Goob Ganacsi oo ay lahaayeen Muwaadiniin Soomssliyeed oo Koofur Afrika lagu Gubay

Date:

Muwaadinaan Soomaaliyeed oo lagu magacaabo Cabdulaahi Maxamed Cali oo ku sugnaa kaligii goob ganacsi oo uu ka ahaa waardiye waxaana kusoo weeraray koox burcadd ah kuwaa oo dhac baahsan u geystay inta aysan dabka ku shidan dukaanka.
Kooxda burcada ah ayaa waxaa la sheegay in ay Marxuumka ku xereen qol yar oo dukaanka qeyb uga yaalay kadibna ay halkaasi kaga tageen waxaa ay qaateen lacago cadaan ah iyo kaakara telfoonada lagu shubto oo cadadooda la shaacin sida uu warbaahinta u sheegay midka mid ah shaqaalaha goobtaasi oo lagu magacaabo Liibaan Cusmaan Cali.
“markii aan ka tageynay habeenki lacago badan ayaa qasnada ku jiray iyo kaakarka telfoonada lagu shubto kuli waa la qaatay waxaana dareemeynaa in dhac baahsan naloo geystay inta aan wiilkaan qolka lagu soo xerin oo dukaanka la gubin”
Ciidamada Police-ka ayaa halkaasi waxaa ay ka wadaan baritaano la xariira sidii gacanta loogu soo dhigi lahaa kooxahii falkaani geystay ayada oo safiirka dowlada Soomaaliya u fadhiya dalka South Africa uu sheegay in falkaan ay u saareen ka safaarad ahaan guddi gaar ah oo daba gala arintaan.
“waxaan u saaray ruux gaar ah oo safaarada ka tirsan in uu arintaan meel cad uga soo haro police-ka uu la shaqeeyo sidii loo soo heli lahaa dadkii geystay falkaan dowlada South Africana waan kula xisaabtameynaa anaga oo kaashaneynaa dowlada Soomaaliya”
Goobta ganacsiga ee dabka la qabad siiyay waxaa ay aheyd dukaan lagu iibiyo alaabaha jumlada ah oo ay ka iibsadaan Soomaalida ku nool deegaanada kale ee ku sii iibiya goobaha ganacsiga ee yaryar waxaana ku burburay hanti aad u farabadan taa oo aan wali cadadeeda la shaacin.
Waxaa Sido kale ka shaqeynayay ilaa 17 ruux oo kala ahaa 12 ruux oo Soomaali ah afar ruux oo u dhashay dalka Malawi iyo waliba hal ruux oo South Africaan ah .
Alle ha u naxariistee Cabdulaahi Maxamed Cali xalay saqdii dhaxe ayaa waxaa lagu aasay qabuuraha muslimiinta ee magaalada Pretoria ee caasimada South Africa waxaana aaskiisa kasoo qeybgalay Soomaali aad u fara badan oo aad uga tiiraayeysanaa falka naxdinta leh.
By C/laahi Maxamuud Amiin.
C/laahi Qorshe.
Johannesburg-South Africa.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

HOGGAAMIYAHA KOONFUR GALBEED OO AQALKA MADAXTOOYADA KU QAABILAY ODEYAASHA DHAQANKA KOONFUR GALBEED SOOMAALIYA.

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...

Madaxweynaha Soomaaliya oo kulan doceed la qaatay Dhiggisa Seerbiya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Dr.Cabdinaasir Axmed Ibraahim, Guddoomiye Ku-xigeenkii Akademiya Goboleedka Af Soomaaliga oo ku geeriyooday dalka Hindiya

Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee XFS waxay...

Madaxweyne Xasan Sh. oo khudbad ka jeediyay shirka Dalalka aan Isbaheysiga aheyn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...