Daacish oo bilowday in ay isaga baxda magaalada Raqa ee Siiriya.

Date:

Illo wareedyo ay heshay Warbaahinta ayaa sheegaya in Kooxda Daacish ay bilowday in ay isaga baxday magaalada Raqa ee Dalka Siiriya.

12 ka mid ah Gawaarida Xamuulka ayaa la arkayay iyaga oo galaya Galbeedka magaalada si ay Ciidanka Kooxda ay ugu daabulaan Bariga Deegaanka Deeru-zuur ee isla Dalka Siiriya.

Arrintaani ayaa imaaneyso iyada oo Daacish ay culeys xooggan oo millatari ay kala kulmeyso duqeymaha diyaaradaha isbaheysiga uu hogaaminayo Mareykanka.

Bilow ka hor ayey ahayd markii uu bilowday howllgal balaaran oo Daacish looga saarayo magaalada Raqa, kaasi oo ay ka qeyb qaadanayaan Ciidamada xorta ah ee uu taageero Mareykanka

Waxay ka bixitaanka Kooxda ee magaalada Raqa ay ka dhigan tahay dharbaaxo kale oo culus oo soo wajahda Daacish marka laga yimaado guuldareedii kasoo gaartay magaalada Mowsil ee Dalka Ciraaq oo ay gacanta ku hayeen muddo saddex sano.

 

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoonka Labada Aqal ee BFS oo kulan gaar ah ku yeeshay hoyga Guddoomiyaha Aqalka Sare

Guddoonka Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta...

Ciidanka Booliiska oo wada Hawlgallo Lagu Ciribtirayo Anshax-xumada iyo Falalka Lidka ku ah Dhaqanka

Ciidanka Booliiska Caasimadda, gaar ahaan Saldhigga Degmada Garasbaaley, ayaa...

Kulan looga hadlayay dardargelinta hawlaha qabanqaabada Xuska Maalmaha Xorriyadda ayaa lagu qabtay Muqdisho

Guddoomiyaha Guddiga Qabanqaabada Maalmaha Xorriyadda iyo Midnimada, ahna Wasiirka...

Xafiiska Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka oo baaris ku wada dhallinyaro ku xadgudbay Gabadh Soomaaliyeed

Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa sheegay uu...