Home Blog Page 1527

Midowga Raabidooyinka Dacawiga Soomaaliyeed ee Suudaan oo soo dhawaynayay Sheekh Bashiir Salaad iyo Culumo kale

0

Kulankan lagu soo dhaweynayay Culimada kala ah, Sheekh bashiir Salaad  oo ah Gudoomiyaha Hay’adda Culimada Soomaaliyeed, Sheekh Maxamuud ciise, Maamulaha jaamacadda islaamiya ee Soomaaliya iyo Maxamuud Cabdiraxmaan oo ah barre wax ka dhiga jaamacado ku yaala dalka ingriiska ayaa waxaa kasoo qayb galay diblumaasiyiin ka socotay Safaaradda Soomaaliyeed ee suudaan, Madaxda Jaaliyadda, Culimada, Aqoonyahanada iyo Ganacsatada Soomaaliyeed ee Suudaan.

Soo dhawaynta ka dib ayuu Sheekh Bashiir Salaad kaga warbixiyay Soomaalida Suudaan xaaladda dalka uu ku suganyahay haatan, isagga oo sheegay in is badal dhan walba ah muuqdo, Sidoo kale Sheekh Bashiir ayaa u sheegay reer Suudaan in dalka uu sugayo dad wax soo bartay oo u diyaara in ay wax ka badalaan.

Sheekh bashiir ayaa yiri:( Soomaaliya waxa ay u baahantahay aqoonyahano cilmigooda u dheeryahay in ay soo barteen sida dal loo dhiso, aqoonyahano u shaqeeya dalkooda ee aanan ka shaqeysan).

Gudoomiyaha Hay”adda Culimada Soomaaliyeed ayaa lagu wadaa inta uu Khartuum joogo in uu la kulmo Hay”adda Culimadda suudaan iyo Ururada dacawiga ee dalkan ka jira, sidoo kale sheekh ayaa la filayaa in uu kulan guud la yeelan doono Jaaliyadda iyo Ardayda Soomaaliyeed ee suudaan si ay isaga xaal wareystaan Xaaladda dalka iyo Wacyiga umadda.

WD. Maxamed Cabdiqaadir Socdaal

 

Guddoomiye Jawaari iyo wafdiga la socday oo Qaahira kula kulmay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya

0

Qaahira(SONNA):–Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo booqasbo rasmi ah ku jooga magaalada Qaahira ee dalka Masar ayaa gelinkii dambe ee maanta kulan la qaaatay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Mudane Cabdiqaasim Salaad Xasan.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo Wafdiga la socday ayaa Madaxweynihii hore ee dalka Cabdiqaasim Salaad Xasan waxa ay ka wada hadleen xaaladda dalka iyo sidii horumarkiisa la isaga kaashan lahaa.

 

Ku-xigeenka Habdhowraha Golaha Shacabka Xildhibaan Shamrmarke Garaad Saleebaan Buraale oo kulanka dib la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in Wafdiga Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari iyo Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ay ka wada hadleen arrimo u badan xaaladda dalka.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliyeed Mudane Maxamed Sheekh CIsmaan Jawaari ayaa oo casuumaad rasmi ah ka helay dhigiisa dalka Masar ayaa inta ay ku suganyihiin waxa ay kulamo la qaadan doonaan Madaxda Baarlamaanka iyo kuwa kale, iyagoo kala hadli doono arrimo ay ka midyihiin, xoojinta xiriirka iyo iskaashiga wada shaqeynta ee labada Baarlamaan.

Guddoomiye Jawaari iyo wafdiga la socday ayaa kormeeray xarumo ku yaala magaalada Qaahira.

Madaxweyne Farmaajo oo qaabilay Taliyaha Guud ee Ciidamada Turkiga

0

Muqdsho(SONNA) Mudane  Maxamed C/llaahi Farmaajo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa qaabilay Taliyaha Guud ee Ciidamada Dalka Turkiga oo isaga iyo wefdi uu hogaaminayo uu maanta soo gaarey magaalada Muqdisho.

