Home Blog Page 1527

Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo Furay Kalfadhigii 2aad ee Golaha Shacabka

0

Muqdisho, 8 Luulyo 2017: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa furay kal-fadhiga 2aad ee Baarlamaanka 10aad ee Jamhuuriyadda.

Madaxwaynaha oo jeedinayay khudbadda dastuuriga ah ee furitaanka kalfadhiga ayaa adkeeyay muhiimadda ay leedahay in laamaha kala duwan ee dowladda ay si wada jir ah uga mira dhaliyaan hawlaha horyaalla si loo xaqiijiyo himilada shacabka Soomaaliyeed.

Madaxwayne Farmaajo ayaa Golaha Shacabka uga warbixiyey waxqabadkii dowladda, isagoo sheegay in ay xukuumadda ku guuleysatay joogteynta mushaaraadka iyo gunnooyinka shaqaalaha dowladda, xakamaynta hubka sharci darrada ah, hawl galinta ciidamo u gaar ah nabadaynta Caasimadda iyo xoojinta wada shaqaynta dowladda Federaalka ah iyo dowlad goboleedyada.

Dowladdu waxay sidoo kale ku guulaysatay dhameystirka dib u hanashada maamulka Hawada Soomaaliya oo ay hawsheeda meel fiican mareyso, heshiisyo ku saabsan xal u helista maxaabiis Soomaaliyeed ee ku dhibaataysan dalka dibaddiisa iyo dib-u-hanashada saxiixa deeqaha loogu talagalay Soomaaliya.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa qiray in hawlo aad u culus ay horyaallaan, ayna dowladda xoogga saari doonto sidii loo xaqiijin lahaa xasilinta amniga dalka, dib u habeynta garsoorka, dib-u-dhiska kaabayaasha dhaqaalaha, xoojinta xiriirka caalamiga ah, tayeynta hay’adaha dowladda iyo dib-u-heshiisiinta.
Madaxaweynaha Jamhuuriyadda ayaa ka codsaday Golaha Shacabka in ay meel mariyaan 15 hindise sharciyeed oo ay Xukuumadda hor keeni doonto Golaha inta uu socdo kalfadhigan si loo dardargeliyo hawlaha qaranka.

Madaxweynaha oo ka hadlaya heshiiskii Dekedda Berbera ayaa sheegay in dastuurka dalka qodobkiisa 7aad, Faqrooyinkiisa 2aad, 4aad iyo 5aad uu dhigayo ilaalinta madax bannaanida iyo midnimada Jamhuuriyadda.

Waxa uu tilmaamay in heshiiska Dekedda Berbera uu ka horreeyey doorashadii 8da Febraayo ee sanadkan, isaga oo intaas raaciyay in xog dhameytiran lala wadaagi doono Golaha Shacabka iyo hay’adaha kale ee ay khuseyso.

DHAMMAAD

Eng Cabdi Canshuur Xasan “maalin walba 10 Milyan oo khasaare ah ayaa ka dhasha maqnaashaha Internet-ka”

0

Dowladda Soomaaliya ayaa xaqiijiyey in khasaare lixaad leh uu ka dhashay maqnaanshaha Internet-ka Soomaaliya.

muddo ka badan laba toddobaad ayuu guud ahaan gobollada Koonfurta Soomaaliya ka maqan yahay adeegga Internet-ka Viper Optic kaddib markii uu markab jiiray xargaha soo qaada adeeggaas.

adeegga Viper Optic-ga ayaa ka qeyb-qaata dhammaan howlaha hey’adaha dowladda, shirkadaha gaarka ah iyo isku xirka Soomaalida iyo dunida inteeda kale.

Wasiirka Boostada Isgaarsiinta & Tiknoolajiyada Soomaaliya, mudane  Eng Cabdi Canshuur Xasan oo wareysi siiyey SNTV, ayaa yiri “khasaaraha ka dhashay maqnaanshaha Internet-ka waxa uu uu gaarayaa cel celis ahaan maalin walba in la khasaaro 10 Milyan oo Dollar, mudada uu  maqan yahayna ay kor u dhaafeyso 130, Milyan waa musoobo  weyn arrintaas waxaana ku howlanahay inaan soo gaabinno mudada  uu adeegga Internet-ka sii maqnaan karo”.

