Gaari nuuca Xamuulka ah oo ku qarxay isgoyska Soobe ee magaalada Muqdisho

Date:

Qaraxani oo ka dhashey gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa oo ka dhacay isgoyska Soobe ee magaalada Muqdisho ayaa geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Gaarigan oo noociisu yahay TM ayaa xiliga uu qarxayay waxaa eryanayay ciidamada Ammaanka kadib markii ay heleen xogta ku saabsan gaarigaasi qaraxa siday,sida uu xaqiijiyay taliska Hayโ€™adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed, .

Macadda ilaa iyo haatan inta uu la egyahay khasaaraha ka dhashey qaraxaasi,balse waxaa soconayay gurmad loo fidinayo dadkii ku waxyeeloobay qaraxaasi.

Goobta gaarigaasi uu ku qarxay ayaa ah goob aad u mashquul badan,waxaana xiligaasi isticmaalayay gaadiidka dadweynaha iyo shacab kale oo ku mashquulsanaa howlmaalmeedkooda.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiiru-Dowlaha Qoyska oo Muqdisho ka daahfuray mashruuc lagu taageerayo carruurta agoonta ah

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha ee XFS,...

Guddiga Maaliyadda ee BFS oo kulan ku yeeshay xarunta guddoonka ee Villa Hargeysa

Guddiga Miisaaniyadda, Maaliyadda, Qorsheynta, Iskaashiga Caalamiga ah iyo La-xisaabtanka...

Maxkamadda Sare oo laashay natiijada doorashadii Golaha Wakiillada iyo Goleyaasha Deegaanka Galmudug

Maxkamadda Sare ee Federaalka Soomaaliya ayaa maanta laashay natiijadii...