Kulanka oo ay goob joog ka ahaayeen Taliyaha ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo saraakiil ka kala tirsan Militariga Turkiga iyo Soomaaliya ayaa madaxweynuhu wuxuu kala hadlay Taliyaha kaalinta Dowladda Turkiga ee kaga aadan taageerada Soomaaliya,gaar ahaan dib u dhiska Ciidamada.

Madaxweyne Farmaajo ayaa  Taliyaha Guud ee Ciidamada Turkiga  ka guddoomay fariin uu uga siday madaxwyene Erdogan,taasi oo uu ku ammaanay hoggaaminta wanaagsan ee madaxda Soomaaliya.

“Waxaan uga mahad naqaynaa Walalaha Turkiga isgarab istaaga  iyo taageerada ay u hayaan Soomaaliya,Taageerada Turkiga uu siiyo Soomaaliya waa mid la isku halayn karo, oo dhabta ku salaysan,waxaan ka codsanaynaa Dowladda Turkiga in ay ballaariso caawinaadeed Soomaaliya,gaar ahaan dhismaha Ciidamo Qaran,waxaa jirta baahiyo loo qabo tababaro iyo qalabayn ay helaan Ciidamada Qaranka”, ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

Taliyaha Guud ee  Ciidamada Turkiga ayaa sheegay in ay ka go’antahay Dowladda Turkiga sidii ay uga dhabayn lahayd garab istaaga Soomaaliya,wuxuuna tusaale u soo qaatay dhismaha xarunta tababarada oo Muqdisho laga ay ka hirgeliyeen,taasi oo uu ku sheegay in ay qeyb ka tahay dhismaha Ciidanka Soomaaliya,wixii kale oo dheeraad ah looga baahadana ay diyaar la yihiin.

Wuxuu intaasi ku daray taliyaha in amarka lagu taageerayo dhismaha iyo qalabaynta ciidanka Qaranka Soomaaliya ay tahay mid ka soo baxay madaxwyenaha Dalka Turkiga Mr Erdogan.

 

Muwaadin Soomaaliyeed oo lagu gubay goobtiisa ganacsi dalka K/Afrika

0
Ruux Soomaali ah ayaa habeenkii xalay ahaaa lagu dhax gubay goob ganacsi oo ku lahaa duleedka magaalada Pretoria ee Caasimada Dalka South Africa.
Kooxo Burcad South Afrikaan ah ayaa la sheegay in shaqsigaasi ay ku dhex gubeen goobtiisa ganacsi oo ku taala magaalada Pretoria, sida uu sheegay Safiirka dowlada Soomaaliya u fadhiya dalka South Africa Safiir Jamaal Barrow.
Wariyaheena C/laahi Maxamuud Amiin Qorshe ayaa soo sheegaya in wali aan la helin faah faahin intaasi dhaafsiisan.
Hase ahaatee falkaan ayaa qeyb ka ah dhibaatada kooxaha burcadda ah ay ku hayaan ganacsatada Soomaaliyeed ee dalka Koofur Afrika.
\

Guddoomiyaha G/Banaadir oo la kulmay Saraakiisha Ciidamada AMISOM

0

Taabid Cabdi Maxamed Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Caasimada Soomaaliya ee Muqdisho ayaa lakulmay Saraakiisha Ciidanka AMISOM waxaana uu kala hadlay inay qeyb ka taaqaan suggidda Amniga Gobolka Banaadir.

Thaabit Cabdi Maxamed ayaa ku dheeraaday ahmiyadda kulankan uu leeyahay iyo sida Ciidamada AMISOM ay uga jawaab celiyeen dhibaato 26-kii bishan ay u geysteen gaari uu watay muwaadin Soomaaliyeed, Isgoyska KM4.

Ku xigeenka u qaabilsanaha Midowga Afrika ayaa dhankiisa sheegay in ay xireen Darawalkii gaariga kaxeynayay iyo sidoo kale Sarkaalkii hoggaaminayay kolonyada Gaadiika AMISOM ee dhibaatada geysatay, sidoo kalena hada kadib ay ka taxadiri doonaan dhibaato dhacda.

Guddoomiyaha iyo saraakiisha AMISOM ayaa si gaar ah u falan qeeyey hanaanka xiligan lagu xaqiijin karo amniga, waxaana laisla qaatay in si gaar ah looga wada shaqeeyo sare u qaadista iyo xoojinta amniga caasimadda.

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Caasimada Taabid Cabdi Maxamed kulankaan uu la qaatay  Saraakiisha Ciidamada AMISOM ayaa qeyb ka ah Dadaalada Maamulka Gobolka Banaadir uu ka qaadanaayo Xaqiijinta Amaanka Caasimada .

 

Taliska Ciidamada Xoogga Dalka oo guulo ka gaaray Dagaal Maanta ka dhacay G/hoose

0

Taliska Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa Guulo ka sheegtay Dagaal Saaka Maleeshiyaadka Nabad diidka ah ee Al shabaab ku qaadeen Saldhig Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya ku lahaayeen deegaanka Barriire ee Gobolkaasi.

Generaal Sheegow Axmed Cali oo ah Taliyaha guutada labaatanaad “20” ee Ciidamada Xoogga Dalka la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in ay Khasaaro badan gaarsiiyeen Maleeshiyaadkii Saaka weerarka kusoo qaaday Barriire.

Generaal Sheegow waxaa uu tilmaamay in ay dileen Saraakiil Sar sare oo hugaaminaayay Maleeshiyada kuuwaa soo ay ka dileen Sida uu sheegay Taliyihu dagaalamayaal gaaraya ilaa labaatan askari.

Dhagar qabayaal ka tirsanMaleeshiyaadka Nabad diidka ah ee Al shabaab ayaa Aroor hore Saaka weerar ku qaaday deegaanka Barriire oo fariiso Ciidan ay ku lahaayeen Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed halkaasoo uu ka dhacay Dagaal Saacado qaatay sida ay sheegeen Saraakiisha Ciidanka Xoogga Soomaaliya.

Deegaanka Barriire ee Gobolka Shabeelaha hoose ayaaa ka mid ahaa deegaanadii Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed kala wareegeen Nabad diidka Al shabaab.

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya oo dib u eegis ku sameyneysa sharciga socdaalka

0

Muqdisho(SONNA) Agaasimaha Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya G/sare Maxamed Aadan Jimcaale (Koofi) oo ka qeyb-galay barnaamijka kulanka Toddobaadka ee Warbaahinta Qaranka ayaa sharraxaad ka bixiyey shaciga socdaalka Soomaaliya oo dhowaan wadatashiyo arrimahaas ku aaddan laga bilaabay Muqdisho, waxa uu sheegay in wadatashiyadaas la gaarsiinayo gobolada dalka.

Dhinaca kale Maxamed Aadan Jimcaale (Koofi) ayaa tilmaamay in hey’addu ay hirgelisay xafiisyada Jubbooyinka iyo Gedo oo ilaalinta doona dhinac Xuduudaha, iyagoo kaashanaya Hey’adaha amniga dalka.

Agaasimaha Hey’adda Socdaalka ayaa soo  hadal qaadey horumarka Baasaboorka Soomaaliga ah, waxa uu carrabka ku adkeeyey in caalamka oo dhan uu ka shaqeeyo, hasa ahaatee loo baahan yahay in Soomaaliya ay wadamo adduunka la gasho heshiisyo socdaal, si muwaadiniinta Soomaaliyeed ay ugu fududaato dalka ku galka ama VIISA-ha.

Agaasimaha Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ayaa sheegay in Dowladda Mareykanka ay kala hadleen arrimaha Socdaalka, welina ay wada hadallo u socdaan, xayiraadda Mareykanka toddobada dal uu ku soo rogayna aysan la xiriirin Baasaboorka ee ay tahay arrimaha Socdaalka dedaalkeeduna ay wadaan.

