Waalidiinta Dhallinyaro ku xiran dalka Maali oo tabashadooda la dhageystay

Date:

Wasiir kuxigeenka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo la kulmay waalidiinta dhalinyaro Soomaaliyeed oo ku xiran dalka Maali

Wasiir kuxigeenka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Xildhibaan Isaaq Maxamuud Mursal, ayaa maanta oo Sabti ah ku qaabilay dhismaha Wasaaradda ee Caasimadda Muqdisho, tobaneeyo waalidiin oo ah ehellada dhalinyaro Soomaaliyeed oo ku xiran dalka Maali, isaga oo dhagaystay tabashadooda, ugana warbixiyay dadaalladii ugu dambeeyay ee dowladdu ku bixisay soo siidaynta muwaadiniintaasi.

Wasiir Isaaq Mursal, ayaa caddeeyay in Wasaaraddu xiriir kala samaysay arrinkani Dowladda Maali iyada oo loo maray Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Magaalada Addis Ababa, ayna si dhow ula shaqayneyso hay’adaha ay khuseyso si loo fududeeyo soo sii deynta iyo dib u soo celinta dhammaan muwaadiniintaasi xiran. Waxa uu intaasi ku daray in wafdi ka socda dowladda uu dhawaan tagi doono magaalada Bamako si ay u sii dardargeliyaan dadaalladaasi.

Waxa uu markale caddeeyay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka go’an tahay badbaadinta muwaadiniinteeda ee ku sugan dalka dibadiisa, isaga oo xusay in dad ka badan 700 oo qof laga soo daad gureeyay dibadda dalka si nabad ahna dib loogu soo celiyay dalka tan iyo horraantii sanadkan 2025-ka.

Wasiir kuxigeenka ayaa sidoo kale kula dardaarmay waalidiinta in ay kaalin mug leh ka qaataan sidii dhalinyarada looga wacyigelin lahaa khatarta tahriibka, isaga oo ku baaqay in la xoojiyo wadashaqeynta hay’adaha amniga iyo garsoorka si loola dagaallamo shabakadaha wax tahriibiya, loogana hortago musiibooyin kale.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hoggaamiyaha KGS oo Madaxtooyada ku qaabilay musharax Madaxweyne Cabdicasiis Maxamed

HOGAAMIYE JIBRIIL CABDIRASHIID Xaaji Baydhabo Abriil, 28, 2026: Hoggaamiyaha...

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Dalka oo Xafiiska ku qaabilay hay’adda UN Women

Muqdisho,Talaado, 28 Abriil 2026: — Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda...

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Cumaan

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda...

Hay’adaha SoDMA iyo QM oo ka wada hadlay xoojinta gurmadka bani’aadannimo ee Soomaaliya

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin...