Home Blog Page 1516

Madaxweyne Farmaajo” waa in aan dareensiinaa in ay leeyihiin dad iyo dal jecel oo dhibaatada la qaybsanaaya”

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ku booqday cisbataalka Ordogaan dadkii rayidka ahaa ee ku dhawaacmay qaraxii argagixisada ahaa ee lagu bartilmaamsaday isgooyska Soobe ee magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha oo qof qof u dul istaagay dadka dhaawacyadu soo gaareen ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in ay gurmad deg deg ah u fidiyaan walaalahooda waxyeeladu ay ka soo gaartay falkaan wuxuushnimada ah ee ay soo maleegeen argagixisadu.

“Carruurta, haweenka, dhallinyarada, iyo odoyaasha halkan lagu daawaynaayo iyo goobaha kale ee ku waxyeeloobay qaraxii argagixisada ahaa waxa ay u baahanyihiin hiilkeenna. Waa in aan dareensiinaa in ay leeyihiin dad iyo dal jecel oo dhibaatada la qaybsanaaya.”

Madaxweyne Farmaajo ayaa sidoo kale booqday isgooyska Soobe oo ah halka uu ka dhacay qaraxu, waxa uuna kormeeray baaxadda uu le egtahay khasaaraha iyo dhibaatada soo gaartay dadka maatada ah ee ganacsiga iyo deegaanka kulahaa halkaas.

“Argagixisadu waxa ay higsanaayaan in ay damiyaan ilayska dowladnimo ee inoo iftiimaaya, taasina ma ahan mid u suurta galaysa, sababtoo ah maanta waxa aan haynaa waddada aan kaga guulaysan lahayn oo aan ku cirib tiri lahayn dhibaatada iyo gumaadka ay ku hayaan dadkeena iyo dalkeena, waddadaasina waa in aan midownaa oo si wada jir ah aan uga soo horjeesanaa cadawgaas.”

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa kormeerkiisa ku soo gaba-gabeeyey Xarunta Keydka Dhiigga ee Cisbitaalka Ordogaan, halkaas oo uu dhiig u shubay muwaadiniinta dhaawacan, isagoona dhammaan ugu baaqay in si deg deg ah loo tago goobaha dhiig bixinta si gurmad dhiig loogu fidiyo dadka dhiigga u baahan.

DHAMMAAD-

Shacabka oo wada gurmad loo fidinayo dadka qaba dhaawacyada ee kujira Isbitaalada Muqdisho

0

Dad Shacab ah ayaa buux dhaafiyay Isbitaallada iyo sidoo kale Isgoyska Soobe Magaalada Muqdisho sida ay kusoo waramayaan wariyeyaasha SONNA qaarkood oo halkaasi tagay.
Waxaa jira dad badan oo ilaa iyo hadda geeri iyo nolol aan gacanta lagu heyn.

Dadka Shacabka ayaa waxa ay sheegayaan in dadka ka maqan ay ugu war dambeysay Shalay ,islamarkaana qaarkood ay ku sugnaayeen Isgoyska Soobe.

Sidoo kale dadka buuxdhaafiyey Isbitaalada magaalada Muqdisho ayaa doonaya in ay dhiig ugu deeqaan dadka Soomaaliyeed ee ku waxyeeloobay weerarka Argagixisanimo ee shalay galab ka dhacay Isgoyska Zoobe ee magaalada Muqdisho.

Sidoo kale masuuliyiin katirsan dowladda oo ay kamid yihiin Wasiirka Amniga Mudane Maxamed Abuukar Ducaale Islow, Guddoomiyaha gobolka Banaadir Mudane Thaabit Cabdi Maxamed iyo masuuliyiin kale oo katirsan dowladda ayaa gaaray Isbitaalada qaarkood, iyaga oo dhiigooda ugu deeqay dadka shacabka ah ee dhaawacyada qaba.

Guddoonka aqalka sare oo baajiyay kulan ay lahaayeen si ay tacsida ula qeybsadaan shacabka

0

Mudane Cabdi Xaashi C/llaahi Guddoomiyaha Golaha Aqalka sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo lahadlay SONNA ayaa sheegay in la baajiyay kulan ay lahaayeen Golaha.