Ugu dambeyntii Agaasimaha Hey’adda Socdaalka Maxamed Aadan Jimcaale (Koofi) ayaa ka hadlay waxa ay hey’addu hiigsaneyso mustaqbalka dhow.

“Waxaan rabnaa inaan gaarno hey’adda oo xaqiijisay, diiwaangelisay dhammaan ajaanibta dalka joogta ama martida ah, hey’adda oo xogta xuduudaha ku filan, hirgelisayna dhammaan xafiisyada muhiimka u ah, waxaan ku rajo weynnahay inaan galno heshiisyada socdaalka dalalka caalamka oo dhan iyo Soomaaliya oo ka mid noqotay hey’aaha socdaalka caalamka kuwa ugu horreeya ama ugu wanaagsan” ayuu yiri Mr. Koofi

 

Wafdi uu hogaaminayo Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo si weyn loogu soo dhoweeyay Masar”Sawirro

0

Muqdisho(SONNA) Guddoomiyaha Golaha shacabka JFS Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh cusmaan jawaari iyo wafdi uu hogaaminayo oo barqadii manta gaaray Magaalada Qaahira ee xarunta dalka Maser, iyadodo ay garoonka diyaaradaha ee magaalada Qaaahir kusoo dhoweeyeen masuiliyiin dalka Maser iyo sidoo kale madaxda safaaradda Soomaaliya.

Wafdiga Guddoomiyaha Golaha shacabka oo ay ka mid yihiin xildhibaanno ka tirsan golaha shacabka waxaa madaxda soo dhoweysay ka mid ah ku xigeenka koowaad ee Golaha Barlamaanka Masar Maxamuud Shariif iyo xog-hayaha guud ee Barlamaanka Maser,Danjiraha Soomaaliya ee Masar C/qani Wacays iyo sidoo kale kuxigeenka safaaaradda Soomaaliya ee Dalka Maser Ilyaas Sheekh Cumar.

Guddoomiyaha ayaa inta uu ku suganyahay magaalada Qaahira ee dalka Masar waxa uu kulamo kala la qaadan doonnaaa masu’uuliyiinta dalkanmasar gaar ahaan madaxda barlamaanka ee wadankan.

Gudoomiyaha Golaha Shacabka oo casuumaad rasmi ah ka helay dhiggiisa dalkan Masar ayaa mudada uu joogo waxa uu madaxda dalkan kala hadli doonaa arrimo ay ka mid yihiin xiriirka Soomaaliya iyo Masar gaar ahaan xoojinta xiriirka iyo iskaashiga wada shaqeyneed ee labada Baarlamaan.

QM oo shaacisay iney sii kordhayaan tirada Qaxootiga Dhadhaab ee ku soo laabanaya Soomaaliya

0

Muqdisho(SONNA) Hoos u dhac ku yimaaday dhaqaalihii ku bixi jiray Qaxootiga ku dhaqan Xeryaha Qaxootiga Dhadhaab Kenya iyo tirada dadka deegaansanaya Xeryahaasi oo hoos u dhacday ayaa horseedeysa in Qaramada Midoobay dib u soo celiso howlgaladeedii Xeryaha Dhadhaab,sida ay sheegtay Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Qaxootiga Aduunka UNHCR.

Tirada guud ee inta badan dadka Soomaalida ah ee ku nool Dhadhaab ayaa hoos u dhac ku yimid qiyaastii kala bar sannadihii ugu dambeeyay – laga soo bilaabo sanadkii 2011-kii oo tirada Qaxootiga ay ahaayeen 464,500 ilaa 240,000  bartamaha Sebtembar, sida ay sheegtay Qaramada Midoobay.

Xafiiska UNHCR.

Miisaaniyadda xeryaha ayaa la jaray 70-boqolkiiba isla muddadaas, ayuu yiri afhayeenka hay’adda qaxootiga ee QM Yvonne Ndege.