Wasiirka Boostada  Eng Cabdi Canshuur Xasan ayaa sheegay in uu Viper Optic isku xiro laga soo bilaabo Gaalkacyo ilaa Dhoobleey Soomaaliya, sidoo kale waxa uu tilmamay in hal Xarig oo kaliyah uu yimaado dalka, taasna ay tahay sababta xaaladdaan keentay, laakiin shirkadda Dalcom oo masuul ka ah adeegga Viper Optic-ga ay kala hadleen sidii looga gaashaaman lahaa in sidaan oo kale ay dib u dhacdo, taas oo keeni karta khasaare ka weyn midka hadda ka dhashay.

“sababaha xoojiyey in xitaa la waayey back-up in ay tahay sharci la’aanta dalka ka jirta, waxaan  22-kii bishii June golaha wasiirrada geynay sharciga Isgaarsiinta oo ay si akhbaliyad leh ku ogollaadeen, Barlamaanka Soomaaliyeed ee labada aqal waxaan si sharaf leh uga codsanayaa  in deg deg ah ay noogu ansixiyaan sharcigan oo meesha ka saari doona wax walba oo ka fog danaha bulshada Soomaaliyeed, isla markaana ogollaanaya ganacsiga xalaasha ah oo ay shirkadaha Soomaaliyeed dhan ku tartami  karaan, sidoo kale in meesha laga saaro sida sharci darrada ah ee oo dhaco mar walba hantida shacabka gaar ahaan arrimaga Isgaarsiinta, wasaaradduna ay sii wadi doonto dedaalladeeda” ayuu yiri wasiirka Boostada, Isgaarsiinta & Tiknoolajiyada Soomaaliya.

ugu dambeyn  Eng Cabdi Canshuur Xasan ayaa xaqiijiyey in toddobaadkaan lagu guuleysan doono cillad bixinta Interter-ka oo uu yimid markabkii ka shaqeyn lahaa, rajo weynna ay ka qabaan in ugu dambeyn Jimcaha soo socda si dhammeystiran loogu guuleyto  xallinta Internet-ka.

 

 

Mareykanka: Xaflad loo qabtay arday dhameysatay Waxbarashada Dugsiyada sare

0

Sanad walba xilligan oo kale waxaa magaalada Columbus Ohio ee dalkan Mareykanka lagu qabtaa xaflad loogu tala galay ardayda dhammaysatay dugsiyada Sare iyo kulliyadaha kala geddisan ee gobolka Ohio.

Xafladdan oo ay qeybaha bulashada, madaxda gobolka iyo ardayda intuba ka soo qeybgaleen waxaa soo abaabulay isla markaana soo waday mudo 9 sano ah Hay’ada SomaliCAN, oo ah hay’ad u adeegta bulshada, waxaana laf dhabar u ah Prof. Jibril Mohamed iyo Wasiirkii hore ee waxbarashada Soomaaliya Dr. Abdinur Sh. Mohamed.

Intii ay socotay xafladan dhiirigalinta ah waxaa ka hadlay mas,uuliyiin, waalidiin, Macallimiin, Aqoonyahanno, culumo, iyo dad waxbadan ku soo jiray waxbarashada kuwaas oo ardayda Soomaaliyeed ku dhiirri-galinayay in ay sii laba jibbaaraan dadaalkooda isla markaana ay gaaraan yoolka noloshooda oo ku xiran ka mira dhalinta dadaalka ay soo billaabeen.

Waxaa goobta ka hadlay  qaar ka mid ah madaxda dowladda gobolka Ohio, iyo madax ka socotay  heer qaran  Waxana markii ay tilmaamayeen Ahmiyadda Aqoonta ay muujiyeen in aqoonta lagu gaaro himilo walba oo aad ku taamayso.

Doorka waliidiinta Soomaaliyeed ayaa lagu tilmaamay mid aan qarsoomi karin iyada oo loo mahad celiyay waalid walba oo ubadkiisa gaarsiiyay meel uu ka sii soconkaro.Waxaana Hadiyado muhiim ah la guddoonsiiyay walidiinta ardaydoodu dhammaysatay waxbarashada.

