Home Blog Page 1516

Xildhibaanno soo dhaweeyay go’aanka Xukuumadda

0

Qaar ka mid ah mudanayaasha Golaha Shacabka ayaa soo dhaweeyay go’aankii Xukuumadda Federaalka ah ee shalay, kuwaasi oo tilmaamay in Xukuumadda ay ku saxantahay go’aanka ay qaadatay.

Xildhibaan Cabdullaahi Goodax Barre, Xildhibaan Daahir Amiin  Jeesow iyo Xildhibaanno kale oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa soo dhaweeyay go’aanka Xukuumadda, waxaana ay tilmaameen in Xukuumaddu ay mas’uul ka tahay amniga dalka.

Xildhibaannadan ayaa xusay in arrinta ay ku timid heshiis ay kala saxiixdeen labada dowladood, ayna muhiim tahay in la dhaqan geliyo waxyaabihii lagu heshiiyay.

Mudanayaasha ayaa tilmaamay in Dowladda Soomaaliya aysan raali ka noqon doonin in Jamhuuriyadeeda ay ku dhuumaleystaan dad dambiyo kala duwan ka soo galay dalalkooda.

Qalbi Dhagax… Qaranka iyo Dano siyaasadeed

0
Maalmahan waxay bulshada Soomaaliyeed aad u hadal hayaan arrinta Cabdikariin Qalbi Dhagax oo dhowaan loo dhiibay dowladda Ethiopia. Arrinta Qalbi Dhagax waxaa la siiyay xajmi ka weyn midka ay leedahay, waxaana la isku dayay in loo muujiyo khiyaano Qaranka laga galay.

Hadal haynta iyo hurinta arrinta Qalbi dhagax waxaa hormuud ka ah rag siyaasiyiin ah oo wada olole xoog leh oo loo fasiri karo iska hor keen shacabka iyo dowladdooda.

Aamusnaan usbuuc qaadatay  iyo rog rogid ka dib xukuumaddu shalay ayay hadashay oo diirka ka caddeysay sababihii ay Qalbi Dhagax u dhiibtay.

Waxayna sheegtay in Qalbi dhagax uu ka tirsanaa ONLF oo ah Jabhad dagaal kula jirta dowladda Ethiopia, isla markaana xiriir leh Alshabaab.

Heshiis Iskaashi Amni

Labada dal ee Soomaaliya iyo Ethiopia, waxay horay ugu heshiiyeen in ay iska kaashadaan la dagaallanka argagixisada iyo Jabhadaha hubeysan ee khatarta ku ah amniga labada dal.

Heshiiskan oo dhacay sanadklii 2016 waxaa dhanka Soomaaliya u saxiixay  Xildhibaan Mahad Salaad oo ahaa Wasiiru dowlihii hore ee Madaxtooyada Soomaaliya, halka dhanka Ethiopiana uu u saxiixay  danjire Shamsudiin Axmed.

Qodobka saddexaad ee heshiiskan ayaa dhigayay in labada dal galeen waxa uu dhigayaa in ay si buuxda isaga kaashadaan la dagaallanka iyo cirib tirka kooxaha xag-jirka ah sida Alshabaab iyo UBO oo ay Ethiopia u taqaan ONLF.

Waxaa muuqata in mas’uuliyiintii  heshiiskaas saxiixay qaarkood ay hadda aad uga soo horjeedaan fulintiisa. Heshiis kasta oo labo dal galaan waa in la fuliyaa.

Wasiirkii saxiixay heshiiskaas waxaa laga doonayaa in uu fulintiisa difaaco, mowqif kasta oo kaas ka duwan ee uu qaato waa mid aan laga aqbali Karin.

Markii la saxiixayay heshiiskan wasiirkii dowladda Soomaaliya matalayay wuu ka dheregsanaa in Alshabaab ay tahay koox argagixiso, sidoo kale wuu ogaa in UBO loola jeedo ONLF. Sidaas darteed bulshada iyo dadka wax gartaa kama gadanayaan isla mas’uulkii heshiiska saxiixay in uu iska bari yeelo ama uu fasiraad khaldan siiyo.

Dowladnimo iy Beelnimo

Curfiga diplomaasiyadda kuma jirto in beeli ay heshiis la gasho dal shisheeye. Sidaas oo kale wasiir xil qaran haya beeshiisa kuma matali karo heshiis lala galayo dal kale.

Sidaas darteed doodda ah in heshiiskii May 2016-dii uu saxiixay Wasiir Mahad Salaad uu ahaa mid uu beel ku matalayay waa mid aan xujo laga dhigan Karin.