Natiijada, ay heshay Qaramada Midoobay ayaa qorsheyneysa in ay xirto xafiiskeeda Alinjugur ee Dadaab bisha March ee soo socota.

Tallaabadan ayaa dhalisay dibad-baxyo ay ka soo qaybgaleen dadka deegaanka oo ka cabsanaya inuu hoos u dhac ku yimaado adeegyadii muhiimka ah ay helayeen, Sida uu qoray Wargeyska The Nation ee ka soo baxa Kenya.

Sidoo kale,Hay’adda Qaxootiga Aduunka ee UNHCR,ayaa shaacisay iney dhimeyso Miisaaniyada ay ku bixiso Ururada ka shaqeeya Xeryaha dhadhaab ee qaabilsan Hormarinta iyo is dhex galka Bulshada iyo waliba Hay’adaha kale ee NGO-yada ee ka shaqeey mashaariicda beeraha iyo waraabintooda.

“Iyadoo la tixgelinayo dadaalka isku dhafka ah ee socda, waxaa sidoo kale loo arkayay mid caqli gal ah oo lagu xoojinayo qorshaha hirgelinta, iyada oo la adeegsanayo kheyraad la dhimay,” Sidaasi waxaa tiri Ms Ndege oo ka jawaabeysay Fariimo loo diray.

Dib u soo celinta Qaxootiga.

Qaar kale oo ka mid ah 17,229-Qaxootiga Soomaalida ee ku dhaqan Xeryaha Dhadhaab   ayaa u diiwaan gashan inay ku soo noqdaan Soomaaliya, sida ay sheegtay Qaramada Midoobay.

Dib u celinta iskaa-wax-u-qabso waxay ku dhacdaa go’aanka shaqsiyaadka dib loo soo celinayo oo keliya,wuxuuna qorshahaan dhabaha u xaarayaa in qaxootiga mudada badan ku sugnaa xeryaha dhadhaab dib ugu soo laabtaan dalkooda kana qeyb qaataan dhismaha socda.

Toddobaadyadii la soo dhaafay, 832-Qaxooti Soomaali ah ayaa dib ugu soo noqday Soomaaliya gaar ahaan magaalada Kismaayo ee xarunta Jubbada Hoose halka 83-Qoysna laga soo dejiyay Muqdisho.

Inkastoo tiro yar oo ka mid ah Qaxootiga ay walaac ka muujinayaan dib u soo celinta ayaa hadana warbixin ay soo saartay Qaramada Midoobay waxaa lagu sheegay in badi Qaxootiga ku qanacsan yihiin dib u soo celinta dalkooda hooyo.

Dowladda Soomaaliya oo kaashaneysa Hay’adaha caalamiga ah ayaa qorsheyneysa sidii dib u dejin iyo shaqo abuuris loogu sameyn lahaa Qaxootiga dib u soo laabanaya.

W/Q: Daahir Aadan Ali

Dalxiiska oo leh qeexitaano kala duwan ayaa waxaa saldhig u ah Nabad iyo deganaasho+(Warbixin)

0

Muqdisho(SONNA) Iyadoo dalxiisayaasha ay sababta u  sameeyaan dalxiiska ay tahay in ay helaan   neecaw  aad u wanaagsan iyo gooba qurux leh  oo lagu beeray geedo ilqabsi wanaagsan leh,tasoo nafta ay ka hesho arrimo badan oo horseeda u ah  farxada.

Dalkeena Soomaaliya oo lagu tiriyo Wadamada  ku wanaagsan  dalxiiska waxaa soo marnay sanada qurux badan oo uu qaabili jiray dalxiisayaal fara badan kana imaan jiray dalalka  Yurub, laatiin America iyo qaarado kala  oo aduunka ah, Balse waayahaasi quruxda badnaa  ayaan suragelin mudo  ku siman   dhowr iyo labaatan sano, oo dalka ku jiray  dagaalo kala duwan oo macnihiisa ahaa burbur.

