii xal waara looga heli lahaa culeyska saxmadda iyo saameynta ay ku yeelatay isku socodka waddooyinka caasimadda.

Golaha Wasiirrada, ayaa ka dhagaystay Wasaaradaha Amniga Gudaha iyo Gaashaandhigga, warbixinno ku saabsan amniga, dib-u-xoreynta iyo xasillinta dalka.

Axmed Diiriye ka tirsanaa Khawaarijta oo isku soo dhiibay Ciidamada Daraawiishta Galmudug

Axmed Diiriye Raadgoob oo ka tirsanaa Khawaarijta arxan laaweyaasha ah ayaa isku soo dhiibay Ciidamada Daraawiishta Galmudug iyo kuwa deegaanka ee ku sugan koonfurta gobolka Mudug, gaar ahaan difaaca Wisil.

Axmed Diiriye oo lagu magacaabo Axmed Diiriye Raadgoob (Kala-foge) ayaa muddo ka tirsanaa Khawaarijta, isagoo si toos ah uga shaqaynayay dhibaateynta shacabka Soomaaliyeed.

Isu soo dhiibistiisa ayaa imaaneysa, iyadoo maalmahan ay ciidamada deegaanka ee Wisil iyo Baxdo kordhiyeen gulufka ay ku baacsanayaan Khawaarijta, ayna burburiyeen saldhigyo ay ku lahaayeen koonfurta gobolka Mudug.

Ku dhawaad 10 Khawaarij ah oo lagu dilay howlgallo ka dhacay Hirshabeelle iyo Galmudug

Howlgal qorsheysan oo ka dhan ah Khawaarijta ayaa ka dhacay deegaanka Ceelgorof ee gobolka Galgaduud, halkaas oo lagu beegsaday dhagar-qabayaal ka tirsan Khawaarijta oo ku dhuumaaleysanayey aaggaas.

Khasaare culus ayaa lagu gaarsiiyey howlgalkan cadowga, iyadoo la burburiyey gaadiidkii ay wateen iyo goobihii ay ku dhuumaaleysanayeen.

Dhinaca kale, howlgal lagu laayay horjogayaal iyo malleeshiyaad ka tirsan Khawaarijta, iskana kaa shadeen ciidamada deegaanka magaalooyinka Baxdo iyo Wisil ayaa saacadahii ugu dambeeyay ka saldhig ay Khawaarijta ku lahayd deegaanka Cadaleey ee duleedka magaalada Caad ee Koonfurta Gobolka Mudug.

Howlgalkan ayaa lagu dilay ku dhawaad 10 xubnood oo horjoogayaal iyo maleeshiyaad isugu jira, waxaana howlgalku uu u dhacay sidii loo qorsheeyey.

Wasiirka Caddaaladda XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Guddoomiyaha Majmaca Culimada Soomaaliyeed

Wasiirka Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Macalin Maxamuud, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Guddoomiyaha Majmaca Culimada Soomaaliyeed, Sheekh Yuusuf Cali Caynte.

Kulanka ayaa si gaar ah diiradda loogu saaray xoojinta wada shaqeynta u dhexeysa Wasaaradda iyo Majmaca Culimada Soomaaliyeed, iyadoo la isku dhaafsaday aragtiyo ku saabsan sidii loo mideyn lahaa dadaallada lagu horumarinayo cadaaladda dalka, wacyigelinta bulshada iyo la dagaallanka afkaaraha xagjirka ah ee ay faafiyaan kooxaha Khawaarijta.

Wasiir Xasan Macalin ayaa tilmaamay in wada shaqeyn dhow oo lala yeesho culimada Soomaaliyeed ay muhiim u tahay kobcinta wacyiga bulshada iyo ilaalinta qiyamka diinta, si gaar ahna loo wajaho caqabadaha amni iyo bulsho ee ka dhasha faafinta afkaaraha xagjirka ah.

Dhankiisa, Sheekh Yuusuf Cali Caynte ayaa caddeeyay in Majmaca Culimada Soomaaliyeed ay diyaar u yihiin inay door weyn ka qaataan barnaamijyada wacyigelinta, taageeridda cadaaladda, iyo la dagaallanka fikirka gurracan ee kooxaha Khawaarijta ah. Kulanka ayaa ku dhammaaday isfaham iyo ballanqaad ku aaddan sii xoojinta wada shaqaynta labada dhinac.

R/W ku-Xigeenka XFS oo daah-furay Warbixinta Sannadlaha ee horumarka maaliyadda Dowladda 2024.

Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta si rasmi ah u daah-furay munaasabad ballaadhan oo lagu soo bandhigayey Warbixinta Sannadlaha ah ee Horumarka Maaliyadda Dowladda ee 2024, taasoo ay soo diyaarisay Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Munaasabaddan oo lagu qabtay magaalada Muqdisho ayaa lagu soo bandhigay guulaha maaliyadeed ee ay dowladda Soomaaliya ka gaadhay sannadkii 2024, caqabadihii la soo maray, iyo fursadaha horumarineed ee u baahan in si waxtar leh looga faa’iidaysto. Warbixintani waxay muujinaysaa dadaalka joogtada ah ee lagu tayaynayo maamulka maaliyadeed ee dalka, kobcinta dakhliga gudaha, iyo xoojinta isla xisaabtanka iyo hufnaanta dhaqaale.

Wasaaradda Maaliyaddu waxay sannadkan qaaday tallaabo taariikhi ah oo ah in markii ugu horraysay si rasmi ah loo bilaabo soo bandhigista Warbixinta Sannadlaha Maaliyadeed. Tallaabadan ayaa ah mid muhiim u ah daahfurnaanta, isla xisaabtanka iyo kobcinta kalsoonida shacabka iyo saaxiibada caalamiga ah ee taageera horumarka Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka ayaa khudbaddiisa ku adkeeyey in la xoojiyo nidaamka maamulka maaliyadeed ee dalka, isaga oo tilmaamay in warbixintani ay marag u tahay guulaha laga gaaray dib-u-habeynta dhaqaale iyo dowlad-dhiska. Waxa uu sidoo kale ugu baaqay dhammaan hay’adaha dowladda in ay sii laba jibaaraan dadaallada horumarineed si loo xaqiijiyo yoolalka istaraatiijiyadeed ee dalka, oo ay kamid yihiin Himilada 2060 iyo qorshaha Qaran ee Isbeddelka.

Duqa Muqdisho oo degmada Heliwaa ka dhagax-dhigay 7 waddo oo interlock ah

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Mudane Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa xaafadda Suuqa Xoolaha ee Degmada Heliwaa ka dhagax-dhigay 7 waddo oo interlock ah, isla markaana xarigga ka jaray kuwo kale oo dhismahooda ay iska kaashadeen Maamulka Degmada, Ganacsatada, iyo Bulshada deegaanka.

Duqa Muqdisho ayaa bogaadiyay iskaashiga bulshada ee lagu dhisay waddooyinka, isagoo xusay muhiimadda ay u leeyihiin bilicda, ganacsiga, iyo horumarka degmada. Sidoo kale, wuxuu sheegay in Maamulka Gobolka Banaadir uu dib-u-dhis ku sameyn doono waddooyinka laamiga ah ee burbursan ee degmadaasi.

Guddoomiye Muungaab ayaa bulshada Degmada Heliwaa ku amaanay doorkooda firfircoon ee ku aaddan is-diiwaangelinta doorashooyinka tooska ah, isagoo ku dhiirrigeliyay inay sii xoojiyaan ka qaybgalka howlaha horumarineed ee caasimadda.

Munaasabadda waxaa ka qeybgalay Guddoomiye Ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasadda Gobolka Banaadir, Mudane Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh), Guddoomiyaha Degmada Heliwaa Mudane Mire Salaad Dhuxulow, Agaasimeyaal, iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Dowladda Soomaaliya oo cambaareysay afduubka lagula kacay markabka SEA WORLD

WAR-SAXAAFADEED

 

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay cambaareyneysaa afduubka iyo xad gudubka lagula kacay markabka lagu magacaabo SEA WORLD ee wata calanka Jasiiradda Comoros.

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay cambaareyneysaa afduubka iyo xad gudubka lagu sameeyey markabka SEA WORLD. Markabku wuxuu ku sii jeeday Dekedda Muqdisho, isaga oo siday qalab ciidan, loona waday Xarunta Tababarka Ciidamada ee TÜRKSOM. Si waafaqsan heshiisyada iskaashiga difaac ee u dhexeeya Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Turkiga, Shixnaddu waxay ku socotay sifo sharci ah oo si buuxda u waafaqsan shuruucda Dalka iyo kuwa caalamiga ah. Marka laga soo tago qalabka ciidan, markabku waxuu sidoo kale siday badeecooyin ganacsi oo ay leeyihiin ganacsatada Soomaaliyeed.

Qodobka 54aad ee Dastuurka Kumeel gaarka ah, wuxuu Dowladda Federaalka Soomaaliya si gaar ah ugu xilsaarayaa difaaca amniga qaranka bad iyo barriba. Afduubka markabkan oo ay fuliyeen kooxo ka tirsan Dowlad-Goboleedka Puntland, wuxuu si toos ah ugu xad-gudbayaa Dastuurka KMG ah, wuxuuna dhaawacayaa gobonnimada, midnimada iyo madax-bannaanida qaranka.