Qodobka 102 ee dustuurka dalka ayaa qeexaya shaqada wasiirka, wasiir ku xigeenka iyo Wasiiru dowlaha  Hoos ka eeg.

In uu beel matalo isagoo qaranka xil u haya ama uu hadda ku doodo in uu beel matalayay ayaaba khalad kale ah

Mar haddii aan ogaannay nuxurka heshiiskii labada dal galeen. Mar haddii aan ogaannay in heshiisku uu la xiriiray Alshabaab iyo UBO oo loola jeedo ONLF. Mar haddii ay labada dal u saxiixeen labo mas’uul oo idman. Waxaa hubaal ah in labada dal looga baahan yahay fulinta wixii ay ku heshiiyeen.

Su’aasha isweydiinta leh ayaa ah maxaa keenay isla mas’uuliyiintii heshiiska saxiixay ay iska bari yeelaan ama ay fasiraad kale ka bixiyaan? Maxaase keenay inay  dowladda ku qaadaan olole dadka looga hor keenayo.

Jawaabtu waa sahlan tahay; waa xaqiijinta dan siyaasadeed. Waxaa doc khaldan loo duwayaa dareenka shacabka , si loo wiiqo dowladnimada.

Laakiin shacabka Soomaaliyeed way ka qaan gaarsan yihiin in marba niman dan lihi ku owr kacsadaan.

W.Q: Saadaq Xuseen Jeeri

 

 

Taliska militariga Mareykanka ee Africa”Sedex Al-Shabaab ah ayaan ku dilnay weerar ka dhacday Bay

0

Muqdisho(SONNA) Ilaa sedex katirsan Maleeshiyada Shabaab ayaa lagu dilay Weerar ay geysatay diyaarad Drone ah oo uu Mareykanku leeyahay oo ka dhacay meel ka mid ah gobolka sida ay sheegeen saraakiil katirsan Militariga Mareykanka.

Taliska Ciidamada Mareykanka ee Africa oo War ka soosaaray dhacdadaasi ayaa sheegay in weerarkaasi oo qorsheysnaa uu dhacay aroornimadii talaadada ahayd.

Afhayeen u hadlay AFRICOM, Anthony Falvo, ayaa u sheegay wakaaladda wararka Mareykanak ee( AP) in meesha la duqeeyey aysan ka ag dhaweyn dad rayid ah – wuxuuna sheegay in weli aysan heyn magacyada ragga ka tirsan Al-Shabaab ee ku dhintay iyo darajadooda.

Waxa uu sheegay in maleeshiyada la beegsaday ay halis ku hayeen ciidamada Soomaaliya iyo kuwa Midowga Africa ee gobolkaas ka howlgalaya kana dhowaa meesha ay duqeyntu ka dhacday.

Militariga Mareykanka Mareykanka ayaa fuliyay weeraro dhowr ah oo ka dhan ah Al-Shabaab tan iyo markii madaxweyne Donald Trump uu ansixiyay ballaarinta howlgallada Mareykanka ee Somalia ee ka dhanka ah Al-Shabaab kuwaasi oo lagu taageerayo Dowladda Soomaaliya.

Duufaan hor leh oo ku dhufatay Jasiiradda Puerto Rico oo Mareykanka hoostagta

0

Muqdisho(SONNA) Wakaaladda Mareykanka u qaabilsan dhanka saadaasha cimilada ayaa sheegay in Duufaanta Irma ay gaartay heerka ugu sareeya ee cabirka duufannada, taasi oo haatan lasheegay in ay  ku wajahantahay jasiiradaha Virgin,

Roobab xoogan oo dabeylo wata oo duufaataanta Duufaantan qeyb ka ah ayaa geystay burbur iyo saameyn xoogan oo dhanka korantada ah, iyo biyaha, waxaana Duufaantaasi la sheeegay in saacadiiba jarayso masaafo ah 295 km, jasiiradda Puerto Rico ee hoos timaada Maraykanka ayay duufaantaasi ku dhufatay.

Mas’uuliyiinta jasiiradaasi ayaa sheegay in dhowr maalmood ay dadka halkaa ku nool koronto la’aan noqon doonaan.

Madaxweynaha Dalka Mareykanka Donal Trump ayaa ku dhawaaqey xaalada deg deg ah oo lagu soo rogay goobihii ugu dambeeyey oo duufaantaasi ku dhufatay,waxaana soconaya dadaalo ku aadan sidii loogu gurman lahaa dadka duufaantu ay saameysay.

Dhanka kale Duufaanta Irma ayaa ugu horayn ku dhufatay waddanka labada jasiiradood ka kooban ee Antigua iyo Barbuda taasi oo qasaare naf iyo maalba geysatay.