Dhallinyarada Soomaaliyeed ee ka soo qeyb gasha xafladan sanad walba la qabto  waxa ay ka helaan deeqo waxbarasho iyo dhiiranaan ay ku sii wataan waxbarashadooda. Deeqaha waxbarasho waxaa gacan weyn ka geysta qareennada Flickinger Legal Group oo muddo dheer la shaqaynayay bulshada Soomaaliyeed.

Taageerada iyo deeqaha waxbarasho ee ardaydan la siiyay waxaa gacan ka geystan meherado Soomaaliyeed iyo kuwo Soomaalida la shaqeeya oo ay ka mid yihiin:

Flickinger Legal Group, Fifth Third Bank, Focus, FCCS, CareSource, Columbus CRC, OSU AAAS, the Buckeye Ranch, Zenith Academy, OSU Social Work, Denison University, Hiiraan Online, Midnimo Middle, Columbus Zoo, United Way, MAS, Twinkle Star, Enhanced, Khadra, Soofe, Abdinur, SomaliCAN, SSA, OSU Somali Studies Program.

Barnaamijka qalinjebinta iyo deeqaha waxbarashada Ohio ayaa loogu talagalay in lagu muujiyo dedaalka dheeriga ah ee ardayda iyo waaliddiinta Soomaaliyeed ka sameeyaan dhanka waxbarashada.

Xafladda qalinv jebinta ayaa ku soo dhammaatay farxad iyo rayrayn iyada oo waaliddiinta iyo madaxda bulshadu hambalyo iyo bogaadin u jeediyeen ardayda ku guulaysatay deeqaha waxbarasho iyo dhammaan ardayda ka baxday dugsiyada sare iyo jaamacadaha Ohio sannadkan 2017

Madaxweynaha oo furaya kalfadhiga 2aad ee Baarlamaanka

0

Kalfadhiga labaad ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta lagu wadaa inuu ka furmo Dugsiga Tababarka Ciidamada Booliska ee Jeneraal Kaahiye.

Furitaanka Kalfadhiga ayaa waxaa ka qeyb galaya Xildhibaanada Golaha shacabka, waxaana sida uu sharciga dhigayo si rasmi ah u furaya Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdulllaahi Maxamed Farmaajo, isagoo ka jeedin doono khudbadiisa dastuuriga ah.

Waxaa si aad ah loo adkeeyay Nabadgelyada xarunta uu ka dhacayo shirka.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo la caweeyay qaar ka mid ah bulshada Muqdisho

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre oo ka  duulaya qorshaha Xukumadda ee ah in ay ku shaqayso  rabitaanka shacabka Soomaaliyeed ayaa  qaar ka mid ah Hoteeladda Muqdisho kula caweeyey dad shacabka Soomaaliyeed  si uu u ogaado  baahida ay qabaan, talooyinka iyo Tabashooyinka ay  u hayaan Dowladda ee ay doonayaan in wax laga qabto.

Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa  shacabkii uu la kulmay mid mid u waydiinayey   dhaqaalalaha , amaanta ay u hayaan Xukuumadda iyo  waxyaabihii muhiimka ah ee ay  doonayaan in  si dhaqso ah wax looga qabto.

Mudane Xasan Cali  Khayre  Ra’iisul Wasaaraha dalka aya su’allaha ugu  jawabiyey   dadka Shacabka ah, iyagoo waydinayey  su’aallo la xariira go’anada ay Xukumadda horay u qaadatay iyo  arrimo ay aad u danaynayeen inay wax ka ogadaan si ay u helaan xog dhab ah ama xaqiiqada arriimahaasi.

Qaar ka mid ah dadkii la kulmay Ra’iisul wasaaraha oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay inay aad ugu faraxsanyihiin la kulanka Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, ayna ku dhiiri gelinayaan ka warqabka xogta bulshada, iyagoo xusay in tani ay qeyb ka tahay sida Ra’iisul Wasaarayaasha caalamka u shaqeeyaan.

Ra’iisul Wasaaraha Xukumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre  ayaa door biday in uu dhex galo bulshada Soomaaliyeed intii uu fadhin lahaa xafiiskisa  si uu ogaado baahida iyo  in uu dhageysto talooyinka wanaagsan ee ku jira shacabka Soomaaliyeed, waxaana kulankan uu qeyb ka ahaa arrintaasi.