Sida ku cad Xeerarka Caalamiga ah, gaar ahaan Heshiiska Qaramada Midoobay ee Sharciga Badaha (UNCLOS) ee 1982, Falkasta oo lagu afduubto markab ganacsi ama mid si sharci ah oggolaansho uga haysta Dowlad, waxay hoos imaanayaan qeexitaanka burcad-badeednimo, waana dembi ciqaabeed, si waafaqsan Xeerka Ciqaabta Soomaaliyeed.

Dowladda Federaalka Soomaaliya:

1. Waxay dalbaneysaa in si deg-deg ah oo shuruud la’aan ah loo sii daayo markabka, maadaama uu sido shixnad sharci ah oo loogu talagalay ujeeddooyin difaac, oo lagama maarmaan u ah sugidda amniga iyo xasilloonida dalka, oo ay ku jirto Puntland.

2. Waxay uga digeysaa Puntland sii socoshada dhammaan hawlgallada sharci-darrada ah ee ka socda xeebaha ku aaddan maamulkeeda, isla markaana ugu baaqaysaa in ay kala shaqeeyso Dowladda Federaalka, xaqiijinta marin ammaan ah oo fududeeya Isku socodka maraakiibta ku shaqeysa oggolaanshaha dowladda Soomaaliya.

3. Waxay caddeyneysaa in ay ka go’antahay ka hortaga falalka burcad badeednimo iyo maxkamadaynta shaqsiyaadka iyo kooxaha ku lugta leh burcad-badeednimada, iyadoo la raacayo xeerarka ciqaabta qaranka iyo kuwa caalamiga ah.

Dowladda Federaalka, oo ah ilaaliyaha Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, marnaba ma aqbali doonto tallaabo kasta oo halis gelinaysa madax-bannaanida qaranka iyo amniga badda. Sii heysashada sharci darrada ah ee markabka SEA WORLD, waxay horseedeysaa in Dowladda Federaalka ah ay tallaabo amni oo sharciga waafaqsan ka qaado goobaha iyo furdooyinka xuddunta u noqda falal burcad-badeednimo oo liddi ku ah xeerarka qaranka iyo kuwa caalamiga ah. Tilaabooyinkaas oo ay ku hubinayso amniga maraakiibta sida sharciga ah ku maraya badda Soomaaliya.

Ugu dambeyn, Dowladda Federaalka Soomaaliya, waxay ugu baaqeysaa dhammaan dowlad-goboleedyada xubnaha ka ah federaalka, oo ay ku jirto Puntland, in ay ixtiraamaan waajibaadka dastuuriga ah ee Dowladda Federaalka ee ku saabsan arrimaha difaaca iyo maareynta bad-maaxidda, faragelin kasta oo aan sharci ahayn waxay halis gelinaysaa amniga qaranka iyo midka gobolka.

Wasiirka Shaqada oo furay mashruuc dhaqaale oo loogu talo-galay Qoysaska danyarta ah

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xildhibaan Yuusuf Maxamed, ayaa si rasmi ah uga daahfuray magaalada Muqdisho mashruuc cusub oo lagu horumarinayo dhaqaalaha qoysaska danyarta ah.

Ujeeddada mashruucan ayaa ah in la xoojiyo fursadaha dhaqaale ee dhallinyarada Soomaaliyeed iyo in kor loo qaado heerka nolosha qoysaska danyarta ah ee gudaha dalka.

Intii ay socotay munaasabadda daahfurka, waxaa si rasmi ah agab shaqo-abuur loogu guddoonsiiyay 360 qof, kuwaas oo ka faa’iideysan doona qalabkan si ay u bilaabaan ganacsiyo yaryar oo waara, taasoo qayb ka ah qorshaha dhiirrigelinta nolol maalmeedka bulshada.

Barnaamijkan waxaa iska kaashaday Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada iyo hay’adda samafalka ee Qatar Charity. Barnaamijkani wuxuu qeyb ka yahay dadaallada joogtada ah ee Wasaaraddu wado si loo abuuro fursado nololeed oo waara loogana jawaabo baahiyaha bulshada Soomaaliyeed.

Wasiirka waxaa munaasabadda daahfurka ku wehliyay xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada, Safiirka Dowladda Qatar ee Soomaaliya, mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Gobolka Banaadir, iyo Guddoomiyaha Golaha Dhallinyarada Qaranka Soomaaliyeed.