Ra’iisul wasaaraha dalkaas, Gaston Brown ayaa sheegay in Irma ay waxyeelaysay boqolkiiba 95 dhismayaasha jasiiradahaasi, 1 qof ayaana lagu soo waramayaa in uu ku dhintay,

Kumanaan qoys oo kunool Jasiiraddaasi ayaa bilaabay in ay ka qaxaan guriyohooda,sida ay sheegeen mas’uuliyiinta Dalkaasi Antigua iyo Barbuda..

Magaalada Gaalkacyo ayaa lagu wadaa in lagu soo gaba gabeeyo shir amniga looga hadlayey oo u dhaxeeyey Maamulada Puntland iyo Galmudug.

0

Magaalada Gaalkacyo ayaa lagu wadaa in lagu soo gaba gabeeyo shir amniga looga hadlayey oo u dhaxeeyey Maamulada Puntland iyo Galmudug.

Shirkan ku saabsanaa arrimaha amniga ee Gobolka Mudug oo Gaalkacyo ka socday labadii cisho ee la soo dhaafay ayaa diiradda lagu saaray sidii bulshada gobolka ay uga wada qeyb qaadan lahaayeen sugidda amniga iyo ka hortagidda waxkasta oo abuuri kara colaad.

Shirka ayaa lagu wadaa in maanta laga soo saaro warmurtiyeed ku saabsan dhaqan galka waxyaabihii la isku raacay, iyadoo shirkan uu dabo sacdo heshiiski 22-kii  June labada dhinac ay kala saxiixdeen oo ka koobnaa todobo qodob, kaasi oo uu goob joog ka ahaa Wasiirka arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Juxa.

Taliska militariga Mareykanka ee Africa”Sedex Al-Shabaab ah ayaan ku dilnay weerar ka dhacday Bay

0

Ilaa sedex katirsan Maleeshiyada Shabaab ayaa lagu dilay Weerar ay geysatay diyaarad Drone ah oo uu Mareykanku leeyahay oo ka dhacay meel ka mid ah gobolka sida ay sheegeen saraakiil katirsan Militariga Mareykanka.

Taliska Ciidamada Mareykanka ee Africa oo War ka soosaaray dhacdadaasi ayaa sheegay in weerarkaasi oo qorsheysnaa uu dhacay aroornimadii talaadada ahayd.

Afhayeen u hadlay AFRICOM, Anthony Falvo, ayaa u sheegay wakaaladda wararka Mareykanak ee( AP) in meesha la duqeeyey aysan ka ag dhaweyn dad rayid ah – wuxuuna sheegay in weli aysan heyn magacyada ragga ka tirsan Al-Shabaab ee ku dhintay iyo darajadooda.

Waxa uu sheegay in maleeshiyada la beegsaday ay halis ku hayeen ciidamada Soomaaliya iyo kuwa Midowga Africa ee gobolkaas ka howlgalaya kana dhowaa meesha ay duqeyntu ka dhacday.

Militariga Mareykanka Mareykanka ayaa fuliyay weeraro dhowr ah oo ka dhan ah Al-Shabaab tan iyo markii madaxweyne Donald Trump uu ansixiyay ballaarinta howlgallada Mareykanka ee Somalia ee ka dhanka ah Al-Shabaab kuwaasi oo lagu taageerayo Dowladda Soomaaliya.

Wasaaradda Arrimaha Dastuurka oo qiimayn dhanka Maamulka iyo Maaliyadda lagu sameeynayo

0

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Dastuurka Mudane Maxamed Abuukar Zubeyr iyo dhamaan Agaasime Waaxeedyada ee Wasaaradda ayaa la kulmay Benson Mutiso oo ka socday hay’adda Baker Tilly Merali’s oo ah hay’ad ay UNDP u xilsaaratay in ay qiimayn ku sameeyso dhamaan hay’adaha dawladda iyada oo la ogaanayo awoodda hay’adaha dawladda ee dhanka tayada maamulka iyo shaqaalaha. Qiimeynta Wasaaradda lagu sameeynayo ayaa socon doonta 3 maalin.

Agaasimaha Guud oo warbixin siinayay Benson ayaa u sheegay in Wasaaradda ay soo martay marxalado kala duwan, iyada oo ka soo gudubtay heer aysan lahayn wax xafiisyo ah iyo shaqaale tayo leh, markaa oo ay ahayd waqtigii la kala gooyay Wasaaradda Dastuurka iyo Wasaaradda Cadaaladda ee horaantii 2015.