Maamulka Gobolka Benaadir oo amray in la joojiyo lacagaha lagu galo Beerta Nabadda

0

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa maamulka Beerta Nabadda ku amray inay joojiyaan lacagaha laga qaadayo dadka galay Beerta Nabadda, maadaama uu maamulka sheegay in Beerta Nabadda ay tahay goob Hanti guud, isla markaana uu maamulka Gobolka uga Mahadcelinayo ganacsatada sida ay u dhiseen.

Wareego ka soo baxday Xafiiska Guddoomiye ku-xigeenka Maamulka iyo Maaliyadda ee Gobolka Benaadir Marwo Maluuka Dheere Cabdiqaadir ayaa lagu sheegay in wixii maanta ka dambeeya ay Beerta Nabadda noqon doonto mid lacag la’aan ah.

Halkan ka Akhriso wareegtada Maamulka Gobolka

Guddoomiyaha Gobolka Galgaduud oo ka hadlay dad ay xirxirteen Al-Shabaab

0

Kooxda Al-shabaab ayaa Dad shacab ah ku xirxiray deegaanno ka tirsan Gobolka Galgaduud kuwaasi oo ku qasbaya in laga bixiyo lacago madax furasho ah.

Guddoomiyaha Gobolka Galgaduud Maxamed Cali Cilmi oo la hadlay Radio Muqdisho ayaa sheegay in maleeshiyaadka Al-Shabaab ay bilaabeen inay dadka xabsiyo dhigaan isla markaana ay waydiisteen lacago  baad ah, isagoo intaa ku daray inay soo gaartay cabashada ay qabaan ehelada dadka ay xabsiyada dhigeen.argagixisada Al-Shabaab.

Guddoomiyaha ayaa xusay in sidoo kale ganacsatada deegaanno ka mid ah Gobolka Galgaduud ay Maleeshiyaadku ku amreen inay hub iibiyaan.

Dhinaca kale Guddoomiyaha Gobolka Galgaduud ayaa waxa uu ka hadlay saamaynta ay reebtay lacagaha la diiday ee Shilin Soomaaliga, taa soo saamayn ku yeelatay bulshada ku nool gobollada dhexe ee dalka, isagoo ka dalbaday ganacsatada ugu baaqay inay wax ka qabtaan caqabadaha ay keeneen lacagaha la diiday.

Shir looga hadlayey la xisaabtanka 157 shirkadood oo aan bixin canshuurta oo ka dhacay Garoonka Aden Cadde

0

Shir ballaaran oo lagu wargalinayey bixinta canshuuraha in ka badan 157 shirkadood oo isugu jira Ajaanib iyo Soomaali oo ku dhex ganacsada xerada Xalane ayaa lagu qabtay garoonka Aden Cadde. Waxaan shirka ka soo qayb galay Wasiirka Maaliyadda XFS, Wasiiru dowlaha Maaliyadda, Wasiirka Shaqada iyo Shaqaalaha, Wasiirka Warfaafinta, Wasiirada Ganacsiga, Wasiirka Gadiidka Cirka iyo Dhulka, Wasiirka Howlaha Guud iyo Guryeeynta. Iyo Wasiirada Dekedaha.

Ugu horreyntii Wasiirka Maaliyadda XFS mudane Cabdiraxman Ducaale Bayle ayaa soo bandhigay alaabo ka kooban raashin, Mac-macaan, Khudrad iyo Caano oo ay shirkadaha ka shaqeeyaa Xalane ay canshuur dhaaf ku soo galiyeen dalka.

“Waxaan haynaa cadaymo kala duwan oo muujinaya in raashin, mac macaan, khudaar, iyo caano ay keenaan shirkadahaan saldhiga u ah xerada Xalane, waxaana dalka lagu soo galiyaa canshuur dhaaf, waxaana loo soo dhaadhicyaa suuqyada dalka, waan sharci daro, waxayna culays ku tahay ganacsatada Soomaaliyeed ee bixisa canshuurta” ayuu yiri Wasiir Bayle.

Dhanka kale Wasiiru dowlaha maaliyadda Maxamud Xayir Ibraahim ayaa sheegay in uusan shirkaan ahayn aqoon is weydaarsi iyo kulan iska caadi ah, ee uu yahay kulan lagula hadlayo shirkadaha shisheeye iyo kuwa Soomaaliada ah ee dagan gudaha Xalane, wuxuuna wasiirku si adag u sheegay in shirkaan uu yahay mid loogu cadynayo shirkadahaan in ay bixyaan canshuurta ku waajibtay.