Guddoomiye Cabdi Xaashi ayaa sheegay in ujeedka ay u baajiyeen kulankaasi oo su’aalo lagu weydiin lahaa Wasiirka Diinta iyo Awqaafta uu yahay sidii ay shacabka Soomaaliyeed ula qeybsan lahaayeen tacsida.

Waxaa uu shacabka Soomaaliyeed uga tacsiyadeeyey dadkii ku dhintay qarixii foosha xumaa,isagoo eebe uga baryay dadkii dhaawacmay in uu bogsiiyo.

Mudane Cabdi Xaashi C/llaahi ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqey in ay la shaqeeyaan ciidamada Ammaanka si loo baajiyo dhig dadka shacabka ah oo ay si micno daro ah ay u daadinayaan kooxaha argagixisada Shabaab.

Madaxweynaha JFS oo dhiig u shubay dad waxyeelo ka soo gaartay qarixii Soobe

0

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa  booqday goobtii mashaqadu ka dhacday iyo Isbtitaalada isagoo u kuurgalaya xaaladda shacabkii Soomaliyeed oo waxyeeladu ka soo gaartay qarixii caddowga uu ka geystay Isgoyska Soobe ee magaalada Muqdisho.

Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo oo ay wehliyeen mas’uuliyiin iyo saraakiil ayaa tagay qaar kamid ah isbitaaladii la dhigay dadka dhaawacyada qaba,wuxuuna madaxweynuhu  dhiig u shubay dad Soomaaliyeed oo qaraxaasi dhibaato culus ka soo gaartay.

Madaxweyne Farmaajo ayaa muujiyay sida Dowladda Soomaaliya ay uga xuntahay dhagaraha ay cadowgu ay u maleegayaan shacabka Soomaaliyeed,wuxuuna ku baaqey in laga wada qeyb qaato u gurmashada dadka walaalaha ah ee mashaqadu qabsatay.

Isbitaalada waxaa yaala meydad iyo dhaawacyo aad u badan,sidoo kale waddooyinka iyo isbitaalada waxaa buux dhaafiyay dadweyne aad u farabadan kuwaasi oo qaar kood baadi goob ugu jira qaar kamid ah eheladooda oo la la’yahay halka qaarna ay halkaasi u tagayaan in ay gurmad sameeyaan.

Waxaa jira meydad weli la aaminsan yahay in ay ku hoos jiraan dhismayaasha hoostooda,xalay ilaa saaka waxaa soconaya howlaha gurmadka ah oo lagu faagayo dhismayaasha burburay hoostooda si lo raadiyo suuro galnimada in ay jiraan dad ku hoos jira halkaasi.

Madaxweyne Farmaajo oo ku dhawaaqay Sadex Maalmood oo Baroor-diiq Qaran ah oo ku aadan Qaraxyadii Argagixiso

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed cabdullaahi Farmaajo ayaa ku dhawaaqay sadex maalmood oo baroor diiq qaran ah oo ku aaddan musiibadii qaran ee ka dhalatay qaraxyadii argagixisada ahaa ee lala beegsaday goobo ganacsi oo ku yaalla isgooyska Soobbe iyo Laamiga Ceel Qalow ee magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha ayaa ka tacsiyeeyay dhammaan dadkii rayidka ahaa ee ku nafwaayey qaraxyadaas. Isaga oo Alle uga baryey in uu fadhigooda ka yeello Janada maadama ay ahaayeen dad rayid ah oo aan waxba galabsan kuna howlanaa nolashooda maalin laha ah.

“Weerarkaan waa musiibo qaran oo aan ku waynay muwaadiniin aan waxba galabsan. Sidaas darteed, waxa aan ku dhawaaqaaya sadex maalmood oo baroordiiq qaran ah, calankana hoos loo dhigo”

Madaxweyne Farmaajo waxa uu ugu baaqay dhammaan shacabka Soomaaliyeed in ay gurmad deg deg ah u fidiyaan dadkii dhibaatadu ka soo gaartay qaraxyadaan argagixiso gaar ahaan dadka dhaawaca ah ee jiifa Hosbitaalada.

“Qaraxyadaan waxaa lala bartilmaamsaday waddooyinka ugu mashquulka badan caasumadda, waxaa lagu beegay xilligii ugu saxmadda badnaa taas oo muujinaysa inta ay le egtahay cadaawadda ay u qabaan shacabka Soomaaliyeed, hadaba aan kaga guulaysanno midnimadeenna iyo wada jirkeena.”ayuu yiri Madaxweynuhu.