Barnaamijkan oo lagu magacaabo HACT Assessment ayaa sadax sano ka hor laga sameeyay dalka, waxaana hadda lagu ogaanayaa heerka ay gaarsiinsantahay awoodda maamul iyo shaqaale ee dawladda.

Ugu dambayn, Wasaaradda ayaa waqtigan waxaa laga dareemayaa in ay sameeysay horumar dhanka maamulka iyo shaqalaha kadib hawlo baaxad leh oo bilooyinkii la soo dhaafay ay ka fulisay dalka iyadoo salka u dhigtay nidaam ku dhisan hufnaan, daah-furnaan, iyo islaxisaabtan.

-DHAMAAD- 

Wasaaradda Arrimaha Dastuurka oo qiimayn dhanka Maamulka iyo Maaliyadda lagu sameeynayo

0

Muqdisho(SONNA) Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Dastuurka Mudane Maxamed Abuukar Zubeyr iyo dhamaan Agaasime Waaxeedyada ee Wasaaradda ayaa la kulmay Benson Mutiso oo ka socday hay’adda Baker Tilly Merali’s oo ah hay’ad ay UNDP u xilsaaratay in ay qiimayn ku sameeyso dhamaan hay’adaha dawladda iyada oo la ogaanayo awoodda hay’adaha dawladda ee dhanka tayada maamulka iyo shaqaalaha. Qiimeynta Wasaaradda lagu sameeynayo ayaa socon doonta 3 maalin.

Agaasimaha Guud oo warbixin siinayay Benson ayaa u sheegay in Wasaaradda ay soo martay marxalado kala duwan iyada oo ka soo gudabtay heer aysan lahayn wax xafiisyo ah iyo shaqaale tayo leh markaa oo ay ahayd waqtigii la kala gooyay Wasaaradda Dastuurka iyo Wasaaradda Cadaaladda ee horaantii 2015.

Barnaamijkan oo lagu magacaabo HACT Assessment ayaa sadax sano ka hor laga sameeyay dalka, waxaana hadda lagu ogaanayaa heerka ay gaarsiinsantahay awoodda maamul iyo shaqaale ee dawladda.

Ugu dambayn, Wasaaradda ayaa waqtigan waxaa laga dareemayaa in ay sameeysay horumar dhanka maamulka iyo shaqalaha kadib hawlo baaxad leh oo bilooyinkii la soo dhaafay ay ka fulisay dalka iyadoo salka u dhigtay nidaam ku dhisan hufnaan, daah-furnaan, iyo islaxisaabtan.

—–DHAMAAD—–

Saaxiibada beesha caalamka oo walaac ka muujiyay qorshah la sheegay in dowlad goboleed cusub laga sameynayo gobolka Hiiraan

0

Muqdisho, 6 September 2017 – Qaramada Midoobay, Midowga Afrika, Midowga Yurub, Urur-Goboleedka IGAD, Dowladaha Ethiopia, Talyaaniga, Sweden, Boqortooday Midowday ee Ingiriiska iyo Maraykanka ayaa si dhow ula socda arrimaha ka dhacaya HirShabelle ka dib markii Golaha Baarlamaanka Dowlad Goboleedku ku dhawaaqay inuu xilka ka xayuubiyay Madaxweyne Cali Cabdullaahi Cosoble 14kii bishii Agoosto.

Iyagoo garowsan in Md. Cosoble uu diiday hanaanka xil ka qaadidda, saaxibada Soomaaliya ee caalamka waxay dhammaan dhinacyada ugu baaqayaan inay sii wadaan dadaallada wax lagaga qabanayo arrintan muhimka ah iyadoo la raacayo hababka dastuuriga ah iyo kuwa sharciga ah ee u degsan, kana fogaadaan falalka wax u dhimi kara xoojinta hanaanka dhisidda dowlad goboleedyada.

Iyadoo la eegayo maalgashiga weyn ee dhanka siyaasadda iyo dhaqaalaha ee lagu bixiyay hanaanka dhisidda dowlad goboleedyada iyo dadaallada tayo dhiska ee hadda socda, saaxiibada caalamku waxay si gaar ah uga walaacsanyihiin iskudayga la sheegay in dowlad goboleed gooni ah lagu sameynayo gobolka Hiiraan.

Tallaabooyinka ay dhinacyadu iskood ugu dhawaaqaan oo aan asaas sharci lahayn, oo isla markaasna waxyeelleynaya dadaallada dhisidda dowlad goboleedyada iyo xasilinta ee hadda socda waxay keenayaan dhibaato waxayna abuurayaan welwel.

