Home Blog Page 1718

Wasiirka Waxbarashada oo shaaciyay xilliga uu bilaabanayo imtixaanka shahaadiga ee dugsiga sare

0

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay xiliga uu dhacayo Imtixaanka shahadiga ee Dugsi Sarre ee Dalka iyo tirada ardayda u fariisaneysa sanadkan oo ka badan kuwii sanadkii hore u fadhiista Imtixaanka mideysan ee dowladda.

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee dalka Mudane Cabdiraxmaan Daahir Cismaan ayaa sheegay in dhawaan la bilaabi doono qaadista imtixaanka shahaadiga ee dugsiyada sare ee dalka, isagoo ardayda u rajeeyay inay ku guuleystaan imtixaanka.

“Waxaan rabnaa inaan shaacino in Imtixaankii dugsiga sare ee Shahaadiga la qaadi doono 20-ka bisha May ee sanadkan, waana sanadkii sadexaad ee ay qabaneyso Wasaaradda Waxbarashada, waxaana ka qeyb galaya 23,000 (saddex iyo labaatan kun) oo arday, waxaana uu ka bilaabanayaa ilaa iyo afar dowlad goboleed oo kala ah, Jubaland, Koonfurgalbeed, Hirshabeelle iyo Galmudug, waxaana ardayda u rajeyneynayaa in ay ku guuleystaan imtixaanka” ayuu yiri Wasiirka.

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee dalka Mudane Cabdiraxmaan Daahir Cismaan ayaa xusay inay tahay wax lagu farxo in tiro ka badan kuwii sanadkii hore ay sanadkan imtixaanka u fadhiisanayan.

Taliyaha ciidanka Asluubta oo ka digay in la dhisto dhulalkii ciidanka

0

Taliyaha ciidanka Asluubta Sareeyo Gaas Xuseen Xasan Cismaan iyo saraakiil uu hogaaminayo ayaa maanta kormeeray dhul ku yaala degmada Karaan oo ay leeyihiin ciidanka Asluubta, kaasi oo ujeedkiisu ahayd u kuurgelidda dhulka oo kaabiga ku haya Isbitaalka Keysaney.

Taliyaha ayaa ku soo wareegay qeybaha uu ka koobanyahay dhulka, waxaana halkaasi ka socotay howlo dhismo ah.

Sareeyo Gaas Xuseen Xasan Cismaan oo kormeerka kaddib la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa digniin u jeediyay dadka sida sharci darrada ah u dhisanaya xarumaha danta guud, waxaana uu intaa ku daray in ciddii lagu hela iyada oo dhisaneyso xarumaha ciidanka Asluubta laga qaadi doono tallabo sharciga waafaqsan.

“Waxaan u sheegeynaa shacabka iyo ganacsatada ku howlan dhismaha xarumaha ciidanka Asluubta inay joojiyaan dhismooyinka sharci darrada ah, cid Alaalle iyo ciddii dhisatana waan ka bur burineynaa dhismooyinka” ayuu yiri Taliyaha Ciidanka Asluubta.

Taliyaha ciidanka Asluubta Sareeyo Gaas Xuseen Xasan Cismaan ayaa tan iyo markii uu xilka la wareegay waxa uu bilaabay kormeeridda xarumihii ciidanka Asluubta, waxaana taasi ay qeyb ka tahay dadaallada uu kaga hortagayo in la boobi dhulkii ay lahaayeen ciidanka Asluubta.

Isutaga Imaaraadka Carabta (UAE) oo yabooh 45 milyan oo dollar u sameeyey shacabka Soomaaliyeed

0

Muqdisho, 23 April 2017 – Safiirka dalka Isutaga Imaaraadka Carabta (UAE) ee Soomaaliya Mudane Mohamed Al-Othman oo booqasho ku yimid xafiiska Wasiirka Warfaafinta ee Soomaaliya ayaa la kulmay Wasiir Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Eng. Yarisow) oo ay ka wada hadleen arrimo fara badan.

Wasiir Eng. Yarisow ayaa ugu horeyntii uga mahadceliyey safiirka booqashadiisa Wasaarada Warfaafinta, isagoo lagu soo wareejiyey xarunta SNTV iyo Keydka Raadiyo Muqdisho. Sidoo kale Eng. Yarisow ayaa safiirka uga mahadceliyey dadaalka dalka Imaaraadka ee ku aadan u gurmadka abaaraha oo Bisha Cas ee Imaaraadka ay maalmahan dalka gudihiisa ku qeybinayeen raashin gar-gaar ah oo la gaarsiiyey dadka abaarahu ay saameeyeen.