Wasiirka Warfaafinta oo saxaafada la hadlay markuu shirku soo idlaaday ayaa yiri “Waxaa dowladu faraysaa dhamaan shirkadaha ka howl gala garoonka diyaaradaha in ay bixiyaan canshuurta ku waajibtay, arinkaana uu daba socodo go’aankii madaxda qaranka oo ahaa in dalka uu ka dhaco isla xisaabtan iyo hufnaan, hadana laga si aan ganbasho lahayn ugu wargalinayno bixinta canshuuraha ku waajibtay, hada kadibna cidna laga aqbalayn in arinkaan uu sii socdo, isla markaana uusan jirin qof ka sareeya sharciga.

Wasiirada ka soo qayb galay kulankaan ayaa cabasho weyn soo hordhigay shrikadaha ganacsiga ku dhex leh xerada xalane, waxaana ka mid ahaa shaqaale faro badan oo jaanib ah oo qabta shaqooyinkii ay qaban karaan Soomaalida, qaar aan haysan ruqsad shaqo, Ganacsiga aan ka diwaan gashanayn wasaaradda ganacsiga, shirkado dhismo oo aan la ogayn dhulka ay dhisaan xiriirna la soo samayn Wasaaradda Howlah Guud iyo Guryeeynta, iyo Wasiirka maaliyadda oo ka soo jeediyey shirka cabsho xoog leh oo ku aadan in shirkadahaas marka laga reebo 9 shirkadood mooyee intooda kale aysan bixin canshuur.

Guddoomiyaha Golaha shacabka oo dalka dib ugu soo laabtay

0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan “Jawaari” oo maanta Dalka dib ugu soo laabtay ayaa waxaa garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee Adan Cadde ku soo dhoweeyay Guddoomiye ku-xigeenada koowaad iyo labaad ee Golaha shacabka, Xildhibaanno iyo howl wadeenada Golaha Shacabka.

 Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari iyo labadiisa ku xigeen ayaa kulan gaar ah oo ay kaga hadlayeen dar dar gelinta howlaha golaha shacabka oo kalfadhigiisa labaad dhawaan la filayo in uu furmo Muqdisho ku yeeshay qeybta nasashada ee Garoonka.

Xoghayaha Golaha Shacabka Mudane Cabdikariin Xaaji Cabdi Buux oo la hadlay Warbaahinta Qaranka Soomaaliyeed ayaa sheegay in Guddoomiye Jawaari iyo labadiisa ku-xigeen ay ka wada hadleen shirka Golaha Shacabka oo furmayo 8- bisha July oo ah maalin sabti ah

Madaxweyne Farmaajo “ Sheekh Shariif Cabdinuur wuxuu ahaa caalim ku xeel dheer diinta Islaamka, kaalin mug lehna ka qaatay faafinteeda.”

0

Muqdisho, Luulyo 06, 2017:- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka tacsiyadeeyay geeridii ku timid Alle ha u naxariistee Al Callaamah Sheekh Shariif Cabdinuur Shariif Xasan.

Marxuumka oo xalay ku geeriyooday magaalada barakeysan Makka Al Mukarrama ee Boqortooyada Sucuudi Carabiya waxa uu ka mid ahaa culumada ugu miisaanka culus Geeska Afrika, cimrigiisa oo idilna ku bixiyay faafinta diinta Islaamka.

“Inaa lilaahu wa Innaa Ilayhi Raajicuun. Aniga oo ku hadlaya magaca Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxaan tacsi u dirayaa guud ahaan ummadda muslimka ah, gaar ahaan qoyska iyo qaranka Soomaaliyeed ee uu ka baxay Al Callaamah Sheekh Shariif Cabdinuur Shariif Xasan. Sheekhu waxa uu ahaa caalim ku xeel dheer diinta Islaamka, kaalin mug lehna ka qaatay faafinteeda.”

Madaxweynaha ayaa Alle uga baryay Sheekh Shariif Cabdinuur inuu naxariistiisa Janno ka waraabiyo, qoyskii iyo qaraabadii uu ka baxayna sabar iyo iimaan ka siiyo.

DHAMMAAD