Saaxiibada caalamku waxay dhammaan dhinacyada ugu baaqayaan inay raacaan hanaanka sharci ee loo dejiyan in lagu dhaqmo, dastuurka HirShabelle iyo habraaca baarlamaanka ee u degsan. Saaxiibadu waxay ku adkeynayaan muhimadda ay leedahay in la ilaaliyo xasilloonida siyaasadeed ee lagama maarmaanka u ah in horumar dheeraad ah laga gaaro hanaanka dhisidda dowlad goboleedyada iyo sii xoojinta habka federaalka ka jira Soomaaliya.

Arday dhan 50 oo deeq waxbarasho ka helay Shiinaha oo la sagootiyey

0

Muqdisho(SONNA)-Waxaa maanta oo Arbaca ah xaflad sagootin ah loo sameeyey arday gaaraysa 50, oo deeq waxbarasho ka helashay dalka aan saaxiibka nahay ee Shiinaha,kuwaasi oo maalmaha na soo aadan u ambabixi doona waddankaasi.

Agaasimaha Guud ee Wasaaarada Waxbarashada Soomaaliya, Ismaciil Yusuf Cisman ayaa sheegay in ay deeqdani tahay tii 2-aad ee ay Wasaarada maamusho, si wanaagsana ay u maareeyeen.

“Deeqdan waxbarasha waxaa nasiib u helay arday ka kala socota maamulada dalka ka jira sida Somaliland, Puntland, Galmudug, Hirshabelle, K/galbeed, Jubbaland iyo gobalka Benadir, waxana ardada u sheegaya in qabiil aysan ku helin ee ay Somaliya ku heleen, ayna jiri karto arday ka mudnaa,balse iyaga nasiib  u helay, sidoo kale waxan u sheegayaa in daruufaha ay u adkaystaan waxna bartaan oo aysan khasaarin ama tahriib ku fekerin”, Agasime Cisman ayaa sidaa yiri.

Shirwac Ibrahim, agaasimaha waxda Asiya ee W/Arrimaha Dibbada ayaa sheegay in Shiinaha iyo Somaliya ay wadaagaan xiriir saaxiibtinimo oo fog soona bilawday 14 bishii December, 1960-kii, wuxuna intaasi ku daray in Somaliya ay kamid ahayd dawladihii doonayey in Shiinaha uu kamid noqdo Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay.

” Waa deeqdii uga badnayd ee Waxbarasho heer sare ah oo ka helno Shiinaha, dawlada kale baa jira balse waxbarashada sare Shiinaha ayaa uga horeeya, waxaa nahay laba dal oo saaxiib ah”, Shirwac ayaa sidaa yiri.

Qin Jian, Safiirka Shinaha uga fadhiya dalkeena Soomaaliya ayaa carabka ku adkeeyey in deeqaha waxbarasho ee ay siiyaan Soomaaliya laba laabi doonaan, isagoo xusay in ardada ay wax ku kala baran doonaan jaamacadaha waaweyn ee ku kala yaala magaalooyinka dalkaasi oo ay caasimada Beijing ku jirto.

Wasiirka Waxbarashada Dawladdda Federal-ka ah ee Soomaaliya, Mudane Cabdi Daahir Cisman ayaa uga mahad naqay dawlada Shiinaha yabooha waxbarasho, wuxuna ka codsaday in ay kordhiyaan deeqaha waxbarasho ee ay siiyaan Soomaaliya.

“Kuliyado Muhiim ah oo ay kamid tahay caafimaad-ka(Medicine), Engineeriyada, iyo Beeraha ayaa kamida waxa ay ardadan fursada u heleen, waxan kula dar-daarmayaa in ay ka faa’idaystaan, wixii ay bartaana ay beri dalkooda kula soo noqdaan”, Wasiirka  ayaa sidaas aradada kula taliyey.

Waxaa sidoo kale xaflada sagootinta ka hadlay ardada iyo waalidiinta oo dareen farxad leh ku soo dhaweeyey fursadan waxbarashada iyadoo mahad balaaran ay u jeediyeen dawladda Soomaaliya, sigaar ah wasaaradaha Waxbarshada iyo arrimaha dibbadda iyo dawlada Shiinaha oo ay deeqdani ka heleen.

42 arday ayaa dawlada maamushay halka, 8-deeda kalena ay ardada ku heleen qaab Online ah oo ay safaaradana u ogalaatay sida ay mas’uuliyiinta safaarada ka heshay Wakaaladda SONNA.

W/D: Maxamed Cisman Cabdi “Black Cobra”

Daawo Sawirada Xaflada sagootinta maanta

ama guji English www.sonna.so/en