Madaxweyne Jamhuuriyadda ayaa ku amray laamaha ammaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya in ay jawaab cad ka keenaan qaraxaan isla markaasna ay kor u qaadaan howlgallada lagu xaqiijinaayo ammaanka muwaadiniinta.

Madaxweyne Farmaajo oo ku dhawaaqay Sadex Maalmood oo Baroor-diiq Qaran ah oo ku aadan Qaraxyadii Argagixiso

0

(Muqdisho, SONNA) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed cabdullaahi Farmaajo ayaa ku dhawaaqay sadex maalmood oo baroor diiq qaran ah oo ku aaddan musiibadii qaran ee ka dhalatay qaraxyadii argagixisada ahaa ee lala beegsaday goobo ganacsi oo ku yaalla isgooyska Soobbe iyo Laamiga Ceel Qalow ee magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha ayaa ka tacsiyeeyay dhammaan dadkii rayidka ahaa ee ku nafwaayey qaraxyadaas. Isaga oo Alle uga baryey in uu fadhigooda ka yeello Janada maadama ay ahaayeen dad rayid ah oo aan waxba galabsan kuna howlanaa nolashooda maalin laha ah.

“Weerarkaan waa musiibo qaran oo aan ku waynay muwaadiniin aan waxba galabsan. Sidaas darteed, waxa aan ku dhawaaqaaya sadex maalmood oo baroordiiq qaran ah, calankana hoos loo dhigo”

Madaxweyne Farmaajo waxa uu ugu baaqay dhammaan shacabka Soomaaliyeed in ay gurmad deg deg ah u fidiyaan dadkii dhibaatadu ka soo gaartay qaraxyadaan argagixiso gaar ahaan dadka dhaawaca ah ee jiifa Hosbitaalada.

“Qaraxyadaan waxaa lala bartilmaamsaday waddooyinka ugu mashquulka badan caasumadda, waxaa lagu beegay xilligii ugu saxmadda badnaa taas oo muujinaysa inta ay le egtahay cadaawadda ay u qabaan shacabka Soomaaliyeed, hadaba aan kaga guulaysanno midnimadeenna iyo wada jirkeena.”ayuu yiri Madaxweynuhu.

Madaxweyne Jamhuuriyadda ayaa ku amray laamaha ammaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya in ay jawaab cad ka keenaan qaraxaan isla markaasna ay kor u qaadaan howlgallada lagu xaqiijinaayo ammaanka muwaadiniinta. 

R/wasaare Kheyre oo ku baaqay in loo gurmado dadkii ku waxyeeloobay qaraxii galabta ka dhacay Muqdisho

0

Muqdisho (SONNA). Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Kheyre, ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray dadkii ku waxyeeloobay Qaraxii Galabta ka dhacay Isgooyska Zoobe ee Magaaladda Muqdisho.

R/wasaare kheyre, ayaa qaraxaasi ku tilmaamay mid Argagixisinimo, isagoo xusay in falkaan uu muujinayo Arxan darrada Nabad diidka Alshabaab, waxaana uu tilmaamay in dadkii ku dhintay iyo kuwii ku dhaawacmay ay ahaayeen shacab waxba aan galabsan.

Wasiirka Koowaad ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Xasan Cali kheyre, ayaa sheegay in Ciidamada amaanka iyo maamulka Gobolka banaadir ay gurmad baaxad leh ay u sameeyeen dadkii qaraxa ku waxyeeloobay, dadka soomaaliyeed ayuuna ugu baaqay in ay ka qeyb qaataan gurmadka socda.

Sidoo kale Wasiirka Amniga Qaranka, Wasiirka Warfaafinta, Guddoomiyaha Gobolka banaadir iyo masuuliyiin kale ayaa cambaareeyey qaraxa dadka badan ay ku waxyeeloobeen oo Argagixisada Alshabaab ay ka geeysteen galabta Magaaladda Muqdisho, iyagoo Ummadda Soomaaliyeed ugu baaqay in ay kaalin ka qaataan gurmadka loo fidinayo Dadka ay waxyeelada soo gaartay.

