Guddoomiye Jawaari iyo wafdiga la socday oo Qaahira kula kulmay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya

Date:

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo booqasbo rasmi ah ku jooga magaalada Qaahira ee dalka Masar ayaa gelinkii dambe ee maanta kulan la qaaatay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Mudane Cabdiqaasim Salaad Xasan.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo Wafdiga la socday ayaa Madaxweynihii hore ee dalka Cabdiqaasim Salaad Xasan waxa ay ka wada hadleen xaaladda dalka iyo sidii horumarkiisa la isaga kaashan lahaa.

Ku-xigeenka Habdhowraha Golaha Shacabka Xildhibaan Shamrmarke Garaad Saleebaan Buraale oo kulanka dib la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in Wafdiga Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari iyo Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ay ka wada hadleen arrimo u badan xaaladda dalka.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliyeed Mudane Maxamed Sheekh CIsmaan Jawaari ayaa oo casuumaad rasmi ah ka helay dhigiisa dalka Masar ayaa inta ay ku suganyihiin waxa ay kulamo la qaadan doonaan Madaxda Baarlamaanka iyo kuwa kale, iyagoo kala hadli doono arrimo ay ka midyihiin, xoojinta xiriirka iyo iskaashiga wada shaqeynta ee labada Baarlamaan.

Guddoomiye Jawaari iyo wafdiga la socday ayaa kormeeray xarumo ku yaala magaalada Qaahira.

Sawir Qaade:- Cadnaan

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hay’adda Boqor Salmaan oo deeq waxbarasho gaarsiisay carruur agoon ah oo ku nool Baydhabo

Magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay, Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya,...

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo xafiiskiisa ku qaabilay Abwaan Mustafa Sheekh Cilmi

-Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr....

Ra’iisul wasaare ku-xigeenka dalka oo daahfuray madasha labaad ee Istiraatiijiyadda warbaahinta 2026

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Jibriil...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo ka hadlay horumarinta Warbaahinta Dowladda iyo tayeynta wariyaasha

-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS, Mudane Cabdulfataax...