Eng. Yarisow “Waxaan si gaar ah uga mahadceliyey shacabka iyo Dowlada Imaaraadka yaboohii ay Telefishinada dalka Imaaraadka ka sameeyeen maalintii Jimcaha 21kii April oo ay muddo lix saax ah ku ururiyeen lacag dhan 167 milyan UAE Dirham oo u dhiganta 45 milyan dollar. Tani waxey na tuseysaa in Imaaraadku ay yihiin wallaalo u naxay shacabka Soomaaliyeed oo si hagar la’aan ah u doonaya inay u garab istaagaan. SNTV waxuu ku guuleystay inuu si toos (live) ah yaboohaas ugu soo tabiyey shacabka Soomaaliyeed. “

Wasiir Eng. Yarisow iyo Safiir Mohamed Al-Othman ayaa sidoo kale ka wada hadlay horumarinta warbaahinta dalka, gaar ahaan sidii suxufiyiinta Soomaaliyeed loo kordhin lahaa aqoontooda, xirfadooda iyo waayo-aragnimadooda. https://www.youtube.com/watch?v=N-H_g7rH5pQ

Halkan ka daawo barnaamij gaar ah oo SNTV ay ka sameeyeen barnaamijkii yabooha Jimcaha https://www.youtube.com/watch?v=rG4CG-SzaPM

DHAMAAD

Madaxweynaha Soomaaliya iyo wefdi uu hogaaminayo oo ku wajahan Baydhabo

0

Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Maxamed Farmaajo iyo wafdi uu hogaaminaayo ayaa maanta lagu wadaa in uu gaaro magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ee Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Amaanka magaalada Baydhabo ayaa saakay si weyn loo adkeeyay, waxaana wadooyinka magaaladaasi gala lagu arkayay dadweyne aad u farabadan kuwaasi oo isku diyaarinaya soo dhaweynta Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo.
Madaxweynaha waxaa socdaalkiisa ku wehliyo wasiirka gargaarka iyo arimaha bini’aadanimada Marwo Maryan Qaasim waxayna kulamo la qaadan doonaan Madaxda maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya iyo qeybha kala duwan ee bulshada ku dhaqan magaaladaasi, waxaana socdaalka Madaxweynaha la xariirtaa u kuur galida xaalada amaan iyo mida bini’aadanimo ee ka jirto Koonfur Galbeed.

Wasiirka Warfaafinta oo kulan la qaatay safiirka UK ee Soomaaliya

0

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Eng, Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisow ayaa kulan la-qaatay Safiirka Dowladda Britain u fadhiya Soomaaliya, waxaana ay ka wada hadleen arrimaha saxaafadda Soomaaliya iyo shir looga hadlayo arrimaha Soomaaliya oo dhawaan ka dhacaya Britain.

Wasiirka Warfaafinta  iyo safiirka dowladda Britain ayaa kulankooda waxa uu ka dhacay xarunta safaaradda UK ay ku leedahay magaalada Muqdisho.

Labada mas’uul waxay wada qaateen kulan ay kaga hadlayeen horumarka saxaafada Soomaaliya iyo shirka London arrimaha Soomaaliya looga hadlayo.

Safiirka Britain u fadhiya Soomaaliya Devid Concar ayaa sheegay in Wasiirka ay ka wada hadleen sidii loo horumarin lahaa Saxaafadda gaarka loo leeyahay iyo tan Dowladda Soomaaliya, wuxuuna dhinaca kale ka hadlay shirka bisha May ka dhici doona London ee arimaha Soomaaliya looga hadlayo.

Wasiirka Warfaafinta iyo Hanuuninta dadweynaha ee Xukuumadda Soomaaliya Eng, Craxmaan Cumar Cismaan Yariisoow ayaa sheegay in UK ay kow  ka tahay Wadamada ka shaqeeya Horumarka  Saxaafada iyo arrimaha waxbarashada, isla markaana.

Kulanka uu Wasiirka Warfaafinta la qaatay Safiirka UK ee Soomaaliya ayaa ah dadaalo uu beryahan waday Wasiirka oo uu ku xoojinayo xiriirka dowladaha saaxiibka la ah Soomaaliya si taageero loogu helo qorsheyaasha Wasaaradda Warfaafinta oo uu Wasiirku damacsanyahay inuu dib u habeyn weyn ku sameeyo Wasaaradda iyo howlaheeda si loo hirgeliyo maamul wanaag kalsooni gelin kara shacabka Soomaaliyeed.

Ardayda Jaamacadda SIU oo ka hadlay xaalufinta dhirta iyo dhibaatada ka dhalan karta

0

Munaasabad lagu xusayay Maalinta todobaadka Dhirta Soomaaliyeed kaasi oo looga hadlayay dhibaatada ay u leedahay  xaalufinta dhirta deegaanka oo ay soo qaban qaabiyeen  ardayda kuliyadda beeraha ee Jaamacadda  SIU  ayaa lagu qabtay magaalada Muqdisho

Munaasabadda ayaa waxaa ka soo qeyb galay macalimiinta wax ka dhigta Jaamacadda SIU ardayda wax ka barata Jaamacadda  aqoonyahanno, Waalidiin,  Xildibaanno iyo marti sharaf kale.

Inta ay munaasabada socotay ayaa ardayda kuliyadda beeraha ee Jaamacadda SIU  waxa ay goobta  ku soo bandhigeen dhibaatada  ay leedahay xaalufinta  dhirta iyo sidii loo joojin lahaa.

Fowsiya Aadan Maxamed oo ka mid ah ardayda wax ka barata Jaamacadda  SIU gaar ahaan kuliyadda beeraha ayaa tilmaamtay in xaalufinta dhirta ay keeni karto nabaad guur.

Madaxa Maammulka iyo maaliyada ee Jaamacada SIU Suheyb Cilmi Dhuxulow oo ka hadlay goobta ayaa sheegay in maalinta xaalufinta dhirta Soomaliyeed ay u leedahay bulshada Soomaaliyeed  qiima weyn isla markaana looga baahanyahay bulshadu in ay ka qeyb qaataan joojinta xaalufinta dhirta.

Xildhibaan Sakariye Xaaji Cabdi ayaa kula dardaarmay bulshada Soomaaliyeed in ay  meel ugu soo wada jeestaan sidii loo joojin lahaa xaalufinta  dhirta.

Wasiirkii hore ee beeraha Ahna Gudiga  Abaaraha  Qaranka Maxamed  Cabdi Baafe ayaa  ka hadlay  dhoorka ay ka qaadan karto dhirta horumarinta deegaanka,  wuxuuna  ku booriyay  bulshada Soomaaliyeed in ay door  muuqda ka qaataan  joojinta xaalufinta dhirta.

Madaxweynaha maamulka Jubbaland oo booqday deegaanka Cabdalla Biroole ee gobolka J/Hoose

0

Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland ee Soomaaliya mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta booqasho taariikhi ah ku tagay deeganka Cabdalla Biroole ee gobolka Jubada hoose, halkaas oo mudo kahor laga xoreeyay maleeshiyaadka Al-Shabaab.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa socdaal dhinaca dhulka ah ku tagay deeganka oo ay dagan yihiin ciidamada qalabka sida waxaana  Kismaayo ay u jirtaa 45 KM.

Madaxweynaha ayaa kormeer ku sameeyay xayndaabka Xerada milateri ee ay ciidamadu halkaas ku leeyahiin, waxaana uu warbixino ka dhagaystay Saraakiisha iyo hogaanka ciidanka ee halkaas ku sugnaa, isagoo kulan gaar ah oo lagaga hadlayay abaabulka hawlgalka Jubbaland lagaga xoraynayo Al-Shabaab uu la yeeshay Saraakiisha waxaana intaas kadibna ku dhiiri galiyay in ay ka qayb qaataan gurmadka abaaraha gaar ahaan in ay caawiyaan dadka barakacayaasha ah ee ku nool deeganka maadama ay dhibaatadii Argagixisada ka dulqaadeen.

Dhamaan ciidamada dowlada ayuu madaxweynahu sheegay in xuquuq lama taabtan ah ay leeyahiin maadama ay naftooda u hurayaan sidii ay amaan ugu seexan lahayeen hooyooyinka iyo caruurta Soomaaliyeed.