Qeybaha kala duwan ee Bulshadda, Waxgaradka iyo siyaasiyiinta Soomaaliyeed ayaa si isku ah u cambaareeyey qaraxan, iyaggoo  ku tilmaamay musiibo qaran oo muujineyso Arxan darada iyo xasuuqa Kooxda Argagixisada ah ee Alshabaab.

Faah faahin ka soo baxaysa qarixii Soobe

0

Dad aad u farabadan ayaa  ku geeriyooday sidoo kale waxaa jira dhawacyo badan kadib Qarax loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa oo ka dhacay isgoyska Soobe ee magaalada Muqdisho.

Si rasmi ah looma xaqiijin karo khasaaraha dhabta ah balse goob joogayaal iyo Laamaha Caafimaadka ayaa sheegaya in dad kabadan 30 qof ay ku dhinteen,kuwo kalena ay dhaawacmeen,meydad badan ayaa weli yaala goobtaasi,iyadoo la galay waqti habeen ah.

Waxaaa goobtaasi yaala gawaari aad u badan oo kuwa shacabka ah,kuwaasi oo uu qaraxaasi burburiyay,mashquul xoogan ayaa goobta ka taagan iyadoo ehelada dadkii halkaasi ku waxyeeloobay ay halkaasi dhooban yihiin.

Dadka dhaawacyada soo gaarey ayaa loo daabulay isbitaalada Magaalada Muqdisho waxaana soconaya howlo gurmad ah, dhismayaal badan ayaa ku burburay qaraxa,iyadoo la aaminsanyahay in ay jiraan dadbadan oo dhismayaasha ku hoosjira.

Mas’uuliyiintii goobtaasi tagtay ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqey in qofkasta uu ka qeyb qaato gurmadka.

Waxaa la arkayay mas’uuliyiin iyo shacab aad u farabadan kuwaasi oo gaaray goobtaasi,waxaana si wada jir ah looga qeyb qaadanayaa sidii loogu gurman lahaa dadka ku dhibaatoobay mashaqadaasi maanta dhacday.

Gaarigan oo noociisu yahay TM ayaa xiliga uu qarxayay waxaa eryanayay ciidamada Ammaanka kadib markii ay heleen xogta ku saabsan gaarigaasi qaraxa siday,sida uu xaqiijiyay taliska Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed.

Goobta gaarigaasi uu ku qarxay ayaa ah goob aad u mashquul badan,waxaana xiligaasi isticmaalayay gaadiidka dadweynaha iyo shacab kale oo ku mashquulsanaa howl maalmeedkooda.

Ciidamada NISA oo qarxiyay gaari Noha ah oo qarax siday

0

Muqdisho(SONNA) Ciidamada Ammaanka ayaa gacanta ku dhigay darawal waday gaari Noha ah oo qarax labaad siday,kaasi oo markii dambe ciidamada NISA ay qarxiyeen.

Gaariga Nohada ah oo waday qarax labaad oo maleeshiyaadka Shabaab ay doonayeen in shacabku ay ku dhibaateeyaan ayaa ciidamadu waxay ku qarxiyeen Degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho.

Falkani ayaa imaanaya waxyer un kadib markii argagixisada Shabaab ay gaari nuuca xamuulka ay ku qarxiyeen goob shacabku ay ku badnaayeen oo kutaal isgoyska Soobe ee magaalada Muqdisho.

Gaari nuuca Xamuulka ah oo ku qarxay isgoyska Soobe ee Muqdisho

0

Qaraxani oo ka dhashey gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa oo ka dhacay isgoyska Soobe ee magaalada Muqdisho ayaa geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Gaarigan oo noociisu yahay TM ayaa xiliga uu qarxayay waxaa eryanayay ciidamada Ammaanka kadib markii ay heleen xogta ku saabsan gaarigaasi qaraxa siday,sida uu xaqiijiyay taliska Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed, .

Macadda ilaa iyo haatan inta uu la egyahay khasaaraha ka dhashey qaraxaasi,balse waxaa soconayay gurmad loo fidinayo dadkii ku waxyeeloobay qaraxaasi.

Goobta gaarigaasi uu ku qarxay ayaa ah goob aad u mashquul badan,waxaana xiligaasi isticmaalayay gaadiidka dadweynaha iyo shacab kale oo ku mashquulsanaa howlmaalmeedkooda.