Dadkeena Soomaaliyeed ayaan ka rajo dhigin in mar uun soo laaban doonto  waayahii hore, taasoo  ay tusaale cad ay u tahay in 13-bishan Dowladda soomaaliya ay si buuxa ugu mid noqatay Xubinnimada Hay”adda Dalxiiska Qaramada Midoobay.

Goobaha dalxiiska wadanka ayaa hadda ah kuwa si wnaagsan loo diyaariyay hadana  ay taarikhda dalxiiska dalkeena macnahii ay lahayd ay wali jirto.

Qaar ka mid ah dadka Somaaliyeed oo sharxaya ahmiyada uu leeyahay dalxiiska waxay sheegeen in nafta ay u baahan yahay nasasho iyo aragtida qurxoon taasina ay sababto in Bulshada hormar ku hamiyaan intii ay dagaalo ka fakiri lahaayeen.

In mar uun lagu dalxiiso Bariga iyo Baddeena  qeybo ka mid ah  ayaa waxaa  hanka  Ummadda Soomaaliyeed suurtageliyay Allaah ka sakoow  ay ahaeen shacabka Soomaaliyeed iyo Dowladda oo iskaashanaya,islamarkaana is aaminay.

Sidoo kale in dalkeena maanta lagu dalxiiso waxaa sababay Allaah ka sakoow geesiyaasha Ciidamada Qalabka Sida.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Thaabit Cabdi Maxamed oo ka hadlayay Arinta dalxiiska ayaa sheegay in caasimadda Soomaaliya ay ku yaalaan goobo muhiim oo taariikhi ah kuna haboon in loo dalxiis tago.

Goobaha Taariikhiga ah ee Muqdisho ku yaalo dalxiiskana ku haboon taariikhda ummadana baal dahab kaga jira ayaa waxaa ka mid ah Taalada Axmed Gurey,SYL, Dhagax tuur waana kuwa hada ka qeyb qaadanyo bilicda Caasimada Muqdisho.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaan weydiiyay jiritaanka caqabado ku hor gudban in la sameeyo dalxiis wuxuuna ku jawaaba.

” haa waa jiraan lakiin halmar ma wada sameyn karo  waxaan sameyn doonaa  in dadka ay ka faa “iideystaan waxaan u diyaarinay dadkeena waana ka gudbi doonaa caqabadaha kala  insha allaah waad arki doontaa goobaha  taarikhiga ah oo dadka ka faa iideysanayo,waxaana sameyn doona wax walbo taarikhda umadda ay lahayd inaan soo celino.

Dalxiiska oo dalka dhaqaalahiisa door muuqda ka qaato ayaa Wasaaradda Warfafinta Dhaqanka iyo dalxiiska ay sheegtay in ay sameyn doonta sharciga Dalxiisayaasha, isla markana hakin doona  dalxiisayaasha saldhigna looga dhigi doona Diinteena Suuban.

“Waxaan diyaari doona sharuucdii dalxiiska oo dalkeena muhiim u ah, maxaa dalxiiska ku waajib  ah waxa ay Dowladda  xaq ugu leedahay, maalgashiga sharuucdii  hakin lahayd waana muhiiim mida anaga doonanayno inaa sameeyo, waxaan saldhig ugu dhigi doonaa insha allaah Diinta Islaamka anagu waxaa nahay dad somaalyeed waxaan Diinteena   iyo dhaqankeena ku wanaagsaneyna waan ka ilaali doonaa,”Ayuu yiri Wasiir Yariisow.

“Tani waa rajo wanagsan oo ay mudo badan ay ku taamayeen Umadda somaaliyeed in ay arkaan dalkooda oo horumaray si wadajir ahna ay ugu dalxiisaan ayaga iyo dadka Ajaniba ah,inta badana shacabka iyo dowladda oo iskaashanayo ayaa xaqiijiyay,” Ayuu yiri Yaasir Maxamed Baafo oo ah Lataliyaha dhinaca dalxiiska ee Wasaaradda Warfaafinta XukuumaddaSoomaaliya

W/D: Abdirashiid Nuur Ibraahiim