Mushaarka iyo daryeelka ciidanka ayuu xusay madaxweynahu in ay xooga saareen mudadii u danbaysay isla markana askari walba oo ka tirsan darawiishta uu helo mushaar joogto ah intaasna laga sii kordhin doono.

Madaxweynaha Jubbaland  ayaa sheegay in farqiga ciidamada Jubbaland iyo Al-Shabaab u dhexeeya uu yahay in ay Shabaab doorteen dhibaataynta dadka aan waxba galabsan halka ciidamadu ay biyaha iyo daawada la daba joogan oo ay kaalmaynayaan.

Ciidamada tababaradu ay u socdaan marka ay dhamaystaan layliga askarinimo ayuu xusay madaxweynahu in la bilaabayo hawlgalkii ugu danbeeyay oo Al-Shabaab lagaga xoraynayo gobolka marka hawshaas ay fushana ay ku dadaali doonan sidii Soomaalida kale gacan looga siin lahaa dabar jarka Argagixisada.

Wasiirka warfaafinta oo la kulmay Safiirka Imaaraadka ee Soomaaliya

0

Wasiirka warfaafinta iyo Hanuuninta dadweynaha xukuumadda Soomaaliya, C/raxmaan Cumar Cusmaan (Eng.Yariisow) ayaa xafiiskiisa kulan kula yeeshay   Safiirka Imaaradka Carabta u fadhiya Soomaaliya, Maxamed Axmed Cusman, iyadoo kulanka looga hadlay sidii Imaaraadka Carabta ugu qeyb qaadan lahaa tayeynta warbaahinta qaranka.

Wasiirka warfaafinta iyo hanuuninta dadweynaha, ayaa danjiraha Isutagga Imaaraadka Carabta ugu mahadceliyay ololihii dhaqaale loogu aruurinayay dadka Soomaaliyeed oo Jimcihii laga bilaabay dalkaas.

Eng. Yariisow wasiirka warfaafinta Soomaaliya ayaa sidoo kale ka codsaday dowladda Imaaraadka in wasaaradda warfaafinta ay ka caawiso dhanka qalabka iyo tayeynta shaqaalaha warbaahinta qaranka.

Ololahan dhaqaale aruurinta ah ayaa si toos ah loogala socday Telefishinada iyo Idaacadaha dalkaas, iyadoo ololahan uu amray Madaxweynaha dalka Isutaga Imaaraadka Carabta, Shaikh Khalifa Bin Zayed Al Nahyan.

Wasiirka warfaafinta iyo danjiraha Isutaga Imaaraadka Carabta ee Soomaaliya ayaa waxaa ay kormeereen keydka hadalka ee Radio Muqdisho.

CHAN CUP: Soomaaliya oo maanta la ciyaareeyso Suudaanta Koonfureed

0

Xiddigaha xulka qaranka Soomaaliya ee kubbadda cagta, ayaa ku sugan waddanka Jabuuti, iyagoo halkaas kula dheelli doonno dhiggooda Suudaanta Koonfureed, waxanna ay ku kulmayaan koobka Chan-ka ee laga dheello qaaradda Afrika.

Soomaaliya, ayaa gurigeeda ahaan waxa ay ku ciyaari doontaa Jabuuti, iyadoo lugta labbaad ay ka dhici doonto 30-ka bishan magaalada Jubba ee xarunta Suudaanta Koonfureed.

Ciyaartooyda Soomaaliyeed ayaa lixdii bilood ee lasoo dhaafay waxa ay tababar ku qaadanayeen garoonka Jamaacaddaha ee ku yaallo degmada Hodan, waxanna ay tababarkaasi ugu diyaar garoobayeen tartankan.

4:00 (Galabnimo), ayuu bilaabban doonnaa kullanka waxaanna laga daawan doonnaa TV-ga dalka Jabuuti ee RTD.

Shaxda la sii saaddaalinaayo:

Mustaf Maxamed Yuusuf,C/qaadir C/Raxman Daandii,Ciise C/qaadir Ibaarhim, Idiris Amiin Cali,Xasan Cali Rooble,Mahad Muxidiin Xaaji,Cabaas Amiin Maxe’d,Daa’uud C/llahi Tubaal,Cadaani Barre Ciise,Bile Muxidiin Buraale,C/Shakur Maxamud Max’ed (Aalla).

Xulka qaranka ayaa laga filayaa natiijo wanaagsan oo kala yimaado tartankan.